SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Faraxaygu Ma SomaliTalk baa mise waa Baarlamaankii aan ka tirsanaa ??? !!!

Horudhac :

Akhristoow labo Hay'adood baan muddo ka tirsanaa waa hay'adda ama Bahda SomaliTalk oon hal caqdi ama 10 sano wax ku qoraayey iyo Hay'adda ama Baarlamaanka Soomaaliyeed oon hal sano ka tirsanaa .

Haddana maanta waxaan isweydiinayaa keebaan labadooda ku faraxsanahay ma Qoraaladdii Difaaca Badda Soomaaliyeed ee Hay'adda ama Webside-ka Somalitalk ku Baraarujiyey Ummadda Soomaaliyeed oo labo Wareeg ahaa .

Wareegga Kowaad oo uu ku difaacay Heshiiskii is Afgaradka ee Kiinya loo Saxiixay ama aan si kale u iraahdo ay Kiinya naga hoos bixisay. Kaas ooy soo dhiciyeen Baarlamaanka Soomaaliyeed Bishii Augusto 2009 kii sidoo kale uu Ururka Qaramada Midoobay wax kama jiraan ka dhigay Bishhii Juun ee 2010.

Wareegga labaad oo haatan socda oo lagu bayaaninaayey Qorshaha Wadatashigii loo Bixiyey ( Road map)ka ay Dawladdu fulineyso Halka Sannad ee u haray. Kaas oo lagu bayaanshay in lagu Xadeeyo Badda Soomaaliyeed ama in loo Sameeyo EEZ oo laga dhigaayo Territorial-ka Badda Soomaaliyeed 12nmile halka aan Sharciyeynteenii hore aan u gudbisanay ka ahaa  200nmile.

Qorshahaas oo la doonaayo in la fuliyo Bisha Dec,19keeda 2011, se Nasiib Wanaag mar labaad ayey Halgamayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed Dul dhigeen   ( YAKE ) aan la loodin karin, Markii ay shalay ka soo saareen Sharci Diidaaya in mar labaad la xadeeyo Badda Soomaaliyeed oo ay ku ansixiyeen Sharcigii ugu Danbeeyey ay Dawladdii Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay 1988.


Dhismahii Baarlamaankii hore ee Soomaaliya

Waxaa halkaas ka soo baxay lix qodob oo halaasi ah, waana kuwan: (1)

1. In lagu Dhaqmo Sharciga Badda Soomaaliya ee soo baxay Sanadkii 1988-dii

2. In Hay’adaha Dastuuriga ee Kumeel gaarka ah ee dalka; sida Madaxtooyada, Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahayn in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ama ka wada xaajood ku sameeyaan Xaduud badeedka Soomaaliya, iyo xuduudka hawada iyo dhulka Soomaaliya.

3. Waxaa la laalay ama la burburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii Caalamiga ahaa ee lala galay Hay’ado, Dowladaha Deriska ah iyo ururro Caalami ah iyo shakhsiyaad, islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii Janaayo Sanadkii 1991kii.

4. Xadgudub kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimayo xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya berriga, Badda iyo hawada sare ee Soomaaliya, waxaa loo aqoonsanayaa duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday Maaxbannaanida iyo Siyaasadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliya.

5. Xukuumad walba oo loo igmado howsha Dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman Dowladaha Deriska ah iyo Hay’adaha caalamiga ah.

6. Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno Qaran.

Qoddobadaas oon kala dhicin ayaan waxaan ku muusanaabay macnaa jacleystay haddaan Reer Xamarka hadalka u jilciyo , midka ugu danbeeya :

( Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno Qaran).

Runtii waa qiyaamo qaran in aad laaluush ku qaadato Badda Soomaaliyeed ama aad madaxtinimo ku doonto.

Waxayna arrintaasi tumaati ku tahay macnaa dhaawac xabbadka ku yaal DKMG ee ay Madaxda ka yihiin Shariif Axmed iyo Cabdiwali Cali Gaas.

 Haddaba Akhristoow ma ila fahamtahay labada qolo aan ku faraxsanahay waa :

(1) Web-sideka Soomaalitalk Difaacaha badda Soomaaliyeed.

(2) Baarlamaanka Qaranka Soomaaliyeed oo labo mar  Difaacay Baddeena.

BAAQ KU SOCDA RA'IISUL WASAARAHA DKMG :

Waxaa hortaa qaldamay Ra'iisul Wasaare Mudane Cumar C/rashiid oo asagoon ka fiirsan Heshiis la galay Dawladda kiinya.

Wuxuuna Cumar C/shiid cudurdaar ku leeyahay waxay aheyd arrin ugub ah oo la hoos galiyey, se ta maanta lagaa sugaayo Dec,19,2011 waa mid horay u soo dhacday oo mar labaad ah , Nabigeenuna wuxuu yiri NNKH :

( Ruux mu'min ah god labo jeer lagama qaniino ) !!!! hadday markii hore qatif ku dhacday maanta waa in aad indhaha Furtaa , waa Doqonnimo in meeshii Cumar  C/rashiid laga Qaniinay in aad mar labaad farta gashato.

Arrinkaasuna waxaa ku saleysan Maahmaahyadda Soomaaliyeed ee oranaysa :

( mar i dagi Allah ha dago mar labaad i dagana anigaa dagan).

oo macnaheedu yahay haddii aan reer xamarka u jilciyo : Ruuxii mar i khiyaamo allaah ha iigaga aaro, mar labaadse anigaa doqon ah .

Mudane Ra'iisul Wasaare inkastoo Soomaaliya ay 20 sano Burbursaneyd haddana waxgaradkoodii intoodii badneyd wey joogaan, dhankii loo kacaba waxaad haysataa Khubaro Soomaaliyeed oo arrinka laga hadlaayo mutakhasis ku ah ( Dhankii loo eryaba waa gamaan xulashadiisiiye)!!!! marka arrin kasta oo ku soo food saara waxad tiraahdaa ayaa Aqoon u leh arrinkaas, waxaad heli doontaa Ruug Caddaa na samatabixiya.

Markasta dib ugu laabo Sharciyadii iyo Heshiisyadii Dawladihii Soomaaliya ay galeen ama Qoraal ka diyaariyeen, taas ayaad ku badbaadi kareysaa.

Haatan waxaa ku horyaala Go,aankii Baarlamaaku shalay gaareen iyo Sharcigii Baddaha Soomaaliyeed ee 1972 ee 37 iyo kii 1988 Seddexdaas la tag UN kana hor akhri una sheeg labo arrimood oo ah :

(1)  Xuduuda Badda Soomaaliyeed Territorial Sea oo ah 200nmile.

(2)  Aaga Ganacsiga iyo khayraadka EEZ oo asaguna ah 200nmile.(2).

Maxaa qasbay in aanaga kaliya nalagu nasduleeyo Sharciyo ay jabiyeen Mareykanka (USA) Baddiisu Xuduud ba ma leh, Badweynta Pacific-ka wixii Gasiirad ku taalay asaga iyo Ingiriiska ayaa iska leh ayadoo u jirta 400nmile iyo in ka badan, Mareykanku maba saxiixin Heshiiskii Baddaha ee QM 1982 ,

Sidoo kale 17 dawladood baan saxiixin.

Soomaaliya wey saxiixday Heshiiskaas aydoon 200nmile aan badalin waxayna la qabtaa 17 Dawladood oo kale oo Saxiixay se aan Hirgalin.

Baaq ku Socda Web-ka SomaliTalk :

Bahda iyo Maamulka SomaliTalk waxaad Taariikhda ka gasheen Baal dahab ah ,Gu'yaal fara badanna Soomaali badan ayaa  xusi doonta Difaaca iyo cilmi Baarista ( Research ) aad ka geysateen Badda Soomaaliyeed (3)

Waxaan ku darsaday Difaaca Badda Soomaaliyeed wareegga labaad Maqaal aan ugu magac daray : Webside-ka SomaliTalk waa difaacaha Badda Soomaaliyeed !!!!.

Annagoon is ogeyn ayaa Ruug caddaaga qoraha SomaliTalk u joogga Xamar Mudane : Amiin Khasaaro aan magac saxo mudane ( Amiin Faa,ido) ayaa asaguna sheeko la yaab le ka sheekeeyey nin ay Baabuur isla soo raaceen oo ka mid  ah Akhristayaasha web-ka SomaliTalk ayaa Amiin weydiiyey Su,aal Maqaalkaygii u eg oo ah :

SomaliTalk kaliya maxay u difaacdaa badda Soomaaliyeed ??? ayadoo ay jiraan 1000 webside oo Soomaalidu leeyihiin.

Runtii waa su,aal meesha ku jirta oo na tusuneysa SomaliTalk in uu Qalmo in uu ku Guuleysto Abaalmarin Qaran, taasna waxaan ka sugeynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Baaq ku Socda Baarlamaanka Soomaaliyeed :

Dhaaxaa la idinku tilmaamay qowleysato aan waxba aqoonin, Dhaaxaa sharftiina Habar kastaa ku tumatay (4), dhaaxaa dilaalo la idin ku tilmaamay , dhaaxaa fara badni aan nafci laheyn la idinku sifeeyey, dhaaxaa Murtadiin maan gaab idin ku tilmaamay, Dhaaxaa Dhiigiina la hunguriyeeyey amaba la baneystay oo la daadshay.

Se maanta Tallabadaad Qaadeen waxaad muujiseen Qaranimo, Wadan Jaceyl, Waxgaradnimo, Mas'uuliyad  iyo Geesinimo aan la koobi karin, Guuleysta ayaan idin leenahay meel kasta aad joogtaan.

Runtii ayadoo xabadi idinka dul dhaceyso, qatan oon Mushahaar haysan,Xaasaskiinii iyo Carrurtiinii idinka fog yihiin ,ayaad u bareerteen in aan Dalka Difaacdaan oo sharciyo lagu meel maro soo saartaan, waxaanna ugu Horeeya Badda Soomaaliyeed iyo Hawadeeda oo aad labo mar u hiiliseen.

Waan soo noqonayaa  ama waan soo socdaa :

Anigoo Baarlamaanka Soomaaliyeed ka mid ahaa muddo sanad ah jan, 2009 ilaa jan 2010 , iskayna iskaga casilay jagadaas oo ahaa 550 kii ugu horeeya ee wareejiya, ayaan maanta indinku faanayaa waxa aad sameyseen, waxaanna balan igu ah in aan Meelkasta idinku Difaaco .

Waaban idinka maseysay waan soo noqonayaa ama waan soo socdaa kow dheh.

Waxaan maqaalkan farxadda xambaarsan ku soo gunaanadayaa Codsi aan labada Hay'adood u soo jeedinaayo SomaliTalk iyo Baarlamaankaba in ay isweydaarsadaan Billad Sharafyo aniga ayaana idiin kala wareejinaaya, maadama labada Hay'adoodba aan Dhextaal u ahaa !!!!

Waxaan SomaliTalk u Rajeynayaa horumar iyo Daacadnimo, Baarlamaankana Guuleysta ayaan leeyahay 335 u Codeysay Difaaca Badda Soomaaliyeed.

                                                      FII AMANI LAAH

EX. XILDHIBAANE :Shiikh Saahid mohamed yusuf
 USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com

(1)- waxaan ka soo qaatay SomaliTalk.com
(2)- Aaga ganacsiga iyo kheyraadka haatan waxaa loo kordhinayaa 350nmile.
(3)- waxaan SomaliTalk ku baaraarujin lahaa in ay cilmi baaristooda daabacaan.
(4)- maahmaahdii habar fadhidaa lagdin la fudud !!!!

###

Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo Gebi ahaanba Baabi' iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Faafin: SomaliTalk.com | October 9, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: