Wasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in Dawladda Kenya Kusoo Xad
Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed...
- SomaliTalk.com | April 28, 2009
Hadalkii: C/raxmaan C/shakuur Warsame
Halkan ka dhagayso
ama soo rogo
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee DFKMG,
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xaqiijiyey in Kenya kusoo xad
gudubtay qayb ka mid ah badda dhulka Soomaaliyeed. Laakiin C/raxmaan waxa uu
sheegay in heshiiskaas ay wada gaareen Kenya iyo DFKMG in si degdeg ah loogu
gudbin doono Baarlamaanka. Hadalkaas oo aan la fahmin waxa uu xaqiiqo ahaan ula
jeedo.
C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayey heshiiska isagoo waraysi siiyay
Idaacada Shabeelle waxa uu yiri: "Waxaan u arkaa in ay sax tahay, waana isku raacnay guddoomiyaha baarlamaanka
in ra'iisul wasaaraha uu mooshinkaas u gudbiyo baarlamaanka, lana keeno sida ugu
dhaqsaha badan. Xildhibaanada ay akhriyaan, go'aana ay ka qaataan."
Mudane C/shakuur oo ah Wasiirkii DFKMG u saxiixay heshiiska ayaa si cad u
qiray in Dawladda Kenya kusoo xad gudubtay qayb ka mida badda Soomaaliyeed,
isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxaan
aaminsanahay in heshiiskan ay dan Soomaaliyeed ku jirto, oo badda Soomaaliyeed lagu
badbaadiyay, qayb kamida International seabed ay qaadan lahaayeen, Dawladda
Kenya
qayb ay kusoo xad gudubtay sidii looga badbaadin lahaa ayaa heshiiskaasi nuxur u
ahaa."
Wasiirka oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri "Waxaan rajaynaynaa wuxuu
(heshiisku) ku qoran yahay luqadda Ingriisiga in Soomaali loo
tarjumi doono, oo xubnaha baarlamaanka la hor geyn doono, baarlamaankana
arrintaasi in ay shaafin doonto, kabacdina arrinta halkaas ay ku dhammaan
doonto. Waxaan aamisanahay xukuumaddu taagan tahay difaaca dalka Soomaaliyeed xuduudihiisa bad
iyo berri. Heshiiskaasna waa mid lagu difaacayo xuduudda badda
Soomaaliyeed, baarlamaankan waa hor keeni doonaa, guddoomiyaha baarlamaanka
isaga iyo ra'iisul wasaaraha arrintaas waa ka wada hadleen. Xukuumadduna waxay
u
gudbin doontaa baarlamaanka, waana ku faraxsanahay weliba in loo gudbiyo."
Wasiirku caddayn kama bixin sababta ku kalliftay in uu markii hore saxiixo
heshiis muran galinaya badda Soomaaliyeed, waxase uu yiri: "Wax ka jira ma jiro, in badan ayaan sharaxnay,
dawladdu way sharaxday, dad kale oo aqoon yahan ah way sharaxeen, anaga
xukuumaddu waxa weeye in ay baddii Soomaaliyeed badbaadisay qayb haddii ayadu aysan samaynin codsigaas (loo gudbinayo) hay'adaha
badda caalamiga ah iyo qayb ay kusoo xad gudubtay dawladda Kenya intaba sidii
damacaas loo difaaci lahaa, dhulka badeed ee bixi lahaana loo soo ceshan lahaa,
ayaamaha ayaa nakala saari doona, baarlamaanka ayaan keeni doonaa, xalaal barqo
ayaa la qashaa ayaa la yiri, waxeenu wax qarsoon ma aha, BANNAANKA ayay yaalaan,
baarlamaanka ayaa la horgayneynaa, Internetkana waa ku faafinay, warbaahinta
(media) waa siinay. Marka wax qarsan ma aha. Laakiin waxaan AAD uga xumahay in
la siyaasadeeyey oo dano siyaasadeed looga faa'iidaystay, oo dad qorshe (agenda)
siyaasadeed leh ay arrintaas been uga tarjumeen."
C/raxmaan C/shakuur Warsame ma caddayn sababta keentay in heshiiska loola
saxiixday Kenya ayadoo aan guddi khubaro Soomaaliyeed ah loo saarin oo laga soo
baaraan degin, waxase uu isagoo hadalkiisii sii watey yiri: "Laakiin wixii jiraaba cakaare
ayey imanayaan, waxaana ku faraxsanahay xukuumaddu in ay baarlamaanka geyso, oo
dadweynaha Soomaaliyeed u soo bandhigto, oo la magacaabo guddi khubaro
Soomaaliyeed ah oo arrintaasi soo dersa oo damaca Soomaaliya kusoo wajahan oo
bad iyo berriba ka difaaca ayaan rajaynaynaa in dawladdu mar dhow dhisto."
Hadalka wasiirka waxaa ku qeexan in "Dawladda Kenya
kusoo xad gudubtay qayb kamid ah Badda Soomaaliyeed", oo ay tahay
"sidii damacaas loo difaaci lahaa". Taas oo jirta ayaa Wasiirku waxa uu
hadalkiisa ku celceliyay in heshiiska baarlamaanka la hor geyn doono.
Hadalkaas marka si cilmiyaysan loo dhuuxo waxaa laga dheehan karaa laba aarrimood
midkood oo ah:
- IN BAARLAMAANKU DIIDO HESHIISKA: In wasiirku ku baraarugay in
heshiis aysan ka fiirsan loo hoos galiyey, oo uu hadda fahmay ujeedada ay
Kenya heshiiskaas ay ahayd in ay ku soo xad gudbaan qayb kamida badda
Soomaaliya. Taasina ay wasiirka hadda u cuntami waydey oo uu si xeeladaysan
ugu baaqayo baarlamaanka DFKMG in marka heshiiskan la horgeeyo sida ugu
dhaqsaha badan ay diidaan ka hor May 13, 2009, si markaasi u noqdo "waxba
kama jiraan" si aan Kenya u cuskan heshiiskaas mustqabalka. (waa haddii
baarlamaanku diido).
- IN BAARLAMAANKU ANSIXIYO HESHIISKA: oo Kenya ay wasiirka cadaadis
saartay ayadoo doonaysa in akhbaarta rasmiga ah ee ay Kenya u gudbisanayso
QM ay qorshaynaso in raaciso heshiiskaas oo ay ansixiyeen Baarlamanka DFKMG
ee tiradoodu tahay 550 xildhibaan. Si markaas Kenya ay mustaqbalka ugu doodo
in qayb ka mida badda Soomaaliyeed ay u ansixiyeen Baarlamaanka
Jamhuuriyadda Soomaaliya (waa haddii baarlamaanku ansixiyo). Waxaa kaloo
laga dhadhansanayaa ku celcelinta Wasiirka hadalkiisa (in heshiiska
Baarlamaanka la horgeyn doono) in dowladu doonayso inay ka ansaxsato
heshiiskan Baarlamaanka, sidii kii heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha
MOU October 28, 1967.
Markii hadalkaas uu wasiirku sheegay April 27, 2009, Kenya weli akhbaarta
rasmiga ah uma gudbisan Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan xuduudaha badda.
Lamana oga waxa rasmiga ah ee ku qoran akhbaarta ay gudbin doonto. Sidaas
daraadeed baarlamaanka Soomaaliya ma waxay C/shakuur ku raaci doonaan ansixinta
wax aysan arag mase waa diidi doonaan heshiiskaas?
Wasiirku waxa uu sheegay heshiiskii ay la saxiixeen Kenya in lagu tarjumi
doono Af-Soomaali oo markaas ay baarlamaanka arrintaasi shaafin doonto,
"kabacdina arrinta halkaas ay ku dhammaan doonto." Waxaase xusid mudan in
maadaama heshiisku uu "MURAN BADEED" geliyey badda Soomaaliya, in haddii
baarlamaanku ansixiyo ay Kenya markaas Qarammada Midoobay u gudbisan karto
cabbir intii ay doonto badda Soomaaliya, sida horeba u dhacday akhbaartii uu
2005 ansixiyey madaxweynaha hadda ee Kenya ee sida qeexan u cabirtay qayb ka mid
ah badda Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed waxay dhawrayaan go'aanka baarlamaanka DFKMG uu
arrintaas ka qaato. In "arrinta halkaas ay ku dhammaan doonto" iyo in
kale, waa mid uu dhowrayo shacabka Soomaaliyeed.
Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame
Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2009
Aragtida
Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin
----- Dr. Faroole: Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka
Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo...
Akhri..
Heshiiskii Xadeynta Badda ee Kenya iyo Soomaaliya: Hagardaamo
Halisteeda leh
Axmed Cali Khayre oo ah Garyaqaan ku takhasusay qawaaniinta caalamiga ah,
horeyna uga mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, Kuliyaddii
Waxbarashada Lafoole ayaa digniino culus iyo talooyin ka soo soo saaray
heshiiskii is-afgaradka dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya
Akhri....
Heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha (Oct 28, 1967)
Tanaasulkii ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan
dowladdii Keenya. Dr. Saadiq Enow
|