SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA

Kenya oo Kursi ku yeelatay Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka

  • Guddiga (IMO) ee Sharci Dejinta u kala gooshidda Badaha waxa uu hoos yimaadaa Qarammada Midoobay

Kenya ayaa loo doortay in ay xubin ka noqoto Guddiga Caalamiga ah ee sharci dejinta Socdaalka badaha adduunka ee loo yaqaan IMO (International Maritime Organization), arrintaasi waxay Kenya ka dhigeysaa in ay saamayn ku yeelato, oo door wayn ka ciyaarto go’aammada iyo sharciyada socdaalka badaha adduunka.

Sida ay sheegtay Jariidadda East African Standard, arrintani waxay Kenya ka dhigeysaa in ay xubin ka noqoto dalalka go’aammada ka gaara nidaamka caalamiga ah ee badaha lagu kala goosho (global maritime transport system), oo ay kamid yihiin dalalka ku horumaray wershedaha iyo badaha.

Kenya waxaa loo doortay in ay ka mid noqoto qaybta loo yaqaan C (category C) oo ka kooban 20 dal, oo hawshooda gaarka ah ay la xiriirto xagga safarada badaha iyo sida badaha loogu socdaalo (maritime transport / navigation). Arrintani waxay Kenya ka awood u siinaysaa in ay Guddiga IMO wakiil uga noqon karto arrimaha caalamiga ah ee daafaha adduunka (xagga badaha).

40 xubnood oo ku cusub Guddiga waxaa lagu doortay kulankii 26-aad ee kalfadhigii IMO oo lagu qabtay xarunta IMO ee magaalada London. Kalfadhigaas oo socdey intii u dhaxaysay November 23 ilaa December 4, 2009.

Tirada guud ee Guddiga IMO waa 169 xubnood, waana hay’ad hoos tagta Qarammada Midoobey (QM) taas oo hawlaheeda u khaaska ah ay la xiriiraan ammaanka iyo nabad galyada maraakiibta xamuulka ee maraya badaha iyo in ay ka hor tagto in ay badda wasakeeyaan maraakiibtu (marine pollution).

20-ka xunood oo ay Kenya ka mid noqoneyso waa: Australia, Bahamas, Belgium, Chile, Cyprus, Denmark, Egypt, Indonesia, Jamaica, Kenya, Malaysia, Malta, Mexico, Nigeria, Philippines, Saudi Arabia, Singapore, South Africa, Thailand, Turkey..

Kalfadhiga Guddiga Badaha adduunka waxa kale oo lagu doortay 20 dal oo kale oo xubno ka noqda guddiga laba-nad-laha ah ee 2010-2011.

Qaybta A (Category A) waxay ka kooban tahay 10 dal oo hawshooda gaarka ah ay tahay sidii ay u bixin lahaayeen adeegyada maraakiibta caalmiga ah (international shipping services). Dalalkaas waxaa ka mid ah: China, Greece, Italy, Japan, Norway, Panama, Republic of Korea, Russian Federation, United Kingdom, United States.

Qaybta B (Category B) oo ka kooban 10 dal oo hawshooda gaarka ah ay tahay mid la xiriirta ganacsiga maraya badaha (seaborne trade) waxaa ka mid ah: Argentina, Bangladesh, Brazil, Canada, France, Germany, India, the Netherlands, Spain, Sweden.

Guddigu waa haya’adda maamulka ee IMO, waxayna kalfadhiga masuul uga yihiin in ay kor kala socdaan hawlaha uu qabanayo ururka IMO.

Guddiga IMO ee ka kooban 169 xubnood waxay kalfaddhi yeeshaan labadii sanoba mar. Kalfadhigaas waxay ku ansixiyaan barnaamijyaad ururka, kharashka loo qoondeeyey iyo meeshka kharashka maalgelintiisu ka imanayo. Waxa kale oo ay doortaan xubnaha guddiga. 

Tixraac: http://www.imo.org/Newsroom/mainframe.asp?topic_id=1773&doc_id=12112
http://www.eastandard.net/

Faafin: SomaliTalk.com | December 10, 2009


Sheikh Shariif Sheikh Axmed”waxaa la idiin tababarayaa in aad Badda Soomaaliya ka difaacdaan kooxaha Burcad Badeedka”

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya ayaa la hadlay ciidammada Badda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday inay isku diyaariyaan sidii ay u difaaci lahaayeen Badda Soomaaliya ayna hortegi lahaayeen burcadbadeeda.waayadaan dhibaato ka wadey badda soomaaliya .

Madxweynaha DFKMG Soomaaliya ayaa Ciidanka badda ku Guubaabiyay inay difaacaan Badda Soomaaliya, wuxuuna canaan dusha kaga tuuray kooxaha burcadbadeeda ah oo uu sheegay inay yihiin kuwo dhibaatooyin ku haya maraakiibta ku safraya biyaha Somalia “waxay doonayaan Burcadbadeeda in ay iska horkeen beesha caalamka iyo dadka soomaaliyeed”.

Sheekh Shariif waxa uu ka hadlay sidoo kale Maraakiibta shisheeye ee Badaha Soomaaliya sida sharciga aan ahayn uga kalluumeysta, wuxuuna ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn, isagoo dusha ka saaray inay mas'uul ka yihiin sameysanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ah.

"Waxay ka mid yihiin ciidanka badda ciidamada xoogga dalka , waxaana la idinka doonayaa inaad dhexda u xirataan inaad ka hortagtaan khataraha ka jira badda Somalia" ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif.

Xafladda ayaa ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal, iyadoo aanay jirin wax qalalaase ah oo dhacay intii ay xafladdu socotay.

Madaxwaynaha DFKMG ayaa soo hadal qaaday Bannaanbixii ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee dadweynaha deegaanku uga cabanayeen markii dugsiga ibnu khuseyma calan ka taagnaa la dejiyey hase yeeshee qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbul Islaam ayaa sheegey in aad uga xun yihiin wixii dhacay iyagoo sheegey in ay baaritaan ku sameyn doonaan

Madaxwaynaha ayaa sheegay in tallaabada dadka degan Ceelasha biyaha uga dibad bexeen dhibaatada ay ku hayaan Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ay tahay mid wanaagsan oo muujinnaysa sida kooxahaasi ay cadow ugu yihiin wuxuu ugu yeerey danaha shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo kuwii ku dhintay Mudaaharaadkii shalay ka dhacay Ceelasha biyaha iyo weliba dadkii ku dhintay "Siyaaradii" Sheekh Xasan Macallin.

Dhanka kale madaxweynaha DFKMG ayaa maalmahaan waday booqashooyin uu ku taagayay Xeryaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku dhiirri galinayay in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

W?D Amiin Yuusuf Khasaaro
E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2009

BAARID | SEARCH


TVCodadka iyo Video Ku Saabsan Heshiiska Is-Afgarad ee Ku Saabsan Badda ee Dhex maray DFKMG iyo Kenya....


boqoreKulankii Golaha Baarlamaanka KMG ee Looga Hadli Lahaa Arrimaha Heshiiskii Badda oo "Koronto La'aan u Baaqday"
Sidaas waxaa SomaliTalk.com u sheegay Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG ah, Cismaan Cilmi Boqore....
Akhri... June 15, 2009


aadan

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu Ku Saabsan yahay Xadayn Badaha...
iyo in Isniinta June 15, 2009 uu Baarlamaanku ka doodi doono heshiiskaas..
Akhris/Dhegeysi


Walad Cabdalla oo sheegay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay... waa akhbaartii hore loo sheegay in uu isagu bilowgeeda lahaa... iyo in shirkadda batroolka Norway ay..
Video/Akhris


Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...: Admiral Faarax Qare oo Sheegay in Bedka Badda Soomaaliya yahay 2,000,000 km2, Xuduudda Baddeenuna ay Caddahay....
Akhri/Daawo


aadan

Sh. Aaden Madoobe oo Sheegay in Baarlamaanka DFKMG yeelan doono kulan ku saabsan Heshiiska is-afgarad
"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in xildhibaanno ay mooshin ka keeneen in laga hadlo is af garadkii dhawaan dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya" waraysi uu siiyey Yuusuf Garaad....
Dhegeyso ama soo rogo (mp3)


Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
"Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa," Prof. Ibbi Akhri/Daawo...


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri