SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Farmaajo oo Sheegay in Xilligii uu Ra'iisulwasaaraha u ahaa DFKMG ay joojiyeen Heshiiska Shirkadda Hallidayfinch, kaddib markay ogaadeen in aan dani ugu jirin dalka Soomaaliya...

"xitaa waxay (shirkaddaasi) isku dayeen in ay ii qabtaan ballan dalka Kuwait in aan tago bacdamaa ay xiriir la lahaayeen dawlada Kuwait... Laakiin bacdamaa aan aragnay in aan wax dan u ah ugu jirin dalka markaas meeshaas ayaan ku ku joojiney xiriirkii shirkaddaas..." Maxamed Farmaajo....

  • SomaliTalk.com | April 9, 2012

Ra'iisul Wasaarahii hore ee DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka hadlay heshiiska ay DFKMG la gashayshirkadda lagu magacaabo HallidayFinch ayaa si qayaxan u sheegay in shirkaddaasi ay xukuumaddiisii joojisey xiriirkeeda kaddib markii ay ogaadeen in aysan wax dani ah ugu jirin dalka Soomaaliya.

Farmaajo sidaas waxa uu ku sheegay waraysi uu April 9, 2012 siiyey Idaacadda Codka Maraykanka (VOA), waxana uu yiri shirkadaasi HallidayFinch "waa noo yimaadeen, maraas sida aan ku shaqaynaynay (arrintaasi) ma ahayn go'aan uu gaari karo ra'iisul wasaaraha, bacdamaa ay u dhowdahay dhanka iskaashiga caalamiga ah waxaan u dhiibey Cabdiweli oo markaas ahaa Wasiirka Iskaashiga iyo qorshaynta qaranka (oo hadda ah ra'iisul wasaaraha) iyo Madaxii Shaqaalaha ee xafiiskayga (Chief of Staff) Abuukar Cusmaan (Abuukar Baalle), islamarkaasna waxaa ogaa wasiirka Kalluumaysiga Maxamed Macallin oo isaguna fikarad kaqabey shirkaddaas, markii ay isla soo fiiriyeen runtii waxay igu soo celiyeen in uusan ahayn company (shirkad) wax lala wadi karo ama aysan dan ugu jirin dalka, meeshaas ayey ku ekaatay, meeshaas ayaana ku joojiney xiriirkoodiiba.

C/raxmaan Yabarow oo waraysaneyey Faraamo ayaa si uu uga xaqiijiyo in shirkaddaas xiriirkeeda ay joojiyeen xilligii uu ra'iisulwasaaraha u ahaa DFKMG waxa uu Farmaajo weydiiyey "markaad joogtey ayaa la joojiyey xiriirikoodii". Waxa uu Farmaajo ku jawaabey "Haa, markaan joogey ayaa la joojiyey xiriirkodii".

Maxamed Farmaajo waxa uu intaas raaciyey "xitaa waxay isku dayeen in ay ii qabtaan ballan dalka Kuwait in aan tago bacdamaa ay xiriir la lahaayeen dawlada Kuwait, markaas bacdamaa aan aragnay oo aan qaatay taladii Wasiirka (C/weli Gaas) iyo Chief of Staff-ka iyo wasiirka kalluumaysiga, ayna igu yiraahdeen waxani ma aha wax dan u ah dalka markaas meeshaas ayaan ku xirnay (ku joojiney), kaddib waxaa meeshii soo gashay arrintii siyaasadda ee ahayd Torneedada oo markaas annagii meesha ka soo baxnay, waxaa iigu soo xigta hadda oo aan VOA ka dhegeystey in shirkaddaasi ay soo noqotay, loona saxiixay in ay dalka ka shaqeeyaan, marka anigu intaas keliya ayaan ka leeyahay."

Xukuumadda FKMG ee ka dambeysey Farmaajo ayaa heshiis la gashay shirkaadda HallidayFinch, heshiiskaas oo ku saabsan in laysanka (ama shatiga) lagaga kalluumaysan karo xeebaha Soomaaliya ay shirkaddaasi bixin doonto iyo arrimo kale oo la xiriira in ay la dagaalami doonto burcad badeedda.

Waxaana heshiiskaas ku cad in Shirkaddaasi ay DFKMG heshiis kula gashay in ay qaadanayso boqolkiiba 30% dakhliga ka soo baxa Kalluumaysiga Soomaaliya iyo weliba boqolkiiba 2% dul socod ah.....

Ra'iisul Wasaarahah DFKMG C/weli Gaas weli kama hadlin arrinta shirkaddan iyo heshiiskaas..

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2012

Heshiiska DFKMG iyo Shirkadda HallidayFinch waxa uu shacabka Soomaaliyeed soo xasuusinayaa Heshiiskii TopCat

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: