SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

TALO ADUUNEEY MAXAY GALINBA HEER JOOGTAY

  • Nuur Axmed Sheekh Qureyshi

SALAAMUN CALAYKUM WARAXMATULLAH

Mahad oo idil Allah ayay u sugnaatay nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigeena suuban, ehelkiisii saxaabadii iyo inta xaqa ku raacday ilaa malainta qiyaame:

Intaas ka dib

Waxa markii ay taariikhdu ahay (27/9/2011) waxaan booqasho ku tagay shir caasumada Denmark loogu qabtay Dr. Cabdiweli Gaas, oo ah raysul wasaaraha DFKMG, sababta aan u tagay waxa ay ahayd in aan shacabka Soomaaliyeed ee wax badan kala socon hagardaamada iyo qorshaha qarsoon ay la damacsan yihiin dawladaha reer galbeedka iyo kuwa africa taas oo la doonayo in lagu xalaalaysto dhul badeed aad u baaxad weyn soomaaliya ka tirsanayd in ka badan 40 sano loona aqoonsanaa. Habada aniga oo aad ugu kuur galay baaridna ku sameeyay arinta badda anoo la kaashanaya Allah S.W iyo walaalha sharafta mudan ee SomaliTalk ayaan is xilqaamay waxaana aan daabacay warbixin aad u xasaasi ah kana sameeyay koobi aad u badan si aan ugu qaybiyo walaalihii meeshaas lagu casuumay.

Runtii aad ayay ii farax galisay in aad loo daneeyo arintaas dadkiina shirkii oon bilaaban la-iga wada dhamaystay waraaqihii oo idil aniga oo reebtay dhawr koobi si aan u siiyo sadexda nin ee matalayay wafdiga. Waxaan sugnaba markii ay soo gaareen goobtii shirka albaabkiina lay kusoo dhawaadeen ayaa waxaan warqadihii u taagay Dr. Cabdiweli gaas kuna iri waa muhiim warqadahan iga gudoon laakiinse nasiib daro intuu i eegay ayuu iga sii dhaqaaqay. Hadaba shirkii markii la bilaabay dadkiina ay u ciil qabaan in bal ay wax ka ogaadaan arintan badda ee lasoo celceliyay ayaan waxa sidii qorshohoodu ahaa waxa lagu buuxiyay heeso iyo madadaalo si aan waqti loogu helin fursadna loo siin in shacabku su'aalo waydiiyaan raggan aan isleeyahay wax badan ayay qarinayeen.

Waxay dad badan ii hambalyeeyaan kuwa aad iigu xanaaqaanba waxaan fariistay halka ugu dambeeyay ee shirka waxaan dhuuxay qudbadii Dr. Abdiweli Gaas oo ahayd mid uu kaga hadlayay abaarihii wadanka iyo in uu la hadlayo alshabab inta rabta in lala hadlo isagoon marnaba soo qaadan arintii weynayd ee ku saabsanayd badda soomaaliyeed ee la dhaxal wareejinayo 19 december 2011. Cabdiwali Gaas waxa uu shacabka hortiisa ka cadeeyay in si ay uga baxaan kumeel gaarka ay muhiim tahay in la dhaqan galiyo waxa loogu yeero ROADMAP oo ah habka ama jidka loo meel marinayo heshiiskii mugdiga badan ku jiray ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Aniga oo taas aad ula yaaban dhafooradana haysta ayaa waxa uu Dr. Cabdiweli gaas baasiinkii uu hayay ku daaray dab oo ay meeshii isla holaycday markii uu si qayaxan u sheegay in dastuurka ay rabaan dawlada soomaaliya uu ku salaysan yahay SECULAR oo ah DIIN iyo DAWLAD in lakala ilaaliyo taas oo ay wadamo badan looga dhaqmo maanta oo muslim ah wuxuuna kusii daray waa in arintaas la waafajiyaa diinta islaamka!!!.

Haddaba waxa runtii aan dareemay intii karaankayga ahayd in aan qabtay ayse igu dhacday oraahdii ahayd (OO GACAL II HIILIYIYO GARABNA AAN HAYSAN, OO GO'DOOMAY OO GACANGALOO GEDHAN BAA AAHAY) Waxan shacabka soomaaliyeed u sheegayaa in ay fadhiga ka kacaan oo dano gaar ah iyo qabyaalad aysan waxba na tarayn beritana ay adag tahay dhub badeed nalaga dhacay in aysan noo noqon doonin, waa in ay si fiican sisha uga hayaan cida ay garabsanayso iyo ida ay cadow ka dhiganayso, waxan sidoo kale mahad balaaran usoo jeedinayaa walaalahayga aadka qaaliga u aha ee sharaftii islaamka iyo tii dadka iyo dalkaba ilaalinayay inay sii labo jibaaraan hawsha adag ee khatarka ku dheehan inaysan ka caajisin ayna furaan account si members badan aanu u helno inshallah loogana qaado lacag bilkasta lagu samaynayo baaritaan ama lagu qabayo qaryaqaano daacad ah si aan shacabkeena loo duudsiin badaeena ay ceegaagaan khayraad ay gaaladiiba ka samri la'dahay.

Nuur Axmed Sheekh Qureyshi
nuur21@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 29, 2011


Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM: http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile: http://en.wikipedia.org/wiki/Mile

Xeerka Badaha Adduunka

Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982, waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60 dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.

Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia, Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland, United Arab Emirates, United States.

Dalalka aan xitaa saxiixin,  oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste, Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: