SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Dowladda Federaalka oo loo Gudbiyey Su'aalo  looga Digayo in 19 Desember ay Gasho Heshiiska Xadeynta Badda Soomaaliya 

Dr Xuseen Cali Cilmi " Waxaan Sannadkii 2009 Dacwad ku saabsan  Boobka iyo  Duulaanka lagu hayo Badda Soomaaliya u gudbiney Maxkamadda Adduunka 

Iyadoo la filayao in 19 Desember 2011 ee fooda nagu soo hayso  Dowladda Federaalka ay sheegtay in la Xadeeynayo Badda Soomaaliya ayaa Suaalo ku aadan arrimaha Badda Soomaaliya waxaa loo gudbiyey Dowladda Federaalka  oo looga digayo in ay gasho Heshiiskaas oo  lagu waramey in wax badan Soomaaliya ay ku weyn doonto, waxaana Suaalahaas  gacanta laga saarey  Dr Xuseen Cali Cilmi oo ah la taliyaha Siyaasada ee Raiisul Wasaaraha , wuxuuna isagan u gudbiyey Masuuliyiinta ka sareysa ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha  si ay ugu gudbiyaan Golaha Wasiirada maadaama uu Maqnaa Raiisul Wasaaraha.

La taliayha ayaa waxaa Suaalahaas u dhiibey Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah Qorayaasha web-ka Somalitalk madaama  kal Hore markii la damcay in la dhaco Badda Soomaaliya Dowladii Xiligaas jirtey iyana loo Gudbiyey Qoraalo ku aadan haddii Dowladda Federaalka ay gasho Heshiiskaas ay wax badan ku weyneyso Badda Soomaaliya hase yeeshee Dowladda Federaalka qoraalkii kal hore dheg Jalaq uma siinin Qoraalkaas waxayna Madax isugu tuurtey Heshiiskii loogu yeerey Is afagarad

Su'aalahaan ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga hortago in Dowladda Federaalka ay gasho heshiiskaas ama beshesho xeerkii badda Soomaaliyeed, maadaama sidoo kale kal hore loo gudbiyey Qoraalo ku aadan Badda Soomaaliya taasina waxay suura gelisey in Baarlamaanka Soomaaliya uu si aan  leexleexad lahayn u diidey heshiiskii loogu yeerey Isgafarad ee la doonayey in ay wada galaan Soomaaliya iyo Kenya.


Amiin Yuusuf oo Su'aalaha u dhiibaya Dr Xuseen Cali Cilmi, Muqdisho

Dr Xuseen ayaa waxaan weydiiyey In Hadda ka hore ay Dacwad u Gudbiyeen Maxakamadda Caalamiga ee Aduunka , Dacwadaas oo ku aaddan Boobka iyo Duulaanka lagu hayo Badda Soomaaliya wuxuuna ku jawaabeyy "Qoraalkaas waan u gudbiney isagoo ka kooban dhowr bog oo ka hadlaya dhibaatooyinka kala Duwan ee lagu hayo Badda Soomaaliya iy weliba Kaluumeysiga Sharcidarada ee lagu hayo Badda Soomaaliya"

- Ka Hortagga Duulaanka Lagu Boobayo Kheyraadka Soomaaliya 

- TO:ICC - International Criminal Court - 2009

Waxaan weydiiyey maxay Dacwdiina ku  saabsaneyd wuxuu ku jawaabey "Dacwadeena waxay ku saabsaneyd  in Maxakamadda Adduunka ay Dacwad ku soo oogto Dowladaha , Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka  Boobka ku  hayo Badda Soomaaliya maadaama Dalka aysan ka jirin Dowlad Xoog Badan oo wax ka qabata Boobkaas iyo Kaluumeysiga Sharcidarada  ee lagu hayo Badda Soomaaliya iyo weliba Sunta lagu duugayo Badda Soomaaliuyeeda "

Sanandkii 2010  mar uu yimid Dacwada Soo oogaha Maxakamada Addunka Lewis Muriino Acampo Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa mar uu halkaa ku qabtey Shir-Jaraaid ayaa wax laga weydiiyey in uu wax ka qabto Boobka lagu hayo badda Soomaaliya wuxuuna Su'aashaas uga Jawaabey" Soomaaliya Xubin kama aha Maxakamadda Aduunka marka  Dal aan Xubin ka ahayn  wax Shaqo ah  kuma lihin  Dalka  Liibiya Xubin kama aha Maxkamadda Adduunka waxaana  Dacwdad loogu soo ogey Hogaamiyahoodii Khadaafi waxaana halkaa  kaaga soo baxaysa In Maxkamadda Adduunka ay tahay Mid ku shaqeyneysa laba weiiilinimo  oo ah La jiifiyaano Banaan sidaa Darteed aysan wax dan ka lahayn wadamada Soo koraya.

Su'aalaha la gaarsiiyey DFKMG, weli waxaa laga sugayaa jawaabaha...

Akhri qoraalkii Dr. Xuseen Ka Hortagga Duulaanka Lagu Boobayo Kheyraadka Soomaaliya 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: