SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Qarammada Midoobey: "Waa in la sameeyo cabirka xuduudda badda Soomaaliya ee EEZ si Dawladda Soomaaliya looga saaro Kumeel-Gaarka"

  • Madaxa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey (ahna Hindi), oo ka hadlaayey kulankii QM ee Arbacadii Sept 14, 2011 ayaa yiri "Waa in la sameeyo cabirka xuduudeeda badda Soomaaliya ee aagga ganacsiga (exclusive economic zone) si ay u dhaqan galaan qodobada Roadmap-ka ee shirkii Muqdisho..." Hadalkaas uu yiri Security Council President Hardeep Singh Puri, waa mid cadaynaya mu'aamarada ku qarsoonayd shirkii Xamar...
  • C/weli Gaas oo Shirkii UN-ka u caddeeyey in xukuumadiisu fulineyso qodobada Roadmap-ka ee shirkii Xamar....

Wasiiru-Dawlahii hore ee Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo Shaaca kaqaaday in Shirkii Muqdisho ahaa mid mua'aaradaysan

"Shirkii Wadatashiga ee Xamar lagu qabtay waxa uu ahaa shir mu'aamaradaysan oo la rabo dano in la hoos geliyo," sidaas waxaa shaaca ka qaaday Maxamed Sheikh Jaamac Nageeye oo ahaa Wasiiru-dowlahii hore eeWasaradda Dastuurka iyo Arimaha Fedaraalka ee Xukuumadii Maxamed Farmaajo, kana tisan xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG.

Maxamed Nageeye oo arrintaas mu'aamarada ah sharraxaad ka bixinayey waxa uu yiri: "Ujeedada shirka waxay ahayd in looga hadlo dawladda halka sano oo dhiman waxyaabaha ay qaban doonto iyo sida loo qabanaayo, waxaase la soo dhexgeliyey oo lagu soo qariyey in 19-ka bisha December (2011) uu ra'iisul wasaarahu (C/weli Gaas) soo qori doono waxa la dhaho Exclusive Economic Zone (EEZ) oo ah badda dawladda Soomaalidu ay xaq u leedahay, dhaqaale ahaana waxa ku jira in ayada keliya ay ka faa'iidaysato." (LAAKIIN) "Waxaa jira sharci la dhaho No. 37 oo soo baxay 10 September 1972   oo dawladdii markaas jirtey ay xad u samaysay soohdinta badda Soomaaliya, marka xeebta laga qaado ilaa 200 nautical mile ayaa Soomaalidu loo ansixiyey oo sharci loo soo saaray in ay tahay "TERRITORIAL SEA" oo macnaheedu yahay wax allaale iyo wixii meeshaas ku jira in dawladdu leedahay, oo aan cidina soo mari karin ayadoo aan ogolaansho laga haysan dawladda Soomaalida."

"Waxaa la rabaa marka sharcigaas (Law No. 37) inta la tuuro, in wixii oo dhan la daba geddiyo oo ECONOMIC ZONE lagu bedelo meeshii ahayd "TERRITORIAL SEA", ayuu si yiri Maxamed Nageeye oo shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankaba u cadaynayey arrinta mu'aamarada ah ee shirka Xamar ku hoos jirtey in ay tahay in kelmedda "TERRITORIAL WATERS" la suuliyo oo lagu bedelo "ECONOMIC ZONE".


Madaxa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey (ahna Hindi): "Waa in la sameeyo cabirka xuduudeeda badda Soomaaliya ee aagga ganacsiga (exclusive economic zone) si ay u dhaqan galaan qodobada Roadmap-ka ee shirkii Muqdisho..." Hadalkaas uu yiri Security Council President Hardeep Singh Puri, waa mid cadaynaya mu'aamarada ku qarsoonayd shirkii Xamar.

Qaramada Midoobay: Waa in DFKMG ay cabirtaa Aagga Ganacsiga Badda (EEZ) si looga saaro Kumeelgaarka...

Hadalka Xildhibaan Nageeye waxa xoojinaya, isla markaasna mu'aamarada qarsoon daaha ka rogey hadal uu Arbacadii (September 14, 2011) shirkii Qaramaada Midoobey ka yiri Madaxa Golaha Ammaanka ee UN (ahna Hindi) hadalkaas oo ah "Waa in Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ay fuliso qodobada habraaca (Roadmap-ka shirkii muqdisho)". Qodobada ay tahay in la fuliyo asagoo ka hadlaydeyna waxa uu ku daray waa in la sameeyo "cabirka xuduudeeda badda ee aagga ganacsiga Soomaaliya (demarcation of exclusive economic zone)," ayuu yiri Madaxweynaha Golaha Ammaanka, ahna wakiilka dalka Hindiya u fadhiya UN-ka, Hardeep Singh Puri.

Hadalkaas QM waxa uu shaaca ka qaadayaa mu'aamarada ku qarsoon shirkii Xamar ee laga soo saaray qodobada loogu magac daray Roadmap, qodobadaas oo ay tahay in ay xukuumadda FKMG fuliso si looga saaro Kumeel-gaarka.

Shirka uu hadalkaas ka yiri wakiilka Hindiya, waxaa goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/weli Gaas, oo asagun ahalkaas khudbad ka jeediyey (Sept 14, 2011), khubadaas oo uu ugu yaraan 11-jeer ku xusay kelmedda "ROADMAP" oo ah habraacii lagu go'aamiyey shirkii Muqdisho, waxana uu hadalka ku adkeeyey in "Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay in ay dhaqan geliso qodobada Roadmap-ka."

Waxaa sidoo kale shirkaas khudbad ka jeediyey Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Mahiga oo asaguna ka hadlay hirgelinta qodobada "Roadmap-ka" ee ka soo baxay kulankii Xamar.

 Xildhibaan Maxamed Sheekh Jaamac Nageeye ayaa sheegay in arinta la soo cusboonaysiiyey ee xadka badda Soomaaliya la xiriirta ay daba socoto diidmadii uu golaha barlamanka KMG ku diiday heshiiskii  ay wada galeen xukuumaddii Cumar Cabdirashiid  iyo dowlada Kenya. (Heshiiskaas hore waxaa DFKMG u saxiixay wasiirkii hore ee Iskaashiga Caalamiga  C/raxmaan C/shakuur Warsame.)

Si aad u fahamtid arrintan, akhri qoraalkan

Codka Xildhibaanka waxaa soo tebiyey: Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666 /00252-0699-907666 , Muqdisho

Qoraalkii hore ee XildhibaanNageeye: Barlamaanku waa Wakiilka, Af-hayeenka Rasmiga ah ee Shacabka.

Faafin: SomaliTalk.com | September 14, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: