Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku
eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya
iyo Soomaaliya – Shir jaraa’id
Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid
Cali Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee
ay kala saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ka dibna uu
Barlamaanku si qayaxan u diiday…
Shirkii Jaraa’id oo uu akhrinayo Xildhibaan Sulaymaan Maxamed
Ibraahim iyo waraysi Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane Maxamed:
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG oo Isniintii (Oct 12,
2009) shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay
xukuumaddo ay doonayso in ay dib u dhaqan galiso heshiiskii
Isfahamka.
Halkan ka daawo Sawirada xildhibaanada shirka jaraa’id
Heshiiskaan oo lagu tilmaami karo in uu yahay mid muran badan ka
dhaliyey gudaha iyo dibada dalka iyo dadka Somaliyeed ayaa qaar ka
mid ah xildhibaanada diidan shir jaraid ku qabteen Magaalada
Muqdisho .
Qaar ka tirsan xildhibaanada Dowlada fadaraalka KMG Soomaaliyeed
oo shirka jaraa’id ku qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa isku
aragti ka noqday qoraal hore loogu tebiyey xoghayaha guud ee
Qarammada Midoobay Ban Ki Moon, qoraalkaas oo ku saabsan sidiisii
loo sii wado heshiiska is Afradka ee Xuduudaha badaha Soomaaliya iyo
Kenya .
Heshiiskaan ku saabsan xuduudaha badaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa
golaha barlamanku diideen 1/8/2009 isaga oo heshiiskaas uu
barlamaanku ku gacan seyrey .
Arintaa mid aan aheyn ayaa soo baxday oo barlamanku ka ogaaday,
sida ay sheegayaan xildhibaanda shirka Jaraa’id qabtay, waxayna
sheegeen in qoraalo laga direy Xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu
faafiyey Internetka.
Kulanka ay yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanda Dowlada
Fadaraalka KMG Soomaaliyeed ayaa waxaa ay isku aragti ka noqdeen in
xukuumadu ay dib boorka ugajaftay heshiiskii is Afgarad ee
baarlamaanku horee gashaanka u daruuray.
Xildhibaanda ayaa saxaafadda u qeybiyey warqado qoraal ah oo laga
soo dhex saaray goobta internetka ee SomaliTalk.com, kaas oo looga
codsanayey xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey in uu halkiisii ka
sii wato howshiisa ku aadan heshiiska badaha ee ay kala saxiixdeen
dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ee ku aadanaa xaduudaha, wuxuuna ahaa
mid muran badan dhaliyey oo aakhirkii golaha Barlamaanku si cad oo
aqlabiyad ah u diiday .
Xildhibaan Sulaybaan Maxamed Ibraahin oo ku
hadlayey magaca xildhibaanda ayaa saxaafada u sheegay in ay hayaan
warqada qoraal ah kuwaasoo ka baxday Xafiiska ra’iisul Wasaaraha
wuxuuna tilmaamay Xildhibaanku in xildhibaanada Baarlamanka ay ka
codsanayaan Xukuumada Soomaaliya in ay caddayso warqadaasi qoraalka
ah ee ka baxday Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG
Soomaaliyeed.
Xildhibaan Sulaybaan Max’ed Ibraahin oo hadalkiisa sii watay waxa
uu intaas ku daray in qoraalkaa uu ka soo baxay Xafiiska ra’iisul
Wasaaraha isala markaana uu saaran yahay saxiixa Wasiirka
Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ahna ra’iisul Wasaare ku xigeenka
koowaad ee dowadda FKMG Soomaaliya Pro C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi,
wuxuuna ku daray xilbaan Sulaybaanku ,in ay ka codsanayaan gudoonka
Baarlamaanka in uu kulan deg deg ah uu qabto islamarkaana la
horkeeno Baarlamaanka qofkii saxiixayna laga qaado xasaanada si
sharciga loo horgeeyo shaqsigii warqadaasi qoraalka ah u gudbisay
xafiiska Banki moon ee adeegsatay awoda Xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Halkan ka daawo Sawirada xildhibaanada shirka jaraa’id
Shirka jaraa’id
Halkan
ka dhegeyso ama
Halkan ka soo rogo (mp3)
Muuse
Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey
Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya
…..
Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa
Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay
Cabiratay…
Akhri Halkan…
Dowlada
KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in
Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
“Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo
gelayaan.” “Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda
map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos
ayuu u socdaa,” Prof. Ibbi
Akhri/Daawo…
Sh.
Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka
sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis
inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa
IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan
yahay”. Akhr…
Sheikh
Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka
Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia… Sheikh Shariif
Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta
xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin
shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI…
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009,
sida uu dhigayo Axdiga DFKMG?
Akhri Halkan…
Minneaplis: Ururka USD oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan
taageersanayn Sheikh Shariif, kuna soo dhaweynayn Minnesota…
Akhri.. Daawo…
Cilmibaaristii, warbixinadii, wararkii iyo maqaallada la xiriira
badda Soomaaliya iyo heshiiskii is-faham
Halkan ka
akhri…