SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"Qorshaha la wado ee Dastuurka iyo Qaabka loo wajahay Waa mid la doonayo in lagu Xalaalaysto Badda Soomaaliya..."sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cawed Axmed Casharo

-- Sheikh Umal oo si xooggan uga soo horjeestey dastuurka qarsoon ee ummadda lagu khasbayo

-- Prof. Mahadallah oo ku taliyey in dastuurkii 1960 la sii isticmaalo inta waddanka oo dhan laga dejinaayo, maadaama Oday Dhaqameen uu Taangiga Itoobiya dul taagan yahay oo aan xor ahayn aan lagu aamini karin masiirka ummadda Soomaaliyeed....

-- Qorshaha Dastuurka cusub ee ay hadda waddo DFKMG oo ka hor imanaya hadal Sheikh Shariif hore ugu sheegay shacabka Soomaaliyeed September 4, 2010 waxana uu markaas yiri “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii…” Hadda Dawladda Sheikh Shariif waxay waddaa qorshe ay dastuurka ku ansixineyso ayadoo aan afti dadweyne loo qaadin....

-- Shirkii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurrka qabyo qoraaleedka oo May 5, 2012 ka furmay Muqdisho, gar ahaan Dugsigii Sare ee Boliiska... (Khudbadihii furitaanka hoos ka dhegeyso)...

-- Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo sheegay in Odoyasha Dhaqanka ee loo asteeyay in ay ansixiyaan Dastuurka inaysan ahayn Odoyaashii dhaqanka ee dhab ahaan matalayay Beelaha ay ka kala socdaan...

  • SomaliTalk.com | May 5, 2012

Sheikh Umal oo si xooggan uga hadlay dastuurka qarsoon ee ummadda lagu khasbayo

Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadiisa si kulul ugaga hadlay dastuurka cusub ee lagu qulaaminayo ama lagu khasbayo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu yiri: Dastuur qoran waxaa fahmi kara oo keliya waa dad yaqaan qaanuun ahaan waxa uu ka tarjumayo. Marka in dad caamo ah la soo ururiyo oo la yiraahdo ummaddii Soomaaliyeed oo malaayiinta ahayd ayey ka tarjumayaan, kaddibna la yiraahdo farta taaga waan ansixinay, maxay tahay sirta ku jirta, sirta ku jirtaa waxaa weeye wax aadan diyaarsan, talona aadan kulahayn, ee laguu soo diyaariyey ayaa la doonayaa in lagu laqsiiyo oo aad qaadato ama jeclaw ama nebcaw. Kaddibna maro been bee ah loo huwiyo." (Khudbada ka dhegeyso dhanka hoose ee boggan)...

Xildhibaan Casharo: "Arrinta maanta la wado waa arrin la rabo in lagu xalaalsado hawlahii badda laga wadey,"

Sida wax u socdaan ma aha tubtii saxda ahayd oo maanta ay ay Soomaalidu kaga bixi lahayd dhibaatada dheer ee ay kusoo jirtey muddadii 20-ka sano ahayd, taas oo maanta dad badani ay ku dhimanayaan badaha iyo ayadoo sidii la rabay laga yeelay Soomaaliya sida in wasakh (sun) lagu shubay badda," sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo u waramayey idaacadda Codka Maraykanka.

Waxana uu intaas raaciyey: Dariiqa loo marayo in laga baxo muddada kumeel gaarka ah waa dariiq khaldan. Odayaasha la isu keenay si ay axdiga ansixiyaan waa gardarro, waayo Soomaaliya waxay lahayd dastuur la sameeyey 1960. Marka dastuur la sameeyona waxaa lagu sameyaa uun ammendment ama wax ka bedelid haddii wax is bedeleen. Laakiin dariiqa hadda loo maray waa dariiq aan sax ahayn, kharsh badana in uu ku baxo sax ma ahayn. Raodmap-kana baarlamaan lama keenin.

Xildhibaan Cashara waxa uu hadalkiisa ku adkeeyey sida aysan suurtagal u ahayn in dastuur la sameeyo ayadoo aan dadweynaha guud ahaan cod bixin laga qaadin, waxana uu tilmaamay in taasi aysan dhici karin hadda waayo, ayuu yiri "Ayadoo aan goboladii oo dhan la tegi karin" ama dawladda KMG aysan tegi karin goboladda dalka Soomaaliya oo dhan sidee loogu samaynayaa axdi qaran.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxa uu sheegay in sababta loo dedejinayo in xukuumadda laga saaro kumeel gaarka ay tahay sidii badda Soomaaliya faraha looga bixin lahaa, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri "Annaga danigayaga waxaan u malaynayaa dadka dedejinaya waxay rabaan sidii badda faraha uga bixi lahayd oo hawlo kale lagu dhamaystirto dawladaha kale oo imanaya ee la sheegayo in laga saarayo Kumeel gaarka." Waxana uu hadalka ku adkeeyey "Kumeelgaar lagama bixi karo ilaa la helo codbixin oo dadka la tiriyo oo xisaab la sameeyo oo doorsho dhacdo."

Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay "in sharci daradani ay ka soo bilaabatay kuwo Jamciyadda Quruumaha sheeganaya oo hadda dadka u hanjabaya oo dhahaya dad ayaan xirxirneynaa haday ka hadlaan danta Soomaaliyeed. (Hanjabaada Mahiga iyo Kirwa hoos ha eeg)." Waxna uu sheegay "in aysan jirin qodob la waafajiyey waxa la wado oo dhan oo ay tahay qarjajeex. Waayo lama marsiin nidaamkiisaxda ahaa, waxay ahayd in qorshana la marsiiyo golaha wasiirada, markaasna loo gudbiyo Baarlamaanka, baarlamaankuna uu go'aankiisa u gudbiyo madaxweynaha si uu u saxiixo, markaas ayuu noqon lahaa in lala sugo afti dadweynaha oo dhan."

"Arrinta maanta la wado waa arrin la rabo in lagu xalaalsado hawlahii badda laga wadey," ayuu yiri Xildhibaan Cawed Axmed Casharo. "Ujeedooyin ayaa lagu fushanayaa qabyo-qoraalka la leeyahay sharci halaga dhigo ee ummadda Soomaaliyeedey ka digtoonaada," ayuu hadalka ku adkeeyey Xildhibaan Cashara.

Digniinta uu xusay Xildhibaan Casharo waa qoraal aan lahayn taariikh aysoo baxday iyo tixraac-xafiiseed toona oo May 1, 2012 uu faafiyey xafiiska Nairobi ee Qarammada Midoobey ee qaabilsan Arrimaah Soomaaliya, taas oo ay ku saxiixan yihiin: Kipruto Arap Kirwa, oo ah fududeeyaha IGAD ee nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya (oo xilkaas ay Kenya u magacawday 21 December 2008 shirkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa), Augustine Mahiga, wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo  Boubacar Gaoussou Diarra, oo AU u qaabilsan Soomaaliya - AMISOM.


Warqadda oo weyn ka eeg halkan

Oday ay Itoobiya taangigeedu dul taagan yahay laguma aamini karo masiirka ummadda Soomaaliyeed

Prof. Xasan Mahadallah oo sido kale ka qayb qaatay warayskiga Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA ayaa isaguna sheegay in dariiqa lagu soo xulayo cidda xubnaha barlamaanka dooranaysa ay tahay "Hiddi-Hoobey" oo aan loo marin dariiq sax ah. Waxana uu muujiyey in aan la aqoon qaabka lagu soo xulay. Isagoo intaas ku daray in muwaadiniinta aan degmadooda ama xaafadooda loogu tegi karin, sidaas daraadeedna in dastuurkii 1960 la sii isticmaalo inta waddanka oo dhan laga dejinaayo. Tan kale dhaqankii Soomaalida lagu yiqiin ma a ahayn in dawladda ay sameeyaan Ugaasyo. Waxana uu sheegay in arrinta qaranka aan handadaad lagu sixi karin. (Eeg digniinta sare ee Mahiga iyo Kirwa).

Prof. Mahad-Allah waxa uu sheegay in maanta dawladda Soomaaliya aysan ka bixi karin Xamar, gobolada oo dhanna waxaa deggan cadow, Itoobiya ayaa maanta taangiyadeedii taagan yihiin, ma oday chief ah oo Itoobiya taangigeedu dul taagan yahay miyaad leedahay masiirka Soomaaliya ha lagu aamino. Awood ka weyn ayaaba dul taagan, odaygu maba codayn karo inta taangigaasi ka fogaanayo. Odayaasha Soomaalidu xor ma aha, degmooyinkii xor ma aha, qabaa'ilku xor ma aha".

Dhanka kele Injineer yariisow oo ah Afhayeenka xukuumadda KMG ayaa difaacey qaabka qaabka ay DFKMG wax kuwado.

Waraysiga Idaacadda Codka Maraykanka oo ay ka qayb qaateen Xildhibaan Cashara, Prof. Mahadallah iyo Engineer Yariisow:

Ka Dhegeyso Halkan (mp3) (VOA May 4, 2012)


Akhri waxa ka khaldan dastuurka cusub ee DFKMG

Shirkii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurrka qabyo qoraaleedka oo ka furmay Muqdisho

Waxaa Sabt May 5, 2012 Magaalada Muqdisho, Dugsigii Sare ee Boliiska, ka furmey Shirkii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurrka loo samaynayo Soomaalida, waxaa arrintaa qayla dhaan fara badan ka keeney shacabka Soomaaliyeed, culimada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana shirkaas furitaankii shirkaas  ka qayb galay, oo khudbado kajeediyey, madaxweynaha DFKMG Sheikh SHariif, ra'iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas, iyo guddoomihii ay baarlamaankuxilkaka qaadeen Shariif Xasan.

Sheikh Shariif hadalkii uu hore uga yiri Dastuurka ka akhri dhan ka hoose ee bogga.

  • Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Furitaankii Shirweynaha Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed Muqdisho 5ta May 2012 oo qoraal ah ka akhri halkan...

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Bakool, isagoo sheegay in Odoyasha Dhaqanka ee loo asteeyay in ay ansixiyaan Dastuurka inaysan ahayn Odoyaashii dhaqanka ee dhab ahaan matalayay Beelaha ay ka kala socdaan isagoona Dastuurkaasi gebi ahaantiisaba ku sheegey mid aan u cuntamayn Ummadda Soomaaliyeed.

Sheikh Maxamed Umal oo khudabad dheer ka jeediyey Dastuurka Cusub ee Shacabka lagu Qulaaminayo

Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa Khudbadii Jimcada (May 4, 2012) waxa uu si weyn ugaga hadlay "Dastuurka cusub ee loo dejinayo Soomaalida", isagoo wax laga yaabo ku tilmaamay sababta loo qarinayo.

Dastuurkan ummadda lagu khasbayo ee lagu hirgelinayo qaybtiisa rasmiga ah ee ugu dambaysa ummadda looma soo bandhigin ilaa hadda, ayuu yiri, timirta laf ayaa ku jirta, Soomaalidu waxay tiraahdaa wax la qariyo qurun ayaa ku jira.

Waxa kale oo wax lala yaabo ku tilmaamay in dad caamo ah la soo ururiyey la yiraahdo dastuurka hirgeliya. Halkaas isagoo sharaxayo waxa uu yiri: Dastuur qoran waxaa fahmi kara oo keliya waa dad yaqaan qaanuun ahaan waxa uu ka tarjumayo. Marka in dad caamo ah la soo ururiyo oo la yiraahdo ummaddii Soomaaliyeed oo malaayiinta ahayd ayey ka tarjumayaan, kaddibna la yiraahdo farta taaga waan ansixinay, wa billaahi towfiiq, maxay tahay sirta ku jirta, sirta ku jirtaa waxaa weeye wax aadan diyaarsan, talona aadan kulahayn, ee laguu soo diyaariyey ayaa la doonayaa in lagu laqsiiyo oo aad qaadato ama jeclaw ama nebcaw. Kaddibna maro been bee ah loo huwiyo."

Waa wax la doonayo in ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah lagu qulaamiyo ama lagu khasbo wax aysan ayagu degsan.

Sheikh umal waxa uu is weydiiyey waa maxay sababta loo qarinayo. Dadka ka qayb gelanaya waxa uu ka yiri "wax aydin ka jawaabi karin khaladkiisa haka qayb gelina. Wax khaladkiisa aydin fahmayn haka qayb gelinaya, wax magaciina lagu marsanaya haka qayb gelina, Allah hortiisa qiyaamaha wax aydin ka jawaabikarin haka qayb gelina."

Dastuurku waa in uu helo Afti Dadweyne, haddii taas la waayo waa in la qaato Dastuurkii 1960-kii. Hadalkii Sheikh Shariif ee September 4, 2010..


Dastuurka Qabyada ee Cusub oo Shuruudaha Madaxweynaha aysan ku jirin in uu ahaado Muslim.. Akhri

Madaxweynaha DFKMG ayaa bishii September 2010 isagoo ka hadlayey qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”

“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid baarlamaanka u yaal.” Ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Shariif. (Tixraac warbixintii xilligaas).

Hadalkaas Sheikh Shariif waxaa ka horimanaya qaabka hadda la doonayo in lagudhaqan geliyo dastuurka cusub oo la doonayo in la ansixiyo ayadoo aan afti dadweyne loo qaadin. Sidee lagu rumaysan karaa qowlka madaxda DFKMG haddii ay ka dhabayn waayeen hadalkii ay ummadda hore ugu sheegeen. Waana tan shakiga weyn keentay in la doonayo in xukuumaddan laga xalaalaysto badda Soomaaliya.

Dhanka kale, April 9, 2012 ayey ahayd markii Ha’yada Culimada Soomaaliyeed ay soo saareen bayaan ay Shacabka Soomaaliyeed uga Digayaan Dastuurka Qabyo Qoraaleedka “Waxaan caddaynaynaa in qabyaqoraalka dastuurku yahay mid dayacaya diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaana intiisa badan laga soo miin guuriyay dastuuro aan la jaanqaadi karin waaqica ka jira Soomaaliya saas darteed waxaan uga digaynaa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay ku dagmaan ansixinta dastuurkaas,” ayaa ku cad Bayaanka Culimada Soomaaliyeed…

Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo  si Weyn uga soo Hor Jeestay Shirka Maanta Muqdisha uga Furmay Ergada Ansixinta Dastuurka.

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2012

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: