SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaan Muuse Nuur Amiin oo Sharcidarro ku Tilmaamay Heshiiska Dowladda Ku Meel Gaarka ay la gashay Shirkadda HallidayFinch

"Baarlamaanku wuxuu horey u joojiyey in inta laga helayo dowlad rasmi ah aysan Dowladda KMG haatan jirta wax heshiis ah oo dhinaca badda ah la geli Karin Shirkado shisheeye... sidaas daraadeed heshiiskaani waa mid ka hor imaanaya go'aankii Baarlamaanka..."

Waxaa dhawaan Dowladda Federaalka ay heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo HallidayFinch,Shirkaddaas oo ay Dowladda kula heshiisay in ay badda Soomaaliya oo la sheegay in ay ka ilaalinayso burcad badeeda, Maraakiibta dooneysa in ay ku shubaan sunta haraadiga ah iyo kuwa sida sharci darada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, iyo Bixinta Leysinka Kaluumeysiga Badda , hase yeeshee xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiskaasi.

Xildhibaan Muuse Nuur Amiin oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ahna khabiir ku xeel dheere Sharciyada badaha ayaa heshiiska ay Dowladda Federaalka ay la gashay shirkadaasi ku tilmaamay mid sharci daro ah, waayo ayuu yiri Baarlamaanku wuxuu horey u joojiyey in inta laga helayo dowlad rasmi ah aysan Dowladda haatan jirta wax heshiis ah oo dhinaca badda ah la geli Karin Shirkado shisheeye, wuxuuna sheegay in heshiiskaani noqonayo mid ka hor imaanaya go’aankii Baarlamaanka.

Heshiiskaan ayaa wuxuu kaloo dhigayaa in Shirkaddaan ay dib u soo nooleyso ciidamadii Badda Soomaaliya iyo waliba qalabkii ay ku shaqeyn jireen, hase yeeshee Xildhibaan Muuse Nuur Amiin wuxuu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu horey wareegto uga soo saaray ku aadan in aan wax heshiis ah lala geli Karin shirkado shisheeye tan iyo inta laga helayo Dowlad rasmi ah, wuxuuna Muuse Nuur Amiin ku tilmaamay heshiisyada ay dhawaan Dowladda KMG gashay kuwo burinaya go’aankii Baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha.

Xildhibaan Muuse Nuur wuxuu intaas sii raaciyey “Iyadoo la raacayo go’aankii Baarlamaanka iyo wareegtadii Madaxweynaha, heshiis lalama geli karo shirkado shisheeye, marka Wasiirada haatan Dowladda ku jira waa kuwo aan waxba kala socon go’aamadii horey loo gaaray, marka waxaan leeyahay dib ha u eegaan go’aamadii horey loo gaaray, sidaasi darteed waxaan u soo jeedinayaa mas’uuliyiinta xukuumadda in aysan ku degdegin heshiis lala galo shirkadaha shisheeye tan iyo inta uu dalku ka baxayo ku meel gaarka”.

Aqoonyahan Maxamed Muuse Guuleed oo ka mid ah aqoonyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland oo inta badan ka hadla arrimaha badda Soomaaliya ayaa muujiyey in xiligaan aan loo baahneyn in shirkad shisheeye ay heshiis la gasho Dowladda Federaalka, wuxuu sheegay in ciidamo aad u fara badan oo ka socda Midowga Yurub oo ku hawlgala magaca ATLANTA isla markaana wata hub aad u fara badan ayaa dhihi kara in ay far ku godan tahay waayo mudo sanadooyin ah ayaysan waxba ka qaban hawlihii ay u yimaadeen Xeebaha Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray “Ma jirto baahi weyn oo loo qabo in shirkad caalami ah oo ilaalisa badda Soomaaliya heshiis lala galo, waayo kuwaa ayaa weli waxba qaban waayey oo mudo ku sugan Xeebaha Soomaaliya, marka waxaan ku tilmaami karaa arrintaan mid dano gaar ah laga leeyahay”.

Maxamed Muuse Guuleed wuxuu sheegay in marka hore loo baahnaa in golaha Wasiirada ay hor keenaan Baarlamaanka kadibna ay u gudbiyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka , sidoo kalana qaybaha kala duwan ee bulshada wax laga weydiiyo balse xukuumaddu arrimahaas oo dhan ma soo marin marka waa heshiis sharci daro ah oo la doonayo in lagu boob badda, wuxuu u soo jeediyey Baarlmaaanka in ay mar kale ka hortagaan heshiisyadaasi lala galayo shirkadaha shisheeye.

Wasiirada Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa afka ku balaariyey in Dowladda Federaalka ay heshiis la gashay shirkada HallidayFinch, si ay u ilaalisa Xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in heshiiskaani uu bilowday xiligii ay jirtay xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo balse xukuumadda haatan jirta ay dhameystirtay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Heshiiska DFKMG iyo Shirkadda HallidayFinch waxa uu shacabka Soomaaliyeed soo xasuusinayaa Heshiiskii TopCat

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2012

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: