SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Admiral Faarax Qare oo Sheegay in Bedka Badda Soomaaliya yahay 2,000,000 km2, Xuduudda Baddeenuna ay Caddahay....

Faarax Axmed Cumar Qare

Taliyaha Ciidanka Badda ee DFKMG, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo Arbacadii June 3, 2009 Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id ayaa tibaaxay in bedka badda Soomaaliyeed uu yahay 2 million oo kiilomitir oo laba jibaaran (2,000,000 km2) taas oo u dhiganta saddex jeer dhulka qallalan ee Soomaaliya.

Mar la waydiiyey heshiiska is afgarad ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan badda waxa uu ku jawaabay sidan:

prof ibbi
Waa arkay website-yo ay ku qoran yihiin baddii Soomaaliya ayaa intaas oo kun oo kiiloomitir la dhax galay. Horta badda Soomaaliya iyadoo dhanba waa 3300(km), Akhri...

"Xuduuddu waa noo caddahay. Horta marka u horaysa siyaasad ahaan arrintu Baarlamaanka ayay hortaalaa, Baarlamaanka ayaa kelimadiisa ka dhehi doona, taa marka maba gelayno siyaasad ahaan. Farsamo ahaan haddaan u soo gudubno, waxaan rabaa in aan idiin sheego laba dawladood oo deris ah Qaanuunka Dawligu muxuu ka qabaa sida xuduudaha badda loo samaynayo keliya ayaan rabaa in aan idiin sheego, oo nin la arkaba ogaado."

"Laba dawladood hadday deris yihiin Qaanuunka Dawligu wuxuu qabaa iyo kaayaga lafteedu labaduba wuxuu qabaa in ay u dhaxayso khad taagan, xarriijin taagan oo sagaashan digrii ah (90o) in ay u dhaxayso, ilay waad ogtihiin haddii 90o khad qaadato labada dhinacba sagaashan ayey ka tahay, waa u simanahay, khadkaas ayaa dhexdayada taagan, kaas ayaa la sii jiidayaa, kaas ayaana xuduud ah sidaas ayaana Qaanuunkeenu qabaa, qaanuunka dawliguna qabaa, marka waxaan filayaa anaga iyo Kenya waxaan isaga hor nimdaanoba meesha kuma jiraan," ayuu yiri Admiral Faarax Qare.

Video: TVHalkan ka daawo...

Kenya iyo Somalia oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...

Khamiis, 4 June 2009

  • Isha warka: Standard, Nairobi Kenya | Tarjumadii: SomaliTalk.com

Kenya iyo Soomaaliya oo dagaalku aafeeyey waxay qoorta iskula jiraan dhul baaxad weyn oo ka tirsan badweynta Hindiya.

Khilaafkani waxa uu soo shaac baxay markii ay labada dal Qarammada Midoobay u gudbiyeen khariidado muujinaya halka ay gaarsiisan yihiin xuduudahoodu iyagoo ka duulaya talada Sharciga Badaha ee Qarammada Midoobay.

Sida badanaa xuduudaha Kenya oo kale, xuduudda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Badwaynta Hindiya si rasmi ah ilaa hadda looma calaamadin.

Arrinta u dambaysa ee la isku diidan yahay waxay la xiriirtaa xuduudaha mustaqbalka ayadoo Kenya ay u diyaar garoobayso in ay calaamadiso xuduudaheeda beriga iyo badda.

Xuduudaha sida rasmiga u calaamadsan: waa Xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Itoobiya oo keliya ayaa si rasmi ah u calaamadsan.

Khariidadaha badda ee ay Qarammada Midoobay u gudbisteen Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka mid ah dhul badeed aad u baaxad weyn oo labada dalba ay sheeganayaan, oo gaaraya ilaa 350 km (waa sida jariidadu hadalka u qortay'e).

Kenya waxay khariidadeeda gudbisatey May 6, 2009, halka Soomaaliya ay ka gudbisatay May 13, 2009, waa sida jariidadu sheegtay'e. Qarammada Midoobay waxaa laga filayaa in ay September (2009) gaarto go'aan ay tahay in la fuliyo, ayey tiri jariidada Standard. (Binding Decision = Go'aan dalalka qabanaya oo ay tahay in la fuliyo).

Laakiin go'aanku wuxuu kaliya saamayn doonaa wixii ka baxsan dhul-badeedka ka tirsan biyaha dalalka, oo ay doonayaan labada dalba in ay sii siyaad sadaan (sii kordhistaan).

Taasi waxay ku xiran tahay saraakiisha badaha ee Soomaaliya iyo Kenya in ay go'aan ka gaaraan halka ay marayso xarriiqda u dhaxaysa labada dal, waxaana halkaas ka abuurmi kara muran la mid ah kan Jasiiradda Migingo oo ay sheegteen Uganda iyo Kenya.

Jariidadda Stanadard oo qormadeedii sii wataya waxay tiri: Heshiiska xuduudadda badda u dhaxaysa labada dal (Somalia-kenya) waxaa ku qoran sidan: "Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyada Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya weli lama xallin. Arrintaas aan la xallin waxaa loo tixgalinayaa muran badeed."

Laakiin, ayey tiri jariidaddu, Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula waxa uu diiday in muran u dhaxeeyo labada dal.

"Ma jiro wax muran ah haba yaraatee oo u dhaxeeya annaga iyo Soomaaliya. Is-afgaradka MoU waxaa la saxiixay ayadoo laga duulayo niyad wanaag ku salaysan danaha labada dal," ayuu yiri (Wetangula) shalay kaddib markii uu la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke (oo booqasho ku jooga Kenya).

Jariidadda Standard waxay sidaas shaaca kaga qaaday arrimaha dhabta ah ee ay damacsan tahay Kenya.

Source:  http://www.eastandard.net

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2009

aadanSh. Aaden Madoobe oo Sheegay in Baarlamaanka DFKMG yeelan doono kulan ku saabsan Heshiiska is-afgarad
"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in xildhibaanno ay mooshin ka keeneen in laga hadlo is af garadkii dhawaan dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya" waraysi uu siiyey Yuusuf Garaad....
Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

BAARID | SEARCH


Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
"Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa," Prof. Ibbi Akhri/Daawo...


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: