SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Heshiis kasta oo xad gudub ku ah madax bannaanida Soomaaliya waa waxba kama jiraan xitaa haddii ay saxiixaan 100 wasiir.

                                                    War-saxaafadeed 08/04/2009 summad KXG/01/09

 Xibiga HANOOLAATO oo sharci darro ku tilmaamay Heshiiska Xuduudda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO ayuu waxba kama jiraan sharci darro ah ku tilmaamay heshiiska ka dhacay xarunta wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya ee wasiir ka socda xukuumadda Shiikh Shariif uu ku saxiixay heshiis caalami ah oo aanu kala tashan cidnaba.

 Warsaxaafadeedka xisbiga oo uu ku saxiixnaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga C/Weli Maxamuud Qurux waxa uu u qornaa sidatan:

Waxa ummadda Soomaaliyeed ee weli la il daran diiftii dagaalada sokeeye yaab iyo fajiciso ku noqday kaddib markii ay warbaahinta ka arkeen dhulkoodii oo intii hartay hortooda lagu qaadanayo. Haddii dhulkii hore ee Soomaaliyeed lagu qaatay saxiix gumeyste, waxa ayaan darro kale ah in maanta lagu qaato dhulka iyo badda Soomaaliyeed saxiix qof Soomaaliyeed. Sidaa darteed Xisbiga HANOOLAATO wuxu si adag uga soo horjeedaa dhaxal-wareejintaas lagu sameeyey baddeenna, taas oo aan u aragno daandaansi dhab ah oo ay waddo dowladda Kenya.

Heshiis kasta oo aan ka turjumayn rabitaanka iyo doonista shacabka Soomaaliyeed waa waxba kama jiraan, heshiis kasta oo xad gudub ku ah madax bannaanida Jamhuuriyadda Ummadda Soomaaliyeed isna waa waxba kama jiraan xitaa haddii ay saxiixaan 100 wasiir, xukuumaddan ku meel gaarka ah ee hadda jirtaana waaba ku meel gaar aan wax awood iyo sharci ah u lahayn in ay heshiis caalami ah gasho xiligan ku meel gaarka ah.  Sidaa darteed waxa aannu xukuummadda Kenya u jeedinaynaa in aanay waqti iskaga lumin heshiis beenaadyada saxeexoodu aanu dhaafi doonin warqadaha lagu qoro. Iyada oo xukuumaddan heshiiska saxeexday aanay haysan awood ay ku gasho heshiis caalami ah oo ay wax kaga beddesho xuduudaha Soomaaliya maaddaama ay tahay ku meel gaar xiligeedu yahay 2 sano.

 War saxaafadeedkiisaas xisbigu waxa kale oo uu ku cambaareeyey xukuummadda Shiikh Shariif oo uu ku tilmaamay in haddii aanay deg deg wax uga qaban oo aanay waxba kama jiraan ku tilmaamin heshiis beenaadkan ay buugga u geli doonto khiyaamo qaran oo lala xiriirin doono xukuumad ku sheegyadii soo maray Soomaaliya sida tii C/Laahi Yuusuf ee cadowga dalka ku soo hoggaamisay iyo tii Cali Mahdi ee dullaalka ka ahayd in geyiga Soomaaliyeed uu hoy u noqdo sunta haraadiga ah ee warshadaha yurub oo ah sun u kaydsan ubadkeenna iyo ubadka ay sii dhalaan.

Ugu dambayn warsaxaafadeedkaasi wuxu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay  meel kasta oo ay joogaan in ay ka gudbaan khilaafaadka dhexdooda ah isla markaasna heshiiyaan si looga hortago faragalinta  horornimada ah ee caalamku ku yahay dalka soomaaliyeed bad iyo birriba.

C/Weli Maxamuud Qurux

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga HANOOLAATO

 Wixii faahfaahin ah kala xiriir webka xisbiga oo ah

www.hanoolaato.org or email: hannoolaato@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS