SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

SomaliTalk.com | August 1, 2009

Kulankii baarlamaanka waxaa soo xaadiray 347 xildhibaan..

Saddexda qodob ee loo codeeyey:

  1. IN LA DIIDO IS-AFGARADKII: In Is-afgaradkii Xukuumaddu la soo gashay Dawladda Kenya in la diido oo arrintaas laga dhigo waxba kama jiraan, oo la yiraahdo xukuumada is afgaradkii aad keenteen baarlamaanku waa diidey.. oo Heshiiskii xukuumaddu keenta in gebigiisba la diido.. (waxaa u codeeyey: 334 xildhibaan oo diidey heshiiskii is afgarad).
  2. IN DIB LOO DHIGO: In dooda dib loo dhigo oo loo yeero wasiirkii heshiiska soo galay oo marka wasiirkii yimaado laga wada hadlo, oo la arko waxa wasiirku ku difaacayo oo kaddib go'aan arrintaas laga gaaro.. (waxaa u codeeyey: 9 xildhibaan).
  3. IN GUDDI LOO SAARO: In Guddi loo saaro oo ay guddigaasi la kulmaan wasiirka, xukuumada, khubaro iyo ciddii ay doonaan oo ay taas baarlamaanka kusoo celiyaan, kaddibna go'aan laga gaaro.. (waxaa u codeeyey: 4 xildhibaan).

Daawo Qaybta Somalitalk Youtube doodii baarlamaanka ee heshiiskii Is-Afgarad

Dhegeyso Sh. Aden Madoobe oo sheegaya go'aankii baarlamaanka ama soo rogo

Muqdisho: Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 334 xildhibaan ayaa diidey heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya ee muranka gelinayey badda Soomaaliya, kaddib markii cod loo qaaday heshiiskaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) ayaa xildhibaanada u soo bandhigay saddex qodob oo la xiriira heshiiskaas oo ay tahay in ay kala doortaan, saddexdaas qodob oo ahaa: 1. In ay diidaan heshiiska. 2. In guddi loo saaro heshiiska. 3. ama in dib loo dhigo heshiiska. Waxana uu xildhibaanada weydiistey in ay cod gacan taag ah ku caddeeyaan codkooda.

Xildhibaanada goobjooga ahaa oo tiradoodu ahayd 347 xildhibaan ayaa u codeeyey sidan: 334 xildhibaan ayaa diidey heshiiskaas, halka 9 xildhibaana ay u codsadeen in guddi loo saaro heshiiska, halka 4 xildhibaan ay u codeeyeen in dib loo dhigo heshiiska. Ma jirin wax xildhibaan ah oo ka aamusay.

Sidaas ayaana heshiiskii dhexmaray kenya iyo Soomaaliya, ee muraanka gelinayey badda Soomaaliya uu ku noqday Waxba kama jiraan "NULL & VOID".

Tallaabada la gudboon baarlamaanka waa in go'aankaas baarlamaanka si degdeg ah loo gaarsiiyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Xadaynta badaha, ka hor Agoosto 10, 2009 oo ay ka dhiman tahay maalmo kooban.

Faahfaahinta warka hoos ka akhri, sidoo kale hoos ka dhegeyso hadaladii Qanyare iyo Isloow.

Xildhibaanada barlamanka oo maanta is hortaagay heshiiskii is afgarad dhinaca badda ee Somaliya iyo Kenya

ku dhawaad 400 oo xildhinaanda barlamanka dowlada KMGS ka tirsan oo maanta (Agoosto 1, 2009) shir aan caadi aheyn ku yeeshay xarunta gobolka banadir ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay in uu meel maro heshiiskii dhinaca badda ahaa ee dowladaha kenya iyo somaliya .

Shirkaan aan caadiga aheyn oo ay isugu yimaadeen in ku dhow 400 oo xildhibaan oo ka dhacay xarunta Mamulka Gobolka baandir ee Magaalada Mugadishu ayaa waxaa si rasmi ah ay uga soo horjeesteen heshiiskii is afgarad ee muranka badan dhaliyey ee u dhaxeeyey dowladaha somaliya iyo kenya ee xaga badda ahaa .

Shirka ayaa waxaa looga doodayey waxa uu yahay heshiiska is afgarad ee badaha kenya iyo somaliya, xildhibaanada qaar ayaa laga dareemayey sida ay uga xun yihiin heshiiska badaha ee lagu macneeyey is afraga waxaana la isla meel dhigay in uu dhamaantiis ahaa mid ay ku khaldantahay dowlada KMG Somaliyeed, waxaana si cad loo tilmaamay in lagu tagri falay oo la lunsaday dhul biyood aad u balaaran oo ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed.



Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Xildhibaanada fikirkooda ku soo bandhiga shirka ayaa ka dalbaday xildhinaabda kale in ay ka soo horjeestaan heshiiskaas wuxuuna farta ku fiiqay in dhulbiyood dhan 38- kun oo isku wareeg dhinaca badaha ah la lunsaday wuxuuna ka mid ahaa qanyare xildhibaanada ka soo horjeeday heshiiska is afrad ee dhexmaray somaliya iyo kenya .

Dhanka kale xildhibaan Cumar Max’ed Islow "barlamaanku waa ku fuduudaaday mooshinkaan waxaana codsanayaa in wasiirkii heshiiska saxiixay barlaamanka la horkeeno arintaana lagu celiyo golaha wasiirada" wuxuuna aad uga careysnaa heshiiska iyo sida uu u dhacay intii uusan dhameysan hadalkiisa ayaa lagu oriyey wuxuuna shegay in aan golaha wasiirada la geynin .

Ugu danbeyntii Afhayeenka golaha Barlamanka Sheekh Aadam Max’ed Nuur (adan Madoobe) ayaa Mudanayaasha Barlamanka wuxuu hordhigay in ay kala doortaan 3 qodob waxayna kala ahaayeen 1-in ay diidaan heshiiskaasi 2- in gudi loo saaro heshiiskaasi 3- iyo in dib loo dhigo heshiiskaasi, wuxuuna ku soo afjarmay kulankii maanta in cod gacan tag ah u qaaday xildhibaanada isaga oo natiijadiina ku dhawaaqay oo yirina . kulanka oo ay ka soo xadireen 347-xildhibaan waxaana diiday heshiiska badahaha ee is afgarad 334-xildhibaan halka 9-xildhibaan oo kaliye ay codsadeen in gudi loo saaro heshiiska sidoo kale 4-xildhibaan ay dalbadeen in dib loo dhigo.

Dhegeyso Sh. Aden Madoobe oo sheegaya go'aankii baarlamaanka ama soo rogo

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666  
 
Doodii hore hoos ka akhri

Dood kulul oo Golaha Baarlamaanka uu ka yeeshay heshiiska Badda ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya.

(Waa in Xasaanadda laga qaado oo Maxkamad la soo taago kuwii ka dambeeyey Heshiiskaas)

Maalintii Arbacada ahayd ayaa waxaa Xarunta Gobolka Banaadir ka furmay Kalfadhigii Baarlamaanka, waxaana halkaasi looga dooday qoraal ay soo gudbiyeen Dowladda uu Madaxda ka yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, kaas oo la doonayey in ay Golaha Baarlamaanka ay ansixiyaan.

Markii la soo hordhigay Baarlamaanka arrintaasi ayaa waxaa markiiba is diiwaangeliyey ilaa iyo 30 xildhibaan kuwaas oo 18 ka mid ah ay markiiba dhiibteen doodoodii ku aadaneed heshiiskii Badda. Xildhibaanada Baarlamaanka ee halkaasi ka dooday waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo yiri “Waagii Heshiiska uu dhacay ayaa Wasiirkii saxiixay waxa uu yiri ‘arrintaan baarlamaanka wax ugama jiraan’,waa yaabee Abooraa Dudun dhisay,Dhulkii baa qaar Darfaha la goostey ma baddii baa loogu darayaa marka anigu waxaan leeyahay uma baahna in laga doodo oo xildhibaanada la daaliyo, hadalkeygana waxaana ku soo gunaanadayaa hal mar aan dhahno heshiiskaas waxba kama jiraan”, Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Anigu waxaan soo jeedinayaa in raga aqoonta u leh sida Gen. Faarax Qare lagu wareejiyo kana soo diyaariyaan heshiiskaasi warbixin si aan u helno macluumaad dheeraad ah”, waxaa kale oo ka mid ahaa xildhibaanadii doodooda dhiibtay Xildhibaan C/rashiid Aadan oo isna yiri “Kenya dhul baa nooga maqan, maanta ma ahan in la yiraahdo Baddeenii nagala xaajoo, waxaana Baarlamaanka u soo jeedinayaa in ay arrintaasi ka hortagaan oo diidaan in heshiiskaasi uu dhaqangalo”.

Saddex ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana waxay soo jeediyeen in raggii ka dambeeyey heshiiskaasi maxkamad la soo taago, waxayna tusaale u soo qaateen, hadda ka hor ayaa wasiir ka tirsanaan jiray dowladdii rayidka ee lixdameeyaddii heshiis aysan ka warqabin baarlamaanka waxa uu la siixday Dowladda Itoobiya, wasiirkaas markii uu soo laabtay xabsiga ayaa la dhigay waxaana markii dambe soo daayey Max’ed Siyaad Barre, xildhibaano kale ayaa iyana waxa ay sheegeen in aysan ansax noqoneyn in dowlad saddex bilood jirta ay heshiis la gasho dowlad kale, walibana laga heshiiyo arrimaha badda ee Soomaaliya.

“Heshiiskaas waxa uu dhigayaa in Jasiirado ku dhow Gobolka J/hoose ay la wareegeyso Dowladda Kenya, marka waa in aan si taxader leh oo feejignaan ku jirto aan uga hortagnaa, waayo carruurteena dambe yaanan u horseedin aayo xumo” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.

Shirkaan oo uu shirgudoomainayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay aad uga caroodeen in nuqulka ay dowladdu soo gudbisay uu yahay midkii ay iyadu saxiixday oo Afsoomaali ku qoran, balse loo baahnaa inay soo gudbiso midkii ingiriiska ku qornaa ee Dowladda Kenaya saxiixday si laysku barbardhigo midka Af-Soomaaliga ah iyo midka kale, iyagoo sheegay in ay dareemayaan in wax la qarinayo, waxayan Xildhibaanada qaarkood u mahadceliyeen dadkii Soomaaliyeed ee isku taxlujiyey in ay qoraalo ka sameeyaan heshiiskaas iyo waxa uu keeni laro, maanta ayaana lagu wadaa in dib la isugu soo laabto kullankii Baarlamaanka si loo dhageysto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri