SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq ka soo Baxay Culimada Gobollada W/bari Soomaaliya (Puntland)

Shir dhowr casho socday oo ka dhacay magaalada Garoowe arrimo door ahna looga wadahadlay, ayna isku arkeen culimo ka kala timid magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, & Laascaanood, oo wadatashiyadiisii maanta soo gabagaboobeen 08/06/2009, loogana arrinsaday xaaladda qallafsan ee dalku marayo, ayaa falanqeyn ku saabsan marxallada lagu jiro & saadaalin ku aaddan khataraha waaweyn ee dalka ku soo fool leh kadib, waxaa ka soo baxay bayaankan:-

  1. Dagaalka ka socda gobollada koofureed ee sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur dhaqaale, sumcad xumana usoo hoyiyay dadka Muslimiinta ah, waxaan garabyada isaga soo horjeeda dirirtaas ugu baaqeynaa in ay is-maan-dhaafkooda ku xalliyaan wada hadal & in ay si deg-deg ah u joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay daadinayaan, annagoo Alle ku dhaarineyna xasuusineyna mas’uuliyadda adduun iyo tan aakhiro, waana in la ogaadaa mas’uuliyadda dhibaatada arrintaa ka dhalata inay ku gaar tahay dadka faraha kula jira oo kali ah. Mar kale waxaan si adag ugu baaqaynaa in la joojiyo dirirta lana wada hadlo si dagaalkan uusan sabab ugu noqon in ciidamada shisheeye ee dalka jooga ay marmarsiinyo ugu helaan joogitaankooda ciidda soomaaliyeed iyo in lagu soo kordhiyo kuwo hor leh oo lagu xoojiyo kuwa jooga iyo tiyaaraad munxarif ah inay soo noolaadaan.
  1. Dagaalkaas ka socda gobollada koofureed waa dagaal u dhexeeya dad muslimiin ah, sheegashooyinka & waxyaabaha la isku hayana is dhex galeen, dagaalka noocan ah ee dhex mara dadka muslimiinta ah, waxa ka dhalan karana la saadaalin karo, xagna ujeedadiisunaysan caddeyn waa dagaal fitno ah,  taageeriddiisa iyo ka qeybgalkiisuna ay xaaraam tahay.
  1. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan ummadda Islaamka in ay si hagar la’aan ah ugu gurmadaan dhaawaca walaalahooda Soomaaliyeed  ee isbitaallada buux-dhaafiyay iyo kuwa ka barakacay dagaallada ka socda gobollada koofureed ee dibad-yaalka u noqday roobka, milicda iyo dhaxanta, iyadoo ay u weheliyaan gaajo, harraad iyo cudurro ka dhashay duruufta adag ee ay ku jiraan.
  1. Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG wuxuu abuuray jahawareer, shaki iyo kalsooni darro, iyadoo dad bandanna ay tibaaxayaan heshiiskaasi uu yahay mid  khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed; waxaan ku baaqeynaa in heshiiskaas loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG, haddii laga maarmi waayana la soo hordhigo shacbiga Soomaaliyeed si go’aan mideysan oo calool fiyoobi iyo hufnaan leh looga qaato. Waxaanan ku baaqeynaa in xilligan uu dalku ku jiro xaaladaha aan caadiga aheyn ee aysan dowladdu laheyn awood fulineed in DFKMG ay ka baaqsato inay gasho heshiis saameyn ku yeelanaya masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Saxiixayaasha bayaanka

  1. Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
  2. Dr. Axmed X. C/Raxmaan Maxamed
  3. Sh. Daahir Aw-Cabdi
  4. Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
  5. Sh. C/Naasir Xaaji Axmed
  6. Dr. C/Qaadir Maxamed Cabdalla
  7. Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
  8. Sh. Axmed C/Samad Cabdille
  9. Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan)
  10. Sh. C/Qani Qorane Maxamed
  11. Sh. Yaasiin C/laahi Cali

La xiriir: Sh. C/Qani Qorane | Email: abdiqanim@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri