SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaan Qanyare: Reer Yurub oo Cumar Cabdirashiid ka dalbaday in uu soo yareeyo Soohdinta badda Soomaaliya, waana ka diidey...

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo November 8, 2009 magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu hayo nuqul heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray xukuumaddii Nuur Cadde iyo dalalka reer Yurub, heshiiskaas oo la saxiixay December 31, 2009. Qanyare waxa uu heshiiskaas ku tilmaamay sharci darro. Heshiiskaas oo ku saabsan in Maraakiibta reer Yurub ay soo geli karaan badda Soomaaliya. Heshiiskaas waxaa saxiixay safiirka DFKMG u fadhiya Kenya, M. Cali Ameerico. (Sida aan hoos ku arki doono xilligaas DFKMG madaxweynaheedii C/laahi Yuusuf wuxuu is casiley laba maalmood ka hor, markii dambena Nuur Cadde waxa loo magacaabay Ergeyga DFKMG u qaabilsan Midowga Yurub iyo safiirka Talyaaniga).

Qanyare waxa uu yiri: Haddii dawladda Soomaaliya ay heshiis dal kale la gasho, qaanuunku waxaa weeye in xukuumaddu ay baarlamaanka keento, si markaas baarlamaanku ka doodo markaas la diido ama la ogolaado. Laakiin heshiiskaas oo aan lakeenin baarlamaanka ayaa maraakiibta reer Yurub soo galeen badda Soomaaliya, waxana uu yiri taasi waa sharci darro.

"Bad gadashadii Kenya laga hadlayey, bad gadashadii ka weyned ayaa tan ah," ayuu yiri Qanyare. Waxana uu sheegay in uu hayo heshiiska oo qoran, oo hore loo qariyey. Waxana uu yiri waa in ay nooga baxaan dalkeena, oo ilaaliyaan xorriyadda dalkeena. Haddii ay ka bixi waayaan waa isticmaar cusub oo xoog ku jooga, waa inay ogaadaan.

"Heshiiskaas waa laga qariyey baarlamaanka, sidaas daraadeed (maraakiibta reer Yurub) waxay ku joogaan Sharci darro." Waxaana arrintaas Mooshin ka geyn doonaa baarlamaanka, waxaana rajaynaynaa in baarlamaanku nagu raaco maadaama arrintani tahay mid la xiriirta maslaxadda Soomaalida.

Qanyare oo ka hadlayey xuduudda badda Soomaaliya (Territorial waters) waxa uu yiri "Soohdinta biyaha badda Soomaaliya waa 200 nautical miles oo u dhiganta (370 km)."


Oct 29, 2009: Walad Cabdalla soo salaamaya Cumar C/rashid
Waxaa la socdey C/raxmaan C/shakuur (oo saxiixay MOU)
iyo Juurile oo warbaahintu sheegtay in uu wax ka ogaa MOU

Sida uu qiray Maxamed Qanyare, xadka dhul-badeedka Soomaaliya (Territorial waters) hadda waa 200 mayl badeed, kaas oo ah fogaanta la doonayo in laga dhigo 350 maly badeed oo u dhiganta (648 km). Taas oo jirta ayaa Qanyare waxa uu sheegay in n ra'iisul wasaaraha DFKMG laga dalbaday in uu soo yareeyo soohdinta dhul-badeedka Soomaaliya markii uu booqday Xarunta Midowga Yurub (Oct 29, 2009), waxaana laga dalbaday in uu soohdintii 200 mayl ahayd ka dhigo 12 mayl badeed.

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Prime minister-ku markii uu Belgium tegey, warka aniga ahaan hayo waxaa weeye: waxay ku yiraahdeen soohdinta biyaha Baddaada soo yaree oo 12 nuatical mile ka dhig, meeshii ay ka ahayd 200 nautical mile. Prime minister-kuna waxaa la igu yiri waa diidey," ayuu yiri Qanyare oo intaas kusii daray "200 mayl oo Soomaaliya leedahay iyo EEZ labada waa la aqoonsaday, waa caalami International, ilaa Jamciyadda Quruumaha kadhexaysa iyo dawladuhu waa aqoonsan yihiin. Iyagaa raba sidii Isticmaarkii hore oo kale oo Yurub kusoo galeen in ah hadda badda kusoo galaan." (Hadalkii Qanyare ka dhegeyso Halkan).


Nuur Cadde (Dhexda gaariga) iyo Cumar C/rashiid (kursiga hore)
FG: Nuur Cadde ayaa fadhiyey kursiga PM-ka (protocol), markaas ayuu
Farta ku fiiqayaa PM oo ka soo degey kursiga hore si loo salaamo.
Brussels Belgium (Oct 29, 2009): Video: Halkan ka daawo

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida. Qodobka 1aad ee xeerkaas waxa uu dhigayaa: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.

Ujeedada meesha ku jirta waxay tahay in sharciga Soomaaliya u deggan uu dhigayo in 200 mayl badeed oo bad ah ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya, sidaas daraadeed aan lagu soo xad gudbi karin. Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ay kala fahmaan saddex cabbir oo loo adeegsado badda oo kala ah:

  1. Territorial sea/Waters oo ah ka tirsan Dhulka Dalka. Waa bad ka tirsan dhulka dalkaas, oo aan lagu soo xad gudbi karin, ciddii martana waxay u hoggaansamayaan qaanuunka dalka baddaas leh. Adduunka badankiisa cabbrikaasi waa 12 mayl badeed, laakiin sida aan kor ku soo aragnay sharciga u deggan Soomaaliya xadkaasi waa 200 oo mayl badeed.
  2. Economic Exclusive Zone (EEZ) -Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga - waa aag dalka xeebta leh ka kalluumaysan karo. Badanaa adduunka badaha leh cabbirka EEZ waa 200 mayl badeed waxaana hadda la qorshaynayaa in laga dhigo 350 mayl badeed.
  3. Internatioanl Waters / High Sea (Bad weyn) - bad caalami ah oo dad ka dhexeeye ah. Waa wixii ka baxsan Territorial waters iyo EEZ.

Bishii October 2008 ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla waxa uu bilaabay ama uu lahaa asaaskii diyaartii akhbaarta Soomaaliya ee la xiriirta cabirka badda ee Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed. Waxaa xilliyadaas soo shaac baxayey khilaaf ku kala dhex jirey xukuumadda FKMG, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha.

November 1, 2008 ayaa ra'iisul wasaarahii DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu warqad u diray Midowga Yurub qaybta u qaabilsan  Arrimaha Dibadda, ammaanka iyo siyaasadda, warqaddaas oo jawaab u ahayd wada shaqayn ay reer Yurub usoo bandhigeen. Waxaana taas ku xigtey warqad wargelin ah oo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ay November 14, 2008 u dirtay Xoghayaha Guud ee QM.

C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu xilka madaxweyna-nimada DFKMG iska casilay December 29, 2008. Laba maalmood kaddib ayaa magaalada Nairobi December 31, 2008 waxaa heshiis ku kala saxiixday Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Nairobi iyo Midowga Yurub. Heshiiskaas oo ku saabsan Dhulka, Badda iyo Hawada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay geli karaan ciidamada Yurub ee loogu magac daray EURAVFOR.

Markii la soo dhisay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif, waxay durbadiiba Kenya la gashay heshiis muran gelinaya badda Soomaaliyeed. Heshiiskaas oo hadda uu Cumar C/rashiid ku tilmaamay mid xad gudub (Violation) ay ku kacday Kenya. Laakiin ilaa hadda DFKMG aysan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas, aqbalina diidmadii baarlamaanka, isla markaasna aan diidmadaas loo gudbin QM.

Bishii June 2009 ayaa xukuumadda Sheikh Shariif waxay Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) u magacawday Safiirka dalka Talyaaniga iyo Ergayga DFKMG u wakiilka uga ah Midowga Yurub.

Warbixinta hadalka Qanyare ee heshiiska Yurub iyo Soomaaliya hoos ka akhri.



Brussels, Oct 29, 09: Javier Solana oo la kulmay Cumar C/rashiid iyo waftigiisii
Kulanka waxaa joogey: Nuur Cadde, C/raxmaan C/shakur iyo Juurile

Xildhibaan Qanyare: Waxaad ka hadleysaan qayb Baddii Soomaaliya oo la bixiyey waxaad ogaataan in Baddii Soomaaliya lala wareegey 

Hadalkii Qanyare ka dhegeyso Halkan

Maxamed Qanyare Afrax
Maxamed Qanyare Afrax

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid xildhibaanada Baarlamaanka ayaa daaha ka rogey Heshiis qarsoodi ah uu galey Raiisul wasaarihii Hore ee  Soomaliiya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kaasoo u ogolaanaya in Maraakiibta reer Yurub ay kaluunka ka jilaabtaan Xeebaha soomaaliya.

Heshiiskaas ayuu xildhibaan Qanyare sheegey in  uusan waxba ka ogeyb Baarlamaanka Soomaaliyeed , wuxuuna ku tilmaamey mid Sharcidaro ah maadaama aan la soo marsiin Baarlamaanka Soomaaliya , wuxuu sheegey Xildhibaan Qanyare in ay heleen Nuqul ka mid Heshiiskaas Qarsdoodi ah oo uu sheegey in ay  wada saxiixeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya iyo Gabar ka socotey Dalka Faransiis oo mataleysey midowga Yurub.

Xidhibaan Maxamed Qanyare ayaa sheegey in laba warqadood oo lagu codsanayo Hirgelinta Heshiiskaa ay ka baxdeen Xafiiska Raiisul Wasaarihi hore Mudane Nuur Xasan Xuseen( Nuur Cadde) , isagoo sheegey in heshiiskaas lagala dhuuntey Golaha Baarlamaan Soomaaliya , islamaarkaana uu u dhacay si qarsoodi ah

Mudane Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa sheegey in heshiiskaa uu u fasaxyo Maraakiibta shisheeye  ee la dagaalamaya Burcad badeedka  ayna soo galaan Xeebaha soomaaliya , isagoo sheegey in maraakiibta  u jeedkoodu yahay in ay ka kaluumeystaan Xeebaha soomaaliya.

Mar uu ka waramayey xildhibaan Qanyare sida uu u arko Burcad badeed ayuu sheegey in wixii ay ka soo afduubtaan meel ka baxsan xeebaha soomaaliya ay tahay sharci darro , hase yeeshee wixii ay ku qabtaan meel ka mid ah xeebaha soomaaliya haddi ay ka soo afduubtaan ay burcad badeedka ku sax san yihiin isagoo ugu baaqey wadamada haya Burcad badeed ay si dhaqsiyaha u sii daayaan isla markaan ay mag dhow ka bixiyaan wixii naf iyo maal ah ay ku dhibaateeyeen Xeebaha soomaaliya

Xidhibaan Qanyare wuxuu u soo jeediyey wadamada Maraakiibtooda ka jooga xeebaha soomaaliya ay si dhaqsiya ah u gala baxaan Maraakiibtooda Xeebaha soomaaliya , isagoo sheegey haddii ay ka fureystaan baaqaas ay u arkaan Gumeysi Cusub oo ku soo duuley Xeebaha soomaaliya

Qanyare oo u waramayey Idaacada Shabeele ayaa sheegey in ay wadaan Mooshin ka dhan Heshiiska qarsoodiga ee dhexmarey Raiisul Wasaarihii Hore ee soomaaliya Nuur Cadde iyo Midowga Yurub.

“waxaad ka hadleysaan qayb yar oo Badeena ah oo la la wareegey , waxaad ogaataan in Baddii oo dhan lala  wareegey laguna bixiyey Heshiisyo Qarsoodi ah “ayuu si kulul u yiri Xidhibaan Maxamed Qanyare oo ugu baaqey Bushada soomaaliyeed in ay u guntadaan Sidii looga hortagi lahaa boobka lagu hayo Baddii soomaaliya , sidoo kale wuxuu ugu baaqey Baarlamaanka soomaaliya in ay arrintaa u guntadaan oo ay laalaan heshiiskaa qarsoodiga ah

Horraantii sannadkaan ayaa Dowladda Shiikh Shariif waxay heshiis Afgarad oo ku aadan Badda soomaaliya la gashey Dowladda Kenya , Heshiiskaas ayaa u  u ogolaanaya in Dowlada Kenya sii Balaarsato Badeeda hase yeeshee waxaa arrinkaa wax kama jiraan ku tilmaamey Baarlamaanka soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri