SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CAWEYSKII CUMAR SHARMAARKE EE LONDON IYO CEEBIHII KU GADDAANAA 30/10/09

Waxa ay aheyd dharaartii iigu horeysay oo aan tago fagaare ay imanayaan Madaxda Dowlad Soomaaliyeed, tan iyo 1991-kii marna iima suuragalin in aan majlis iskugu tagno rag sheeganaya Hogaanka Soomaaliya, balse waxaan usoo hubqaatay 28/10/2009, u kuurgalka masuuliyiintan iyo indha indheynta dareenka guud ee Bulshaweynta Soomaaliyeed, kuwaasoo rabay in ay ka qaybqaadato xafladan soo dhaweynta iyo kala warqaadashada iskugu jirtay.

Inta aanan u guda galin warbixinta guud aan soo bandhigo jawiga goobta iyo qaabilaada madashii fadhiga oo aheyd bartamaha magaalada London, Friends House, kasoo horjeedka Station Train-ka Euston.

Durba marka aad hore uga soo baxdid maxadada EUSTON, ayaa waxa indhahaagu qabanayaan Maryoolay afarta dhinac u kala socota, kuwaasoo ku weydiinaya goobta shirka, iyadoo dhinacooda midigna ayba tahay madashii fadhiga, balse walaahow iyo hubsiino la’aani u diideyso in ay raacaan tilmaamaha goobta oo hore loogu soo bandhigay.

Abaarihii 7:30 PM, ayay aheyd markaan soo cagadhigtay majliskii shirka, anoo dareemay amintiiba habacsanaan gudigii qabanqaabada xafladan, wallow aan lawada socono in ay adag tahay iskudubaridka iyo agaasinka shan Soomaali ah oo meel iskugu timid.

Balse tani ma ahan mid dhaliilaha agaasinka Xafladan ka weecineysa qorsha xumadoodii, sida lawada ogsoon yahay “Conference Organizers” waa in ay ahaadaan dad xirfad u leh agaasinka iyo habsami u socodka shirka, waxase muuqatay in sifooyin kale oo ceebo badan muujinayay meesha ka muuqdeen, ha ahaadaan, kala yaaca iyo khalkhalka ka muuqday kooxdii daadihinta iyo isku dubaridka sheeganeysay, ha ahaato dadka loo soo xulay in ay khudbadaha ka jeediyaan, kuwaasoo lasoo shirtagay aragtiyo rakhiis ah amabase Jadwalkii oo laftigiisu khaakhuul ka muuqday, intaas oo dhan ayaa waxa kaaga sii darnaa luqada goobta looga hadlayay oo runtii aheyd mid maamuus iyo akhlaaqi ka marnayd, tanoo aadba moodeysid in sheekooyinkii fadhi ku dirirka lala yimid Goob aan u cuntamin.

JAALIYADA SOOMAALIYEED EE UK IYO CEEBAHOODA

Sida R/W Cumar C/Rashiid goobtaba ka qiray Reer UK, ayaa uga hamuun badan mansabka, jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida daafaheeda, taasoo ay cadeynayso in xukuumada Sharmaarke laga helayo 10wasiir oo Reer UK ah, halka xildhibaanada ay ka badan yihiin intaas.

Tani waatan horseedka u ah in majlisyada sida xafladan oo kale ah ay kusoo qulqulaan xubno sheeganaya Madax ururo, ayagoo ujeedadoodu ay tahay ANA WA I KAN, balse aysan xambaarsaneyn wax kale oo nuxur ah, mar aan su’aalay saaxiib goobta ila fadhiyay, sababta 10 Urur oo aan hadalkoodu wax micno ah sameynayn, ay isku soo dabagaleen, ayagoo isku weedha, ayuu iigu jawaabay “waa wada shaqadoon, oo tobanka Wasiir ee DFKG ah hadaba ka tirsan, waa kuwii halkan ka qalaadi jiray, marka kuwanina jidkii ayay hayaan”, durba inta saaxiibkay hadalkaas ileeyahay waxa isheydu ku dhaceysaa Tarsan iyo xildhibaano farabadan oo kuraasta hore ka muuqday, iyo Deerow, C/raxmaan C/shakuur oo Wasiirada garab fadhiyay R/W Cumar ahaa.

Runtii waa foolxumo in majlisyada noocan ah ama goobaha kaleba ay u gacan galaan kooxo dano shaqsiyadeed huwan, iyadoo ay meel uga dhacayaan dantii guud ee meesha umada wada keentay, wacnaan laheydna in CV-GOODU  uu ka tarjumo waxqabadkooda, balse loo cadeeyo in goob ay cantara bakhash lasoo istaagaan aysan xil ku heleyn.

Dhaliilahan aan kor ku xusay waa kuwo mudan soo bandhigooda, waayo waxay daruuro wasakheysan ku ahaayeen xaflad Heer Qaran in ay ka turjunto mudneyd.

Waana tan sida laga dareemay Waftigii R/W Cumar Sharmaarke laftigoodii ka gilgisheen, iyagoo si barer ah ugu sheegay Reer UK, in ay meesha iska qaadaan, iskana daayaan xilkan ay wada raadinayaan.

ARAGTIDII WAFTIGA R/W SHARMAARKE:

Waftiga R/W Sharmaarke ayaa laftigoodu dhaliisha ka maryo la’ayn, tanoo timid markii mudadii ay iclaamiyeen in ay kasoo qaybgalayaan Madasha ay dib uga dhaceen mudo saacado ah, wallow R/w Sharmaarke cududaar ka bixiyay.

Kolkii ay salmugii u fariisteen Waftiga ayaa sida aan korba ku sheegay waxaa bilaabmay u yeerida Ururada aan kor uga hadlay, sida kan Somali Peace, SAHAL, Camden Somali Forum, Puntland Diaspore Forum, Birmingham Somali Community, Majliska Culimada, Somali Community , Banadir Community, Gudoonka Qabanqaabada Shirka, Shiikh Hebel, Shiikh Hebel iyo  kuwo kale.

Intaas oo dhan ayaa hadaba waxa ka weedh iyo wax tus fiicnaa Labo gabdhood oo iyagu Gabay iyo buraanbur maskaxdooda ka soo maaxatay kusoo bandhigay halkaas (tanoo ayan xil ama aragti kale dabada ka riixeyn), kuwaasoo duco, tusaaleyn iyo alla bariba suugaantooda laga dheehanayay.

Intaas kadib ayaa sida muuqatay waxa makrofoonka xoogsadey xubin ajnabi ah oo sheegatay in ay Madax u tahay hay’ad Samafal ah, tanoo sheegtay waxqabadka ay ula diyaarka tahay Dadka Soomaaliyeed.

Waqtigii oo sii lumayay darted ayaa waxa dhacday in Waftigii weedha loo leexiyay, iyadoo caloolxumida ay goobta kala kulmeen isla markiiba laga dheehan karay Mudane Juriile, oo yiri, “dhawr iyo tobankiinii urur ee halkaan soo istaagay waxaa nooga waxtar fiicnaa ninkii ajnabiga ahaa ee noo shaagey in dadka iyo Dowlada Soomaaliyeedba caawin doonaan”.

Mar uu Mudane Jurille hadalka hoos ugu dhiibayay xubin sheegatay in uu Puntland Diaspora Forum matalayay, kaasoo malaha uu qoonsaday ereyo uu goobta ka yiri oo aheyd “In R/W Sharmaarke hirgasho heshiiskii Puntland iyo sidoo kale in Gobalada Degan ay dowladu ka hawlgasho, mashaariicna galiso, isagoo sidoo kalena weerar ku qaaday Wasiirka qorsheynta oo uu yiri Badii la gatay warkeeda ayaan rabnaa” ayaa Jurile hadaladiisii waxa ka mid aha “Ninka yiri Xaafada Jurille ayaan matalayaa micno sameynmeyso, meeshaan midnimo iyo urursanaan ayaan idinka rabnay, si aad gacan noo siisaan, kumana faraxsanin ururadii halkaan midba magaca sheeganayay”.

Badda ayuu u weecday Jurrile, asagoo dhaar xafkasiiyay, waxa uu yiri “YAA RABBI, WARYAA ILAAHEY YAQAAN, BAD BAA GADATEEN AYAA LA YIRI, WALLAAHI AYAANAN GADAN BAD”.

U malaynmahayo hadii aanan oraneyn, Jurriloow afar iyo tobanka iyo boqolka ayaan aqaanaa, yaa kaa akhrisanahaya, balse dhaarta masuulkaas sida uu yiri ayaan anigu u qaatay, anoo walina indhaheygu jaleecayaan mudane C/raxmaan C/shakuur,oo xantu u badan tahay dhankiisa.

C/raxmaan ayaa isla amintiiba dafay hadalka asaga oo ka hadlay xaalada guud, wallow aadna moodeysay in laftigiisu duurxul ku jiray, waxa uuna yiri “Waa dhamaatay waqtigii ninka REERKIISU U SACABA TUMI JIREEN, aawaye Qabqablayaashii Reerkooda warka iyo sacabka ladaba fadhiyi jireen, warkoodii waa ku daayay”, intaas kagadaal ayuu u weecday arintii Badda, asagoo codkiisa kor u qaadaya lehna “Baddu waa soo laablaabatay, anigu hadaba hadii aan saxiixay caawa waxaa i garab fadhiya R/W Sharmaarke oo aan amarkiisa ku saxiixay, wixii dood ahna isagaaba hada u jooga, jawaabna idinka siin doona”.

Ka dar oo dibi dhal arintii miyaysan aheyn hadaba, Mudane C/raxmaan Falaartii go’i weyday ee badda Caawa ayuu banaanka iskaga soo dhiftay, balse yay ku hadhay taloow, waa R/W Sharmaarke oo durba laga dheehan karay in ay hinif hoose liqsiisay, maxaa xigay.

R/WASAARE SHARMAARKE IYO WEEDHIHIISII

R/W Sharmaarke ayaa oraahdiisii si taxdar leh u bilaabay in uu labashubo, walow uu igala hadal cadaa sidii lagu xaman jiray, waxaa ka muuqatay deganaan masuuliyadi ku dheehan tahay, cod dheer iyo dadnimo uu iska doonayay iigama muuqan, kalsooni nafsiyan ah ayaad ka soo bidhaamaysay, iyadoo xishoodna aad indhihiisa ka akhrisan kareysay.

Waxa uu guda galay dhanbaalkiisii lawada dhowrayay, isagoo yiri “Kooxaha Muqdisho ka dagaalamaya hada waa kuwo afkaar diimeed ay ku marin habaabiyeen dhalintii huwan, waana in laga hortagaa oo lala dagaalamaa maskaxdaas habowga ah, ma ahan mid xabadi wax ka tareyso dagaalkooda, laakiin waa mid hadii aragti ahaan loo weeraro, lana tuso masalooyinka qaldan ee ay huwan yihiin, dhalin iyo dad badani banaanka ka mari lahaayeen, taasi waa jidka kaliya ee looga adkaan karo qolooyinkan mabda diimeedka ku shaqeysanaya”.

Waa aragti maskaxiyan meelmar u muuqata marka la eego sida doodiisu uu u saleeyay, waana mid ka hufan mowqifyadii R/WASAARAYAASHII ka horeeyay ee GEEDI IYO NUURCADEBA.

Arinta Burcadbadeedka iyo Argagaxisa ayaa uu sheegay in marka magaca Soomaaliyeed la xuso hada ay yihiin kuwa maskaxa dadka Soomaalida aan aheyn hore uga soo dhacaya, waxa uuna cadeeyay in ay jiraan dadaalo Dowladiisu wado.

Imaanshihiisa London ayuu ku khotomiyay in ay salka ku haysay warqad uu asagu u soo direy uuna kaga codsanayay in ay waxyaabo jira ka wada hadlaan, isagoo yiri waxa ay ii qireen in ay labajibaari doonaan kaalmada ay nasiiyaan.

Masaal uu bixiyay R/W Sharmaarke ayaa dadweynihii madasha fadhiyay u wada riyaaqeen, asagoo yiri “BAL MALEEYA NINKA INTA UU GURIGIISII DABKA GASHAY, HADANA KUU YIMID OO KULEH GURIGAAN GUBAY KAALAY WAX IGU SII, SIDA AAD U ARKI LAHEYDEEN, MIYAYSAN NIN WAALAN IYO CAQLIGIISII KUUSOO BAXEYN, HADABA WAFTIGAYAGA IYO SOOMALI OO DHANNI WAA CAYNKAAS, QOF WALBANA DAD WAALAN AYUU NOO ARKAA”.

CEEBTII BADDA

Markhaati uma abaahneyn midaas, balse farta iyo boogtu ayagaa is oge, waxaa lawada sugayay dhacdadii Badda, ee C/raxmaan C/shakuurna dhinaciisa u soo weeciyay.

Waxa uu ku bilaabay in xiligii la magacaabay ka dib ay Muqdisho ugu yimaadeen AMB:WALLAD CABDALLA, iyo khabiir UN-ta ka socday kuwaasoo u sharaxay nidaamka cusub iyo isabadalka sharciga cusub ee xaduudaha baddaha khuseeya, kaasoo ay u sheegeen in 12/05/09, ay tahay kama danbeys.

Tan ayuu ku sheegay in R/W Cumar ay ku riixday “MOU” ay la saxiixdeen Kenya, isagoo ku eedeeyay Kenya inay khayaano waday  “Anaga saxiixeenu sidaas ayuu ku yimid, balse Kenya khayaano ayay waday, maxaa dhacay, xuduuda badda waxa lagu saleeyaa, hadba sida xaduuda berrigu ay u sal go’an tahay, anaga iyo Kenyana xuduuda Badda ee ay Kenya hadda wado, waa mid ay shagaashan digrii gudaha u soo weecinayso xadkeeda, waana taas khiyaanadu”.

In khiyaanadii Kenya ay afka R/W Cumar Sharmaarke soo marto, ma ahan wax fudud, waana mid uu geesinimo muujiyay, balse wali, waxaa la iftiiman karaa daldaloolo, ha ahaato xiliga ay jawaabtaan tafaf tiran imaaneyso, amase ha ahaato, waqtigii ay hore u haysteen oo doodeedii iyo ka fiirsashaba ayan la iman, ku degdega “MOU” ayaan qudheeda LA DHAYALSAN KARIN, maadaama aan lawada socono, bishii March, Bahda Somalitalk, ku wargasheen xafiiska Madaxweynaha iyo R/W Sharmaarkeba Qormadoodii Cilmiyaysnayd ee “DHUL-BADEEDA SOOMAALIDA”, taasoo sida aan qirayo anigu aan arkey in email iyo cinwaanka qormadaas, oo uu Safiirka UN-ka u Fadhiya Soomaaliya Amb:Ducale u soo gudbiyay xaafiiska Madaxweynaha, R/Wasaaraha, asagoo u soo marsiiyay Wasaarada Arimaha Dibada, lehna “fadlan eega cinwaankan dhalinyaradu kusoo bandhigtay Qormo Cilmiyaysan oo khusaysa Xaduuda Baddaha oo sharcigoodu dhawaan wax iska badalayaan”.

Hadaba tani miyaysan cadeynayn in Qormadii Somalitalk, oo gacanta ugu jirta DFKG ah masuuliyiinteeda in ay hadana galeen “MOU” ay Kenya la saxiixdeen, kolay dood iyo madmadowga arintani waa mid wali wax u dhiman yihiin, wallow xageyga aan anigu jeclahay in aan mid qura ku soo koobo, taasoo ah in KHIBRAD iyo KA INDHOXIRNAAN ay sabab u aheyd wixii dhacay, dowlada Kenyana iyo Shisheeye kalena sida R/W Cumar Sharmaarke hada qirayo ay Khiyaano arintoodu ku fadhiday.

Waxaase wanaaga IYO DIFAACA BADDA aan lala wadaageyn marnaba Walaalaha Bahda Soamlitalk.

GUNAANADKII CAWAEYSKII CUMAR SHARMAARKE EE LONDON.

Fariintii ay xambaarsanaayeen Waftiga R/W Sharmaarke, waxa ay aheyd mid maskaxdeyda ku duxday, ma aqaan fahamka iyo samaca dhegaha boqolaalkii Soomaalida aheyd ee Goobta gabraneyd, wallow aan qiyaasi karo inta sidaas oo kale u aragtay, tiradooduna ay yareyd.

R/W Sharmaarke iyo wasiiradiisu waxa ay dowlad u yihiin umad fahamkii iyo micnihii Dowladnimaba qalbigoodu ka maran yahay, waana mid aan ugu garaabo, anIga oo leh, WAA RAGG LA YIRI LIBAAX DHAGAHA QABTA.

Dhaliilihii Goobta iyo Waftigaba: 

  1. Agaasimka Caweyska shirka ma mudnayn Daadahinta madal caynkan ah.
  2. Shaqsiyaadka Ururada tafaraaruqa ka turjumayay iyo canatarabakhashkoodii oo dantii guud ka hor imaaneysay
  3. Wasiirkii amniga qowl qadaf ah meesha uga dhacey, asagoo xubintii xiriirineysay shirka u quuray in uu yiraahdo “Magaceyga waa uu FOOSHAY”, foolna dumarbaa lagu ogaa.
  4. Daahidii Waftiga oo saacado dib uga dhacday balantii dadka la siiyay
  5. Dadweynihii madasha Yimid oo ay muuqatay in madaxdooda wax qadarin ah aysan u hayn, ayagoo ninwalba oo khudbeynayay ereyo ku tuurayay inta uu hadalka jeedinayay.
  6. Qalabkii shirka sida Makrofoonadii oo aan shaqeynayn.
  7. Luuqadii hageysay shirka oo mansabkeedii ka hooseysay.
  8. Isdhexyaac guud

ILLAAHOW GARAB ISTAAG INTA SOOMAALI DANAHEEDA WADA, KANA GILGILANEYSA DHIBAATADA HAYSTA.

Muxyadii X Ciid  
alcarab1@YAHOO.CO.UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | October 31, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri