SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."

iyo Dawladda Soomaaliya oo aan weli hadalkaas ka jawaabin....

  • SomaliTalk.com | Tarjumaad qoraaladii kusoo baxay Wargeyska Financial Times

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heikki Eidsvoll Holmås oo ka jawaabayey qoraal ku soo baxay jariidadda Financial Times ayaa sheegay in isku dayga xasilinta iyo nabadda Soomaaliya danta ay Norway ka leedahay uusan ahayn arrin la xiriirta shirkadaha Batroolka baara.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa ka hor yimid fikradaha lagu tibaaxay qoraalkii May 13, 2013 ku soo baxay Financial Times ee cinwaankiisu ahaa (Somalia: Oil thrown on the fire --- Energy companies scrambling for reserves risk opening up dangerous faultlines), waxana uu ugu jawaabay qoraal uu cinwaan uga dhigay (Somali stability motivates Norway) oo uu qoray May 21, 2013.

Waxana wasiirku qoraalkiisa ku sheegay in caawinaada Norway ay ku salaysan tahay in ay Soomaaliya iyo dalalka kale ka caawiso sidii ay Qaramada Midoobay ugu gudbisan lahaayeen cadaymaha la xiriira cabirka Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 nautical miles oo ay sida caadiga u leeyihiin.

Norway waxay Dawladdii Kumeel gaarka ahayd ka caawisay gudbintii ay 2009 akhbaarta hordhac ah u gudbisay Guddiga Caalamiga ah ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda ee xaruntoodu tahay New York.

"Soomaaliya waxay si waadix ah u tiri..."

Mr. Heikki E. Holmås waxa uu intaas sii raaciyey "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay, ayadoo warka sii marinaysa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, in xuduudka qalfoofka qaaradda ee ay la wadaagto Kenya in aan la isla meel dhigin oo weli la sugayo ama la hakiyey."

"Arrinta loogu yeeray saddex xagalka loo saxiixay Kenya ee ku qoran wargeyska waa mid aan jirin," ayuu yiri Mr. Holmås.

Waxa kale oo wasiirka reer Norway adeegsanayaa hadallo u dhigma kuwii muranka lagu geliyey badda Soomaaliya, sida "Soomaaliya iyo Kenya waxay si wada jir uga yeesheen Is-faham", iyo erayo kale oo ku qornaa is-fahamkii, asagoo aan marna xusayn in is-fahamkaas ay baarlamaankii Soomaaliya ka dhigeen waxba kama jiraan. (Laakiin qoraalka wargeyka ee wasiirka ka xanaajiyey ayaa xusay in muran gelinta saddex-galka isfahamkii lagu galay uu baarlamaanka Soomaaliya ka dhigay waxba kama jiraan.... akhri hoos).

Halkaas haddii aan kaga gudubno jawaabtii wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, aan eegno waxa ku qornaa qoralka uu ka jawaabay.

Qoraalka uu jawaabay Wasiirku

Qoraalka ku soo baxay Jariidadda Financial Times (FT.com) ee wasiirku Norway ka jawaabay ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Shidaalka Soomaaliya, heshiisyadii ay Shiradahha batroolka baara la galeen Dawladii Soomaaliya ka hor 1991 iyo cidda xaqa u leh (ogolaanshada ama bixinta heshiisyada) shidaal baarista (ma waxaa leh Dawladda Federaalka mase Maamul Goboleed-yada, sida Galmudug, Somaliland, Puntland).

Waxaana warbixintu ku xeel dheeraatay shidaalka Soomaaliya ayadoo arrintaas wax ka weydiisay Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo jariidada u sheegay "Madaxweynaha iyo anigu waxaan maalin kasta ka wada hadalnaa arrimaha la xiriira Shidaalka".

"Marka caalamka la eego, is-afgaran waaga ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee la xiriira xuduud badeedka ayaa abuuray arrin ay dublomaasiyiintu ku qeexeen "Saddex-xagalka jaah-wareerka," kaas oo gaaraya baaxad dhan 120,000 square kilometres. Ciidanka Kenya waxay hadda difaacayaan dekedda Kismaayo ayagoo ka qaran ahaan taageeraya Dawladda Somaaliya. Laakiin saraakiil Soomaaliyeed ayaa ka walaacsan in Kenya ay danaynayso in ay xaqiijiso Shidaalka," ayey qortay jariidadda FT.

Waxaana warbixintu intaas raacisay in carqalaha ka jira Soomaaliya ay yihiin kuwo la xiriira Shidaalka.

Norway Waxay danaynaysaa Batroolka

Qoraalka Financial Times waxa sheegay in ay jiraan dalal arrimo iyo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, arrimaahaas oo la xiriira Shidaalka. Waxaana jariidaddu soo xigatay lataliye Soomaali ah oo farta ku fiiqay Norway in danteedu tahay mid ku saabsan Shidaalka (“Of course it’s all about oil”).

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee bishii hore (April 2013) booqshada ku tegey Norway, waftigaas oo jariidadu sheegtay in ay Norway kala hadashay arrimaha la xiriira Khayraadka Dabiiciga ah iyo gaar aahan "Aaagga loogu yeero Saddex-xagalka badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya," waa sida jariidadu warka u qortay'e.

Waxaana warbixintu intaas raacisay in baarlamaankii hore ee Soomaaliya uu waxba kama jiraan ka dhigay is-fahamkii 2009 ee la doonayey in Kenya loogu saxiixo saddex-xagalka. Taasi waxay kor u sii qaaday arrinta Jubbaland, halkaas oo ay hadda Kenya gacanta ku hayso aagga muranka la geliyey. Waxaana dublomaasiyiin sheegeen in Ciidamada Kenya ee waardiyaha ka haya Dekeda Kismaayo ay danaynayaan in ay saamayn ku yeeshaan halkaas, arrintaas oo aysan raali ka ahayn dawladda cusub ee Muqdisho.

“The president and I have discussions every day about oil,” says Abdirizak Omar Mohamed, minister for natural resources...  FT.com, May 13, 2013
 
Somalis are quick to identify a new set of self-interested motives. “Of course it’s all about oil,” says one senior Somali adviser about Norway’s growing interest in his country.
 
Oslo lobbied hard for a Norwegian to become UN envoy to Somalia. That job instead went this month to a diplomat from the UK, which last week hosted an important conference on Somalia.
 
In the cold war, the Soviet Union and the US competed for influence in Somalia. But the competing forces are now eminently more complex.

Arrinta ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya muhiimad weyn ayey u leedahay danta shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka. Waxaana Soomaaliya ay digniin u dirtay shirkadaha Statoil, Total iyo Eni in aysan aqbalin heshiis shidaal baaris oo ay Kenya kula galaan aagga lagu muransan yahay ee saddex-xagalka, ayey qortay FT.

Dalka Qatar waxa uu maal gashadaa shirkadda Shell

Jariidadda Financial Times oo qoraalkeeda sii wadataya ayaa tibaaxday in Oslo (Norway) ay si aad ah ugu ololaysay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya laga dhigo Norwegian. Laakiin taas waxaa laga dhigay dublomaasi u dhashay UK, dalkaas oo bishan horaanteedii (May 2013) lagu qabtay shirkii Soomaaliya.

Ka qaybgalayaashii Shirkii London waxay muujisay danaha kala duwan ee laga leeyahay Soomaaliya. Tusaale ahaan dalka Qatar waxa uu maal gashadaa shirkadda Shell ee shidaal baarista. Halka Dalka Turkiga safaarad laga siiyey aagga garoonka diyaaradaha.

Waxaana warbixintu qormadeeda kusoo gabagaabysay hadalkan "Xilligii Dagaalkii Qaboobaa waxaa Soomaaliya u kala tartami jirey Midawgii Soofiyeerka (Ruushka) iyo Maraykanka si ay saamayn ugu yeeshaan Soomaaliya. Laakiin hadda quwadaha ku tartamayaa waxay u soo shaac baxayaan kuwo cakiran."

Oraahda "muran gelinta badda"

Halkaas haddaan kaga gudubno qoraalkii jaridadda Fianacial Times, oo dhuuxno erayada ku qornaa waxaa kuu soo ifbaxaya sida loogu celcelinayo "Aaagga saddex-xagalka ee lagu muran sayahay." Oraahdaas "muran gelinta badda Soomaaliya" waa middii ay doonaysay Kenya iyo xulafadeeda oo garabsanayey dawaddii KMG ahayd in ay taariikhda ku qoraan in uu jiro muran badeed ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Marka aad eegtid taariikhda ku arki meysid muran in uu ka jirey badda Soomaaliya wixii ka horeeyey heshiiskii Is-fahamka ee Kenya iyo DFKMG ee Norway dabada ka riixeysey.

Arrinta muranka la gelinayaa waa cabbirka dhul-badeedka Soomaaliya, kaas oo ah 200 nautical miles oo ah Territorial Waters.

Buugga World Factbook iyo Badda Soomaaliya

Tusaale in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS waxaa u soo qaadayanyaa sida uu qeexayo buugga World Factbook.

Buugga loo yaqaan World Factbook oo ay sannad kasta Internetka ku faafiyo Maraykanka, ayaa waxaa lagu diiwaan geliyaa, laguna kaydiyaa dhacdooyinka taariikhda gala ee soo mara adduunka. Sidoo kale waxaa buuggaas lagu kaydiyaa dalalka adduunka, gaar ahaan juquraafiga dalkasta leeyahay, sida cabbirka badaha inta dal kasta sheegto ama una diiwaan gashan.

Shaashadda hoose oo ah (Sceenshot, aan ka qaadnay websiteka World factbook, May 23, 2013) waxa ku cad: Somalia Territorial Sea: 200 nm. (Dhul-badeedka Soomaaliay Territorial waters waa 200 nautical miles.)

Dulucda hadalka

Haddaba, hadalka wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway waxa nuxurkiisu isugu soo biyo shibanayaa erayada la xiriira heshiiskii Is-fahamka ee Kenya iyo Soomaaliya.

Xusuuso erayadan wasiirka Norway "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay, ayadoo warka sii marinaysa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, in xuduudka qalfoofka qaaradda ee ay la wadaagto Kenya in aan la isla meel dhigin oo weli la sugayo ama la hakiyey."

Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaas weli jawaab kama bixin.

Haddii aan hadalkaas jawaab laga bixin, waxaa xigi kara in la yiraahdo Soomaaliya iyo Kenya ha la idiin gar naqo maadaama "muran idinka dhaxeeyo." Murankaas oo ah mid la macmalay markiisii hore.


Heikki Holmås oo su'aalo weydiinaya madaxweynaha DFS Shiikh Xasan

Maalmihii la doortay madaxweynaha DFS, intii uusan magacaabin ra'iisul wasaaraha ka hor, ayuu khadka telefoonka September 22, 2012 kula hadlay kulan jaaliyadda Soomaalida deggan Norway oo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, waxaana wasiirku madaxweynaha ku yiri "Waxaan casumayaa adiga iyo Jawaari markasta oo aad waqti heshaan, waadna ogtahay ayaan filayaa in "connection" xiriir adag ku leenahay dawladda Soomaaliya hadda (there is strong connection now with authoriy in Somalia, you know!).

Markaas ayaa madaxweynaha DFS oo qoslaya waxa uu ku jawaabay "Mahadsanid wasiir, waxaad hadda i xasuusisay in dawladdayada halkan uu ku jiro hoggaamiye Norwegian ah, taas oo arrin weyn ah, prof. Jawari waa saaxiibkayga weyn oo qadiimi isla nahay, jaal wanaagsan ayaan hadda nahay, waxaana rajaynaynaa in qofka saddexaad oo ra'iisul wasaare ah uu dhawaan nagu soo biiro, kaas oo asagana aan nahay saaxiib aad u wanaagsan."

Markaas ayaa wasiirka Norway waxa uu weydiiyey "miyaad magacawday ra'iisul wasaare adigu ." Waxaana madaxweynaha DFS ku jawaabey "Maya weli, dhawaan ayaa la magacaabi doonaa."

Sida la ogyahay waxaa 6-13 April 2013 Norway booqasho ku tegey Jawaari (Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.)

File: sawirka sare waa: C/weli Gaas oo 25kii September 2012 New York kula kulmay Mr. Heikki Holmas, waxaana Gaas oo markaas ahaa ra'iisul wasaarahii DFKM "uu ka codsaday Norway inay dib u dhiska dalka iyo sidii hay’adaha Dowladda loo dhisi lahaa ay ka qeybqaataan, isagoo xusay in saacidaada toos loo siiyo NGO-yada ay keeneyso inay wiiqdo awoodda dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway ayaa ku raacay Ra’iisul Wasaaraha sheegeyna inuu la xiriirayo waddamada kale sida kuwa Yurub sidii dowladda toos loogu saacidi lahaa si loo dhiso hay’adaha Dowliga ah." Sidaas waxaa qoray warsaxaafadeed maalintaas ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG.

(Sawirka midig: waa Dec 20, 2012 oo Mr. Heikki Holmas booqday Muqdisho, lana kulmay madaxweyanaha DFS iyo guddoomiyaha baarlamaanka)



Google search images

LIFAAQ:

Shirka Shidaal Sahaminta Soomaaliya oo lagu qabanayo Nairobi

Shir looga hadlayo sahaminta Shidaalka (Batroolka iyo gaaska) Soomaaliya ayaa 17-ka June 2013 waxaa lagu qabanayaa magaalada Nairobi, sida ay qortay Jariidadda Daily Nation caddadkeedii May 19, 2013. Waxaana shirkaas furi doona Mahboub Maalim oo ka tirsan IGAD, waxana shirkan xigi doona shir kale ee East African Petroleum oo la qabanayo June 18 ilaa 20keeda (2013).

Faafin: SomaliTalk.com |  May 23, 2013 | Updated: May 24, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: