Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Yurub
Ka: Jaaliyaadka
Soomaaliyeed ee ku nool Yurub
Ku: Hay'adda culimada, Bulshaoweynta Soomaaliyeed, Aqoonyahaniinta,
Ururrada Islaamiga ah, Golaha wakiillada DFKMG, Golaha xukuumadda DFKMG,
Madaxweynaha DFKM, Dalalka Yurub gar ahaan Norway.
Annagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool waddamada yurub wada tashi
iyo iska xog wareysi ku saabsan marxaladda adag ee dalku marayo kadib,
waxaa noo muuqatay in aan soo saarno bayaankan ku wajahan dhammaan
qeybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadaha ku
kala maqan.
Walaalayaal sida aynu wada ogsoon nahay ilaa iyo labaatan sano ku
dhowaad waxaa nasiib darro iyo talo xumo teenna ah, ku maqan
qarannimadeennii, iyadoo booskeediina ay galeen walxo aanan badiil ka
noqon Karin sida; qabaa’il xintamaya oo galay booski qarannimada &
ummadnimada, goboleysi galay booskii dalka, kala daadsanaan gashay
booski midnimada & isku duubnida, arrimahaas ayaa waxay soo jiiteen
faragalin, isku halleyn & ku tiirsanaan shisheeye aanan dooneyn inay
soomaaliyi mar kale cagaheeda isku taagto. Arimahaas & kuwo kale oo is
biirsaday, muddo dheerna soo jiitamayay waxay sababeen annagoo ku
ceebeysan inaan soo ceshan weynay qaranimadeenni iyo sharafkeenni
ummadeed.
Dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee laga dhaxlay intii aynu ku jirnay is
dhex yaaca & kala daadsanaanta waxaa tusaale ahaan laga xusi karaa:-
B) Burbrur baahsan oo ku yimid guud ahaan dalka, gaar ahaan ilihii
wax soo saarka dalka iyadoo la baabi’iyay gabi ahaan kaabayaashii
dhaqaalaha.
T) Dalkii oo lagu aasay sumo halis ku ah jiritaanka noolaha kuwaas oo
isugu jira walxaha kiimikada ah iyo haraadiga hubabka halista ah ee ay
sameeyaan dalalka horumaray, kuwaas oo berriga iyo baddaba ay ku aaseen
shirkado maafiya ah oo ogolaansho ka helay shakhsiyaad nala wata magaca
Soomaali.
J) Waxaa ogolaansho aan sharci aheyn la siiyay sharikaad & maraakiib
shisheeye oo ka jillaabta baddeenna, kuwaas oo muddadaas dheer geystay
jariifid baahsan oo isugu jirta xayawaan badeed & khayraad kale oo ay
daabusheen xisaab la’aan.
X) Waxaa la xaalufiyay geyigii waxaana ka dhashay nabaad guur ku
yimid qeyb kamid ah keymihii xooluhu ku dhaqnaan jireen ugaadhuna ku
maadan jirtay, iyadoo keymahaas la dhuxuleystay loo dhoofshay dalal
shisheeye oo deris iyo kuwo durugsan isugu jira.
KH) Waxaa muddadaas dheer dalka ka socday xasuuq iyo gumaad aad u
daran oo ka dhashay dagaalladii ay isaga soo horjeedeen qabqablayaashii
ujeeddo la’aanta isu dirirayay, iyadoo dhibka ugu weyna uu had iyo goor
ku dhacayay shacabka aan waxba galabsan ee awood ay isku difaacaan & mid
ay ku baxsadaan toona aanan heysan.
D) Waxaa laga ganacsaday hilbihii culimada iyadoo waqtiyada qaar ay
wax caadi ah noqotay in, in-dheer garadka & dadka ummadda indhaha u ah
loo iib geeyo dalal shisheeye oo ay ugu horreeyaan Itoobiya iyo
Mareykan.
R) Waxaa iyana dalka la keenay quwado shisheeye oo dalka ka geystay
xasuuqii ugu ba’naa abid, iyagoo shacabka u geystay gumaad aad u baahsan
oo naf, maal & sharafba leh.
S) Dhibaatooyinkaas aan xusnay oo ka badan wax la tiring karo ayaa
waxaa dhowaan ku soo biiray, in DFKMG ah ay dhowaan muran gelisay
dhul-badeed ay Soomaaliya leedahay, iyadoo DFKMG ah dalka Kenya u
saxiixday heshiis (Memorandum of understanding) la mid ah kii ay 1967kii
Kenya ku xalaashatay gobolka NFD, dhul badeed ay baaxaddiisu dhan tahay
116.000km² , iyadoo aysan jirin sabab iyo maslaxad dhow ama dheer oo ku
baaqeysa in qeyb ka mid ah dalkii loo saxiixo dal kale, Haddii wax kasoo
xasilaanna, waxa kaliya ee kasoo baxaya uu yahay, dhibaato si isku mid
ah u saameysa faca maanta nool iyo jiilasha soo socda.
Annagoo ah jaaliyaadka Soomaaliyeed ee dalalka Yurub, waxaan u
aragnaa in heshiiskaasi yahay mid arax jabin ku ah danaha ummadda,
annagoo u aragna in sheshiiskani markuu ugu yaraado in uu yahay mid aan
laga fikirin, loo kitaab dayin, kuna dhacay khibrad la’aan, ka fiirsi
la’aan, ula laabasho la’aan hay’adaha leh ka go’aan qaadashada arrintan
iyo wax aan la hubsan oo la iska saxiixay, kaasoo haddaanan degdeg looga
daba tagin cawaaqib xumo ku keenaya mustaqbalka dhaqan dhaqaale ee dalka
iyo dadkaba.
Haddaba annagoo aad uga damqaneyna kana soo horjeedna guud ahaan
dhibaatooyinka tira-beelka ah ee isaga dambeeyay ummadda Soomaaliyeed
waxaan ku baaqeynaa:-
Baaq
- Inay Soomaali si wadajir ah Rabbi ugu towbad keento, Ilaahayna
ka tuugto in uu ka dulqaado musaa’ibtan ku dabada dheeraatay.
- Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay magaalada
Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa in ay dadaalkooda labalaabaan kana
gilgishaan dhibaatooyinka taagan gaar ahaan bixinta dhulbadeedka
Soomaaliyeed iyagoo ku darsanaya howl maalmeedkooda wanaag faris iyo
xumo reebis caddeynayana waxa sharciga Alle ka qabo arrintan.
- Waxaan ugu baaqeynaa golaha wakiillada (Baarlamaanka) in ay si
degdeg ah uga fariistaan bixinta dhul badeedka Soomaaliyeed, iskana
fogeeyaan kana soo horjeestaan heshiiskaas lagu hagardaameynayo
ummadda soomaaliyeed, haddii kale ay ku talagalaan in aamuskooda uu
ka dhigan yahay in ay godobta wax ka wadaagaan.
- Annagoo u mahad naqeyna xubnaha baarlamaanka iyo xukuumadda ee
mowqifka wanaagsan iska taagay arrintan waxaan sii adkeyneynaa in
dadaalkaas lasii wado annagoo ku baaqeyna; in haddii qeyb kamid ah
golaha wakiillada ay ka caga jiidaan wax ka qabashada arrintan in ay
inta kale mowqif cad oo wadajir ah iska taagaan, iskana bari yeelaan
gefkan taariikhiga ah xiriirna kala sameeyaan golaha qaramada
midoobay si aanan loo diiwaan gelin sheegashada Kenya ay ku dooneyso
qeyb dalkeenna ah.
- Waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda wasiirkeedu saxiixay heshiiskan
in ay ka qaataan mowqif sharafeed mideysan, kaas oo u qalma halista
heshiiskan ku yahay mustaqbalka dalka iyo dadka, haddii kale
mas’uuliyadda wax bay ku yeelanayaan.
- Madaxweynaha u dhaartay ilaalinta & daaficidda masaalixda
ummadda waxaan ugu baaqeynaa in uu meel cad iska taago mu’aamaradan
lagu milki guurinayo dhaxalka ajyaasha dambe, kana soo saaro go’aan
mas’uulnimo oo ummaddu gareysan karto.
- Waxaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dal iyo
dibad ugu baaqeynaa in ay fadhiga iskaga taagaan sidii loo baajin
lahaa dhulkaas Soomaaliyeed ee saxiixa qaldan ku baxaya, iyagoo si
midnimo leh u abbaaraya hey’adaha & dalalka faraha kula jira
arrintan,si aan uga badbaadno in xaqeenna aamusnaan lagu qaadan.
- Waxaan si gaar ah aqoonleyda, gaar ahaan culimada,
garyaqaannada, mutakhasisiinta aqoonta durugsan u leh cilmiga
badaha, siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka soo maamushay ugu
baaqeynaa in ay arrintan wax ka qabashadeeda ku bixiyaan dadaal
dheeri ah, si loo xiro albaabka damaca shisheeye, si aan dalka jumlo
iyo tafaariiq toona loogu qaadan.
- Walaalaha ku diriraya magaalada Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa in
ay khilaafaadkooda dhinac iska dhigaan kuna midoobaan diinta Alle
iyo danta ka dhaxeysa, xooggoodana u jiheeyaan sidii ay u dhicin
lahaayeen dhulkaas sida xaqdarrada ah la inooga qaadanayo. Waxaan
walaalaha is haya xasuusineynaa in daadinta dhiigga muslimku ay
xaaraam ku tahay kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. sidaas
aawadeed waxaan ugu nasexeynaynaa inay la yimaadaan Alle ka cabsi
iyo isu turitaan si loo badbaadiyo hambada ka hartay dhiigga
Soomaaliyeed ee aan daadin dambe u baahneyn.
- Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in la joojiyo dilalka qorsheysan
ee lagu bartilmaameedsanayo haldoorka ku jira bulshadeenna,
arrintaas oo si dadban ugu adeegeysa danaha cadowga Soomaaliyeed,
ahna godob sokeeye & musiibo saameynteeda xun leh.
- Si xal waara loo gaaro waxaan garabyada isku haya Muqdisho ugu
baaqeynaa in is af garan waagooda ay ku maareeyaan wadahadal,
maadaama diinta, dalka, danta iyo taladuba ay ka dhaxeyso, isuna
tanaasulaan.
- Dalalka EU-da & guud ahaan reer galbeedka gaar ahaan dalka
Norway waxaan ugu baaqeynaa in ay ka waantoobaan faragelinta ay ku
hayaan Soomaaliya, annagoo Norway ku boorrineyna inaysan xumeyn
xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Soomaaliya, xasuusineynana in
qeyb muwaadiniinteeda ka mid ah ay kasoo jeedaan Soomaaliya, kuwaas
oo ka qeybqaata horumarinta & tayeynta wax soo saarka dalkeeda,
aysanna ka mudneyn in ay Norway ugu abaal guddo in ay u dabamarto
dalkoodi hooyo iyadoo u gacan gelineysa dal markii horeba inaka
heystay dhul aanan wali laga heshiinin.
- Waxaan sidoo kale Soomaalida ugu baaqeynaa inay u midoobaan
sidii ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan looga saari lahaa dalka
sida ugu sahlan uguna dhibaato yar, kuwa hor lehna aanan la keenin,
maadaama aysan jirin cid ay ku kala dhex jiraan, xagna aysan dalka u
iman dan Soomaaliyeed, qeybna ka yihiin mushkiladii jirtay iyo tan
haatan taaganba, si ay suuragal u noqoto in Soomaali arrimaheeda
xallisato iyada oo aanan loo dhaxeyn.
- Waxaan cambaareyneynaa burcad badeedda jidgooyooyinka dhigtay
baddeenna ee dhibaatada aan yareyna ku haya socotada badda ku
safreysa, kuwaas oo magaca Soomaali meel ka dhac weyn ku sameeyay,
isla markaana si dadban dalka ugu casuumay quwado shisheeya oo
imaanshahooda ay ka dhalan karto khatar dheeri ka ah intii aan soo
sheegnay.
Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu naga dulqaado dhibaatada, quluubta
ummadda Soomaaliyeed iyo inta muslimiin ahna isu soo dumo.
Bayaankan waxaa lagala soo xiriiri karaa:
Inj. C/Qani Qorane Maxamed
abdiqanim@hotmail.com
Tel: +45-5130-8306/+447908102221
Garaad Ciise Soofe
Duran600@yahoo.com
Tel: +45-52530105
Magacyada saxiixayaasha bayaanka
- Dr. Maxamuud C/Raxmaan
- Inj. Axmed Jibriil Cabdi
- Xasan Xaaji Cilmi
- Abdisalaam Yusuf Xassan
- Isse Axmed Xuseen
- Cali Shire
- Cabdillaahi Geedi
- Jamaal Yuusuf Nuur
- Shariif Siyaad Ciye
- Sh. Cabdullaahi Maxamed Maxamuud
- Cabdillaahi Coscin
- Dr. Cabdillahi Siciid Qeylo
- Eng. Maxamuud Saalah
- Raage Axmed Maxamuud
- Maxamuud C/Raxmaan
- Barre Maxamed Fiidow
- Gaboobe Cali Hiirad
- C/Rashiid Diiriye Cali
- Axmed Ismaaciil Maxamed
- Garaad Ciise Garaad Soofe Duraan
- Daahir Cali Cigaal
- Faarax cali Biixi
- Liibaan Macallin
- Bile Yuusuf Cabdille
- Safiya Faarax Aadan
- Axmed maxamuud Cali
- C/Raxmaan Axmed maxamuud
- Sakariye Axmed maxamuud
- Suhayb Axmed Maxamuud
- C/Laahi Axmed Maxamuud
- Farxaan Gaboobe Cali
- Maxamed Gaboobe cali
- Cali Cabdi Yuusuf
- Maxamed Taraale Cali Nuur
- Axmed C/raxshiid Diiriye
- Yaxye C/Rashiid Diiriye
- Ayuub C/Rashiid Diiriye
- Maxamed Cali Sigad
- Sh. Xasan Barre Diiriye
- Bashiir C/Casiis Maxamed
- Maxamed C/Razaaq Maxamed
- C/Naasir Axmed Khaliif
- C/Raxmaan Maxamed Aadan
- M. Jaamac Faarax Xirsi
- Shirwac C/Laahi Aadan
- Siyaad Cabdi Balal
- C/Laahi Ciise Oog
- C/Razaaq M. C/Raxmaan Sanweyne
- Faadumo Maxamed Nuur
- Axmed Salaad Balal
- Maxamed Yuusuf Ciise
- Zakariye C/Laahi Aw-Jaamac
- Maxamed Yuusuf Aw-Jaamac
- Dr. Cabdi Faarax Cali (Taano)
- Inj. C/Fataax Cali Xirsi
- Sagal Maxamed faarax
- Nasra Maxamed Khaliif
- Maxamed xasan Warsame
- AVV. Axmed-Haadi Muxumad Axmed
- C/Kariim Xirsi Salaad
- Cand. Agro. C/laahi M. Xasan
- Inj. Maxamed Cali Cibaar
- Sh. Maxamed C/laahi C/Nuur (Casoowe)
- Imaam Rashiid Cabdi Guraa
- Maxamed Sheekh faarax
- Faarax Khaliif Xasan
- Siraad Xuseen Guuleed
- C/Laahi Axmed Jaamac
- Mahad C/Laahi Axmed
- Cumar Axmed Aadan
- Cismaan Xuseen Cali
- Cali Cabdi Maxamed
- C/Casiis Maxamed warsame
- Abuubakar Sheekh Jaliil
- Sh. C/Raxaan Axmed Cilmi (Abyad)
- C/Raxmaan Xuseen Cige
- Maxamuud Cali Ducaale
- Abdi Shire Cabdulle
- C/Raxmaan Maxamuud Faarax
- Ashkir Maxamed Weheliye
- C/Raxmaan Aadan Burburshe
- Cismaan Xuseen Ismaaciil
- Safiyo Muuse Maxamuud
- C/Fataax Barre Maxamed
- Maxamed Xaaji Maxamuud
- Sacdiyo Cali Xasan
- Faadumo Cali M’ed
- C/Rashiid Aadan Cumar
- C/Qani Barre Maxamed
- Sacdiyo Barre Maxamed
- C/Raxiim Ibraahim Aw-Salaad
- Ibraahim Jaamac Cali
- Inj. Cali Jaamac Xuseen
- Inj. Mustafa Jaamac
- Maxamuud Haybe Xasan
- C/Laahi Warsame Xasan
- Prof. C/Qaadir Cismaan Faarax
- C/Raxmaan Shaafici Khaliif
- Sahra Barre Maxamed
- Faarax Maxamuud Cabdi
- Liibaan Xasan Cali
- Asad Xasan
- Inj. C/Qani Qorane Maxamed
- C/Naciim C/naasir Galadh
- Amiir Cadbi Maxamed
- Cilmi Cali Abtidoon
- Maxamuud Maxamed Siciid
- C/Wali Baashi Xasan
- Yuusuf Ramiil
- Cali Cismaan Ciise
- Cimi Cabdi Cilmi
- C/Laahi Cilmi Xasan
- Cali Daahir Ugaas
- C/Rashiid Cali Geesood
- C/Laahi Maxamed Cumar
- Faysal Maxamed Cali
- C/Raxmaan Cali Xasan
- Faysal Maxamed Xirsi
- Abuubakar Jaamac
- Muuse Faarax Jaamac
- Axmed-Naasir M. Xasan Xirsi
- Dayib cali Aadan
- C/Laahi Aadan Ciid
- Xuseen Cali Kulmiye
- Nuurre Faarax Siidow
- Liibaan Maxamed Xaaji