SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

DAGAALKU LACAG BUU DHALAA, Qaybtii 2ad

(waa wareey, waa wareey: ‘Baddii la qaadayee’) 
 

W.Q.: M.D.Jaamac (Bareer)


Wargeyska Kasmo, tirsigii soo baxay 16kii April 09, boggiisa 1aad iyo 2aad

Maqaal cinwaankaa sita ayaan cisho sii horreesey ku qoray wargeyska ‘KASMO’, kaas oo ka hadlayey ‘sunta’ halista ah oo badda iyo birriga soomaaliya lagu quabay / aasay. Wuxuu maqaal xambbaarsana xog badan oo arrinkaa ku saabsan oo ay ka mid yihiin: madaxdii  soomaaliyeed oo mashruuca dal sumeynta ku lug leh, lacagihii uu qaatay mid kasta, gaadiidkii sunta looga qaaday dalka italy oo soomaaliya lagu geeyey iyo halka laga lahaa iyo marsooyinkii (furdo) ay ka ambabexeen iyo goobaha suntaa la geeyey oo mid ah dhulka soomaaliya. Waxaa kale oo warbixintaa ku qornaa dadkii lagu diley sababo la xiriira xogtii ay ka ogaadeen ganacsigaas, kuwaas oo la aamusiyey si aysan u bixin sirta! 

Imminkana aan u daaddego ‘Heshiis ku sheegga’ badda soomaaliya oo xiisadda dhaliyey. 

*   *   * 

Gumeysigii reer yurub, kolkii ay qabsadeen qaaradda afrika, soomaaliya waxay noqotay dalkii ugu nasiib xumaa oo ay ku dhacado kala qayb qaybintii waddammadii gumeysigu qabsaday. Waa tii shanta (5) meelood loo qaybiyey. Weli waxaa ku socda kala qayb qaybin iyo kala qoqobid hor leh. ‘federaalka’ dadka lagu wareeriyey waa ka mid qorshahaa.

Warkaan xiisadda dhaliyey oo soomaalidu maalmahaanba isla dhexmareyso kuna saabsan heshiis ku-sheeg dowladda Shiikh Shariif madaxweynaha ka yahay ay la gashay dowladda Kenya, iyadoon aad uga fiirsan oo kala tashan khubarada soomaaliyeed oo ku xeel dheer xeerarka ka degsan badaha, guud ahaan iyo badda soomaaliga, gaar ahaan, waxaa sida ugu fiican u tilmaamay sawir gacmeedka uu sameeyey farshaxanle Aamiin Caamir. Sawirku wuxuu muujinayaa kiyaamada dowlad ku sheegga Shiikhu ku kacday iyo lacagaha ay ku doorsatay dhulkii soomaalida. 

Dowladdu iyadoon weli jirsan 100 maalmood ayey oggolaatay oo saxiixday heshiis dowladda kenya iyo khubaradeedu soo diyaarsadeen. Saas dartreed, heshiiskaas ma aha mid dhexmaray laba dowladood oo siman. Waa heshiis hal dhinac oo aan harciga waafaq saneyn,.  

Timir laf baa ku jirta!

Heshiiskaas, durbadiiba wuu fashilmay, iyadoo weli aysan qallalalin khadii qalinkii lagu saxiixay. Aqoonyahannadii iyo dhammaan qaybihii kale ee bulshada soomaaliyeed, meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiinba, diidmo qayaxan ayey kala soo horjeesteen, , waxeyna qabaan tuhun ah in dalkoodii shisheeyey laga gatay oo la khiyaameeyey iyo madaxda heshiiskaan saxiixday ineysan waxba kaga duwaneyn kuwii lacag ku doorsaday in shisheeyey dalka ku qubo sun dilaa ah oo dalalkooda ka mamnuuca.

Dadku waa wada lacag raadis, si ay ku helaana waa iney dagaalka sii huriyaan oo ay lacag ka sameeyaan:  hantidii qaranka oo la bililiqeystay, degaankii oo la xaalufiyey, sun dalka lagu aasay iyo imminka oo iib dalkii loogu dhaqaaqay, intaas oo is biirsaday meeqa weeyey lacagta la qabtay?. 

Iibka noocaas haddii uu sii socdo, waxaa hubaal ah ‘Al-Shaqaab’ in dadku ku wada biiri doono. 

Gunaanad

Dhammaan aqoonyahannadii arrintaan ka soo shaqeeyey oo ummadda soomaaliyeed u soo bandhigay khiyaamada dhulkoodu shisheeyey loogu wareejinayo, waxaan halkaan uga soo jeedinayaa: ‘Hambal iyo bogaadin’. Waxaad gudateen waajib waddani ah oo noqda ilaaliyayaasha dalka.  

Muritidaan oo horay loogu tiriiyeye dowladihii hore ee musuq-maasuqa ayaa ku habboon heshiiskaan lagu tilmaamo. Waxey ahayd:

WAA YAHAY WADAAD

WADDANKII DHAMMAA

WAX YAR SIISATEE

W.Q.: M.D.Jaamac (Bareer)
<dirieco51@yahoo.com>

Dagaalku lacag buu dhalaa!  Q.1aad

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: