Aragtida Dadweynaha iyo Hamiga Cusub ee Qawleystayaasha Badda Soomaaliya
19-ka December 2011
"...haddii Badda loo sameeyo sharci cusub waxaa suurtagal noqonaya in la
baabi'iyo wixii xadgudub ahaa ee Badda
Soomaaliya laga galay..." Eng. Siidow Xasan Mahdi
"Waa in Maxkamad la soo taagaa kuwii Badda Soomaaliya
Barnaamijkeeda nagu furay 7-dii April 2009..." Xuseen Afrax Muuse
"... raggaasi marka ay soo galaan goobaha shirarka bilowda in si hoose la
iskula hadlo oo wax laga sheego qaarkoodna waxaaba loogu yeeraa 'Raggii Badda
iibsaday'...." Haweeyo Xuseen Cali
"...19-ka December 2011 waa maalin ummadda Soomaaliyeed wada sugeyso,
waxaana rajeynayaa in heshiiskaasi u fashilmi doono sida kuwii ka horeeyey..." Qaasim Cilmi Nuure
- Faafin: SomaliTalk.com | September 25, 2011
Iyadoo lagu wado in 19-ka Bisha December ee sanadkaan 2011 la qorsheynaya in
dib loo eegi doono sharciga Badda ee Soomaaliya ayaa waxaan aragtiyo kala duwan
ka soo uruurinay dadweynaha Magaalada Muqdisho sida ay u arkaan arrinta Badda
Soomaaliya, waxayna dadka aragtiyada kala duwan dhiibtay isugu jiraan
Culima'udiin, Aqoonyahano, Odoyaal, Dhallinyaro, Haween iyo waxgarad kale.
Eng. Siidow Xasan Mahdi oo ka mid ahaa Saraakiishii Wakaaladdii hawlaha
Maraakiiibta Soomaaliya ayaan wax ka weydiinay in dib loo xadeeyo Badda
Soomaaliya, isagoo arrintaan ka hadlaya wuxuu yiri "Badda Soomaaliya waxaa la
xadeeyey 1972-dii, waxaana haatan laga joogaa 40 sano, sharcigii xiligaas Badda
loo sameeyey maanta ma ahan in wax laga bedelo, waayo haddii qayb ka mid ah
Badda Soomaaliya la siiyo Kenya, waxaana berito iyana qayb dooneysa Itoobiy oo
aan Bad laheyn, marka waa in laga hortagaa arrintaasi". Eng Siidow ayaa intaa ku
daray "21-kii sano ee aan ku jirnay dagaalada sokeeye, Maraakiib shisheeye ayaa
si sharci daro ah ugu soo xadgudbay Badda Soomaaliya, waxayna ka heleen
dhaqaale aad u badan oo Bilyanis doolar gaaraya, haddii Badda loo sameeyo sharci
cusub waxaa suurtagal noqonaya in la baabi'iyo wixii xadgudub ahaa ee Badda
Soomaaliya laga galay".
Eng Siidow Xasan Mahdi wuxuu sidoo kale sheegay in 21-kii sano ee dowlad
la'aanta ka jirtay Soomaaliya badda lagu aasay haraadiga sunta hubka halista ah
taas oo ay waxyeelo ka soo gaartay shacabka Soomaaliyeed, dhibaatadaas baaxadda
weyn haddii aan maanta la xasaabtankeeda loo guntanin waxaa imaaneysa in
xadeynta cusub arrimahaasi meesha ka saarto, marka waxaan soo jeedinayaa in
badda Soomaaliya loo daayaa xadkii hore loo dhigay ee ahaa (200 Nautical Mile)
ama 350 Mile.
Xuseen Afrax Muuse oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa isna aragtiisa
ka dhiibtay 19-ka December 2011 oo lagu wado in xad cusub loo sameeyo Badda Soomaaliya
wuxuuna yiri "Waa in Maxkamad la soo taagaa kuwii Badda Soomaaliya
Barnaamijkeeda nagu furay 7-dii April 2009, kuwaas oo albaabada u furay in
Badda Soomaaliya la soo hunguriyeeyo, waana taariikh aysan dadka Soomaaliya
marnaba hilmaami doonin, marka anagoo wadajir ah waa in aan ka hor tagnaa in
badda Soomaaliya xad cusub loo sameeyo 19-ka December 2011" wuxuuna intaa ku daray
"Shacabka Soomaaliyeed waxay u fadhiyaan in Maxkamad la soo taago kuwa ku hawlan
in ay iibsadaan Badda Soomaaliya".
Haweeyo Xuseen Cali ayaa tiri "Markaan tago goobaha Munaasabadaha iyo Shirarka waxaan arkaa dad si hoose
iskula hadlaya, waxaana ogaaday in la xamanayo mas'uuliyiin xilal ka soo qabtay
Soomaaliya kuwaas oo lagu tiriyo in ay ahaayeen kuwii iridaha u furay heshiis
loogu yeeray Is Afgarad ku aadan Badda Soomaaliya oo dhex maray Soomaaliya iyo
Kenya, waxaana raggaasi marka ay soo galaan goobaha shirarka bilowda in si hoose
la iskula hadlo oo wax laga sheego qaarkoodna waxaaba loogu yeeraa "Raggii Badda
iibsaday".
Waxaadna ka garan kartaa in raggaasi ay Taariikh Madow reebeen taas
oo aan weligeed ka hari dooni in lagu tilmaamo in ay yihiin Qawleysatadii Badda"
ayay tiri Haweeyo Xuseen Cali oo intaa ku dartay "Soomaalida waxay tiraahdaa
Magac iyo Musiibo mar bay baxaan, hadda ka hor ayaa waxaa dhacday in col ku soo
duulo deegaan, dadkii deegaanka ayaa isaga baxsaday goobtii kuwaas oo u badnaa
Dhallinyaro iyo Gar Madowdii, colkii ayaa yimid goobtii waxayna waayeen wax la
dagaalama balse waxay heleen canug yar oo ku haray deegaanka, waxayna weydiiyeen
reerka uu yahay, markuu u sheegay in uu ka mid yahay dadka deegaanka ee ay doon
doonayeen ayay si fool xun u dileen oo intay kor u tuureen ayay waran u dhigeen
sidaas ayuuna ku dhintay, dhacdadaan ayaa laga sheekeeyaa ilaa iyo hadda iyadoo
ceeb iyo fool xumo ku noqotay kuwii
arrintaa ku kacday inkastoo ay Xaal iyo Xumeenba bixiyeen haddana weli kama
harin fadeexadii maalintaa raacday waxayna noqotay Ma Hadho laga sheekeeyo,
marka hadda Dadka Soomaalida sheeganaya ee daaha ka furay heshiisyada lagu
doonayo in lagu xalaaleysto Badda Soomaaliya waxay baal mugdi ah uga jiraan
Taariikhda Soomaaliyeed taas oo aan la hilmaami doonin, sidaasi darteed kuwa
19-ka December doonaya in ay mar kale soo cusbooneysiiyaan xadeynta Badda
Soomaaliya waxaan u soo jeedin lahaa in ka waantoobaan arrintaasi isla markaana
aysan taariikh xumo u keenin iyaga iyo qoysaskoodaba".
Qaasim Cilmi Nuure oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa wuxuu
leeyahay "waxaan maqlaa maalin walba Burcad Badeed, anigu ma dhihi karo Burcad
Badeed, laakiin waxaan leeyahay waa ciidanka ilaalada Badda Soomaaliyeed,
waxaana Burcad Badeed ah kuwa maalin walba la baxaya kheyraadka Badda
Soomaaliyeed, marka warbaahinta Soomaaliyeed waa in aysan noqon dad loo yeeriyo
magaca bixinta oo Dhallinyaradoodii inta lagu tilmaamo Burcad Badeed in kuwii
Badda Xaalufinayeyna la yiraahdo Ciidanka ilaalinta Xeebaha ee Midowga Yurub,
waa eray bixin aad looga naxo, waayo ninkii sanadkiiba adduun lacageed oo aad u
tiro badan Badda Soomaaliyeed kala baxaya in loogu yeero ciidanka ilaaladda
Badda waa ayaan daro iyo nasiib xumo ku dhacday Soomaaliya, marka Warbaahinta
Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aysan noqon kuwo lagu adeegto oo codka dadka
danta gaarka ah wata aysan buun buunin. isku soo wada duuboo 19-ka December 2011 waa
maalin ummadda Soomaaliyeed wada sugeyso, waxaana rajeynayaa in heshiiskaasi u
fashilmi doono sida kuwii ka horeeyey oo kale Sidoo kale Dowladda Federaalka
waxaan leeyahay ha isku Howlina wax Taariikh Xumo idiin keenaya ee isku Howla
sidii aad isaga dhicin lahaydeen kuwa Badda Soomaaliyeed Xaalufiyey ".
Waxaa isku soo dubariday
W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | September 25, 2011
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl
(mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM:
http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile:
http://en.wikipedia.org/wiki/Mile
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982,
waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60
dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia,
Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic
People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland,
United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel,
Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste,
Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..