SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Famaajo oo laga codsaday in uu soo bandhigo Heshiiskii BADDA iyo inta dokumenti ah ee Dowladdu ka heyso...

iyo Dhambaal ku socda Shacabka Soomaaliyeed oo cinwaankiisu yahay "Yaa u maqan ama diyaar u ah Difaaca Badda Soomaaliya"

  • Bashir Shekh Moxamed bashirmohamud@yahoo.com |  Jan 4, 2011

    Qoraaga Magaciisu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waana diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.


"Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo lagacodsaday in heshiisyada uu soo bandhigayo uusan ka ilaawin heshiiskii Badda ee dhexmaray xukuumadda FKMG iyo Kenya waxaan ka .. "

Anigoo aan yareeysaneynin dhibka qotada dheer ay leeyihiin heshiisyada ilaa iyo hadda la magacaabay,  oo kala ah SKA AIR OPORATION , SARECEN INTERNATIONAL , BURNCRAFT, R A INTERNATIONAL iyo shirkada iibsatey .SO, 252 oo ah furayaasha dalka dhinaca isgaarsiinta, ayaa waxaan dareemayaa in HESHIISKA BADDA uu ka khatarsan yahay walina taagan yahay, soona noqnoqondoono haddii aysan Dowladdan KMG si deg deg ah wax uga qaban.

Anigoo ka faa'iideysanaya ballantii uu qaaday R/Wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ahayd in uu soo bandhigi doono heshiisyadii Dowladdu gashay iyo kuwa wali taagan, ayaa waxaan ka codsanayaa in uusan ka tagin HESHIISKII BADDA iyo inta dokumenti ah ee Dowladdu ka heyso, gaar ahaan codsigii ay u qortay Norway ee ahaa in ay badda Soomaaliya dib u cabbirto (Qoraalkii AFTENPOSTEN), haddii uu jiro codsi noocaas ahi in uu soo bandhigo iyo cidda Soomaaliya u saxiixday codsigaas.

Intaas waxaa sii dheer in Dowladdan KMG ay ka hortag sameyso una caddeyso Norway iyo Commonwealth in badda Soomaaliya ay cabbiran tahay sida ku cad GLOSSARIO 2007, shicibka Soomaaliyeedna aysan raali ka ahayn faragalinta ay sameynayaan Norway iyo Commonwealth, diyaarna u yihiin in ay banaanbax nabad ah sameeyaan.

Ra'iisul wasaaraha waxaan xasuusinayaa in heshiiskii BADDA ee dhexmaray xukuumadda Soomaaliya iyo Kenya uu khatar yahay, sidaas daraadeed adigoo fulinayaa ballan qaadkaagii inaad heshiiskaas wax kasta oo ku saabsan iyo wixii dukumiinti uu wato oo dhan aad soo bandhigtid.

Dhambaal ku socda Shacabka Soomaaliyeed:

YAA U MAQAN AMA DIYAAR U AH DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Walaalayaal,

Waxaannu la wada soconnaa in Keenya aan laga sugeynin in ay katanasusho boobka aay rabto in aay ku hantido badda Soomaaliya meel kasta ha u martee, arrintaas ayaana  keentay in arrimaha badda Soomaaliya ay soo noqnoqdaan.

Waxaannu kaloo la soconnaa in Commonwealth ay rabto in ay Keenya u hiiliyaan oo ku garabgalaan boobka ay rabto in ay badda Soomaaliya kula wareegto ayagoo dalbanaya khubaro kale oo ay la kaashanayaan.

Waxaannu kaloo la soconnaa aamusnaanta daba dheeraatay ee Norway kana jawaabi la'dahay qoraalladii loodiray (Safaaradaha   Den Haag iyo Roma), arrintaas oo wal wal hor leh abuurtay, loona fasiran karo in ay damacsanyihiin in ay qorshohoodii ku hirgaliyaan:- ee ahaa hadalkii (Dowladda KMG ayaa naga codsatay in badda loo cabbiro) ayagoo iska indha tiraya sharciyadii iyo qoraalladii loo gudbiyay.

Haddaba waxaa cad in labada qorshe ay isku xiranyihiin oo tan Norwey haddii aay hirgasho in Commonwealth- ay si toos ah usoo dhex galayaan  ayagoo ku andacoonaya  in ay waan waan  sameynayaan.

Waxaa jiray in aan Ummadda Soomaaliyeed usoo jeediyay Warbixin iyo baaq -BANAANBAX NABAD AH- ula jeedaduna  ahaayd in aanaan raali ka ahayn cabbiridda badda aay waddo Norwey  ayagoo ku marmarsiyoonaya horumarinta kallumeysiga.

Waxaan markale idiin la socodsiinayaa in aan mar kale la xiriiray Safaaradda Norwey ee Den Haag anigoo u gudbinaya shuruucdii badda ee Qarammada Midoobay oo daabacaad cusub lagu sameeyay 2007, halkaas oo aay ku cadyihiin in Soomaaliya ay ka qayb gashay shirkii QM ee la qabtay 10 Disembar 1982 , saxiixana ku dhufatay 24 Luulyo 1989. sharcigaas oo caddeynaya in Soomaaliya aay leedahay xuduud badeed gaaraya 200nm.

Fiiri E-mailkii aan u diray (Waxay ku qoran tahay Af Talyaani), sii akhri dhanka hoose ee bogga:

Quote

***

Re: Regarding "Somalia has an economic zone water"
From: Bashir Mohamud bashirmohamud@yahoo.com
To: Høyland Irvin <*******@mfa.no>
 3 Files  Download All
Glossario2007.pdf (5181KB); acque_territoriali_somale in Italian.pdf (159KB);
Warbixin iyo BAAQ.doc (119KB)

________________________________

Sua Eccellenza sign. Irving Hoyland,

Le mando i migliori saluti di BUON NATALE e BUON ANNO NUOVO.

Per quanto riguarda lo  E-mail che ho ricevuto il 26 July 2010 e' passata molto tempo. Io non Le nascondo il mio punto di vista della situazione nei confronti del Programma del Signor Carl Peter Salicath.

Ho messo al corrente della grave situazione del Programma al popolo Somalo via i Web-Somali. Ho chiesto a tutto il Popolo Somalo compresi (Il Governo Somalo, Il Parlamento, I Governi Federali  e gli oppositori guerriglie  Muslumani Somali di prepararsi una giornata di dimostrazione pacifica contro il PROGRAMMA di Signor Carl Peter Salicath.

Allego un ATTACH del mio messaggio che ho trasmesso via i WEB-Somali.

http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac1.html

Ho ricevuto tanti mesaggi positivi da tutte le parti  chiedendomi il giorno della dimostrazione pacifica.

Allego un altro ATTACH  positivo della reazione degli UFFICIALI Dell'ESERCITO SOMALO residenti in Europa.

Eccellenza Sign. Irvin Hoyland, Le informo che abbiamo tanti problemi:- AL- QAIDA, I PIRATI, Le GUERRIGLE MUSLUMANE contro il NUOVO GOVERNO, CRISI ECONOMICHE, CRISI POLITICHE,  PROBLEMA DEI RIFUGIATI, DISINTEGRAZIONE DEL PAESE IN PICCOLI STATI FEDERALI e cosi' via via ......

Eccellenza Signor Irvin Hoyland allego (ATTACH) qua sopra del GLOSSARIO DI DIRITTO DEL MARE scritto da Fabio Caffio  terza edizione del 2007. In questo GLOSSARIO a pag. 215 puo' vedere che la Somalia ha  200nm di AQUE TERRITORUIALI (figuriamoci delle ZONE ECONOMICHE che il Sign. CARL PETER SALICATH sta NEGANDO TOTALMENTE)

Come puo' vedere dal GLOSSARIO 2007 , la Somalia e' uno dei Stati che ha fatto parte della CONVENZIONE DEL DIRITTO DEL MARE nel 10 Dicembre 1982 ed aveva firmato la retifica il 24 luglio 1989.

Piu' chiaro di cosi' non si puo' vedere.

Io ho lo stesso parere della lettera che hanno scritto I Militari Somali dicendo:-

(Consideriamo il Regno di Norvegia e la sua popolazione come amici ed amanti della pace, del progresso, della giustizia sociale ed economica, della reciproca comprensione

fra i popoli. La comunita’ somala della Diaspora segue con apprensione e sospetto il progetto del Sig Salicath, e si augura che venga abbandonato in toto quanto il Suo connazionale sta portando avanti a danno della nostra popolazione ed a favore di occulti interessi che, attualmente, ci sfuggono).

Spero tanto che il problema venga risolto al piu presto possibile e che non si faccia la dimostrazione pacifica.

LO SPERO TANTO.

Aspetto  con tanta ansia una vostra risposta.

Vi auguro di nuovo un Buon Natale e felice ANNO NUOVO 2011.

Bashir Shekh Mohamed

***

Unquote

Walaalayaal Haddii an usoo laabto CINWAANKA qoraalkeyga  oo ah:- YAA U MAQAN AMA DIYAAR U AH DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Waxaan dareemayaa in aaysan jirin cid u maqan, inkastoo dadka qaarkiis aay dadaaleen oo wax la qorqoray waxna la isku dayay in la hakiyo, haddana waxaannu wada arkeynaa in quwadda naga soo horjeeda iyo kala daadsanaanteennu in  aaysan isku dhigmin, sidaas darteedna nalaga faa'iidaysanayo.

Walaalayaal waxaan mar labaad Soomaalida oo dhan aan ka codsanayaa in aaysan sahlanin BAAQII hore oo aan usoo jeediyay SOOMAALIDA OO DHAN oo ahaa in BANAANBAX NABAD AH la sameeyo. (Madaxa waxaad galisaan in Keenya aaysan katanasuleynin Qorshaheeda boobka badda Soomaalia).

Si arrimahaan looga hortago waxaan Ummadda Soomaaliyeed usoo jeedinayaa in si deg deg ah loo sameeyo koox ka madax banaan siyaasadda iyo madaxtinimada ay Soomaalidu isku haysato, kooxdaas oo ka kooban (KOOX FARSAMO) kuna xeeldheer sharuucda iyo siyaasadda difaaca badda.

Kooxdaasi shaqadeedu waxaay ku koobnaaneysaa DIFAACA BADDA SOOMAALIYA  oo kaliya, si ay uga hortagaan boobkaan joogtada ah oo soo noqnoqonaya oo ay Kenya iyo xulufadoodu wadaan.

Haddii aan ummadda Soomaaliyeed usoo jeedin lahaa in sanduuq dhaqaale loo furo kooxdaa waxaan ka cabsi qabaa in arrintu fashilanto oo isqabqabsi iyo suxulo duub laga bixiwaayo.

Haddaba si aaysan taasi u dhicin waxaan soo jeedinayaa in kooxdaasi si tabarruc ah ay shaqada u qabanayaan qofwalibana kharashka ku baxaya uu asagu asxaabtiisa iyo Soomaalida agdaggan kala kaashado.

Si ay u sahlanaato Isku hiridda  kooxda waxaan soo jeedinayaa in dadka ku xeel dheer sharuucda difaaca badda oo go'aansada in ay tabarruc ku shaqeeyaan in aay ila soo xiriiraan E-mail- bashirmohamud@yahoo.com si aay u noqdaan guddi isku xiran, dhexdoodana isaga doortaan qofkii madax u noqonlahaa.

(Aniga shaqadeydu waxaay ku ekaaneysaa  xiriirin kaliya).

Walaalayaal, muraadkeygu waa in la helo Guddi khubaro Soomaaliyeed ah si aay shaqada u billaabaan.

Bashir Shekh Moxamed bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | January 4, 2011


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: