w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Sawaaxilaga oo Raba Sidii Saancaddihii iney Soohdimo Cusub noo Sameeyaan

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan aad igu mahadcelinayaa bogga interneka, SomaliTalk oo mar kasta iska xilsaara iney dadka u iftiimayaan waxyaalo badan oo ku saabsan diinta, dalkeenna iyo dadkeenna. Waxay daboolka ka qaadeen suntii lagu duugay Soomaaliya. Waxay na soo hordhigeen shirkado maafiyo ah oo sheegtay inay heshiisyo la galeen “dowladda dhexe” ee markaas jirta iyo maamul goboleedyo. Waxaa ka mid ah shirkadahaas mid sheegatay magacan:

Horn of Africa Free Zone Authority (HAFZA) micnaha Shirkadda Aagga/Ganacsiga Xorta ah ee Geeska Afrika. Waxay sheegtaan iney Australia ka diiwaan gashan yihiin ayna heshiis la galeen Puntland. Weli boggooda internetku waa furanyahay waxaad ka fiirin kartaan: www.hafza.com. Kuwa sheegta iney shidaal ka baarayaan Soomaaliya oo heshiis la galay dowladda dhexe iyo Puntlandna waa jiraan. 

SomaliTalk ayaa si waafi ah nooga kaafisay waxa laga filan karo arrinta xadeynta badaha iyadoo waddan kasta laga codsaday inuu soo gudbiyo halka uu rabo in loogu dhufto xadka maaddaama la durkinayo soohdin-badeedda waddan kasta si uu ka faa’iideysto kheyrka badda ee waddankaasi leeyahay. Marka qof kasta oo Soomaali ah oo waddankiisa daneynaya wuu ku khasbanyahay inuu akhriyo warbixintaas. 

Sida warbixinta SomaliTalk qortay, waxa loo yaqaan “Economic Exclusive Zone” oo cilmi-baarayaashaas SomaliTalk noo Soomaaliyeeyeen iyagoo yiri: Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ayaa la rabaa in la durkiyo oo laga qaado 200 nautical miles oo u dhiganta ilaa 370 Kiiloomitir. Xisaabtaas SomaliTalk baa noo xisaabisay iyadoo la yaqaan in 1nm = 1.852 mitir lagana dhigayo 350nm oo u dhigma 648 Km ugu dhowaan. Warbixinta SomaliTalk waxay sheegtay in Yemen iyo Jasiiradaheeda qaarkood kaba dhowyihiin masaafadaas la leeyahay xaq buu waddanka u leeyahay inuu ku xisaabtamo. Wixii laga filan karo xadeyntaas cusub waxaa naga shaafiyey SomaliTalk. 

Cinwaanka, Sawaaxiliga waan ku halqabsaday. Waxaa kaloo SomaliTalk sheegeen in Kenya ay rabo in xadeyn cusub la timaaddo. Waxay soo bandhigeen warqad uu horay madaxweynaha Kenya u saxiixay isagoo raba inuu soo durkiyo xadka oo dhankeenna u soo riixo. Waxaa intaas oo dhan ka daran, waxaa SomaliTalk saxaafadda ka soo xigatay heshiis ay wadagaareen wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya iyo ra’iisulwasaaraha Soomaaliyeed oo arrintaas ku saabsan. Sida faalladu sheegtay, waxaa loo qabtay in waddan kasta soo gudbiyo xaddeynta cusub maalinta 13ka May 2009 ama ka hor.

Markaan akhriyey qeybta 4-aad ee Sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka kaga hadlayaan xaddeynta Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ee u dhaxeeya waddamo iska soo horjeeda (sida Soomaaliya iyo Yemen oo kale) ama isku xiga (sida Soomaaliya iyo Kenya oo kale) wuxuu qodokiisa 74-aad oo ka kooban afar faqro leeyahay: 


“Article74

Delimitation of the exclusive economic zone

between States with opposite or adjacent coasts

1. The delimitation of the exclusive economic zone between States with opposite or adjacent coasts shall be effected by agreement on the basis of international law, as referred to in Article 38 of the Statute of the International Court of Justice, in order to achieve an equitable solution.

2. If no agreement can be reached within a reasonable period of time, the States concerned shall resort to the procedures provided for in Part XV.

3. Pending agreement as provided for in paragraph 1, the States concerned, in a spirit of understanding and cooperation, shall make every effort to enter into provisional arrangements of a practical nature and, during this transitional period, not to jeopardize or hamper the reaching of the final agreement. Such arrangements shall be without prejudice to the final delimitation.

4. Where there is an agreement in force between the States concerned, questions relating to the delimitation of the exclusive economic zone shall be determined in accordance with the provisions of that agreement”. 


  1. Xadeynta aagga gaarka ah ee gacansiga ee waddama iska soo horjeeda ama isku xiga waxaa saameyn ku yeelaynaya heshiis laga gaaro oo lagu saleynayo sharci caalami ah, sida lagu xusay qodobka 38-aad ee xeerka u degsan Maxkamadda Garsoorka ee Caalamigaa, si loo gaaro xal caddaalad ah.
  1. Haddii wax heshiis ah lagu gaariwaayo waqti macquul ah, waddamada is haya waxay u celinayaan arrinta nidaamka lagu qoray qeybta 14-naad.
  1. Heshiiska laalan sida lagu xusay baaragaraafka 1-aad, wadamada is haya, jawi is-afgarad iyo wada-shaqeyn ayey dadaal ku bixinayaan iney wadagalaan diyaargareyn ku-meelgaar ah oo leh qaab la taaban karo, waqtiga xaaladda kala-guurka ah, waa ineysan dhaawicin ama carqaladeyn in la gaaro heshiis kama-dambeys ah. Diyaar-gareynta noocaas ah ayaa iyadoon cidna khatar ku ahayn noqon doonta xadeyntii ugu dambeysay.
  1. Halka uu heshiis ka dhagan-gashan yahay waddamadaas laga hadlayo dhexdooda, su’aalaha la xiriira xadeynta aagga gaarka ah ee ganacsiga waxaa lagu go’aamin doonaa iyadoo la raacayo qaanuunkii lagu heshiiyey.

Sidaan is leeyahay waxaad mooddaa in wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kala saxiixdeen faqrada seddexaad. Marka sida SomaliTalk iftiimisay, in mar horaba Kenya diyaarisay waxay la rabtay in loo xadeeyo. Waxaa jeebka ugu jira saxiixii Cabdirahman Cabdishakur Warsame. Sida mar Abuu Koombe la weydiiyey inuu dhameystiro maahmaahda ah: nin daad qaaday…, wuxuu ku jawaabay: waa ku daayey. Marka haddii maalmahan aan wax la qaban ama sheekh Shariif uusan arrintaas diidin inta goori goor tahay waad aragtaan faqrada 4-aad waxay leedahay haddii muran dhasho waxaa lagu kala baxayaa heshiiska la isla gaaray. Haddii ra’iisul wasaaruhu u saxiixay Kenya in wax loo xadeeyo iyadoo xariiqda xudduuda loo wadayo dhinca Bariga halkii loo wadi lahaa dhinaca Koonfur Bari ayaa taasi Keeneysaa in Kenya oo dhul hore naga heysatay ay haddeer qaadato mid kale oo dheeraad ah. Mana noqon doonto arrin shacabka Soomaaliyeed ku cafin doonaan qofkii ama dowladdii khiyaamadaas sameysa. 

:::Dr. MUHAMAD SHAMSADDIN:::
shamsaDonald Kipkorir´s Friends: the Ugly Face and the Empty Brain of the Militaristic Kenyan Terrorists.. Read More
:::QAYBINTA SOOMAALIYA:::
kenyaDAILY NATION, Kenya, oo soo bandhigay in Soomaaliya loo qaybin doona Itoobiya iyo Kenya... Akhri...

 

Waxaa taas ka sii daran waxaad mooddaa in burcad-badeeddu sidii horay loo sheegay u shaqeynayaan cadowga Soomaaliyeed. SomaliTalk waxay sheegtay in waddankii geynwaaya waxa loo xadeynayo aan hadhow la tixgelin doonin. Sida muuqata Soomaaliya diyaar ma aha xitaa sida warbixintu sheegtay qolyaha dowlad-ku-sheegga ahi waxba kama oga arrinta. Haddii Yemen la timaaddo in loo calaamadiyo 640Km waxaan shaki ku jirin in iska daa baddee ay bariga calaamaddu soo gaarayso maxaa yeelay wey ka dhowdahay masaafadaas. Ma filayo Yemen iney intaas oo dhan hesho laakiin waxay rabtaa in qaadato marinkaas intiisa badan. Maxaa dhici kara? Sida SomaliTalk sheegtay waxay ka kireyn kartaa shirkado ama Maraykanka. Marka annagoo soo taagan baa baddeenii la qaatay. Bal qiyaas qiimaha Soomaaliya adoo lagaa qaadatay marinkaas qiimaha leh iyo kheyraadkii baddaada? Waxaa horay loo sheegay in Kenya shidaal ka baareyso meel u dhow xad-beenaadka hadda. Waxaa dhici karta sida la sheegay in shidaalka baddeenna la soo galay. Marka sidii ugaarsade ayey shidaalka dabojoogaan.

Sida warbixinta SomaliTalk sheegtay waxaa dhici karta in arrintu aysan Kenya iyo Yemen keliya ku ekaane ay dhici karaan iney soo baxaan jasiirado kale oo wax nagu heysta. Marka intaan is ceyrceyrsaneynay baa badaheennii la sumeeyey, shirkado iska sheegteen in heshiis lala galay, haddeerna waddama kale rabaan in sidii Soomaaliya horay dhul looga boobay iney haddeer mid cusub naga goostaan. Marka wixii intaas oo sano laga baqayey maantaa la hayaa. Imisa jeer baa la lahaa war Kenya iyo Jibuuti kheyr ma soo wadaane maxaa meesha ka soo uraya? Waxaad mooddaa in Maraykanku jeclaa burcad baddeeda. Dadkii noo damqan lahaa sida Shiinaha, Ruushka, iyo Hindiya iyagaa maraakiibtoodii khatar la gashay. Marka iyadoo lagu faraxsanyahay baa Kenya, Yemen iyo ciddii kale ee rabta iney baddeenna qaadato la siinayaa. Marka humbuburo libaax bey soo wadaa. Marka burcad-badeedda iyo dowlado-gacan-ku-rimis ah ayaa noo keenay in baddeennii loo soo dhigtay. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

 
Ma Salaaddii Roobdoontaa Nagu Fillaan Weyday Markaasaan Soon ku Darsannay .. Akhri


Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © SomaliTalk.com | 1999 - 2009