SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaan Cawed Axmed Cashara Oo Ku Eedeeyey Xukuumada C/weli Gaas Inay Sii Luminayso Xaduuda Badda Soomaaliya

  • "Toronto markii ay noogu yimaadeen Wasiirka iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaa la weydiiyey su'aal ku saabsan badda, ra'iisul Wasaarahu wuxuu ku jawaabey sida websiteka SomaliTalk in aanan sax ahayn ayuu ku jawaabey, dabeedna waxa uu yiri wasiirkayga ayaa ka jawaabaya, wasiirkiisu wuxuu ku jawaabey arrintaas 12 nautical miles ayaan leenahay oo aynaan waxba ka qaban karin, marka waxaa muuqata nin aan danaynayn 200 nautical miles iyo wixii kasii badan oo aynu xaq u leenahay in wax kala soo baxno," Xildhibaan Cashara.

Halkan ka dhegeyso Cawed Axmed Casharo (waraysi)

Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Toronto ee dalkasi Canada, October 1, 2011, ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo uu ku dhaliilayo sida ay xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Dr-C/weli Maxamed Cali Gaas ay uga hadashay arrinta Bada Soomaaliya ee lagu soo xad gudbay, islamarkaana ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaanka KMG ah inay intaan la gaarin 19-ka December 2011 kacaan (ka dibadbaxan), islamarkaana guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii loo badbaadsan lahaa xaduuda badda Soomaaliya. (Dhegeyso Waraysiga)

Waraysiga oo qoraal ah:

"Shirka jaraa'id ee aan ku qabanay magaalada Toronto, waxaan ka hadleynaa laba qodob. Qodobka ugu horreeya waxa weeye xadaynta badda Soomaaliya oo loo baahan yahay in laga jawaabo 19-ka December 2011. Arrintaas waxaa noo soo baxday xukuumadda joogta ee Soomaaliyeed in ay raaceyso xukuumaddii Sharmaarke, dariiqaas oo aan ahayn dariiq toosan, sidaas daraadeed waxaan ummadda Soomaaliyeed  u sheegeynaa in laga hawl galo arrintaas Badbaadinta Badweynta Qaranka Soomaaliyeed.

Halkan markii uu nagu soo maray Prime Minister-ku, wasiirkiisa distoorka ayaa ka jawaabey (arrimaha badda) oo waxa uu yiri: SomaliTalk waxa ay sheegayaan sax ma aha. Waxaa noo soo baxday SomaliTalk sax weeye, wasiirkii hore ee badaha oo hadda maanta (Oct 1, 2011) la hadlay VOA waxa uu sheegay xukuumaddii hore ay ahayd khalad Memorandum of Understanding (MOU) ay la gashay dawladaha qaarkood, baarlamaankuna uu ku saxsanaa in uu diido, sidaas darteed waxaan rajaynaynaa in ummadda Soomaaliyeed ay u kacdo siday baddooda u badbaadin lahaayeen inta aan la gaarin 19-ka December 2011.


The two U.S. diplomats, who specialize in the Middle East, were followed out of the chamber by diplomats from more than 30 countries. They included the 27 European Union members, Australia, New Zealand, Somalia, Liechtenstein, Monaco, San Marino and Macedonia, a U.N. diplomat said. Israel boycotted the speech.
Source: Associted Press (AP) - Thu, Sep 22, 2011.

Arrinta labaad ee aan shirka jaraa'id kaga hadalnay waxay ahayd arrinta ka soo baxday in ra'iisul wasaarahu ka baxay shirkii Qarammada midoobey markii uu hadlaayey madaxweynaha iiraan, uuna yiri anigu shirkaas waa joogey kamana bixin, hase ahaatee wakaaladda Associated Press ayaa waxay tebisey 22-kii September 2011 in ay ka baxeen. Haddii ay run ka tahay oo uu run ka sheegayo ra'iisul wasaaruhu waa in uu la hadlaa wakaalladii oo u qoraa in wakaalladii beenisaa, maxaa jira dhib weyn ayey u geysatey siyaasadda Soomaaliyeed arrinkaas ay wakaalladu sheegtay, oo ra'iisul wasaaruhuna uu beeninaayo, waa arrin u baahan xukuumadda Soomaaliyeed in ay tallaabo ka qaado, oo wakaalladii u qorto warqad, oo wakaalladii markaas dhulkii sheegay oo dhammi ay beeniyaan, haddii kale waxaa muuqanaysa in xukuumadda been ka sheegtay.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil"Halkan (Toronto) markii ay noogu yimaadeen Wasiirka (Dastuurka) iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaa la weydiiyey su'aal ku saabsan badda, ra'iisul Wasaarahu wuxuu ku jawaabey sida websiteka SomaliTalk in aanan sax ahayn ayuu ku jawaabey, dabeedna waxa uu yiri wasiirkayga ayaa ka jawaabaya, wasiirkiisu wuxuu ku jawaabey arrintaas 12 nautical miles ayaan leenahay oo aynaan waxba ka qaban karin, marka waxaa muuqata nin aan danaynayn 200 nautical miles iyo wixii kasii badan oo aynu xaq u leenahay in wax kala soo baxno."

Sidaas darteed markaan dhegeystey wasiirka, annaga waxay nagu kalliftay inaan dhawaaq muujino oo gudaha idiinku soo dirno oo dibad u dirno . Arrintaas aawadeed ayaan rabnaa in shacabku kacaan bisha December (19-keeda) ayaa hawlgalka la inka rabaa Inta ka horeysa Baarlamaan iyo Xukuumad iyo Dadweyne in aan iskaashanno weeye sidii aynu u badbaadsan lahayn baddeena, baddeena oo hadda wasakh lagu shubo, kalluunkeena la qaato, ayuu yiri Xildhibaan Cashara.

Markii la weydiiyey hadalkii uu yiri wasiirku, waxa Xildhibaan Cawed Cashara ku jawaabey: Wasiirku arrinta si fudud ayuu u yiri, si asagoo ay la fududahay isaga badda waxaan ka rabno, Wasiirka Distoorka iyo Federaalka, waxay ka soo horjeesteed Website-ka la yiraahdo SomaliTalk oo had iyo jeer si sax ah wax uga soo qora, arrintaasna uu hadda ku waafaqay wasiirkii hore oo meesha joogi jirey (kalluumaysiga), oo sheegay in ay Soomaalidu u dadaasho sidii ay baddeeda u badbaadsan lahayd isagoo caawa la hadlay VOA.

Qodobka kale oo Xildhibaan Cawed Axmed Cashara uu ka hadlay waxa uu ahaa in uu u mahad celiyey dawladahii gargaarka u fidiyey ummadda Soomaaliyeed, sida Turkiga, Qadar, Iiraan iyo dawladaha Muslimka ah ee carabta ah sida walaaltinimada ah ee niyadda san u kaalmeeyey Soomaaliya, xukuumaddana waxaan ku dhaliileynaa hawsheedii oo ay ka soo bixi weydey oo si fiican wax u qaybin weydey, oo ay dawladahaas la garab geliweydey meelkasta in cuntada la geeyo, waxaana ka codsanaynaa dhallinyarada la marin habaabiyey oo regions-ka hasta in ay u ogolaadaan cuntada iyo daawooyinku in ay ummadda Soomaaliyeed gaarto, xukuumaddana waxaan ku boorinaynaa nidaam fiican inay sameeyaan, una horseedaan ummadda Soomaaliyeed, kana hadlaan ummadda Soomaaliyeed oo badaha ku bakhtiyaaya iyo kuwa ku xiran Seychelles oo waa burcad badeedda lagu sheego, in ay ayagu sameeyaan nidaamkii lagu badbaadin lahaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan dhibaatada colaadda ka haysata iyo burburka ka taagan dibadda iyo kuwa ku jira jeelalka kala duwan ee aaduunka, in ay arrimahaas dawladdu isu taagto, xukuumada iyo tii hore toona midna kama hadlin mashaakilka ummadda Soomaaliyeed haysta oo ku faafasan, kuwa badda ku bakhtiyaaya, iyo kuwa jeelalka ku jira adduun weynaha oo lagu silcinaayo.

Baarlamaanaka KMG oo dooday Arrimaha badda (Oct 2) Dhegeyso - VOA

Dood Baarlamaanka Qayb kale oo kamid ah (oct 2) Dhegeyso - BBC

Halkan ka dhegeyso/Akhri waraysigii wasiirka Kalluumaysiga ee VOA

Warbixintii: Yaasiin faytin
yaasiinfaytin@gmail.com

SomaliChennelTV oo arrimaha xadaynta badda Soomaaliya ka waraystay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG (Oct 1, 2011)

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: