SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Barnaamij Taariikhi ah oo Radio Codka Beesha ka Diyaariyay Xuduudaha Badda Soomaaliya ee Muranka La Galiyay

Barnaamijka Raadiyaha waxaa lagu waraystay Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid, Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka DFKMG Prof. Dalxa iyo Xildhibaan Ismaaciil Buubaa. Waxaa kale oo lagu soo qaatay hadalladii madaxdii hore ee Soomaaliya iyo wixii dawladihii Soomaaliya soo maray ay ka aaminsanaayeen xuduudaha DHULKA Soomaalida.....

  • Xildhibaan Ismaaciil Buubaa: Waxaa loo baahan yahay in uu amro madaxweynuhu si degdeg ah in looga noqdo heshiiskan ama is-afgaradkaas
  • Prof. Dalxa: Fasiraadda xukuumadda oo heshiiskan ay ku tilmaantay mid is faham, ayaa su'aasha ka iman kartaa ay tahay horta marka hore maxaa la isku fahmay...
  • Cumar C/rashiid: Annaga iyo Dawladda Kenya waxa aan galay horta heshiis ma ahayn ee waxay ahayd Is-afgarad
  • Buubaa: is-afgaradku waa mid xukuumadda Soomaaliya ay ugu markhaanti furayso xukuumadda Kenya in ay dhul Soomaaliyeed uu yahay dhul la isku haysto
  • C/risaaq Xaaji Xuseen (1966): "Dastuurka Soomaalida waxaa la galiyay in dawlad kasta oo Soomaaliya in ay khasab ku tahay in ay raadiso wadannada maqan, in la isku soo daro, oo ay uga shaqayso si nabad ah."

Waxaa codka qoraal u rogay SomaliTalk.com | Isha: Radio Codka Beesha


Idaacadda Codka Beesha Soomaalida Waqooyiga Ameerika oo Axadii (April 26, 2009) baahisay barnaamij dheer oo ku saabsan Xuduudaha Xeebaha Soomaalida iyo Heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray DFKMG & Kenya, oo aan soo koobnay hoos ka akhri, ama:

Raadiyaha Codka Beesha waxa uu tibaaxay in heshiiskaas is-afgarad uu dhaliyey dareen ballaaran, gaar ahaan sida loo maamulay iyo sida DFKMG ay ugu degdegtay saxiixa. Waxaana Idaacaddu tibaaxday in heshiiskaas ay walaac ka muujiyeen guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan aqoon yahanka ku xeeldheer xuduudaha badaha iyo is-kaashiyada caalamiga ah. Heshiiskaas oo muran galinaya badda Soomaaliyeed.

Barnaamijkaas waxa ay idaacaddu ku soo qaadatay waxyaabihii ay xuduudaha ka aaminsanaayeen madaxwaynayaashii hore ee Soomaaliya, sida Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) iyo C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Siyaad Barre, iyo sidoo kale hadalladii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ee sanadahii 1966-kii iyo Axmed Cabdi Oogle oo ka warbixiyay NFD sannadkii 1962/1963 iyo kaddib.

Waxa Raadiyuhu magaalada Nairobi waraysiyo kala duwan kula yeelatay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DFKMG Maxamed Dalxa iyo Xildhibaan Ismaaciil Buubaa oo ganafka ku dhuftay heshiiskaas iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar C/rashiid oo heshiiska difaacay.

Waxa kale oo Codka Beeshu tilmaamay in muranka ay dawladda Cusub ee FKMG galisay badaha Soomaaliyeed hadda ay tahay arrin aan socon doonin sida ay tilmaameen aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo gaashaan hordhigay heshiiskaas. Sida mudane Muuse Nuur Amiin oo ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG oo ku takhasusay cilmiga xagga badaha, oo tilmaamay in meesha hadda laga hadlayo aysan gacanta ugu jirin DFKMG oo aysan tegi karin khubara Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale warku tibaaxay in heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya uu gaashaanka u daruuray oo aad iska fogeeyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo heshiiskaas ku tilmaamay heshiis aan xataa wadatashi laga samaynin, ayey tiri idaacaddu, ayadoo intaas raacisay in qareeno caalami ah ay ku tilmaameen in  heshiiskan uusan dhaqan gal noqon karin.

Radio Codka Beesha oo waraysi magaalada Nairobi kula yeelatay Xildhibaan Ismaaciil Maxmuud Hurre Buubaa, oo ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha dibadda ee dowlada KMG ee Soomaaliya,  ayaa wax ka weydiiyey heshiiska Kenya iyo Soomaaliya?

Xildhibaan Buubaa waxa uu ku jawaabay: "Heshiiskan xukuumaddu ay la saxiixatay Dawladda Kenya waa masiibo cirka kaga soo dhacday xukuumadda Sheikh Shariif, waxaana loo baahan yahay in uu amro madaxweynuhu si degdeg ah in looga noqdo heshiiskan ama is-afgaradkaas, waayo is-afgaradku waxaa weeyaan mid xukuumadda Soomaaliya ay ugu markhaanti furayso xukuumadda Kenya in ay dhul Soomaaliyeed uu yahay dhul la isku haysto, dawladina uma markhaanti furto dawlad kale, sidaas oo kale uguma markhaanti furto. Kolkaas waxaa loo baahan yahay in ay xukuumaddu kol labaad arrintaas cudurdaarna ummadda Soomaaliyeed ka siiso, madaxweynuhu amro ciddii saxiixday in ay dib uga noqoto."

Waxaa Xildhibaan Ismaaciil Buubaa la weydiiyey in arrinta la xiriirta badda ee ay wadatay Kenya in xukuumadda Soomaaliyeed ay ku fududaatay in ay saxiixdo, waxa uu ku jawaabay:

"Ma aha fudayd ee waa khalad, sideedaba dhul la isku hayo oo laba qof isku hayaan, qof inta loo yeedho lama yidhaahdo kaalay oo is-afgarad noo saxiix in aan dacwad ka leenahay dhulkaas idinku aad sheeganaysaan. Cidda sidaas samaysana laba midkood weeyaan: cid aan waxba kala garanayn oo wax fahamsanayn, (ama) cid u bareeraysa in ay saamayso waddankeeda - siday tahay weeyaane waxaa loo baahan yahay si degdeg ah in xukuumaddu arrintaas ay ku saxdo."

Sidoo kale Codka Beesha waxay Nairobi waraysi kula yeelatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baarlamaanka DFKMG, Maxamed Cumar Dalxa, oo la waydiiyey sida baarlamaanku u arko arrinta la xiriirta badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya?

Xildhibaan Dalxa waxa uu ku jawaabay: "Horta doodda haatan abuurantay marka la qiimeeyo, wararka la isla dhexmarayo iyo qoraalka aad isku fiirisid, jawaabaha ay bixiyeen masuuliyiinta ay khusayso heshiiskan, gaar ahaan xukuumadda iyo wasiirkii soo saxiixay, waxaad moodaa inay arrinta madmadow loo baahan yahay shacbiga loo iftiimiyo oo laga qanciyo in loo baahan yahay. Sababaha madmadowga keenay horta waxay tahay fasiraadda xukuumadda oo heshiiskan ay ku tilmaantay mid is faham, ayaa su'aasha ka iman kartaa ay tahay horta marka hore maxaa la isku fahmay. Midda kale "No-Objection" eray la yiraahdo oo laatiin ah ama af-qalaad ah ayay isticmaalayeen wasiirada aan dareemayay. Tuhunkan waa taagnaanayaa, dadka haddee dawladana waxay iyadana leedahay "Weak-Point"-geeda dad iyagana aad iyo aad uga faa'iidaysanayaa iyagana way ku shidayaan arrinta."

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waxa kale oo la waydiiyey: in khubarada xagga badaha ay aaminsan yihiin heshiiska ay Dawladda Soomaaliyeed la gashay Kenya in lagu fududaaday, ee sidee arrintaas dawladdu u aragtaa?

Waxa uu ku jawaabay: "Waa wax caqli gal ah ama "Logic" ah sababtoo ah xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay ma aha mid caadi ah, Soomaaliya baddeeda dhibaato ayaa ka taagan, waad ogtahay Burcad-badeeda ayaa waxaa loogu soo dugaalayaa si aan qiyaas lahayn intaas oo maraakiib ah oo haba yaraatee aan wax sharci ah cid naga haysata oo inta baarlamaan la keenay lagu ogolaaday in ay NATO iyo ciddii kale oo la hal maasha ay badda noo ilaaliso aysan jirin ayaa maanta baddeenii ka hawl gala. Inkasta oo xukuumadda sidaan oo kale hadda ka hor mar ay sheegatay xilligii Nuur Cadde oo ay yiraahdeen anagaa la og oo aan niri haddii aad la ogtihiin ma suuq madowbaa (black market) maa bannaanka la keeno."

Raadiyaha waxaa kale oo uu waraystay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke xilli uu booqasho ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo wax laga weydiiyey arrinta muranka badan dhalisay ee xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya, waxana uu ku jawaabay:  "Arrintan horta xasaasiyadda kicisay... horta sida loo dhigay ma ahayn bahasha sida loo sheegay...  Annaga iyo Dawladda Kenya waxaa galay horta heshiis ma ahayn ee waxay ahayd Is-afgarad waxa kaliya oo aan Kenya ku heshiinay waa uu ahaa taas... .... ..."

Waraysiyadaas waxay idaacaddu kuxejisay barnaamij dib loogu jalleecayo taariikhda xuduudaha dhulka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah iyo masuuliyiintii hore ee Soomaaliyeed waxyaalahii ay ka yiraahdeen ama ka qabteen. Waxaana Idaacaddu xustay gaar ahaan wadanka Kenya oo arrintani ku saabsan tahay in ay Soomaalida isku haystaan Gobolka loo yaqaan NFD.

Shirkii Rooma - Agoosto 1963

Xilligii ay Dawladda Ingiriiisku go'aaminaysay aayo ka talinta gobolka NFD ayaa sannadahii 1960-naadkii waxaa la qabtay shirar uu ka mid shirkii Rome[1] ee dalka Talyaaniga waxaa ka qayb galay wafti heer sare ah oo ka socday Soomaaliya iyo Ingriiska iyo wakiilo ka socday gobolkaas NFD iyo mustacmaradii Kenya.

Axmed Cabdi Oogle[2] oo ka mid ahaa waftigii wakiilka ka ahaa dadka reer NFD oo ka warbixinayay wixii halkaas ka dhacay ayaa yiri: "Shirkaas waxa uu u dhacay: waxay ahayd dawladdii Soomaalida iyo Ingriiska in ay wada hadlaan. Danta (Interest) ay Soomaalida u leedahay NFD wax qarsoon markaas ma uusan ahayn ee waa ku doodayeen. Marka dawladdii Ingiriiska oo go'aankeedii halkaa laga sugayay iyo dawladda Soomaalidu halkaa in ay ku shiraan ayey ahayd. Waftiga Soomaalida markaa Dr. Sharmaarke[3] oo ra'iisul wasaare ahaa ayaa madax u ahaa, Cabdullaahi Ciise wuu joogay, nin Cali Maxamed Hiraabe la yiraahdo wuu joogay, Maxamuud Cabdi Carraale nin la yiraahdo oo markii cilaaqaadka la kala goostay London ka yimid wuu joogay iyo dhawr nin oo kale badidooda waa dhinteen Allah ha u naxariistee."

Axmed Oogle oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri:

Somalia"Dawladdii Ingiriiska markaa sida la filayay waftigeedii hoos bay u dhigtay oo nin  Peter Thomas layiraahdo oo wasiiru-dawli ka ah wasaaradda khaarijka ayey soo dirtay, meshii Lord in uu yimaado laga filayay ama wasiirka Arrimaha dibadda. Taas walwal ayay galisay Soomaalidii iyo dadkii meesha joogay. Qudhaydu markaas waa joogay Rooma. Waxaa markaa dhibaato ka dhacday wafti Kenya oo markaas daakhili heshay ayaa wasaarad ka socotay oo Kenya ah oo dhehayay Soomaalida ayaanu la hadlaynaa. Waxaa ka mid ahaa nin laga dhigay wasiirkii lacagta, markaas waa daakhili iyo Tom Mboya."

Waftigii Soomaaliyeed arrintaas waa ku gacan sayreen, waxayna diideen in ay la hadlaan waftiga lagu sheegay in ay ka socdeen Kenya oo aan markaas weli xorriyad qaadan. Waa kan Ahmed Abdi Ogle oo arrintaas ka hadlayay:

"Markaas dawladdii Soomaalidu way diiday oo waxay yiraahdeen wax dood ah oo naga dhexeeya anaga iyo dawlad Kenya ka dhalan doonta ma laha, waxaan waa arrin isticmaar, Ingiriiska ayaa waddankan addoonsanayey ama gumaysanayey, Kenya siday xorriyadda u gaarisiinayaan xorriyad la mid ah waa in ay u gaarsiiyaan dadka NFD, marka Kenya ma wada hadlayno. Markaa waxaa dhacay waftigii Kenya in lagu biiriyay waftigii waddanka Ingiriiska oo ay xubin ka noqdaan si ay doodda uga qayb galaan."

Oogle waxa uu yiri: "Anaga oo dhawr ah oo markaas NFD ka soconay waa diidnay in Soomaalida nalagu dhex googooyo oo qaarkeen ay sidaas kaga qayb galaan. Markaas go'aan Ingiriis ayay ahayd, go'aankana wuxuu ku dhammaaday si aad u fool xun. Ingiriisku waxay yiraahdeen wax go'aan ah oo aan gaari karaynaa ma laha, Kenya marka ay xorriyadda qaadato in aad ka wada hadashaan weeyaan. Waftigii Kenya ninkii madaxda u ahaa Tom Mboya ninka la yiraahdo oo u hadlayey wuxuu yiri markaa waa nasoo mari karaysaan oo ra'iisul wasaaraheen oo markaas ahaa Kenyatta waan idinku casumaynaa Nairobi in aad ka wada hadashaan. Shirkaas saddex maalmood ayuu socday aad ayaan u saxuuxnahay Dr. Sharmaarke naxariis Allah ha siiyaa aad ayuu ugu dadaalay shirkaas in uusan ku dhammaanin in sidaas lagu kala tago, isagoo Kenya tusaya in cilaaqaad (xiriir) qumman oo walaalnimo iyaga dawladda Kenya iyo Soomaali dhex maraynin inta NFD xaaleeda caynkaas uu yahay. Sidaan u joognay saddex maalmood markii la joogo ayuun baan ka war helnay in waftigii Ingiriiska galabtaas dambe in uu tegayo oo London ku noqonayo."

Dawladahii hore ee Soomaalida

Waxaa markaas idaacadda Codka Beesha ay ka warbixisay: In dawladihii soo maray Soomaaliya ay markasta ku taamayeen sidii ay u midayn lahaayeen Soomaaliya oo dhan, ugana saari lahaayeen gacanta gumaysiga mid cad iyo mid madow.

Madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan (Aaden Cadde)[4] oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay ee ay Soomaali yeelato ayaa ka caddayay shirkii Ururka Midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Qaahira sannadkii 1964, isaga oo sheegay Soomaali marnaba in aanay ogolaanayn XUDUUD-BEENAADKA la dhex dhigay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale ra'iisul Wasaarihii Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen[5] ayaa sannadkii 1966 sheegay in dastuurka Soomaaliya dhigayo raadinta iyo u dagaalanka xorriya dadka Soomaaliyeed ee aan loo ogolayn in ay ka tashadaan aayahooda, hadaladiisiina waa ka mid ahaa: "Dastuurka Soomaalida waxaa la galiyay in dawlad kasta oo Soomaaliya in ay khasab ku tahay in ay raadiso wadannada maqan, in la isku soo daro, oo ay uga shaqayso si nabad ah. Siyaasadda dibadda ee dawladda Soomaalida tiirkeeda koowaad wuxuu ahaa sidii lagu heli lahaa wadanada Soomaalida oo maqan sidii xuquuqdooda loo heli lahaa, ayuu ahaa. Markaa waxa alla iyo wixii meel la isugu yimid, oo ururo ah oo dibad ah, ilaa waqtigaa OAU ma jirin, meel Qarammada Midoobay (UN) haddii la ogolaan karay iyo meelahii kale oo la isugu tegey, xukuumadda Soomaalidu marna dib ugama dhicin in ay ku dhawaaqdo xaqa ay leeyihiin wadannadaas maqan in loo ogolaado codkooda in ay dhiibtaan. Hadal meel kasta oo Forum ah, oo la isugu yimaado, oo suuragal ay noqon kartay xukuumadda Soomaalidu aad bay ugu dadaashay, taasi waa dibaddii. Gudahana ummadda Soomaalidu sidaas ayay rumaysnayd, xukuumadda Soomaaliduna aad iyo aad bay marwalba ugu dadaalaysay in dadwaynaha Soomaalidu ay ku baraarugsanaadaan fikraddaas iyada ah ayaa lagu dadaalayay."

Janaraal Maxamed Siyaad Barre[6] oo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya muddo 21 sano ah waxa uu yiri: "Adduunka qoomkii kasta oo joogaa madax ayay leeyihiin, haddii madaxdaasu wax daran ay ugu guddoomiso markii madaxdaasu ay tagto oo ay dhimato magac xumo ayay ka tagaan, habaar ayaa laga daba diraa, cay ayaa laga daba diraa, kuwii inkaarta qabay oo joogay maxay waxaa xun noogu guddoomiyeen ayaa qoomkaasi yiraahdaa ama shacbigaasi yiraahdaa. Haddii ay wanaagooda ka taliyeen oo ka shaqeeyeena magac wanaagsan ayay ka tagaan, dadku waa ku mahadiyaan, wanaag bayna ku xusuustaan. Waxaan anigu taas ka leeyahay Ilaahay ayaa xukmay annaga iyo Itoobiya iyo Kenya in aynu ku noolaano Geeska Afrika, inaguna hadda waa ku nool nahay, shaki kuma jiro qoomka inaga dambeeyana meesha ayay ku noolaan doonaan. Marka wax tirtiri karaa ma jiraan. Haddaba maxaa nala gudboon madaxda saddexdaa dawladood, ma inaan wax daran u guddoomino dadkanagii oo isku laynaa mase waa inaanu garano oo wixii dhex yaal ay si fiican inta ay uga tashadaan ay markaas si xaq ah oo saaxiib ah oo walaalnimo ah oo deris ah oo caddaalad ah wixii iskaga qasan in ay ku qabsadaan miyaa?

Gabagabadii barnaamijka Idaacadda Codka Beesha waxay ku soo qaadatay gabay uu tiriyay abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timacadde"[7], gabaygaas oo ahaa:

Nin qalbi la' Quraan kaw akhriyey, qaaf dheh ku harraadye.
Kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la' aakhiro'e.
Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye.
Qod la riday Qudhaanjada gashaa, qoob dad waw halise.
Hadduu geed qallalo roobku, waw qamac kaliileede.
Dirxiga qudhunku uma soo uro, waabuu quudsadaye.
Qasaaraha dhexdeenna ah haddaan, layska qabanaynin.
Qabaa'il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay.
Qasdi jeerooy wada yeelatooy, qawlka ku heshiiso.
Qabyo weeye Soomaalidaay qiiradaadaniye.

Barnaamijka Raadiyaha Codka Beesha oo uu soo diyaariyey Maxamed Cabdullaahi Xasan, islamarkaasna ay idaacadda ka tebinayeen Khadra Caydiid iyo Axmed Cali Yuusuf Dhabaryare, farsamadana waxaa ka qayb qaatay Maxamed Daahir Xasan: Halkan ka Dhagayso ama Halkan ama Soo Rogo.

Halkaas haddaan kaga gudubno barnaamijkii Raadiyaha Codka Beesha, oo jalleecno arrinta hadda taagan ee badda Soomaalida ee muranka la geliyay:  Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo la hadlay Radio Danan ayaa sheegay  in arrintani ay horay u diidday dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, arrintaas oo Kenya ay wax badan raadineysay, balse ugu dambeyntii ay fursad u heshay in la siiyo wixii ay raadineysay waqti dheer, waa sida warku u dhigay'e.


Qalin Qaran ku difaac

Qaar kamid ah saraakiil ka tirsan DFKMG ee hadda ayaa rumaysan in qadiyadan ay shacabka Soomaaliyeed si fudud ku ilaawi doonaan. Sarkaal u ku dhow xafiiska wasiirka DFKMG u saxiixay heshiiska Is-afgarad ayaa laga soo xigtay April 9, 2009 oo ahayad laba maalmood kadib markii heshiiska la saxiixay in uu yiri: "Waxaana aaminsanahay in xataa hadii Bada Soomaaliya oo dhan la gato labo beri kadib la iska aamusi doono, waxana kuu cadayn ah suntii lagu shubay badan iyo dhulka Soomaaliya amaba hada lagu shubayo iyo tacadiyada kale ee loo geeysanayo dhulkeena waa lala qabsaday." Warbixinta sare ayaa burinaysa hadalka sarkaalkaas, maadaama aan dhacdooyinka taariikhda la illaawin.

Baarlamaanka DFKMG ayaa laga dhur sugayaa ka hor MAY 13, 2009 wixii ay shacabka Soomaaliyeed ugu go'aamiyaan. Xeel dheerayaal Soomaaliyeed waxay baarlamaanka FKMG ee JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA ugu baaqeen in uu qalin ku difaacaan dalka, taas oo ah in ay heshiiskaas Is-afgarad ee muranka galiyey badda Soomaaliya ay ka dhigaan WAXBA KAMA JIRAAN (Null and Void), maadaama aan markii hore la soo marin baarlamaanka.

_____________________________
TIXRAAC:

[1] August 1963: ayaa la qabtay shirkii Rome ee dhex maray Soomaaliya iyo Britain. Waftigii Soomaalida oo uu hoggaaminayey Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxay shirkaas ku tilmaameen majara habaabin uu Ingriisku ku doonayey oo keliya in uu ku ogaado mowqifka Soomaaliya ka taagan tahay qadiyadda NFD. Wax yar kaddib Soomaaliya waxay u yeeratay safiirkii u fadhiyay London, islamarkaasna xiriirkii dublomaasiyadeed u jartay Britain. [Tixraac: Buugga John Drysdale: The Somali Dispute. New York: Praeger, 1964.]

[2] Axmed Cabdi Oogle: waa siyaasi caan ka noqday NFD.

[3] Cabdirashiid Cali Sharmaarke: Waxa uu ahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxaysay 12 July 1960 - 14 June 1964. Waxana uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 10 June 1967 - 15 October 1969.

[4] Aadan Cabdullah Cusmaan: waxa uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 1 July 1960 - 10 June 1967.

[5] Cabdulrasaaq Xaji Xuseen: Waxa uu ahaa Ra'iisul wasaarahii Soomaaliya intii u dhaxaysay 14 June 1964 - 15 July 1967. Waxa uu hadda deggan yahay dalka Maraykanka.

[6] Maxamad Siyaad Barre: Waxa uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 21 October 1969 - 27 January 1991.

[7] Cabdilaahi Suldaan Timacadde: Waxa uu ahaa suugaan yahan iyo gabayaa caan ka ahaa dhulka Soomaalidu degto xilliyadii halgankii gumaysi la dirirka iyo sanooyinkii ka dambeeyay. Waxa uu noolaa intii u dhaxaysay (1920-1973).

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: