- KU: United
Nation - E'mail
- Ku: European
Union -E'mil
- Ku: Midowga
Africa - 'mail
- Ku: Jaamacadda
carabta - E'mil
- Ku: USA -
E'mail
Ujeeddo: Cabasho ku saabsan Sharciyada Xaqdarada ah ee lagu Fulinaayo
Xuduudaha dhulka iyo Badda Soomaaliya
- Soomaaliya Waxay Xornimo Buuxda qaadatay July 1, 1960. Waxaana markaas loo sameeyey Xuduudo
dhuleed iyo mid badeed ah, taaso Soomaaliya ay xaq u lahayd.
Dalalka Bariga
Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay dib
u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay
waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay
xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba,
sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxa ay fogaantii badda
(ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka
dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay
ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972
siday u kala horeeyaan.
Xeerka
Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday
10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July
1989. (Fiiri map-ka Kore)
Xeerka Badaha
Adduunku wuxuu si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii
November 1994. Waxaa socota inay Qarammada midoobay ka shaqaynaysay sidii
Badaha Adduunka sharci loogu samayn lahaa, waxay qaadatay labaatan sanadood
(1970-1994) in la dhaqan galiyey xeer oranaya: Waddan kasta wuxuu xaq u
leeyahay (370 km) oo ka bilaabanaysa xeebta baddiisa inuu isagu leeyahay ku
takri falkeeda. Xilligaas waxaa jirtay dowladdii Soomaaliya oo wax ka
saxiixday.
Shirweynihii
Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego
Bay ee dalka Jamaicaayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey
ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii
November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, oo ay Soomaaliya ka mid
tahay, kaddibna dhaqan geliyey. Waxaa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha
Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the Law of
the Sea).
Waxaa kale oo
dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee
kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200
nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal
kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda
batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km)
meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas - toosna ugu beegan xeebta (macne
weyn ayaa ku jira hadalka ah "toos ugu beegan xeebta").
Fogaanta badda
ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah
ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan
dalalka leh xeebaha.
Xeer Lambar
#37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
Dawladdii
Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay
Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii
September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha
Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:
Qodobka
1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya
qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka
Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda
Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka
Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka
iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
Qodobka
2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha
Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
Qodobka
6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka
iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita
Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci.
Qodobka
9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn
maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad
gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon.
Qodobka
10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka
Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.
iyadoo ay jiraan xeerarkaas badaha Caalamka iyo kan xeerarka Soomaaliya u
gaarka ah ayaa Qaramada midoobey iyo waddamada Commonwealth waxay ku
xadgudbayaan Shuruucda Badaha Caalamka iyo xeerarkii u gaarka ahaa
Soomaaliya,
Waxayna badda Soomaaliya u samaynayaan cabbir Cusub oo aan waafaqsanayn
Shuruucda badaha caalamka iyo kan Soomaaliya. Arintaasna waa xadgudub cad oo
lagu samaynayo Xuduudaha badaha Soomaaliya.
http://www.thecommonwealth.org/news /231326/271010kenyaSoomaaliyamaritimeboundaries.htm
COMMOWEALTH ma
lahan awood aay ku masaxdo ama ku tirtirto sharciga badaha ee Soomaaliya uga
diinwaangashan Qaramada Midoobay, laakiin khayaanada aay wataan ayaa waxay
tahay iyagoo adeegsanaya Shakhsiyaad Somali ah, rabana inay si dadban u
yiraahdaan Sharcigii badaha ee Soomaaliyeed, iyagaa iskood isaga tanaasulay
oo cid ku Khasabtay ma jirto.
Haddii aan
nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan Caalamka u caddaynaynaa in Xuduudaha
dhulka iyo badda Soomaaliya uu yahay lama taabtaan, oo ayna tahay hanti ay
Soomaali oo dhan ay wada leedahay, Go’aankeedana waxaa iska leh shacabka
Soomaaliyeed. Waana ka soo horjeednaa in Cabbir iyo xeerar sharci darro ah
lagu fuliyo Soomaaliya oo keliya. (fiiri map-ka, shaxda iyo Buugaagta
muujinaysa xeerarka Badaha caalamka).
Qaramada
Midoobay waxay Texgelisaa Xeerarka Xuduudaha iyo Badaha waddamada caalamka
oo dhan ilaa aan Soomaaliya ka ahayn, sabatoo ah Soomaaliya ma lahan Dowlad awood
badan oo u doodad Xuquuqda Shacabkooda. Dhibaatadaas Soomaaliya ka jirta
darteed ayey UN ka faaideysanaysaa oo Soomaaliya ku fuleynsaa xeerar xaqdaro
ah.
Haddii aan
nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan UN –ka iyo Wadamada Commonwealth ka
codsanaynaa inay naga joojiyaan Xaqdarada ay Soomaaliya ku wadaan, nagana
joojiso sharciyadaan xaqdarada ah oo Soomaaliya oo keliya lagu fulinaayo.
Soomaaliya uguma
horeyso wadamada fashilmay, ee waxaa jira wadamo badan oo sida Soomaaliya oo
kale dhibaatooyin uga dhacay. UN-ka iyo Caalamka waa u gurmadeen, iyadoo aan
lagu xadgubin Qaranimadooda iyo Xuquuqda Xuduudahooda, waxaana lala xaliyey
dhibaatooyinka ka jira wadamadaas, sidoo kalena dib u dhiska iyo
Nabadgelyada ayaa aad looga taageeray,
Haddii aan
nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan xaq u leenahay in la tixgeliyo
Qaranimadeena iyo Xuduudaheena dhul iyo bad. Sida loo texgeliyo waddamada
kale ee Caalamka. Waxaan kaloo xaq u leenahay in nala garab istaago iyadoo
la tixgelinaayo Diinteena, Dhaqankeena iyo Dastuurka noo degsan.
Shacabka
Soomaaliyeed waa ka baxayaan dhibka ay hadda ku jiraan, waxaana jiri doonta
xisaabtan iyo dabagal ay Soomaaliya samayn doonto, taasoo ku saabsan Sharciyada
xaqdarada ah iyo wadamadii ka dambeeyey.
Bashir Shekh
Moxamed
Diplomaasi
hore ee Soomaaliyeed.
bashirmohamud@yahoo.com
English Version: Ka akhri Halkan
"Shicibka
Soomaaliyeed waxay ugu dambeenta la xisaabtami doonaan kuwa xadgudubka ku
sameynaya JIRITAANKA QARANNIMADA SOOMAALIYEED..."
- Qoraaga (Bashiir Shiikh Maxamed), waa diblomaasi Soomaaliyeed oo ka
soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka
ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u
naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé
D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden,
Denmark iyo Norway.
"NO to any threat infringing on the sovereignty of Somalia, especially
concerning the 200nm territorial waters, given since 1972, and the 200nm EEZ
(Exclusive Economic Zone / UNCLOS) already in place since 1989" (ecoterra -
03. September 2011)....