SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Ma Kenya Baa Xaqeennii Badda Noogu Maqan

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Allaha dagaalo dowladda Shariifka hadday aqoon xumo ka tahay. Hadday ogyihiin waxa saxiixu salka ku hayana ka sii  daran. Xaddiiskii Abuu Daa’uudku qoray waa tii ninkii dakharku ku yaal ee isku jinoobay markuu weydiiyey in qubeys laga rabo waa tii saxaabadii qaar dhaheen waa kugu khasab inaad qubeysto dabadeedna ninkii inta qubeystay sidaas ku dhintay. Nabiga (SCW) markii loo sheegayna wuxuu yiri: wey dileen, Allaha dagaalee; mey weydiiyaan haddaysan garanayn. Daawada jahligu waa inaad weydiiso cid taqaan. Xaddiis micnahiisu saas oo kale yahay.

Macluumadaas arrintaas ku saabsan oo bogga Somalitalk diyaariyey baa dhowr maalmood ka hor ku jiray boggaga internetka intii aan C/Raxmaan C/Shakuur la saxiixan wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya. Waxaad mooddaa in dadkii Soomaaliyeed duunyo yahay markaad fiiriso sida dowladdaasi saxaafadda uga hadleyso. Cumar C/Rashiid, Jangali iyo C/Raxmaan waxay isku raaceen in saxiixu uusan u dhicin sidoo loo fahmay! Run bey sheegeen haddii dowladda Kenya tahay shaqaale u shaqeeya dowladda Soomaaliyeed oo noo diyaariyey warqaddii soohdin-baddeedda Soomaaliya loogu kordhin lahaa kaddibna markey Kenya howshaas noo dhameysay tiri: taliye Shariifoow qof soo dirso kuu saxiixa arrintaas! Ma saas baa? Waddan kasta gooni baa looga rabaa inuu soo diyaaro halkii loo xadeyn lahaa. Sidaan maqaalkii hore ku sheegay waa tii qeybta 4-aad ee Sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka kaga hadlayaan xaddeynta Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ee u dhaxeeya waddamo iska soo horjeeda (sida Soomaaliya iyo Yemen oo kale) ama isku xiga (sida Soomaaliya iyo Kenya oo kale) wuxuu qodokiisa 74-aad oo ka kooban afar faqro qeexay arrimahaas. Faqrada seddexaad ayaa heshiiska ka hadlaysa. Tan afraadna waxay sheegaysa in haddii muran dhasho lagu kala baxayo wixii la saxiixay.

Sida Somalitalk sheegtay muran kama jiro Kenya iyo Tanzania dhexdooda marka heshiisku wuxuu ahaa in Kenya tusto Soomaaliya meesha loo xadeynayo ee u dhaxeysa labada dal. Kenya waxay waddo waxaa caddeeyey Somalitalk. Marka wasiirka iyo dowladda Soomaaliya maxay saxiixeen? Waa labo mid uun:

  1. Ineysan Kenya waxba tusin wasiirka oo ay ka saxiixatay wuxuusan fahmin. Waana saan filayo iney u dhacday arrintu. Waa khiyaano qaran laakiin jahli buu ku galay laakiin waxay la mid tahay isagoo og maaddaama uusan cidna la tashan.
  1. In loo caddeeyey oo iyagoo og ay kas u saxiixeen. Taasna waa ka sii daran tahay.

WALLAAHI shacabka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah markaad u dhabbogashid waxaan soo xasuustaa sheekho Juxa laga sheego. Sheekada waxaa cinwaan u ah: ma kuwaas baa dad ah!

Juxo oo inta dameerkiisii sii daayey suu u daaqo dabadeedna jid dadku marayey la fariistay inuu wax ku cuno. Nin baa ku yiri: war Juxaa maxaa ku daaray? Ma adoo sharaftaas leh baa dadkoo dhinacyada kaa marayey dariiqa wax ku dhexcuneysaa? Juxa wuxuu yiri: dadkee? Ninkii baa yiri: dadka iyagoo koox kooxa dhinacyada kaa maraya? Juxaa wuxuu yiri: waxaan dad maahee waa lo’. Juxa wuxuu yiri: doqonkii waa diiday waxaan ku lahaa waxaana ka baqay in dadka meesha maraya na maqlaan oo sheekada nagu darsadaan ileyn binu Aadamku waa iska jecelyahay in wuxuusan shaqo ku lahayn iska dhex dabaashee. Juxa wuxuu ninkiika codsaday inuu waxyar u sugo. Wuxuu liqay wixii afkiisa ku jiray. Juxa inta istaagay oo dadkii u dhawaaqay buu yiri: kaalaya waa idin wacdinayaaye dabadeedna iyagoo tiro badan bay afarta gees dariiqii ka xireen. Wuxuu wacdigii ku bilaabay sidan:

Wuxuu yiri: binu Aadamoow waxaad tihiin xoolo; bal waad ka baadiyeysan tihiin (waa wixii gaalada lagu sheegay buu iyagii ku leeyahay). Wuxuu yiri waxaad tihiin xaabada Jahannamo maalinta Qiyaamaha.Wuxuu yiri dadkii meesha isagu yimid mid la arko waxaa soo dhaaftay ilmo oo dhabbannadiisa qoysay! Madaxayna laadlaadiyeen iyagoo murugeysan. Wuxuu yiri waxaas oo kalaan ku harqiyey. Wuxuu kaloo yiri waxaan ku dul akhriyey akhbaaraadkii ummadihii la halaagay. Wuxuu yiri markaan ku dhameeyey wixii madaxeyga ku jiray oo dhan baan ku iri:

waxaa la soo arooriyey qofkii inta carrabkiisa soo baxsha taabsiiya sankiisa in loo dambi dhaafayo dambigiisii hore iyo kii dambaba.Wuxuu yiri ma jiro qof ka mid ah dadkii hadduu jirana wuxuu soo bixiyey carrabkiisa suu u gaarsiiyo sankiisa. Iyadoo qof kasta la rafanayo inuu ajarkaas helo oo la dagaalamayo si uu carrabka u gaarsiiyo sankiisa ayaan milicsaday saaxiibkey oo ku iri: doqonyahow ma dad baa meesha jooga mise lo’?

Ka warran hadday culumada Musaalixadu inta masaajid muxaadaro ku qabtaan dadka ku dhahaan: xaabadii cadaabtaad tihiin? Ma kula tahay in dadku ilmeyn lahaayeen mise waxay u qaadan lahaayeen in gaalo lagu sheegay? Akhbaarta ddkii hore waa in lagu cibroqaato laakiin maaha in nalaku dhaho iyagii baad tihiin. Waxaan uga danleeyahay ma filayo in qofkii dhegeysta sheekhada Cumar C/Rashiid, Jangali iyo C/Raxmaan C/Shakuur uu ka duwan yahay lo’. Marka sidii dadkii Juxa sheegay aan iska dhegeysanno wixii naloo sheegaba! Teeda kale ciddii wax raddin lahayd iyaga ma aha. Waxa laga rabo jawaabta waa Kenya. Haddii waxa Somalitalk qortay khalad yihiin cidda hadli lahayd waa Kenya. Marka waxaan saxaafadda Soomaaliya kula talin lahaa in aysan nimankaas maafiyada ah ama jaahiliinta, shacabka u gardaduubin. Marka hadday damiir leeyihiin oo la khiyaamay waa iney iscasilaan. Haddii ay kas u yeeleen haddee waa niman u soo tafoxeytay iney dhulka Soomaaliyeed gataan. Niman aan ogahayna waxaa laga dhigay wasiirro ku saabsan dhaqaale iyo maaliyad.

Sida Xaddiiska aan ku bilaabay wasiirku wuxuu la mid yahay ninkii saxaabigii dakhranaa ku yiri qubeyso oo saas ku dhintay. Marka ummadii intaas oo sano dagaalka ku jirtay ninka saxiixay si baddeedii loo sii boobo waa saasoo kale. Marka maaddaama C/Raxmaan UK ka tagay waa inuu iscasilaa. Haddii kale shacabku waxay ku baraarugi doonaan Kenya oo u dabaaldageysa soohdinteeda cusub. Hadhow Kenya waxay oraneysaa dowlad Soomaaliyaad baa noo saxiixday. Marka saxiixaas hadda dowladdu hadalkiisa damineyso halkaas buu joogaa.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

Sawaaxilaga oo Raba Sidii Saancaddihii iney Soohdimo Cusub noo Sameeyaan - C/waaxid Khaliif

Ma Salaaddii Roobdoontaa Nagu Fillaan Weyday Markaasaan Soon ku Darsannay .. Akhri

som::DFKMG oo Kenya u saxiixday Heshiis ku saabsan Xadaynta Badda
::Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement
- Nairobi, April 7

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS