SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) 

Inj. Maxamed C. Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com 


“Dhayal xaalkii gudubyoo 
Riyo laga dhursugo iyo 
Dhadhab looma baahnee 
Intaan DHAXALWAREEG iyo 
Dhib la mudan adduunyada 
Aakhirana dhinbilo naar 
Dheddig iyo labkiinnuba 
Dhallinyariyo waayeel 
Dhimashadu mar weeyee 
Shacbiyahow la dhaansado 
Diin baad ku dhalatee 
Xumaatada ka dhiidhiya!!” 
(Maansadii Dhalanteed, maarso 2004) 

Ereyada kor ku xusani waxay ka mid ahaayeen, maansadii Dhalanteed ee soo baxday bishii Maarso sanadkii 2004ta. Xilligaas waxaa xeradii Doofaarrey ee waddanka Kenya lagu shirinayay kooxo ay hormuud u ahaayeen qabqableyaashii dagaalku. Maansadu waxay si aad ah uga digeysay, cawaaqibxumada ka dhalan kartay haddii aysan dadka Soomaaliyeed dhaqso ugu baraarugin dhagartii lala maagganaa, aayahoodana ay ku aaminaan Itoobiya, Kenya iyo adeegeyaal ay iyagu soo aruursadeen. 

Nasiibdarro, shirqoolkii Doofaarrey shartii laga dhaxlay shaahid ayaa loo wada ahaa oo iskaga sheekeyn meyno. Waxaase maanta taagan arrin shiiqisay shiddooyinkii la soo maray shantii sono ee la soo dhaafay, taasoo ah shaxda cusub iyo sheegashooyinka  ay Kenya ku soo hunguriyaysay dhulbadeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu ay gaareyso 38000 km2 , sida ku cad cilmibaaris lagu kalsoonyahay oo ay sameysay Somalitalk.com

Sida ay qirteen qolooyinkii Soomaalida heshiiskaan hagardaamo u saxiixay, waxaa ayaan darro ah in sasabasho sooreysan ka dib , saddex saac gudahood ay Kenya u ogolaadeen in ay sheegan karto dhul- badeedka barwaaqadu ceegaagto ee aan bedkiisa kor ku soo xusnay, kaasoo ay horeyba  Kenya u qoondeysatay iney ku darsato dhulkeeda badda ah ee ay batroolka ka baareyso.   

Gabayga Dhaxalwareeg oo soo baxay 11 April 2009, wuxuu mar kale ka digaayaa khatarta cusub ee soo foodsaartay ummadda Soomaaliyeed. Haddaan shalay maqleynay dhul keenna ah oo uu gumeysigii Ingiriisku ku wareejiyay Kenya iyo Itoobiya, maanta waxaan u joognaa baddii Soomaaliyeed oo qaar ay soori-qaadday Soomaalina sheeganayaa ay horteenna ku saxiixayaan, Saatirku ha naga samatabixiyee. Haddaan horey uga maqalnay shaqsi mas’uul Soomaaliyeed sheeganaya in la baabi’inayo xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, hal baasaboorna la qaadanayo, maantana waxaan ka maqalnay mid kale oo mas’uuliyad sheeganaya in uusanba jirin xad u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya (dhinaca badda). Haddii arrinku uu sidaan ku sii socdana, berri waxaa dhici doonta iney soo baxaan dad ku doodaya in wax dhul Soomaaliyeed la yiraahdaba uusan jirin, sida maantaba ay qaar ugu doodayaan in ay wax Soomaali la yiraahdo aysan jirin. 

Inta ay goori goor tahay, waxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed oo ay waxgaradkeedu horkacayaan in ay dhacdadaan ka dhiidhiyaan, dhulkoodana ay difaacdaan. Waa in lagu baraarugsanaado haddii sheegashada tijaabada ah ee ay hadda  Kenya waddo ay meelmarto, in arrintaasi ay hordhac uu noqon doonto sheegashooyin iyo heshiis-dhagareedyo ka sii khatar badan kan hadda la wadwado, kuwaas oo lagu boobayo badda iyo berriga Soomaaliyeed, Rabbi ha na badbaadiyee. 

Waxaa amaan gaar ah mudan bahda Somalitalk.com oo boobka badaheenna lagu hayo nagu baraarujiyay, dadaal aan la qiyaasi karin oo nafhurnimo ahna  sameeyay. Cilmibaarista ay soo bandhigeen waa mid tusaale fiican u noqon karta doorka ay warbaahinta Soomaaliyeed ka qaadan karto waxkaqabashada halista soo foodsaartay ummaddooda.  

Gabayga Dhaxalwareeg, wuxuu ku halqabsanayaa tifaftiraha Somalitalk Inj. Maxamed Cali, oo aan si aad ah uga warhayo kaalinta lama illoobaanka ah ee ay isaga iyo saaxibadiisa howsha la wadaa ay uga jiraan halganka lagu badbaadinayo ummaddaan beylahan ee ba’a lala maagganyahay. 

Wuxuuna gabaygu ku bilaabanayaa: 

  1. Ilaahey dhureeyow Maxamed dhiirranow saaxib
  2. Dhacadiid adoo heli kariyo dhereg inaad jiifto
  3. Waxan aad la dhuudhuubatee gororin dhuuxaaga
  4. Dhaxantaad lugeyneyso iyo dhafarka kaa muuqda
  5. Dhididkaaga hooraaya iyo dheelmashiyo ciilka
  6. Dhambaallada ad noo soo qorteen dhaciyo duullaanka
  7. Dhaameelka qaar lagu hodoo dhunjin carruurtooda
  8. Iyo ruux ogaalkii dhinmoo dhimirku naafoobay
  9. Dheeldheel dabbaalkaa u qaba dhoohaniyo tuuge
  10. Qofkii dhuuniraac aan aheyn hubanti dhiillooye. 
     
  11. Ruux dhadhamo kaa qaaddayoo dheri un eegaaya
  12. Dhaqanxumida qaarkeed ninyahow waa dhaliil culuse
  13. Waa dhaawac iimaanka gala dhayidna loo hayne
  14. Bangiyada dhigaalkooda iyo dheeri lagu biirshay
  15. Haddii dheeman waxa dunida yaal dahabka loo dhiibo
  16. Dhururuqa miskiin yaabbanoo dhibbani uu haysto
  17. Dhiilaha agoontoy xadaan iyo dhar jeexjeexan
  18. Dhiitintey ka jecelyiin iney wax un dhag siiyaane
  19. Maatida kuwii dhuuqayiyo maxasta dhiiggeeda
  20. Ee dhamacda kulul quudan jiray dhuxulo qiiqaaya 
  21. Ciiddii markey dhoofiyeen oo dhir lagu diimay
  22. Waa kuwaa dhitadi keydsaneyd hoos u dhaadhacaye
  23. Baddeennii dharaarta cad miyaa shilin la dhaafsiistay? 
     
  24. Dhadhaabaha is fuulfuula iyo dhagaxa mooyaane
  25. Noolaha dhaqaaqiyo nafluhu weys dhageystaane
  26. Innagaase dhub ah oon maqleyn dhawaqa noo roone
  27. DHALANTEED markii aan tirshiyo maanso dhumuc weyn leh
  28. DHAKAFAAR-na aan raacshay iyo dhowr la miisaan ah
  29. Dha’leydaad walaalow ogeyd dhaanto ma aheyne
  30. Dhurwaa iyo markey noo tashade Dhidar na gaadaaya
  31. Oy dhimaneyaal shirinayeen wada dhareeraaya
  32. Dhunkaashii la qooshaayayee dheefta lagu sheegay
  33. Burcaddii la dhoodhoobayiyo dhismaha miineysan
  34. Dhakhaatiirta kuwii sheegan jiray dhagar maleeggooda
  35. Dhibishdhibishtii socotaan ka naxay oon la dheygagaye. 
     
  36. Afkoo dharaq leh indhahoo dhinbila iyo korkoo dhogor leh
  37. Wuxuu nacabku dhuudhuunto oo dhabarku muuqdaaba
  38. Dhangad iyo wixii uu ka baqo hanad dharbaaxyeeya
  39. Dhacantiyo wuxuu ooddayada dhinacyo joogjoogo
  40. Dhaadhaanno aaminay wuxuu dhaar u maro beena
  41. Ama uu basaas dhaansadoo dhuro sir noo taallay
  42. Dhuudhigiyo liitaha wuxuu dhakada saartaaba
  43. Danaheenna waxa uu dhabqiyoo nabadda dhiiqeeyo
  44. Colaadaha wuxuu laba is dhalay Suug isugu dhiibo
  45. Malaayiin markey dhimata oo dhoobo lagu aaso
  46. Waa tuu dhursugayee wuxuu qosol dhikhleeyaaba
  47. Dhambacaad asoo siqi wuxuu nagu dhowaadaaba
  48. Dhugashada markii uu hubsaday inan cid dhowreynin
  49. Dhilqe-kibir waa kaa soo dhacoo hororkii soo dhigaye
  50. Mar haddii dhulkeennii la yiri dhaqsada oo keena
  51. Haddey xaajadii dhii tagtoo DHAXAWAREEG Muuqdo
  52. Waa waajib inaan dhiidhinnoo wey dhanaantahaye
  53. Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise. 
     
  54. Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise
  55. Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise
  56. Dhiifoonaada  Soomaaliyey dheeshu waa halise.

-----------------------------------------------------------------

Dhamaad

Inj. Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS