SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Prof. Ibbi oo Markii ugu horeysey Difaacay Badda Soomaaliya, Islamarkaasna Dhalliil Kulul u jeediyey Ra'iisul Wasaaraha DFKMG

"....200 nautical mile waxaa iska leh dawladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana sharciyeey Dawladdii Maxamed Siyaad Barre (AHN), waxana uu ku sharciyayey in ay tahay Somalia Territorial Waters, ee kuma uu sharciyayn inay tahay Somalia Exclusive Economic Zone (EEZ)..." Prof Ibbi

"...Badda iyo dhulka ummadda oo dhan ayaa leh. una malayn maayo in badda Soomaaliya sidaas lagu dhici karo oo lagu duudsiin karo xaqeeda, prime minister-kuna hadda waxa uu joogaa New York, waxaana rajaynayaa inarrintan aan la dhayal san karin, labada boqol (200 nautical mile) ee Soomaaliya leedahaynan qof ku saqajaami kara ma jiro..."

Waxana uu Prof Ibbi qiray in Kenya ay samaysay in si khalad ah usoo gashay xudduudeena badda Soomaaliyeed, baarlamaanka wuxuu ku ammaanay inay ka hor tageen heshiiskii uu u ololayn jirey ee Is-afgaradka kana dhigeen NULL & VOID....

Prof. Cabdiraxmaan Ibbi " Intaan la gaarin 19-ka Desember Haddii aan Dadka Soomaaliyeed Muujin Isku Duubnaan iyo Midnimo waxaa Dhici karta...  "

Ayadoo Dowladda Federaalka ay Dooneyso in 19 Desember 2011 in ay wax ka badesho Sharcigga  Badda Soomaaliya ee la saxiixey 1972-dii ayaa waxaa maalmahaan socda Olole la doonayo in looga hortago wax ka badelida Sharcigaas iyadoo taasi ay jirto ayaa  waxaa arrinkaan ka hadley Wasiirkii Hore ee Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladii Cumar Cabdirashiid, Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo Xiligaa ahaa Shaqsi u ololeynayey in Heshiis loogu yeerey Afgarad oo la doonayey in qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya lagula heshiiyo Dowladda Kenya, ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko 19 ka Desmber 2011 in wax laga badelo Sharcigii Badda ee Soo jirey muddo 40- Sanno ah.

Prof Cabdiraxmaan Ibbi isagoo arrinkaa ka hadlaya waxaa uu yiri "Xiligaas anaguba waxaan ahayn kuwa Difaacayey Badda Soomaaliya waayo waxaa ku doodeyney in Badda Soomaaliya ay tahay 200 Nautical Miles oo ah Midda Soomaaliya Xaq u leedahay oo aan sinaba looga hadli karin."

Prof. Cabdiraxmaan Ibbi  mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Warkii ka soo yeerey Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa in Badda Soomaaliya haddii 200 oo Mayl ay noqoto waxaa galeysaa Xeebaha Sacuudiga waxaa uu ku jawaabey "Arrintaas uu ka dhawaajiyey Raiisul Wasaaraha  waa mid Xaaraan ah marnaba lagama hadli karo in Baddeena ay tahay wax kayar 200 Nautical Miles markii an ahaa Wasiirka Kaluumeysiga waxaan ku doodeyney in Badeena ay tahay 200 Nautical Miles iyo wax ka badan marka Cidda oroneysa  Baddeena 12 Natical Mayl  waa qof aan la socon Sharciyada u yaal Badaha "

  • ___________________________
    "Badweynaha Indian Ocean-ka maadaama ilaa laga gaarayo Australia ay tahay badweyn, waxaan ku leenahay dhinacan badweynta hindiya 200 nautical mile, hadda ayaan leenahay (200nm). Waxaan dagaal ugu jirnaa oo dhibaatada hadda kicisay waa Continental Shelf-ka la gaarsiiyo 350 nautical miles," prof. Ibbi ... (mp3)
    ___________________________

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey in wax ka badelidda Sharciga Badda Soomaaliya ay ka Dambeeyaan Dowladaha Norwey iyo Denmark ayaa waxaa uu ku Jawaabey Proff Cabdiraxmaan Ibbi oo markaa u waramayey Idaacada  Al Furqaan ee ka dhisan Magaalada Muqdisho waxaa uu yiri " Dalkeenna Muddo 21 Sanno ayuu Beylah ahaa Baylahnimadaas ayaa keentey in Dallal fara badan ay soo Hunguriyeeyaan Khayraadkeennii una  soo tartamaan maadaama dadka Soomaaliyeed ay iyagu isku jeesteen"

Waxaa la weydiiyey sida uu u arko 19 Disember 2011 ee Soo socota wax laga badelo sharcigii Badda u yaal waxaa uu ku jawaabey Proff Ibbi: Waxaan u Mahadcelinayaa Baarlamaanka Soomaaliyeed sida  uu uga hortegey ama u fashiliyey in kal hore wax laga baddelo Sharcigii Badda Soomaaliya waxana hadda looga fadhiyaa sidii looga hortagi lahaa wax ka badelidda Shaciga badda Soomaaliya sidoo kale dadka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa inta aan la gaarin 19-ka Desember in ay muujiyaan isku Duubnaan iyo Midnimo  haddii aan taasi la helin waxaa dhici karta in Soomaaliya Badeeda wax badan ay ku weyso islamarkaana waxaa laga yaabaa in Qaramada Midoobey ay la wareegto arrimaha Badda Soomaaliya.

Guntii iyo Gabagabdii in Badda Soomaaliya maanta muran la geliyo waxaa Masuuliyadeeda qaadeysa intii ka shaqeyneysa islamarkaana sabab u ahaa in Kenya ay soo Hunguriyeyso Badda Soomaaliya sidoo kale waxaa Taariikh Madow galaya Shaqsiyaadkii arrimahaas ka shaqeeyey  ee Xukuumadihii soo  marey tan iyo intii la soo dhisey Dowladii Jabuuti ee Sannadkii 2009.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | September 25, 2011


prof ibbi
2009: Prof. Ibbi: Waa arkay website-yo ay ku qoran yihiin baddii Soomaaliya ayaa intaas oo kun oo kiiloomitir la dhax galay. Horta badda Soomaaliya iyadoo dhanba waa 3300(km)... Akhri...
Amb.Ahmed Abdi Hashi - Xasharo
Amb. Ahmed Abdi Hashi Xasharo "waad ogeyd dagaalkii ka dhacay badda markii la bixinayey, ayadoo aan cidna lala tashanin ayaa niman wasiiro ah inta tageen, ayaa xoogaa lacag ah la siiyey, ayey baddii Soomaaliya oo dhan saxiixeen" Dhegeyso (waxaa waraysiga Qaaday TV-ga Somali Channel. Sept 2011.

Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM: http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile: http://en.wikipedia.org/wiki/Mile

Xeerka Badaha Adduunka

Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982, waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60 dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.

Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia, Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland, United Arab Emirates, United States.

Dalalka aan xitaa saxiixin,  oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste, Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: