Admiral Faarax Qare "Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda
ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37"
"... 12-mayl haddii aanaan diidi lahayn waxay noqon lahayd in riigagga
batroolka laga qodo Xamar dushiisa meel aad arkeysid haddii aad xeebta
istaagtid. Kalluunkii in laga dabto ayey noqon lahayd, qashinka in lagu
shubo ayey noqon lahayd, Arrintaasi mid la qaadan karo ma ahayn...." "arrrintaas
waa ka gariirnay, waxay noqotay ugu dambayntii in naloo soo jeediyo cudurdaar si
rasmi ah wasiiradii (gaashaandhigga ee Bariga Afrika) noogu soo jeediyaan,
qoraalkiina waa laga saaray 12-kii...." Faarax Qare
- Faafin: SomaliTalk.com | September 26, 2011
Admiral Faarax Qare oo BBC-da siiyey waraysi uu kaga hadlay Badda
Soomaaliyeed
Sidoo kale HALKAN ka dhegeyso/Akhri Waraysigii
SomaliChannelTV
Admiral Faarax Cumar Axmed, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa ka qayb
galay shirkii bartamahii bishan September 2011 lagu qabtay dalka Seychelles,
kaas oo looga hadlayey ammaanka gobolka Geeska Africa, ayna ka soo qayb galeen
Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha Ciidamada ee Dawladaha Geeska Africa
ee ku midoobey ururka loo yaqaan EASTERN AFRICA STANBDAY FORCE (EASF)*.

Barnaamijkii shirkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa khariidad iyo
warbixin khusaysa badda Soomaaliya oo uu Faarax Qare ku
tilmaamay mashruuc meel ka dhac ku ah qaranimada iyo hantida ma guuraanka ee
Ummadda Soomaaliyeed ay leedahay.
Haddaba markii uu shirka ka soo laabtay, ayaa Admiral Faarax Qare waxaa uu
waraysi siiyey Daa'ud Aweys oo BBCda u jooga Nairobi, 20 September 2011, waxaana
uu yiri:
"Waxaan ka mid ahaa taliyaashii (shirka ka qayb galay), warbixintii/report ay
soo gudbiyeen guddiga khubarada ee miiska la soo saaray markii aan akhriyey si
looga doodo oo loo ansixinno ayaa waxaa ii soo baxday in ajandada/qorshaha iyo
report-kaba ay ku jirto oo ay soo gudubtey guddigii farsamada in biyaha/badda
Soomaaliyeed lagu soo qaaday oo weliba map/khariidad loo sameeyey, map-kaasina
uu sheegayo in biyaha/badda Soomaaliyeed ay yihiin 12 mile, anaguna wixii ka
dambeeyey 1972 oo hadda laga joogo 40 sano, ayaan go'aansanay oo sharci ka
samaynay, sharcigaas oo la yiraahdo 37aad in biyaha/badda Soomaaliyeed ay yihiin
200 mayl-badeed oo u dhiganta 370 kiiloomitir."
Markii la weydiiyey: Intaas ka dib maxaad tallaabo ah oo aad qaadeen
haddii aad ahaydeen waftigii dalka Soomaaliya matalayey? waxa uu kaga jawaabey:
"Arrintii markaan arkay, oo arkay xad gudubka meesha ka muuqda oo lagu xad
gudbey xaquuqdeenii iyo xornimadeenii (Sovereignty) iyo qaranimadeenii, waxaan
qaatay go'aan degdeg ah, waxaana u jeediyey shirka u jeedshey saddex qodob:
Qodobka koowaad wuxuu ahaa: in la soo bandhigo qawaaniintii ay u cuskadeen,
wax alla iyo wixii ay cuskadeen oo Soomaaliya biyaheeda/baddu in ay yihiin 12
mile. Haddii la keeni waayo sharcigaas iyo wixii loo cuskaday oo caqli gal ah,
haddii la keeni waayo - LAMA KEENI DOONEE - in qodobkaas laga saaro
agendaha/qorshaha, lagana bixiyo buugga report-ka, iyo in cudurdaar rasmi ah
dalka Soomaaliya loo soo jeedsho."
Markii la weydiiyey haddii Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl,
oo xuduudkeedii hore loo dhaafi waayo, maxay Soomaaliya arrintaas ku waayi
kartaa, waxa uu Faarax Qare ku jawaabey:
"Soomaaliya waxaa ka ba'aaya, waxaan lahayn 200 mayl, bishii May 2009 waxaan
gudbisaney in aan leenahay 150 mayl oo kale (oo siyaado ah) oo ah Continental
Shelf, 350 mayl-badeed oo u dhiganta ku dhawaad 650 km ayaan badda ku
lahayn. Haddii maanta lagu soo koobo 12 mile, Soomaaliya xuquuqdii ay lahayd
waxay ka heleysaa boqolkiia 3.5%, waxaana markaas la duudsiinayaa boqolkiiba
96.5% xuquuqda ay lahayd. Marka dhibka weyn oo ka iman kara kaas weeye."
Waxana uu raaciyey "Tan labaad haddaan sii bayaamiyo, 12-kaas mayl haddii
aanaan diidi lahayn waxay noqon lahayd in riigagga batroolka laga qodo Xamar
dushiisa meel aad arkeysid haddii aad xeebta istaagtid, ileyn (markaas) biyahii
caalamiga nagama foga ayey noqon lahayd. Kalluunkii in laga dabto ayey noqon
lahayd, qashinka in lagu shubo ayey noqon lahayd, Arrintaasi marka arrin
la qaadan karo ma ahayn."
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri
"Tan kale Soomaaliya waxay ka sheeganaysey muddo hadda 30 sano ka badan in
khayraadkeedii badda in la qaatay. Waxay ka sheeganeysey in baddeeda wax lagu
qubo, oo qashin lagu qubo, meelaha lagu qubona waxay ahaayeen EEZ-ka,
marka waxaan aad uga xumaanay in dawladahaasi iyo caalamka intii kula talisayba
ay qayladii iyo dhibkii iyo dhibaatadii naga haysatey 30-kii sano oo tegey in ay
halmaameen, marka arrrintaas waa ka gariirnay, waxay noqotay ugu dambayntii in
naloo soo jeediyo cudurdaar si rasmi ah wasiiradu noogu soo jeediyaan meeshiina
waa laga saaray 12-kii."
Warbixin dheeraad ah ee shirkii Seychelles ka akhri
HALKAN
-- Waraysi Kale oo Faarax Qare siiyey Somalichannel
TV Ka dhegeyso Halka/Akhri
-- Prof. Ibbi oo Markii ugu horeysey Difaacay Badda
Soomaaliya, Islamarkaasna Dhalliil Kulul u jeediyey Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
Faafin: SomaliTalk.com | September 26, 2011
TIXRAAC:
*EASF
Dawladaha ku midoobey waxaa ka mid ah: Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia,
Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan, Uganda. Waxaana ururkan la asaasay 2004:
http://easfcom.org/HTML/About_Us.html
-- Lifaaqa 1aad: Khariidaddii (Map) xadgudubka ahaa
ee uu Taliayaha Ciidan Badda Soomaliyeed uu diidey in
shirka Seychelles la horkeeno. (Riix halkan)
-- Lifaaq 2aad: Warqaddii Admiral Faarax
Cumar Axmad u qoray Taliyayaasha Ciidammada Geeska Africa (ALL Chiefs of Defence Staff of
the Eastern Africa Region) (Riix halkan).
-- Lifaaqa 3aad: (Law No. 37 on the Territorial Sea
and Ports, of 10 September 1972... RIIX/GUJI).
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl
(mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM:
http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile:
http://en.wikipedia.org/wiki/Mile