SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

SomaliTalk.com miyaa Buun-Buunisay Badda Soomaaliya, mase Fowsiya Xaaji ayaan ku Baraarugsanayn waxa ku Qoran Heshiiska ay la Saxiixday Kenya

  • SomaliTalk.com | June 5, 2013

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka jawaabtey qoraal ku soo baxay SomaliTalk.com, laakiin ka aamustay qoraal kaas la mid ah oo kusoo baxay Daily Nation

Siyaasiyiinta marka ay doonayaan in ay khaldaan rayiga dadweynaha waxay adeegsadaan hadallo ay u dhigayaan sida dadku jecelaan lahaayeen in ay ka maqlaan madaxdooda, laakiin marka la dhuuxo ah "xuub caaro isku qarin" oo aan u daadegeyn gunta qaddiyadda markaas laga hadlayo.

Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi oo ka hadlaysay heshiis dhaxmaray Kenya iyo Soomaaliya, ayaa caddadkeedii soo baxay June 1, 2013 waxay qortay sidan:

  • The Kenyan and Somalia ministers said they would work on modalities for embarking on maritime demarcation. They also reviewed previous agreements and memoranda of understanding signed between Kenya and Somalia, and their levels of implementation.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee DFS, Fowsiya Xaaji Aaden, ma aysan beenin warkaas, waxna kama odhan qoraalkaas ku soo baxay jariidadda reer Kenya.

Laba maalmood kadib, June 3, 2013, ayaa SomaliTalk.com waxay heshay nuqul qoraalkaas oo ay May 31, 2013 kala saxiixdeen Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku caddahay: 

  • "Labada Wasiir (ee Kenya iyo Soomaaliya) waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda". "Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa."

Maalin kaddib, June 4, 2013 ayaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf X. Aadam oo waraysi siisay Idaacadda Boqortooyada Britain waxay SomaliTalk.com ku eedaysay in "Saxiixeeda la dul saaray qoraalkaas".

Ugu horayn SomaliTalk.com waxay wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS weydiinaynaa in ay caddayn rasmi ah ka bixiso in qoraalka nuqulkiisu ka muuqdo halkan ay saxiixday iyo in kale. Sawirkan miyuusan ahayn markii aad saxiixaysay?


Xuquuqda sawirka: http://www.demotix.com/node/2111867

Waraysiga Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC) waxay Fawsiya ku sheegtay sidan: "Badda Soomaaliyeed intii la yaqaanay ee Soomaaliyi lahayd weligeed Soomaali baa leh, cidina kuma murmi karto, waa wax yaala, ma aha wax aanu dib u xaraynayno  ama dib u weydiisanayno, hase yeeshee website la yiraahdo SomaliTalk ayaa buunbuunin aan jirin oo saxiixayga inta la qaaday la dul saaray warqad saxaafad la yiri waa heshiis ay saxiixday, waa waxba kama jiraan."

Inta aynaan sii wadin waraysiga BBC, aan jalleecno isla maalintaas waraysi kale oo Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA la yeelatey wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa tiri "Wasiirada dhigayga ah, Aamina, waa kulanay, waxaanu kulanay marar badan intii dhawrka cisho ee aan magaalada (Nairobi) joogey, waqti dheerna waa isu helnay aanu dhinac walba ka eegno labada dal sidii la isugu soo dhaweyn lahaa iyo wixii wax laga qaban lahaa iyo haddii ay jiraan waxyaalo farabadan oo qodxaha laga saari lahaa, waana dhamaynay, waana isku afgaranay, waxay kusoo dhammaatay heshiis qiimo badan leh oo muddo la sugayey  oo ah JCC (Joint Commission for Cooperation), in la sameeyo guddi ka talisa labada dal sidii xidhiidhkooda loo sii hor marin lahaa, xagga dhaqaalaha, xagga qaxoootiyada, xagga xuduudaha..."

Waxaa halkaas ka cad in jawaabtii SomaliTalk ay bixin lahayd ay wasiiradu ayadu isu jawaabtey, waayo waxaa SomaliTalk qortay heshiis dhax maray Kenya iyo Soomaaliya, iyo in boorka lagajafay heshiiskii MoU, waxaana Fowsiya waraysiga ku sheegtay "waana isku afgaranay, waxay kusoo dhammaatay heshiis qiimo badan leh oo muddo la sugayey... " Waxayna raacisay " in la sameeyo guddi ka talisa labada dal sidii xidhiidhkooda loo sii hor marin lahaa, xagga dhaqaalaha, xagga qaxoootiyada, xagga xuduudaha..." Marka waxaan fahmi weyney waxay SomaliTalk ku eedaynayso.

Wasiiradda Arrimaha dibadda DFS oo sii wadatey waraysigii BBC-da waxay tiri "Soomaali waxaan position-kaan (jagadaan) u joogaa in aan ugu dagaalamo ama xuquuqdeeda iyo badaheeda iyo dhulkeeda. Heshiiskaasi waa communique-gaas meel kasta yaala oo meel walba ku qoran in aynu saxiixnay kuma jirto. Waxaa ku jira qaxootiga, xagga dhaqaalaha in la iska kaalmeeyo, waxaa ku jira wixii technical assistance ay naga siin karaan, in siyaasiyan la is taageero. Soomaaliya iyo Kenya isku soo dhawynteeda ah, heshiis badda lagaga hadlay ma aha, heshiis (badda) lagu soo qaaday ma aha."

Haddii hadalkaas Wasiirka sidiisa loo qaato, su'aashu waxay tahay: maxaa wasiiraddu u beenin weydey qoraalkii June 1, 2013 ku soo baxay Daily Nation,ee dhigaya in labada Wasiir (Fowsiya iyo Aamino) ka wada shaqaynayaan sidii loo dhaqaajin lahaa nidamkii lagu xadaynayo xarriiqda badda (on maritime demarcation). (Haddii uu ku dhaafay qoraalkii Daily Nation ka akhri halkan).

  • Xusuusnow hadalka wasiiradda ee ah "heshiis badda lagaga hadlay ma aha, heshiis (badda) lagu soo qaaday ma aha."
  • Isla waraysiga waxay ku sheegeysaa sidan: "Arrintaas dawladda Kenya waa i weydiisey, marka laakiin in ay ayagu nagala hadlaan dee xaq bay u leeyihiin, press release-kana waa ku soo baxday... "
  • Haddaba ma is qaban karaan "Lagama hadlin badda" iyo "Press release-ka ayey kusoo baxday oo kenya waa i weydiisey"... Hadalkaas is diidaya Shacabka ayaa markhaanti ah.

Waraysigii Idaacadda ayadoo sii waday Wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS waxay tiri "Warsaxaafadeedkaas hore ayey ayagu (waa Kenya) i weydiiyeen in laga wada hadli karo, oo ay soo qaadeen heshiiskaa hore ee qaldanaa ee la saxiixay Dawladdii meel ku gaarka ahayd, waana u sheegay, waa heshiis khalad ahaa, Dawlad Kumeel gaadh ah ayaa saxiixday, Baarlamaankuna waa diideen, sidaas ayaan ugu caddeeyey arrinkaas."

Marka koowaad Fowsiya waxay ku mahadsan tahay in ay qirtay in uu khaldanaa Heshiiskii MoU-ga ee Kenya iyo Soomaaliya, balse maxaa arrintaas wixii Soomaaliya dhankeeda ahaa loogu caddayn waayey Heshiiska Communique-ga ah. Taas Fowsiya caddayn kama bixin, balse waxay muujisay in "Kenya xaq u leedahay" in ay Soomaalida kala hadlaan arrinta Kenya rabto.


Waraaqahii lakala saxiixday oo la is weydaarsanayo. Xuquuqda Sawirka: http://www.demotix.com/node/2111869

Hadalkaas waxay ku muujisay markii weriyaha BBC-du wediiyey su'aal ahayd "Ma waxaad leedahay wax ka jira lama arko oo saxiix iyo wada xaajood aan ka galnay arrimihii badda ku saabsanaa, ma jiro miyaad leedahay?"

Fawsiya Xaaji Aaden waxay ku jawaabtey "Ma jiro, dawladda Kenya waa i weydiisey, waana is hortaagey arrinkaas, waana la diidey, dawladda Soomaaliya ma ogola arrinkaas ayaan u sheegay, marka laakiin in ay ayagu nagala hadlaan dee xaq bay u leeyihiin, press release-kana waa ku soo baxday... "

Weriyaha ayaa si uu hadalkaas uga xaqiijiyo waxana uu weydiiyey "Marka waxaa kusoo baxday in laga wada hadlo arrintaa", waxay ku jwaabtey "in annaguna aanu u sheegnay in ay baddayadii tahay, ayaguna ay yiraahdeen maka wada hadli karnaa, intaas ayaa kusoo baxday".

Press Release ay wasiiraddu ka hadlayso kuma qorna hadalkaas ah "Soomaaliya ma ogola" ama Soomaaliya waa is hortaagtey arrintaas badda ee lagala hadlay, kuma qorna.

Qaabka Tabcada Siyaasadeed loogu dhigayo DFS si loo soo koobo badda

Ugu horayn xasuusnow hadalka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee DFS sheegtay June 3, 2013 oo ahaa "Badda Soomaaliyeed intii la yaqaanay ee Soomaaliyi lahayd weligeed Soomaali baa leh, cidina kuma murmi karto, waa wax yaala, ma aha wax aanu dib u xaraynayno  ama dib u weydiisanayno." Macnahiisa gadaal ayaan ka arki doonaa.

Markii la loodin waayey xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37 ee soo baxay 1972, oo dhigaya Somalia Territorial Waters waa 200 mayl-badeed, ayaa waxaa dawladdii Kumeel gaarka ahayd waxaa loo hoos geliyey "Xeer Macmal ah" oo la doonayey in badda Territorial Waters-ka lagu soo koobo 12 mayl-badeed. Xeerkaas oo la doonayey in lagu maja-xaabiyo xeerkii 1972. Waxaana loo bixyey "Xeerka 1988". (Arrintaas qodobka loo hoos geliyey baarlamaankii hore, qoraal ayaa 2011 SomaliTalk ka qortay)

Kuwii qorshahaas ka dambeeyey waxay faham-sanaayeen in Dawladii Meel Kugaadhka ahayd marka ay meesha ka baxdo in dukumiintigii khaldanaa ee ay ka tagtay ay meeshii ka sii ambaqaadi doonaan Dawladda Soomaaliyeed ee rasmiga ah, kuna hodmi doonto, maadaama ay burbureen matxafyadii qaranka Soomaaliyeed iyo Jaamacadaheenii kaydka.

Durbadiiba markii la doortay waxaa Dawladda Federaalka ay siminaaro u bilowday madaxdii la doonayey in fikirka 12-ka mayl laga dhaadhiciyo ayadoo la dhahayo 200 miles waa EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo Territorial Waters ah.

Siminaaradaas waxaa ka mid ah mid uu arrinta badda kaga hadlay Corneyl Xasan Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya oo uu horraantii sanadka 2013 ka jeediyey Muqdisho goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda (Fowsiya), Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya.

Riiraash oo ka hadlayey cabbirka badda Soomaaliya, wuxuu madaxdii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya sidan: "(12 mayl) oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah qaybta aan ku leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash. Goob joogna way ka ahayd xilligaas wasiiradda arrimaha dibaddu.

Waxaa xigey in 12-14 Maarso 2013 shir magaalada Addis Ababa loogu qabtay masuuiyiin Soomaaliyeed, shirkaas oo laga soo saaray warsaxaafadeed lagu qoray "Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan." (Eeg UNPOS ama halkan).

Kaddib waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tegey Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, ayaa loo soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37.

Waxaa xigtey in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Xasan uu May 1, 2013 hadal Video ahaan u jeedeyey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-badeeda ee ku sugan New York, waxana uu markii ugu horesey taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay 12 mayl.

Haddaba, haddii aan ku laabano hadalkii Fowziya ee ahaa "Badda Soomaaliyeed intii la yaqaanay ee Soomaaliyi lahayd weligeed Soomaali baa leh.." waxa uu macna weyn samayn lahaa haddii ay odhan lahayd: Badda Soomaaliyeed intii la yaqaanay oo ah 200 mayl-badeed oo TERRITORIAL WATERS ah.

Dulucda Qormada

Cinwaanku ma aha meesha xeeladu ku jirto, ugu yeer "Press Release", ama ugu yeer Heshiis ama Communique, ama JOINT PRESS RELEASE, laakiin nuxurka ama dulucda waa qoraalka kuqoran oo dhan, xaraf kasta oo ka mid ah qoraalka ay is weydaarsadaan laab dawladood waxa uu leeyay miisaan.

Haddaba aan is xasuusino press release-ka Heshiiskaasi ay gaareen Soomaaliya iyo Kenya ee Fowsiya saxiixday waxaa ku cad sidan:

  • "Labada Wasiir (ee Kenya iyo Soomaaliya) waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda". "Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa."

SomaliTalk.com waxay ku tarjumtey Af-Soomaali si dadka ay khusayso ee Soomaaliyeed uu qoraalku afkooda ugu gaaro. Halka Dialy Nation kaga qortay luqadda Ingririisiga. Waxa kale oo ay ku kala duwan yihiin Daily Nation waxay u hadashaa qadiyadaha khuseeya ama dani ugu jirto qowmiyadda Kenyaatiga, halka SomaliTalk ay u hadasho danaha qowmiyadda Soomaalida.

Qoraallada xiriirka ah ee ku saabsan badda Soomaaliya ee SomaliTalk.com qorto, ma aha kuwo looga gol leeyahay buun-buuni, ama magac ku raadsi, xil ku raadsi, ama mansab ku raadsi ama qof ku xumayn. Waa qoraallo aan ugu tallo galay in aan ku diiwaan gelino arrimaha dhacdooyinka TAARIIKHIGA ee la xiriira badda Soomaaliya iyo xerarkeeda, taas oo faa'iido u noqon karta shacabkeena hadda nool si ay uga faa'iidaaysan badda Allah ag dejiyey, iyo insha Allah dhaxal u hara jiilasha dambe si aan baddaas baaxadda weyni uga dhaxal wareegin.

Dawladda Federaalka Soomaaliya madaxdeedana waxaan kula talinaynaa in aysan marin jidkii kuwii ka horeeye ee KMG ahaa mareen marka laga hadlayo qaddiyadda badda. In ay u dhega nuglaadaan aragtida wax toosinaysa ee shacabka. Ogolaadaan in lagula xisaabtami karo qalinka. Ogaadaan in xilku yahay masuuliyad weyn oo meerto ah. Badda Soomaaliya waa 200 mayl-badeed oo Terrirorial Waters ah adduunka u sheega intaad RAAYO iska doontaan.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon sidii ay markale ugu istaagi lahaayeen difaaca badda Soomaaliyeed, oo aysan ku hallayn cidna.

Here is your Challenge, Ms Fawzia haji Aden: Did you Sign this or not?


Qoraalkii la kala saxiixday May 31, 2013 (Halkan ka akhri)

Qoraalkii ay saxiixday Fasiya Yuusuf (Halkan ka akhri)

Sidoo kale akhri warbxinta Daily Nation Kenya (Qaybteeda dambe)

Faafin: SomaliTalk.com |  June 5, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: