Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda
Soomaaliya ee soo jirey 40-sano
DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda
Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Go'aamadii ka soo baxay shirkii "wada tashiga" ee ay soo qabanqaabisay
Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (Sept 4 - 6, 2011) ayaa
waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka
Soomaaliya ee loo yaqaan "EEZ" (Exculisive Economic Zone) ama
"Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah".
Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka
Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u
qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters),
dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas
daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii
Muqdisho waa oraahda "Exclusive Economic Zone" EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka
ah).
Bogga
5aad ee 12-ka bog ee loogu magac daray "Roadmap" (Hab-raaca sannadka
2011/2012) ee la doonayo in ay hirgeliso DFKMG ee laga soo saaray shirkii
Muqdisho oo ku qornaa luqadda Af-Ingiriisiga ayaa waxaa ku cad sidan:
- (Key Tasks and Timeline) --- (1) EEZ declared by 19 December 2011;
- (Responsibility) -- Prime Minister special envoy for EEZ issues.
Qodobkaas waxaa lagu qeexay in xeerka "Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka" ee Badda
Soomaaliya (EEZ) in lagu dhawaaqi doono 19 December 2011 - ayadoo aan
laga hadlin Territorial Waters ee laga hadlayo EEZ (Waana laba arrimood oo aad u
kala duwan, sida hoos ku qeexan). Waxaana halkaas ka muuqata in DFKMG iyo
"jaalkeedu" ay rabaan in lagu dhawaaqo sharci cusub oo ku aadan "EEZ" ee Badda
Soomaalida, kaas oo lagu tirtiraayo Law No. 37 (1972).
Go'aanadii laga soo saaray shirkii Muqdisho (September 6, 2011) madaxda
saxiixday waxaa ugu horeeya Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Cabdiweli Maxamed Cali
(Gaas).
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas ayaa ayaguna September 8, 2011
waxay "si buuxda uwada ansixiyeen go’aankii kasoo baxay shirka wadatashiga" ee
Muqdisho.
Waxaana jira warar tibaaxaya in sharciga cusub ee loo soo wado Badda
Soomaaliya in uu yahay kii uu Wasiirkii Kaluumeysiga ee xukuumaddii Maxamed
Farmaajo looga soo dhiibey London horaantii sanadkaan 2011. Waxayana xukuumadda
cusub ee C/weli Gaas u muuqataa in ay u gogol dhigeyso sidii 19-ka December 2011
loo dhaqan gelin lahaa waxa loogu yeero "cabirka EEZ", taas oo tirtiraysa
xeerkii Badda Soomaaliya u deganaa 40-ka sano, Law No. 37 (1972).
Sawirka hoose waa bogga 5aad ee qodobadii laga soo saaray shirkii Xamar,
Septeber 6, 2011.
Waxaa cad go'aamada loogu yeeray "Roadmap" oo la doonayo in laga ansixiyo
DFKMG in ay ku hoos qarsoon yihiin qodobka sare oo noqonaya KHIYAANO QARAN.
Sidaas daraadeedna ay shacabka Soomaaliyeed ka filayaan baarlamaanka DFKMG in
aysan ansixin, sababaha hoose awgood.
Si aan u fahamno ujeedadda oraahdaas (Exculisive Economic Zone) iyo
macnaha ku hoos jira, aan qeexid cad markale ka bixino meesha ay khinaada weyni
ku jirto:
- Kaddib markii lagu guulaysan waayey heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee badda
Soomaaliya, ayaa - sida aan taariikhaha hoose ka arki doono - waxaa la
bilaabay sidii madaxda DFKMG looga saxiixan lahaa in ay dhaqan geliyaan
Oraahda ah "Soomaaliya waxay leedahay Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah
ee loo yaqaan(Exculisive Economic Zone) oo ah 200 mayl-badeed" -
Arrintaas oo haddii ay dhaqan gasho halis weyn ku ah jiritaanka
DHUL-BADEEDKA Soomaaliyeed.
- Oraahdaas (EEZ) waxaa looga gol-leeyahay in lagu suuliyo xeerka badda
Soomaaliyeed ee loo yaqaan
(Law No. 37 oo ku saabsan DHUL-BADEEDKA Soomaaliya - Territorial Sea /
Territorial Waters ee soo baxay 10kii September 1972) - oo ah xeer la
loodin waayey - in madax Soomaaliyeed oo baa'bisa loo helo mooyee, taas oo
20-kii sano ee ugu dambeeyey la raadinayey, haddana ay u muuqato in la helay
xukuumadda FKMG oo u diyaar u ah in fuliso arrintaas.
- Exculisive Economic Zone (EEZ)- waxaa loo yaqaan aag
dhaqaale oo dalka xeebta leh uu ka faa'iidaysan karo khayraadka ku jira,
laakiin aan ka mid ahayn dhulka dalkaasi leeyahay.
- Territorial Waters (TS) - waa dhul-badeed sharci ahaan iyo
qaanuun ahaan ka mid ah dhulka dalka xeebtaas leh, baddaas oo la xeerka
berriga dalkaasi leeyahay. Ufiirso xeerka badda Soomaaliyeed ee No. 37 waxa
uu ka hadlayaa ma aha EEZ ee waxa uu hadlayaa waa Territorial Waters (TS),
waana arrinta dagaalka loogu jiro in la maxaso.
- Arrinta layaabka leh waxay tahay sababta 2011 looga hadlayo 200
mayl-badeed, halkii laga hadli lahaa 350 maly-badeed, maadaama Qarammada
Midoobay ay dalalka xeebaha leh u qoondaysay cabbirkaas dambe. Arrintaas
qoondaynta 350 mayl-badeed oo u dhigma 648 km oo weli ka socota
Qarammada Midoobay oo ay ugu dambaysey
6 September 2011 oo ay jamhuuriyadda Guyana u gudbisay cabbirkeeda.
Soomaaliya Dhul-badeedkeedu waa 648 km (350 mayl-badeed)
Shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ayaa is hortaagey heshiiskii damaca ahaa
ee la doonayey sannadkii 2009 in lagu xalaalaysto dhul-badeed aad u baaxad weyn
oo ay leedahay ummadda Soomaaliyeed. Qorshahaasi halgan dheer oo shacabi ah
kaddib waxa uu ku dambeeyey fashil in uusan u dhaqan gelin xukuumadda FKMG oo
doonaysey in ay dhul-badeedkaas xagal daaciso.
Shacabka Soomaaliyeed waxay garab ka heleen xubnaha Baarlamaanka FKMG, oo si
geesinimo iyo wadaniyad leh isu hortaagey heshiiskaas. Waxaase muuqatey in
khiyaamadii qaran ee lala maaganaa dhul-badeedka Soomaaliyeed aysan halkaas ku
dhammaan. Taas si aan u fahamno heerarkii ay soo martay, aan taariikhdan yar
jalleecno:
1991 kaddib burburkii xukuumaddii Soomaaliya ayaa Kenya waxay xiriir
la samaysay qab-qable dagaal oo ku sugnaa magaalada Kismaayo si wada xaajood
ugala gasho xudduudda badda, qab-qablahaasi waa ku gacan sayray qorshahaas.
2004 markii xukuumaddii FKMG ee uu madaxda ka ahaa C/laahi
Yuusuf lagu soo dhisay Eldoret/Nairobi ayaa Kenya waxay xiriir la sameeyeen
madax sare oo ka tirsanayd xukuumaddaas si wada xaajood ay ugala yeeshaan
xuduudda badda, laakiin xukuumaddaasina waa diidey arrintaas in ay heshiis ka
galaan.
2009 bilowgiisii markii Jabuuti lagu soo dhisay xukuumadda FKMG ee uu
madaxda ka yahay Sheikh Shariif, ra'iisul wasaarena uu ka ahaa Cumar C/rashiid
Sharmaarke. Waxaana durbadiiba April 7, 2009 ay Kenya la gashay heshiis loogu
magac daray Isfaham, maalin kaddib April 8, 2009 ayaa DFKMG waxay heshiiskaas u
gudbisey UN-ka. April 14, 2009 ayaana si degdeg ah website-ka UN-ta lagu
daabacay isfahamkaas.
Agoosto 1, 2009 ayaa baarlamaanka DFKMG si aqlabiyad ah heshiiskaas
uga dhigay WAXBA KAMA JIRAAN. Go'aankaas baarlamaanka Soomaaliya muddo 8 bilood
ah ayuusan soo dhaafin xafiisyada xukuumaddii Cumar C/rashiid iyo Sheikh
Shariif, muddaddas kaddib ayaa loo gudbiyey QM.
March 12, 2010 ayaa Qarammada Midoobey shaaca ka qaaday in heshiiskaas
Is-fahamka aan la cuskan karin. Shacabka Soomaaliyeed oo heshiiskaas ka
horyimina waxay arrintu ula muuqatay in ay dhammaatay.
May 2010: Madaxda xukuumadda FKMG iyo dalalkii damaca watey oo is
garabsanaya ayaa bilaabay qorshe lagu xagal daacinayo go'aankii baarlamaanku ku
diidey heshiiskii Is-fahamka. Hindise qorshe cusub ayaa lagu soo barbaariyey
shirkii Soomaalida loo qabtay 21-23 May 2010 ee ka dhacay
Istanbuul, Turkiga, kaddib markii Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Dhirta
iyo Daaqa ee DFKMG
Abuukar Cabdi Cusmaan uu shirkaas Istanbul ka yiri "Aagga Ganacsiga
EEZ ee badda Soomaaliya looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha
Adduunka ee Qarammada Midoobey." Hadalkaas oo hordhac u ahaa silsilad
xiriirsan oo lagu xagal daacinayo xeerkii dhul-badeedka Soomaaliyeed ee soo
jirey 40 sano.
June 11, 2010 ayaa Norway waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya u
samaynayso CABBIRKA aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, taas oo loo
qaatay hirgelin arrintii ay DFKMG u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed
la yiraahdo malaha cabbir la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa.
October 14, 2010 ayaa ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG waxaa loo
magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaana durbadiiba soo baxay in dib loo soo
celinayo qorshahii badda Soomaaliya lagu doonayey in lagu dhaxal wareejiyo.
Dabayaaqadii October (2010) waxaa soo ifbaxay in dublomaasiga cusub ay
xukuumaddu u xilsaartay qorshaha cusub.
October 20, 2010 warbixin ay
faafisay ECOTERRA ayaa sheegtay in uu jiro dukumiinti cusub oo looga golleeyahay
"agaasimid cusub ee aagga ganacsiga badda EEZ" ee Soomaaliya. Dukumiintigaas
"loogu magac daray bud-dhigidda ama dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ",
haddii ay saxiixaan DFKG iyo/ama Maamuladda Dawlad Goboleedyada, waxaa
dukumiintigaas ku jira weero sheegaya in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu
ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin baaxadda badda ee ah 200
mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda lagu xadido ama lagu soo koobo 12
mayl-badeed."
October 24, 2010 Safiirka DFKMG u fadhiya UN,
Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa sheegay in badda Soomaaliya cabbirkeedu ka yar
tahay fogaanta 200 mayl badeed.
October 27, 2010 ayaa warbixin ay soo saaray Barwaaqa sooranka Yurub
waxa ay ku sheegeen inay Kenya ka caawinayaan sidii ay Soomaaliya ugala xaajoon
lahayd xuduudda badda. Waxaana islamarkaas Nairobi lagu qabtay tababar ay
khubaro ka socota Barwaaqa Sooranka Yurub ay siinayeen saraakiil Kenya oo ku
saabsan sida Soomaaliya ugala xaajoog lahaayeen xuduudda badda.
Janaayo 18, 2011 ayaa waxaa soo shaac
baxay heshiis 10 sano ah oo ay shirkadda lagu magacaabo "Sifaynta Badweynta"
(Clear Ocean) ay la gashay DFKMG, shirkaddaas oo sheegtay in ay iibsatey Markab
milatari oo ay lahaayeen Militariga Norway. Arrintaas waxaa ka hortegey
muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Norway oo xiriir
toos ah la sameeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway, arrintaas oo sababtay in
Janaayo 21, 2011 ay Dawladda Norway joojisey in markabka militari laga iibiyo
shirkadda reer Norway.
May 5, 2011 ayaa Wasiirkii xilligaas ee Wasaaradda Kalluumeysiga,
Kheyraadka Badda iyo Bey’ada ee DFKMG, Maxamed Macallin Xasan (Mohamed
Moalin Hassan) waxa uu sheegay hadalkan: "Waxaan dhawaan ka soo laabtay safar
aan ku tegey dalka UK, oo ahaa safar shaqo, shaqadaas oo ku saabsanayd sidii loo
soo gabagabayn lahaa hawl in muddo ahba aan ka wadnay oo la xiriirta xadaynta
badda Soomaaliya, iyo in aan ka keenay dukumiintigii ugu dambeeyey ee finalka
ahaa ee jeexayey xadaynta badda, ayadoo loo sameeyey sida waafaqsan sharciga
badaha ee caalamiga ah iyo kan United Nationka ee loo yaqaan United Nations
Convention on Law of Sea. Dukumiintigana waa loo gudbin doonaa Qarammada
Midoobay, taas oo lagu diiwaan gelin doono xaqa ay Soomaaliya u leedahay in waxa
loo yaqaan "Xuduudda Dhaqaale ee u Gaarka ah" Soomaaliya (Exculisive Economic
Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 kiiloomitir" -
DHEGEYSO.
May 5, 2011 shirkii jaraa'id ee xukuumadda DFMG waxaa kale oo lagu
xusay "Dokumentigan iyo khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa
websiteyada QM". Taas oo markaas macnaheedu yahay in Kenya oo aan weli loo
qoondayn baddeeda ay tixraac u adeegsan karto, dhehina doonto "Maadaama baddiinu
ay tahay EEZ, markaas waa in dib loo cabiro" - arrintaas oo ah tii ay shacabka
Soomaaliyeed iyo baarlamaanka DFKMG ay ka dhiidhiyeen, kana hor tageen. Waana
xagal daacin cusub oo u baahan difaac cusub.
Sida ka muuqata hadalkii wasiirkii Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo
Bey’ada ee DFKMG, waxa uu safar ku tegey Yurub, halkaas oo khariidadaha
cusub laga soo xaqiijiyey. Gaar ahaan dal kamid ah barwaaqa sooranka Yurub oo
sida kor ku xusan ay barwaaqa sooranku ku dadaalayaan sidii Kenya uga caawin
lahaayeen sidii ay wada xaajood ugala gasho badda Soomaalida.
May 8, 2011 Wasiirkii Kalluumaysiga DFKMG oo waraysi siiyey Idaacada
Codka Maraykanka (VOA) ayaa yiri: "Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan
anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee (19)72dii waxa uu qorayaa Territorial Sea
(Waters) oo ah 200 nautical miles, haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka
caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo keliya 'Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay
12 nautical miles oo keliya". Haddii hadalkaasu hirgeli lahaa wasiirka waxaa
ummadda Soomaaliyeed kuwaayi karaan 2.2 million kiiloomtiri oo laba-jibaaran
oo ah dhulbadeedka Soomaalida.
