Kenya oo Qarammada Midoobay u Gudbisatay Xogta Rasmiga ah ee Baddeeda: Badda
Soomaaliyana ka Goosatay 116,000km2
- SomaliTalk.com | May 6, 2009
Marka la xisaabiyo cabbirka badda ee Kenya u gudbsiay Qarammada
Midoobay, waxaa soo baxaya in Kenya ay cabbir ahaan gudaha u soo gashay
dhul-badeedka Soomaaliya oo bedkiisu ka badan yahay 116,000km2....
Dawladda Kenya ayaa Arbacadii (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay
(QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso
in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wada khariidado.
Qoraalka si rasmiga ah ee Kenya gudbisatay waxay ku caddaysay in xogtaas
gudbinteeda ay ka qayb qaateen Mr. Harald Brekke (oo ah reer Norway),
islamarkaasna ah laga soo bilaabo 1997 ilaa hadda xubin ka ah guddiga go'aanka
ka gaari doona xadaynta badaha adduunka. Waxa kale oo Kenya ka caawiyey gudbinta
akhbaartaas Dr. Karl Hinz, oo ah Jarmal, xubina ka ahaan jiray guddiga xadaynta
badaha intii u dhaxaysay 1997-2002.
Kenya waxa kale oo ay sheegtay in akhbaarta ay gudbisay ay sidoo kale ka qayb
qaateen: Xafiiska Madaxeynaha Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Xafiiska
Sharciga, Wasaaradda Deegaanka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Waxbarashada,
Sayniska iyo farsamada Casriga ah, Wasaaradda Dhulka, Hay'adda Kenya u qaabisan
Batroolka, Wasaaradda Tamarta iyo Jaamacadda Nairobi.
Waxa kale oo Kenya sheegtay in ay xogta diyaarinteeda ay ka caawiyeen
Xoghaynta guud ee Barwaaqa-sooranka Commonwealth ee London iyo UNEP
barnaamijkeeda qaabilsan qalfoofka qaaradda ee GRID-Arendal iyo Qarammada
Midoobay qaybta u qaabilsan Badaha iyo Sharciga.
Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in
baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso
Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul
saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka
badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania
waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976.
Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: "Labada dal
(Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum
of Understanding "MOU") markay taariikhdu ahayd 7dii April
2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la'aan (no-objection)
uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda
u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay.
Waxay meel kale oo Kenya ay qoraalkeeda ku sheegtay in xadka badda aagga
ganacsiga ee la kordhinayo fogaan xeebta ka durugsan 350 mayl badeed ee u
dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu marayo xarriiq ama khad aan laga heshiin.
Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa u calaamadsan
in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39'34.25"S, 47°20'38.46"E
), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga meel xeebta u jirta
ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu jirta dhul-badeedka
Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco xeerka badaha adduun
bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54'13"S, 46°24'55"E).
Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka Soomaaliyeed
halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay 116,000 km2.
Loolka iyo dhigaha |
Khariidada Kenya gudbisay ka eeg halkan
SomaliTalk Waxay isha ku haysay halka lagu daabaco xogta baddaha ee aaga la
kordhin doono ee Qarammada Midoobay, maanta (Arbaca) galinkii danbe ayaa boggaas
lagu soo daabacay xogta rasmiga ah ee Dowlada Kenya usoo gudbisay QM. Sida kor
ku xusan, Kenya waxay sheegtay cida ka qaybqaadatay diyaarinta xogtaas. Sidii
horay aan ugu ballan sanayn inaan idiin soo gudbino waxkasta oo ku soo kordha
Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliyeed, Inkiraada Dowlada Soomaaliya iyo
Walaaca iyo welwelka Aqoonyahanka iyo Shacabka Soomaaliyeed, faallo kooban oo ku
aadan saddexdaas arimood, ayaan ku eegi doonaa qoraalkan:
Sheegashada Kenya Qayb kamid ah Badda Soomaaliya
Sida Kenya shaacisay xogteeda rasmiga ah ee Qalfoofka Qaaradda Baddeeda (Continental
Shelf) waxaa kucad cabirkan aan soo aragnay in Kenya ay badda Soomaaliya ka
goosatay (116,000km2) - waa cabbir aad u wayn oo aad loola
yaabo, qofkastana uu is leeyahay macquul ma'ahan. Arintaasi waxay ku cadahay
xogta rasmiga ah ee Qarammada Midoobay maanta shaacisay. Waxaa laga yaabaa in
akhristuhu ku wareero akhbaartaan horay u siidaynay ee sheegaysay in Kenya
cabiratay (38,000km2). Xogahaan oo dhan ma'ahan kuwo isdiidan ee waa
xog laga soo xigtay dowlada Kenya Qoraalada rasmiga ah ee kasoo baxa (mid
hordhac ah, iyo mid rasmi ah). Qoraalkii
cilmi baarista waxaa
kamid ahaa in Kenya ay gudbisatay March 10, 2009
xog hordhac ah oo Badda Soomaaliya ay gashay (38,000 sq.km) xogtaasna uu ku
saxiixnaa Madaxwaynaha Dalka Kenya ee hada Mwai Kibaki , sidaas waxay ku
qornaynd waraaqdii Mwai Kibaki ku saxiixnaa ee aan soo aragnay. Sidoo kale
qoraalkaas waxaa lasocday in cilmi baaristu sheegtay qoraalka rasmiga ah ee
Dowlada Kenya markay soo gudbisato ayaa la ogaanayaa cabirka kama danbaysta ah
ee Kenya ay badda Soomaaliya ka cabbiranayso. Cabirkii Kama danbaynta ah ama
qoraalkii rasmiga ahaa wuxuu cadeeyey in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay
dhul-badeed ah (116,000km2) - Arrintaas waxaa lagu
soo koobi karaa oraahda ah : 38,000sq.km waxay ahayd tijaabo hordhac ah,
116,000sq.km waa rasmiga ay Kenya doonayso in loo sharciyeeyo.
Kenya waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho badda Soomaaliya. Si
ay arrintaas u qurxisna waxay tiri, sidoo kale badda Kenya waxay isdul fuulaan
badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka
heshiisyeen markii ay xog is dhaafsadeen 17 December 1975 iyo 9 July 1976.
Sidaas daraadeena Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda
laga soo bilaabo 1976. (Hadalkii ugu horeeyey ee C/shakuur waxaa kamid ahaa
Tanzania-na Kenya waa lasoo saxiixanaysaa asbuucan, hadana Kenya waxay leedahay
horaan uga heshiinay). Kenya ayaa doodeeda ku dhisaysa in baddeeda iyo
badda Soomaaliya isa soo dhexgalaan, taasna waxay ula jeedaa siday horay meelo
kale ugu sheegtay in marka laga hadlayo aaga la kordhinayo ee Qalfoofka Qaaradda
ay labadda dal cabirkoodu isku meel ku dhacayo, taasna waxaa keenay Kenya oo
cabirkeeda usoo qaloocisay dhinaca bari, halkii laga rabay in cabirkeedu maro
Koonfur Bari.
Sidoo kale Kenya doodeeda waxay ku dhisaysaa in kordhinta aaga
ganacsiga ee cusub uu marayo xuduud aan laga heshiin, aag lagu muran sanyahay.
Hadda su'aashu waxay tahay goormaa labada dal u dhexeeyey dhul-badeed lagu
muransanyahay ama goormaa Soomaaliya iyo Kenya xuduuda baddeeda isa soo
galaysay, maxayse kordhintii hore ee aaga ganacsiga 10kii December
1982 markii laga dhigayey (200nm) Murankan ujiri waayey ama xuduudu isu soo gali
waysay? Su'aalahan iyo kuwa kelaba gadaal ayaan ka faah faahin doonaa, ee marka
hore aan milicsano heshiiskan yaa Kenya ka caawiyey ama yaa ka qayb qaatay?.
Yaa kaqaybqaatay gudbinta Xogta ee Kenya.
Xogta gudbinteeda waxaa Kenya ka caawiyey laba xubnood aad u culculus kana
soo jeeda Dalka Norway iyo Jarmalka. Kenya waxay si rasmi ah warbixinteeda ku
caddaysay in xogtaan gudbinteeda ay ka qayb qaateen Mr. Harald Brekke (oo
ah reer Norway), islamarkaasna laga soo bilaabo 1997 ilaa hadda waxa uu xubin ka
yahay guddiga go'aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka. Waxa kale oo
Kenya ka caawiyey gudbinta aakhbaartaas Dr. Karl Hinz, oo ah Jarmal, xubina ka
ahaan jiray guddiga xadaynta badaha intii u dhaxaysay 1997-2002.
Xafladda saxiixa oo ka dhacday xarunta Wasaaradda
Arrimaha Dibadda (Kenya ee Nairobi) waxaa dadkii goob joogga ka ahaa ka
mid ahaa Amb. Longve Hans Wilhelm oo ah lataliyaha gaarka ah ee Norway
wasaaradeeda Arrimaha Dibadda iyo Ms. Rina Kristmoen oo ka socotay
Safaaradda Norway ee Nairobi. Sidoo kale waxaa goobta joogay Mr. Thuita
Mwangi oo ah Xoghaynta Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya,
Amb. Ben Ogutu oo ah Agaasimaha arrimaha siyaasadda iyo Mr. James
Kihwaga oo ah Madaxa Qaybta Shaqrica (Qaanuunka) Kenya.
Dhegeyso Mid kamid ah goobjoogayaashii saxiixa oo
Reer
Norway oo ka hadlaya Heshiiska
(Waraysi VOA, April 29, 2009)
|
Labadaan xubnood ee Kenya caawiyey waa xubno aqoon u leh xadaynta baddaha,
taas oo Kenya u sahlaysa inay xogteeda si fudud ugu gudbisato QM. Mr. Harald
Brekke wuxuu xubin ka yahay gudiga go'aanka ka gaaraya xogaha lasoo gudbiyo,
taasoo markale Kenya u sahlaysa in xogteeda si sahlan loo meel mariyo, maadaama
uu la diyaariyey Mr. Harald Brekke oo kmid ah gudiga ansixinaya. Waxaa
xusid mudan Mr. Harald Brekke uu magaciisu ku xusanyahay xogta Soomaaliya
gudbisatay isagoo ugu qoran inuu ka caawiyey. Sidoo kale waxaa xusid mudan in
xubno ka socday Norway iyo shirka Shidaalka baara oo Norway laga leeyahay ay
heshiiska goob joog ka ahaayeen ama ka qayb qaateen arrimahan.
Hadaba waxaa is waydiin leh: Maxaa Norway arintan lug wayn ugu leedahay?
Macada sababta keentay inay Norway arintan kaalin firfircoon ka ciyaarto,
waxaase muuqata laba-canlayn (ama waxa loo yaqaan conflict of interest)
ama dano gaara oo ay leedahay Norway oo qarsoon. Waxaase latuhun sanyahay in
Norway ay Kenya heshiis sahamin kula gashay in aagaas ay Soomaaliya ku qabsatay
hadii ay hesho ay shidaal kabaari doonto iyo wixii kale ee khayraad ah ee
kujira. Sidoo kale heshiiska waxaa Kenya ka caawiyey Dr. Karl Hinz oo ah
Jarmal kana mid ahaa mudo lix sano ah gudiga xadaynta baddaha, Karl laba
ariomood ayuu Kenya u faa'idaynayaa a) Isagoo katirsanaa gudiga xadaynta
xuduudaha badda QM gudiga u qaabilsan arintaas ay tixgalin doonaan talooyinkiisa
ama qoraalada magaciisu lasocdo. b) isagoo khibrad u leh arimaha xadaynta
baddada iyo Muran baddeedka taasoo Kenya doodeeda garwadeen fiican u noqonaysa.
Waxa kale oo Kenya sheegtay in ay xogta diyaarinteeda ka caawiyeen Xoghaynta
guud ee Barwaaqa-Sooranka Commonwealth ee London, Barnaamijka UNEP/GRID-Arendal
oo hoostagabarnaamijka UNEP ee Qalfoofka iyo Qarammada Midoobay qaybta u
qaabilsan Badaha iyo Sharciga. Halkana waxaan arkaynaa laba qaybood oo ka
caawiyey Kenya Arinteeda Commonwealth-ga iyo Hayada QM u qaabilsan Deegaanka.
Kenya waxa kale oo ay sheegtay in akhbaarta ay gudbisay ay sidoo kale ka qayb
qaateen: Xafiiska Madaxeynaha Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiiska
Sharciga, Wasaaradda Deegaanka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Waxbarashada,
Sayniska iyo farsamada Casriga ah, Wasaaradda Dhulka, Hay'adda Kenya u qaabisan
Batroolka, Wasaaradda Tamarta iyo Jaamacadda Nairobi. Hadaba akhristow laba goor
akhir muhiimada ay Kenya siisay sidii ay xogteeda u gudbisan lahayd iyo sidii ay
Soomaaliya dhul-badeedkeeda u boobi lahayd waxaa isugu tagay shan wasaaradood,
xafiiska Madaxwaynaha, xafiiska Sharciga iyo Jaamacada Nairobi, waxaa la oran
karaa waa kala bar Dowlada Kenya, waxay natusinaysaa arintani inaysan ahayn howl
sahlan Dowlada Kenya waxay saartay culays wayn, waxayna ku bixisay kharash
badan. Sidoo kale waxaad maanka ku haysaa in Kenya arintan ay kasoo shaqaynaysay
labaatan sano (20 sano) oo kasoo bilaabanaysa xiligii QM dalbatay in
lasoo gudbiyo xogta Qalfoofka Qaaradaha, iyo sanooyinkii dambe oo ay aad xoog u
saartay. Kenya waxay si bareer ah ugu tafa xaydatay inay xeelad ku qaadato badda
Soomaaliya, iyadoo horay ugu haysatay dhul iyo badd Soomaaliya leedahay oo
Ingiriiskii xoog ugu gooyey.
Inkiraadda DFKM
Dowlada shanta bilood jirta, waxay geed gaaban iyo mid dheer u fuushay siday
u inkiri lahayd xaqiiqo sida qoraxda ah, markii hore waxay tiri arinta xuduud
bad kuma saabsana, markii xigay waxay yiraahdeen waa qasab inaan heshiiskaan
saxiixno si Qaramadda midoobay xogtaya u aqbalaan, waxay kaloo yiraahdeen waxaa
dhacaya sharcigii badda oo aan cusboonaysiinaynaa, sidoo kale waxay sheegeen in
waqti kooban khuburo u sharxeen arinta oo u faah faahiyeen. Waxaan dhamaan ka
dharagsanahay in arimahaas oo dhan ay yihiin dood jaban, kuna dhisan is difaacid
indha la'aan ah. Waa inoo cadahay in arinta la isku afgartay ama heshiisku
kusaabsanaa ay tahay xuduuda badda, waxaa kaloo noocad in aysan shardi ahayn in
isfaham lagalo, arintaasna waxaan kusoo cadaynay qoraaladii hore in Yemen iyo
Jabuuti gudbisadeen ama gudbisanayaan iyagoo waxba nala saxiixan. Sidoo kale
waxaa kaloo noo cad in sharci dhacayaa uusan jirin ee kaliya loo baahnaa inaan
gudbino xogta baddeena wixii ka fog (200nm) si looga dhigo (350nm). Waxaa iyana
masuuliyad dara ah iyo dayicid Hanti Qaran in dhowr maalmood gudahood
arin noocaas ah lagu saxiixo ama dowlad sadex bilood jirtay arin intaa leeg ku
tilaabsato. Hadaan bar bardhigo inta ay ku qaadatay Kenya oo badda Soomaaliya
doonaysa in goosato arintan xooga iyo maskaxda ay isugu gaysan waxaa noosoo
baxaya xisaabta meesha ay ka khaldan tahay, waxaa isugu tagay todobo wasaaradood
iyo khuburo caalami ah iyo labaatan sano waqti ku dhow. Dhinaca DFKM sadex
bilood iyo hal wasaarad.
Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha oo saxaafadu waydiisay heshiiskan marar kala
duwan iyo meelo kala duwan, waxay ku jawaabayeen jawaabo isku mid ah labadooduba
waxay sadex goor ku celiyeen hal taako oo dhul ah ma bixinayno! iyo
hadaladaan kor kusoo aragnay ama kuxusan
bogga difaaca badda
Soomaaliya. Hadalkaas waxaa lagu qaldayaa mushtamaca Soomaaliyeed.
Raysal wasaaruhu wuxuu
gacantiisa ku gudbiyey qoraal uu u gudbiyey QM oo ku ogolaanayo in Xuduuda
badda ee Kenya iyo Soomaaliya muran ku jiro, wuxuu ogolaaday in badda
Soomaaliya ay Kenya muran galaso si ay hadhow ugu dooddo in ay qabsato, qoraalka
xeerkiisuna wuxuu ahaa sidan; XRW/0065/06/09 Muqdisho 8dii April
2009. Hadaba su'aashu waxay tahay bixinta u hartay maxaytahay? Waxaan
leenahay hadaan Dowladu si dhakhsa ah heshiiskaas u jabin ama baarlamaanku
diidin, waxaad bixiseen (116,000km2) oo dhul badeed Soomaaliyeed
ah.
Wasiirkii saxiixay heshiiska oo qiray in Kenaya Baddeena kusoo xadgudubtay,
hadal wasiirku idaacadaha kasiidaayey April 28, 2009 ayaa sidaan ahaa "iyo
qayb ay kusoo xad gudubtay dawladda Kenya."
Hadaba su'aashu waxay tahay wasiirka isagoo og in Kenya Badda Soomaaliyeed kusoo
xadgudubtay ayuu u saxiixay heshiiskii muran badeed, ogolaadayna in badiisa lagu
qabsado, muxuu hada kujawaabayaa haday Kenya shaacisay inay cabiratay (116,000
sq.km) Kenyana ay sheegtay inay Soomaaliya raali ka tahay in Kenya badd ay
leedahay Soomaaliya la jirto oo ay kasoo ceshanayso. Waqtigii inkiraada ee
Dowlada waa soo afjarmay, waxaa lagudboon inay xaqiiqada ku dhaqmaan, kuna
qancaan inuu fashilmay hindisahoodii qarsoonaa.
Heshiiskii Is af-garad
Kenya ayaa maanta u markhaati furtay aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka digayey
heshiiskan kuna tilmaamay mid hagar daamo ah ama lagu jilaafeeyey DFKM. Kenya
qoraalkeeda ayaa waxay si qeexan u sheegatay sidan: "Labada dal (Soomaaliya iyo
Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding
markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya dal kasta diidmo
la'aan (no-objection) ka imaanaysa kan kale in uu xogta cabbirka xadka
baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta
Badaha ee Qarammada Midoobay. Waxaa xusid mudan in Kenya xogtii ay gudbisay
aanay kulifaaqin MOU heshiiskii isfaham, halka Raysul wasaare Cumar C/rashiid
uu ku lifaaqay heshiiskii ay Kenya siday rabtay u qoray ee Soomaaliyana dhan
ka ah.
Nuxurka heshiiska ayaa ah in Dowlada Soomaaliya leedahay diidmo la'aan ayaan
u ogolahay Kenya dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ay sheegaynayso inaan kala
garramo. Taasoo furaysa daaqad aan horay u furay oo ah (in Kenya ay gudbisato
cabir cusub oo qeexaya badda Kenya ee cusub marka lagu daro 116,000sq.km) hadii
kale Kenya way ku adkaan lahayd in doodaas ay bilowdo hadaan Dowlada Soomaaliya
ee Shanta bilood jirta heshiis u saxiixin. Waxaad kaloo xasuusataa gudiga
xadaynta baddaha ee xogta loo gudbiyey kana garniqi doona waxaa ka mid ah Mr.
Harald Brekke oo uusan cadayn booskiisa uu arintan kaciyaarayo.
Khariidada Kenya u gudbisay QM, May 6, 2009
Kaalinta Baarlamaanka iyo Xaaladan Qaraar
Soomaaliya xiligan waxay leedahay Baarlamaan tiro badan (550 xubnood), sida
Dowlada oo kalena cusub kuna yimid xal raadin, dadbadana ay kamuujinayaan walaac
badan sida ay suura gal ugu tahay xaaladaha faraha badan ee haysta in waxyaabo
badan uu fuliyo, dhinaca kalena dad badan ayaa qaba rajo ah in maanta Soomaali
baddeeda u baxsan doonto Baarlamaanka oo heshiiskaas buruin doono. Si kastaba
xaalku ha ahaadee waxaa hubaal ah sharciyan in Baarlamaanku leeyahay awoodii
sharci ee uu ku diidi lahaa heshiiskan iyo kuwa lamidka ah. Waxaa muuqta mar
hore inbadan oo kamid ah Baarlamaanka inay ka hadleen heshiiskan oo diideen,
waxaa la filayey in baarlamaanka heshiiskan la hor keeno, dib ayaana loo dhigay
sabab rasmi ah oo cad iyadoon laga bixin, hadalo is khilaafsana kasoo baxayaan
masuuliyiinta Dowlada iyo Baarlamaanka, sida; Ammaan daraadiis iyo Farsamo
daraadeed.
Ummadda Soomaaliyeed waxay Baarlmaankaan kadalbanaysaa inay muujiyaan
wadaniyad, Soomaalinimo, Muslinimo iyo masuuliyad heshiiskana ka dhigaan waxba
kama jiraan (NULL and VOID), arintaas oo taariikhadana u gali doonta,
sababna u noqonaysa in markii lagaaro doorosho xaq ah cod lasiiyo. Hadii
Baarlamaanku gacan bidaxeeyo arintan waxay la taariikh noqon doonaan kuwoo
Itoobiyaanka Caasimada Keenay.
Walaaca iyo welwelka Aqoonyahanka iyo Shacabka Soomaaliyeed waa gar
Cilmi baaristii SomaliTalk.com kadib waxaa aad ugu kuur galay arinta la
xiriirta badda iyo sheegashada Kenya ee badda Soomaaliyeed, aqoon yahan
Soomaaliyeed oo kala duwan isuguna jira Qareeno sharciyada badda yaqaan,
Professoro Juquraafiga ku takhasusay, Injineero Cilmiyo badan oo kala duwan
bartay iyo khariidadaha, Culimo Awdiin diiniyan uga hadlay iyo Saxaafada oo waqti badan galisay
sidii ay si sahlan ugu sharixi lahayd. Dhamaantood waxay isku raaceen in
Dowladu khaldantahay heshiiskana lagu jilaafaynayo ayna noqon karto haday khalad
kaas ku adkaystaan mid cawaaqib xumo ku reeba ummada Soomaaliyeed waqti dheerna
qaata, dhaxal aan la mahadina uga taga Jiilasha soo koraya. Walaacii uu
muujinayey aqoonyahan ka Soomaaliyeed waxaa u markhaati furay xogta ay maanta
Kenya soo gudbisay oo ay ku caday inay ka goosatay badda Soomaaliyeed
(116,000km2) wadadii ay ku qaadan lahaydna ay u salaxan tahay. Baaqa kasoo yeerayaa Aqoonyahanka iyo Shacabka ayaa nuxurkiisu yahay heshiiska
Dowladu hajabiso khasaare ayaa kujira'e, hadii la waayo Baarlamaanku ha jabiyo,
Soomaaliyana hada yaan loo horseedin colaad hor leh oo aysan kabixi karin.
Ummadda Soomaaliyeed waxay cod dheer ku celcelinaysaa Heshiiska halaga baxo waa
hagardaamo'e, Soomaaliyana ha ku mashquusho sidii Dowlad rasmi ah loo heli
lahaa. Ugu Danbayntii Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba waa inay
difaacaan Qaranimadooda, Xoriyadooda iyo Baddooda. Dhamaan waa in la isu taagaa sidii
heshiiskaas loo burin lahaa baarlamaankana loogu qasbi lahaa inay heshiiskaas
tuuraan. Sidoo kale ummadda Soomaaliyeed dhamaanteed waxay ma'suul kayihiin
Difaaca Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda. SomaliTalk waxay u mahad celinaysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ka
qaybqaadanaysa difaaca Baddooda, gaar ahaan Saxaafada Soomaalida oo xil iska
saartay inay si wanaagsan u faafiyaan qoraalada la xiriirada difaaca badda.
Markale waxaan saxaafada Soomaalida ka codsanaynaa inay nala difaacaan badda
Soomaaliya qoraalkan iyo kuwa kale ee muhiimka ahna sii faafiyaan. Waxaan kaloo ogaysiinaynaa ummadda Soomaaliyeed inaan soo daabici doono
Heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha, cidii saxiixday, madaxdii xiligaas iyo hadaladoodii,
baarlamaankii xiligaas muxuu sameeyey, dowladahee ayaa ka qayb qaatay? maxaan ka
faa'iidnay? maxaan ku waynay? iyo is bar bardhig aan is barbar dhigi doono insha
allaah Heshiiskii is af-garad MOU ee CARUUSHA iyo Heshiiskii is af-garad MOU ee
Nairobi. Fadlan u tooghay waa faallo muhiim ah.
- FG: Bedka badda ee 116,000 sq.km si aan u xisaabino waxaan u
adeegsanayey xeerka saddex-xagalka ee "Archimedes" iyo xeerka loolka
iyo dhigaha ee 'Haversine' iyo cabbirka Kenya u gudbisay QM...
(eeg halkan).
- FG: Cabbirka 116,000 km2 waxa uu ku salaysan yahay halkii uu mari lahaa
cabbirka haddii la raaco xeerka badaha adduunka iyo xeerkii u dhignaa
dawladdii Soomaaliya, isla markaasna khadkii xadku ku socdey sidii uu u
socday loo sii wado ilaa meel xeebta ka durugsan 350 mayl badeed jihada
Koonfur-Bari.
FG: Axdiyadii Soomaaliya ee ugu horeeyey marka ay ka hadlayaan dhulka
Soomaaliya waxaa ku qornaa: "Dhulka Qaranka: Dhulka Qaranku waa muqadas,
waana laguma xadgudbaan. Gobannimada dhulka waxay koobeysaa berriga,
jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka uurkiisa hoose, hawada sare iyo
xeebalayda" sidaas waxaa dhigaya axdigii ugu horeeyey ee Soomaalida." Axdigii
Soomaalida
loogu soo sameeyey Kenya marka uu ka hadlayo dhulka Soomaaliya waxa uu u
qoran yahay sidan: "Dhulka: Wadajirka dhuleed iyo siyaaddada
Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xadgudbaan, lamana qaybin karo.. Siyaaddada
dhulka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay ka kooban tahay dhulka, jasiiradaha,
dhul-badeedka, gunta dhulka, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal."
FG: Muhiimadda aagga dhul-badeedka ku aadan RaasKambooni: Waxaa
aaggaas badda lagu tuhunsanyahay ceel uu ku jiro batrool. Sidoo kale Kenya waxay
qorshaynaysaa in webiga Tana River ay qaar kamid ah ka kirayso dawladda Qatar,
taas bedelkeeda magaalada Lamu looga dhiso deked weyn.. Arrimahaas waxay kuu
muujinayaan muhiimadda aagga badda Soomaaliyeed ee hadda muranka la galiyay.. (Tixraac
Halkan).
Xogta Kenya u gudbisay QM:
Halkan ka eeg: |
English |
KEN-ES-DOC-MAP 1 |
KEN-ES-DOC-MAP 2
______________________
Jawaab celin, Talo soojeedin iyo Faah faahin intaa dheer, fadlan lasoo xiriir:
www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | iyo | Xasan Dhooye |
webmaster@somalitalk.com ama
somalitalk@gmail.com | Waqooyiga
Ameerika.
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009 |