- Waxaa xusid mudan: Xeerka Law No. 37 waxaa
websiteka FAO lagu daabacay October 21, 2000, websiteka Qarammada
Midoobayna waxaa lagu daabacay July 23, 2001, waa xilliyadii la bilaabay in
dukumiintiyada rasmiga ah lagu daabaco Internetka oo markaas curdin ahaa,
xeerkaas oo qeexaya in badda Soomaaliya tahay Territorial Waters 200 mayl,
halka wasiirkii Kalluumaysigu uu ku warwareegayey 12-maly, sidoo kalena
ra'iisul wasaarahii hore ee DFKMG uu adeegsadey oraahda EEZ taas oo ahayd
khalad cad.
Dr. Cabdiweli Gaas oo Saxiixiisa Ku Biiriyey Madaxda Soomaaliyeed ee
Xagal Daacinaya Xornimada Dhul-Badeedka Soomaaliyeed... |
May 11, 2011 Ra'iisul Wasaarahii DFKMG, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
oo khudbad ka jeediyey Golaha Ammaanka QM ayaa mar uu ka hadlayey burcad-badeeda
iyo sida loo xugi karo ammaanka badda Soomaaliya waxa hadalkiisii ka mid ahaa:
in xukuumadiisu ay aaminsan tahay in burcad-badeeda lagu yarayn karo ama lagu
joojin karo ayadoo burcadda la maxkamadaynayo, taas oo lagu darayo in "Aagga
Dhaqaalaha Gaarka ah" (exclusive economic zone) ammaankiisa la sugo."
June 19, 2011 ayaa Maxamed Farmaajo waxa uu iska casiley xilkii
ra'iisul wasaaraha xukuumadda FKMG, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay madaxda
sare ee DFKMG iyo caddaadis ka soo food saaray beesha caalamka. (Mar uu Farmaajo
la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota, bilowgii September 2011
waxa uu muujiyey cadaadiska shisheeye in uu soo food saaray xukuumadiisii.)
June 23, 2011 ayaa Cabdweli Maxamed Cali Gaas waxaa loo magacaabay
ra'iisul wasaaraha DFKMG.
September 6, 2011 ra'iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas ayaa
saxiixday qoraal ka kooban 12 bog oo loogu magac daray "Roadmap" ama
habraaca la doonayo in ay hirgeliso xukuumadda FKMG 2011/2012. Waxaa qoraalkaas
ka mid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono sharci khusaaya waxa loo
yaqaan "Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah" ee badda Soomaaliya. (EEZ declared by 19
December 2011).
September 7, 2011 Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ayaa si xooggan
u soo dhaweeyey go'aanka ka soo baxay Shirkii Muqdisho, gaar ahaan "Roadmap-ka".
Waxana Ban Ki-Moon uu sheegay in shirka Muqdisho ay ka soo baxeen qodobo qeexaya
waxyaabaha muhiimadda la siinayo in la dhaqan geliyo ka hor inta aysan dhammaan
muddada Kumeelgaarka ee xukuumaddan, waa ka hor August (2012). Waxaana Xoghayaha
UN-ku uu beesha Caalamka ugu baaqay in ay imkaaniyaad (resources) dheeraad ah
siiyaan hoggaamiyaasha DFKMG, arrintaas ay hirgeliyeen awgeed. (ama
sida
uu warka u dhigay).
September 8, 2011 Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas ayaa
ansixiyey go'aankii kasoo baxay shirka Muqdisho. Go'aanada shirkaasna ay ka mid
ahaayeen in sharci xuduudda badda ee loo yaqaan EEZ lagu dhawaaqi doono. Waxa
kale oo ay golaha wasiiradu "ballan qaadeen inay sanadkaan kusoo afjarayaan
marxaladda ku meel gaarka ah ee uu dalka ku jiray muddo dheer." (Tixraac
Warsaxaafadeed:
XRW/OM/PR
0050/09/11)
Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran go'aamada ka soo baxay shirkii Muqdisho
lagu qabtay (Sept 4-6, 2011) oo uu saxiixay C/weli Gaas, ayna ansixiyeen
golahiisa xukuumadda (oo la doonayo in la dhaqan geliyo December 19, 2011) waa
oraahda "Exclusive
Economic Zone" EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah), taas oo meel ka dhac ku
ah xeerka badda Soomaaliya u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, Law
no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexay in Soomaaliya ay leedahay Territorial Waters
(TS) oo ah dhul-badeed xeebta ka durugsan 200 mayl-badeed.
September 8, 2011 Waxaa magaalada Nairobi tegey Ra'iisul Wasaaraaha
DFKMG C/Weli Gaas oo khudbad ka jeediyey shirkii loogu magac daray "SUMMIT ON
THE HORN OF AFRICA" ("Shirkii Geeska Afrika" oo lagu qabtay Nairobi), waxana
uu khudbadiisa ku sheegay in shirkii Muqdisho lagu qabtay la isku raacay
dariiqii la mari lahaa 12ka bilood ee soo socda (Roadmap) ee ay hirgelinayso
DFKMG - (Ref: XRW/OM/PR 043/09/11).
September 8, 2011 waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway gaarey ra'iisul
wasaarahii hore ee DFKMG, Maxamed Farmaajo,
mar uu
la hadlay Soomaalida Norway kama uusan hadlin qorshaha safarkiisa iyo
hadaladii Norway ee ku aadanaa badda Soomaaliya.
September 9, 2011 waxaa magaalada Brussels ayaa ururka Midowga Yurub (EU)
waxay kaga dhawaaqeen in ay aad ugu faraxsan yihiin habraaca "roadmap" ay
hirgelinayso DFKMG, sida ay
werisey hay'adda wararka ee AFP oo soo xiganaysey Catherine Ashton oo
midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibada, ayadoo hadalka ku adkaysay ay ku
faraxsan tahay "roadmap-ka".
September 11, 2011 waxaa magaalada Muqdisho
shir
ku yeeshay Golaha Wasiirada DFKMG, shirkaas oo uu guddoominayey Ra’iisal
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah Cabdiweli Gaas ayaa looga hadlay sidii
loo soo afjarid lahaa marxaladda Kumeel-Gaarka (KMG) iyo fulinta habraaca
sanadka 2011 /2012. (FG. Habraaaca 2011/2012 waxaa asaas u ah qodobkan:
EEZ declared by 19 December 2011 Ufiirso: Waxaa laga hadlayaa waa EEZ ee ma
aha TERRITORIAL WATERS, oo sida aan kor ku soo qeexnay aad u kala duwan.)
Shirka Golaha Wasiirada DFKMG, Muqdisho, September 11, 2011
September 12, 2011 Warbixin ay soo saartay Xukuumadda
FKMG ay ku faahfaahisay Waxqabadkeedii (Ref:
XRW/OM/PR 0052/09/11), ayey ku sheegtey sidan "Waxaa muddo seddex cisho
gudahood lagu guuleystay in la isku raacay dariiqii la mari lahaa 12ka bilood ee
soo socda (Roadmap) iyo in la fuliyo arrimaha mudnaanta koowaad u leh shacabka
soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka, dib-u-habeynta
baarlamaanka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah."
September 12, 2011 waxaa magaalada Muqdisho ka dhoofay ra'iisul
wasaaraha DFKMG isagoo ku siijeeda xarunta Qarammada Midoobey ee New York,
halkaas oo uu ka jeedin
doono khudbad ku sabsan "hirgelinta
Qorshaha xilliga kala guurka ah ee la filayo in lagu dhaqangeliyo ka hor
August 2012." Sida kor ku xusana qorshaha 2012 ay qayb ka tahay in December 19,
2011 ay DFKMG hirgeliso xeerka EEZ ee badda Soomaaliya.
September 13, 2011 waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay kulankii
293-aad ee Midowga Afrika (AU), halkaas oo wareegtadii kasoo baxday lagu qeexay
sida loogu baahan yahay in ay fulaan qodobadii ROADMAP-ka ee shirkii muqdisho ka
hor inta aan xukuumadda Soomaaliya laga bedelin Kumeel-gaarka (waa ka hor 20
August 2012), (Tixraac
Halkan iyo
halkan).
September 14, 2011 Kulan looga hadlayey Soomaaliya oo lagu qabtay
Xarunta UN ee New York ayaa Madaxa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey (ahna
Hindi) waxa uu sheega "in la sameeyo cabirka xuduudeeda badda Soomaaliya ee
aagga ganacsiga (exclusive economic zone) si ay u dhaqan galaan qodobada
Roadmap-ka ee shirkii Muqdisho..." ayuu yiri Madaxweynaha Golaha Ammaanka, ahna
wakiilka dalka Hindiya u fadhiya UN-ka, Hardeep Singh Puri. Waxaana shirkaas
goob joog ka ahaa ra'iisul wasaarha DFKMG C/weli Gaas oo shirkaas khudbadii uu
kajeediyey ku caddeeyey in xukuumaddiisu ay dhaqan gelinayso habraaca
Roadmap-ka.
(Tixraac halkan).
September 17, 2011 kulan dhexmaray Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo xubno
katirsan xukuumadda Maraykanka ayaa warsaxaafadeed ay DFKMG soo saartay waxay ku
sheegtay sidan "(Ra'iisul wasaaraha DFKMG) waxuu xusay in shirkii Muqdishu uu
ahaa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana u sheegay Dowladda
Mareykanka in Xukuumaddu ay ka go’antahay dhaqangelinta iyo fulinta Roadmap
ka oo uu Ra’iisul wasaarahu sheegay inuu yahay mid ay Soomaalidu sameysteen
ayna sahlanaan doonto dhaqangelintiisa, hase ahaatee uu ka codsaday Dowladda
Mareykanka inay Dowladda Soomaaliya ku saacidaan sidii loo dhaqangelin lahaa
barnaamijyada cad-cad ee la isku raacay" (XRW/OM/PR
057/09/11)
September 17, 2011 Qamar Haashim oo ah dublomaasiyad Soomaaliyeed oo
ku sugan Paris ayaa shaaca ka qaaday "Ragga raba in biyaha Soomaaliya la cabiro
waa dadkan aan aniga la joogo oo aan dalkooda ku noolahay ee martida u ahay
(Faransiiska), ayaga ayaa si toos ah markii ay Ramadaankii ka hor wasaaradda
Arrimaha dibadda igu qaabileen si cad iigu sheegay arrintaas."
(Akhri/Dhegeysi)
September 17, 2011 Idaacadda Codka Maraynka ee VOA ayaa oo waraysi la
yeelatey ra'iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas oo ku sugnaa Washington (Virginia)
waxa ay weydiisey su'aal ahayd in uu Qarammada Midoobey u ballan qaaday in ay
fulinayaan Roadmap-ka, waxa uu ku jawaabey "Khasab ayey nagu tahay in aan ka
baxno Transitional-ka, 10 sano ayaan ku jirnaa Transition. Maxaa loogu baahan
yahay in Kumeel-gaarka (transitional-ka) loogu gudbo? Waxaa loogu baahan yahay
sababtoo ah dawlad dhab ah ma ahin, xiriir laba-dhinac ah (Bilateral ah) amase
xiriir lama geli karno waddama qaarkood. Sababtoo ah ma ah in sidii dawlad
"permanent". Xataa adduunka haddii aynaan ka helin mucaawanada aan u baahanahay
annaga Soomaali ahaan ayey khasab nagu tahay in aan ka baxno waxa aanu ku jirno
oo aanu noqono dawlad dhab ah oo dalkeeda iyo dadkeeda gaarsiin karta horumar
dhan walba ah ama dhalka ijtimaaciga, dhaqaalaha iyo dhanka siyaasaddaba. Marka
roadmap-ka in aan ka dhabaynaa danteena ayaa ku jirta, ma ah wax nalaku
khasbaayo, annaga Soomaali ahaan ayaa dani noogu jirtaa.." (DHEGEYSO).
Roadmap-ka waxaa ku qoran in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqo cabirka badda
Soomaaliya oo ah EEZ, taas oo lagu baabi'inaayo sharcigii badda Soomaaliya u
dhignaa 40-ka sano.
Shacabka Soomaaliyeed waxay la yaaban yihiin ayaa ah sababta ay madaxda DFKMG
ugu dadaalayaan in ay baabi'yaan xeer u deganna Soomaaliya 40 sano. Arrinta kale
oo layaabka leh waxay tahay in Qarammada Midoobay ay dalalka xeebaha leh laga
soo bilaabo 2009 u ogolayd in ay kordhisan karaan xudduudda baddooda ilaa meel
xeebta ka durugsan 350 mayl-badeed.
Baarlamaanka DFKMG ilaa hadda (Sept 12, 2011) go'aan kama qaadan arrinta soo
cusboonaatay ee xukuumaddu ku xagal daacinayso go'aankii ay hore baarlamaanku
ganafka ugu dhufteen ee ku saabsanaa xudduudda Badda Soomaaliyeed.
Waxaa cad go'aamada loogu yeeray "Roadmap" oo la doonayo in laga ansixiyo
DFKMG in ay ku hoos qarsoon yihiin qodobka sare oo noqonaya KHIYAANO QARAN.
Sidaas daraadeedna ay shacabka Soomaaliyeed ka filayaan baarlamaanka DFKMG in
aysan ansixin. Soomaaliya waxa u cabiran baddeeda, waxaa qeexay xeer u degganaa
40 sano. Taas ayaa laga doonayaa baarlamaanka Soomaaliya in ay dhawraan, wixii
taas tirtirayana ay is hor taagaan.
Jawaabta arrintan cusub iyo difaaceeda waa mid ka dhexeeya shacabka
Soomaaliyeed oo dhan.
- Jawaabta
Akhristayaasha: Mid kamid ah akhristayaasha oo magaciisu yahay Abdiweli
ayaa ku jawaabay sidan: "Horta waxaa su’aal ah LAW 37 1972 waa xeer Somalia
ay ku cadaysay dhul badeedkeeda, sida ku cad qaanuunka qaramada midoobana
waa xeer sharciya oo dhaqan galay waqtigaas oo aan doodi kataagnayn, marka
kumeelgaarka raga hogaaminaya ma xeerkaas ayey diidan yihiin mise in Somalia
dhulbadeedkeeda in lagaarsiiyo 350 mile ayey doonayaan? Waxa loo baahan
yahay waxa weeye DFK waa in ay jawaab kabixiso hadaf-keeda arin taan
quseeya. Baarlaamka intaan sanadkaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxay
indiin kaga fadhiyaan in aad dawlada kumeelgaarka aad waydiisaan waxa
damacooda iyo fahamkoodu yahay ee dhulbadeedka Soomaaliya ku aadan. Ogaada
baarlaanow taariikhda Somalia mar baad baal dahab ah kagasheen, bal markaana
labaysta intaan waqtigiinu dhamaan kahor... Akhri
Jawaabta oo
dhamaystiran..
ARAGTIDA DADWEYNAHA:
Jawaabtaada toos ugu
qor halkan (FG. Fadlan jawaabtaada ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa
RIIX HALKAN).
Faafin: SomaliTalk.com | September 9, 2011 | Cusboonaysiin: September 12,
2011
TIXRAAC:
Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10
September 1972