Xukuumadda Farmaajo oo ku dhacday Shirqool lagu Dhaxal Wareejinayo Badda
Soomaaliyeed?
Xukuumadda Farmaajo iyo Shirqoolka la doonayo in lagu
maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 40 sannadood.
Waxaa arrin aad looga xumaado ah, shacabka Soomaaliyeedna ay tahay inay si
rasmi ah uga hortagaan, waa hadalkii Khamiistii May 5, 2011 ka soo yeeray Golaha
Wasiirada Xukuumadda Federaalka Kumeel gaarka ah, kuwaas oo u muuqda in ay si
bareer ah u qorshaynayaan sidii badda Soomaaliyeed loo dhaxal wareejin lahaa,
shacabka Soomaaliyeedna ku ridaya dabinkii qolaa ee lagu sharciyaysan
lahaa badda Soomaaliya.
Golaha
Wasiirada DFKMG ayaa 5/5/11 waxay shir jaraa'id iyo warsaxaafadeed ku sheegeen
in uu jiro Dokumenti la xiriira cabbirka badda Soomaaliya oo ay ku
sheegeen in "loo gudbin doono
Qaramada Midoobey taasoo lagu diiwaangelin doono xaqa ay Somaliya u leedahay in
waxa loo yaqaano Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah Somalia (Exculisive
Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km."
Hadalkaas oo meel ka dhac iyo khiyaano qaran ku ah dhammaan shacabka
Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedka waxaa kale oo lagu xusay "Dokumentigan iyo khariidooyinka
la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM iyo hay’adaha kale ee
caalamiga ah, sida FAO."
Ugu horayn inta aynaan u gudbin warsaxaafadeedka DFKMG, si akhristuhu u fahmo
ujeedadda oraahdaas (Exculisive
Economic Zone) iyo macnaha ku hoos jira, aan qeexid cad markale ka bixino
meesha ay khinaada weyni ku jirto:
- Kaddib markii lagu guulaysan waayey heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee badda
Soomaaliya, ayaa - sida aan taariikhaha hoose ka arki doono - waxaa la
bilaabay sidii madaxda DFKMG looga saxiixan lahaa in ay dhaqan geliyaan
Oraahda ah "Soomaaliya waxay leedahay Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah
ee loo yaqaan(Exculisive
Economic Zone) oo ah 200 mayl-badeed" - Arrintaas oo haddii ay dhaqan
gasho halis weyn ku ah jiritaanka DHUL-BADEEDKA Soomaaliyeed.
- Oraahdaas (EEZ) waxaa looga gol-leeyahay in lagu suuliyo xeerka badda
Soomaaliyeed ee loo yaqaan
(Law No. 37 oo ku saabsan DHUL-BADEEDKA Soomaaliya - Territorial Sea /
Territorial Waters ee soo baxay 10kii September 1972) - oo ah xeer la
loodin waayey - in madax Soomaaliyeed oo baa'bisa loo helo mooyee, taas oo
20-kii sano ee ugu dambeeyey la raadinayey, haddana ay u muuqato in la helay
koox isku magacawday "Technocrats" oo madax u noqday xukuumadda KMG
ee Soomaaliya.
- Exculisive
Economic Zone (EEZ)- waxaa loo yaqaan aag dhaqaale oo dalka xeebta leh
uu ka faa'iidaysan karo khayraadka ku jira, laakiin aan ka mid ahayn dhulka
dalkaasi leeyahay.
- Territorial Waters (TS) - waa dhul-badeed sharci ahaan iyo
qaanuun ahaan ka mid ah dhulka dalka xeebtaas leh, baddaas oo la xeerka
berriga dalkaasi leeyahay. Ufiirso xeerka badda Soomaaliyeed ee No. 37 waxa
uu ka hadlayaa ma aha EEZ ee waxa uu hadlayaa waa Territorial Waters (TS),
waana arrinta dagaalka loogu jiro in la maxaso.
- Arrinta layaabka leh waxay tahay sababta 2011 looga hadlayo 200
mayl-badeed, halkii laga hadli lahaa 350 maly-badeed, maadaama Qarammada
Midoobay ay dalalka xeebaha leh u qoondaysay cabbirkaas dambe. Arrintaas
qoondaynta 350 mayl-badeed oo u dhigma 648 km oo weli ka socota
Qarammada Midoobay oo ay ugu dambaysey
April 29, 2011 oo ay Madagascar gudbisay cabbirkeeda.
Soomaaliya Dhul-badeedkeedu waa 648 km (350 mayl-badeed)
Shacabka Soomaaliyeed oo wada jira ayaa is hortaagey heshiiskii damaca ahaa
ee la doonayey sannadkii 2009 in lagu xalaalaysto dhul-badeed aad u baaxad weyn
oo ay leedahay Soomaalidu. Qorshahaasi halgan dheer oo shacabi ah kaddib waxa uu
ku dambeeyey fashil in uusan u dhaqan gelin xukuumadda FKMG oo doonaysey in ay
dhul-badeedkaas xagal daaciso.
Shacabka Soomaaliyeed waxay garab ka heleen xubnaha Baarlamaanka FKMG, kuwaas
oo si geesinimo iyo wadaniyad leh isu hortaagey heshiiskaas. Waxaase muuqatey in
khiyaamadii qaran ee lala maaganaa dhul-badeedka Soomaaliyeed aysan halkaas ku
dhammaan. Taas si aan u fahamno heerarkii ay soo martay, marka hore aan
taariikhdan yar jalleecno:
1991 kaddib burburkii xukuumaddii Soomaaliya ayaa Kenya waxay xiriir
la samaysay qab-qable dagaal oo ku sugnaa magaalada Kismaayo si wada xaajood ugala gasho xudduudda badda,
qab-qablahaasi waa ku gacan sayray qorshahaas.
2004 markii xukuumaddii FKMG ee uu madaxda ka ahaa C/laahi
Yuusuf lagu soo dhisay Eldoret/Nairobi ayaa Kenya waxay xiriir la sameeyeen
madax sare oo ka tirsanayd xukuumaddaas si wada
xaajood ay ugala yeeshaan xuduudda badda, laakiin xukuumaddaasina waa diidey
arrintaas in ay heshiis ka galaan.
2009 bilowgiisii markii Jabuuti lagu soo dhisay xukuumadda FKMG ee uu
madaxda ka yahay Sheikh Shariif waxaa durbadiiba April 7, 2009 ay Kenya la gashay heshiis loogu magac daray
Isfaham, maalin kaddib April 8, 2009 ayaa DFKMG waxay heshiiskaas u gudbisey UN-ka. April 14, 2009 ayaana
website-ka UN-ta lagu daabacay.
Agoosto 1,
2009 ayaa baarlamaanka DFKMG ayaa si aqlabiyad ah heshiiskaas uga dhigay WAXBA KAMA JIRAAN. Go'aankaas
baarlamaanka Soomaaliya muddo 8 bilood ah kaddib, ayaa March 12, 2010 Qarammada Midoobey
waxay shaaca ka qaaday in heshiiskaas Is-fahamka aan la cuskan karin. Shacabka
Soomaaliyeed oo heshiiskaas ka horyimina waxay arrintu ula muuqatay in ay
dhammaatay.
Laakiin, arrin taas xagal daacinaysa ayey bilaabeen madaxda xukuumadda FKMG iyo dalalkii damaca
watey oo is garabsanaya, taas oo ahayd hindise qorshe cusub oo lagu soo
barbaariyey shirkii Soomaalida loo qabtay 21-23 May 2010 ee ka dhacay
Istanbuul, Turkiga, kaddib markii Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFKMG
Abuukar Cabdi Cusmaan uu shirkaas Istanbul ka yiri "Aagga Ganacsiga EEZ ee
badda Soomaaliya looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka
ee Qarammada Midoobey."
June 11, 2010 ayaa Norway waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya u samaynayso CABBIRKA
aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, taas oo loo qaatay hirgelin arrintii
ay DFKMG u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed la yiraahdo malaha cabbir
la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa.
October 14, 2010 ayaa ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG waxaa loo magacaabay
Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaana durbadiiba soo baxay in dib loo soo celinayo
qorshahii badda Soomaaliya lagu doonayey in lagu dhaxal wareejiyo. Dabayaaqadii
October waxaa soo ifbaxay dublomaasiga cusub ee xukuumaddu u xilsaartay qorshaha
cusub.
October 20, 2010 warbixin ay faafisay ECOTERRA ayaa sheegtay in
uu jiro dukumiinti cusub oo looga golleeyahay "agaasimid cusub ee aagga
ganacsiga badda EEZ" ee Soomaaliya. Dukumiintigaas "loogu magac daray bud-dhigidda ama
dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ", haddii ay saxiixaan DFKG iyo/ama Maamuladda Dawlad Goboleedyada, waxaa dukumiintigaas ku jira weero sheegaya in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin
baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda lagu xadido ama lagu soo koobo 12 mayl-badeed."
October 24, 2010 Safiirka DFKMG u fadhiya UN, Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa
sida aan kor ku soo xusnay, waxa uu sheegay in badda Soomaaliya cabbirkeedu
ka yar tahay fogaanta 200 mayl badeed.
October 27, 2010 ayaa warbixin ay soo saaray Barwaaqa sooranka
Yurub waxa ay ku sheegeen inay Kenya ka caawinayaan sidii ay Soomaaliya ugala xaajoon
lahayd xuduudda badda. Waxaana islamarkaas Nairobi lagu qabtay tababar ay
khubaro ka socota Barwaaqa Sooranka Yurub ay siinayeen saraakiil Kenya oo ku
saabsan sida Soomaaliya ugala xaajoog lahaayeen xuduudda badda.
Janaayo 18, 2011 ayaa waxaa soo shaac
baxay heshiis 10 sano ah oo ay shirkadda lagu magacaabo "Sifaynta Badweynta"
(Clear Ocean) ay la gashay DFKMG, shirkaddaas oo sheegtay in ay iibsatey Markab
milatari oo ay lahaayeen Militariga Norway. Arrintaas waxaa ka hortegey
muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Norway oo xiriir
toos ah la sameeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway, arrintaas oo sababtay in
Janaayo 21, 2011 ay Dawladda Norway joojisey in markabka militari laga iibiyo
shirkadda reer Norway.
May 5, 2011 ayaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda
iyo Bey’ada ee DFKMG, Maxamed Macallin Xasan (Mohamed Moalin Hassan) waxa
uu warbaahinta u sheegay sidan: "Waxaan dhawaan ka soo laabtay safar aan ku
tegey dalka UK, oo ahaa safar shaqo, shaqadaas oo ku saabsanayd sidii loo soo
gabagabayn lahaa hawl in muddo ahba aan ka wadnay oo la xiriirta xadaynta badda
Soomaaliya, iyo in aan ka keenay dukumiintigii ugu dambeeyey ee finalka ahaa ee
jeexayey xadaynta badda, ayadoo loo sameeyey sida waafaqsan sharciga badaha ee
caalamiga ah iyo kan United Nationka ee loo yaqaan United Nations Convention on
Law of Sea. Dukumiintigana waa loo gudbin doonaa Qarammada Midoobay, taas oo
lagu diiwaan gelin doono xaqa ay Soomaaliya u leedahay in waxa loo yaqaan
"Xuduudda Dhaqaale ee u Gaarka ah" Soomaaliya (Exculisive Economic Zone) ay
tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 kiiloomitir" -
DHEGEYSO.
Waxa kale oo shirkii jaraa'id ee xukuumadda DFMG ee May 5, 2011 lagu xusay "Dokumentigan
iyo khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM".
Taas oo markaas macnaheedu yahay in Kenya oo aan weli loo qoondayn baddeeda ay
tixraac u adeegsan karto, dhehina doonto "Maadaama baddiinu ay tahay EEZ,
markaas waa in dib loo cabiro" - arrintaas oo ah tii ay shacabka Soomaaliyeed
iyo baarlamaanka DFKMG ay ka dhiidhiyeen, kana hor tageen. Waana xagal daacin cusub
oo u baahan difaac cusub.
Sida ka muuqata hadalka wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada
ee DFKMG, waxa uu safar ku tegey Yurub, halkaas oo khariidadaha cusub laga
soo xaqiijiyey. Gaar ahaan dal kamid ah barwaaqa sooranka Yurub oo sida kor ku
xusan ay barwaaqa sooranku ku dadaalayaan sidii Kenya uga caawin lahaayeen sidii
ay wada xaajood ugala gasho badda Soomaalida.
May 7, 2011 Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ayaa
ka dhoofay Muqdisho isagoo kusii jeeda Xarunta QM ee New York, waxaana
warsaxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay lagu sheegay "inuu Qaramada Midoobey
siin doono warbixin la xiriirta xaaladda dalka uu marayo, horumarka dowladda ay
ka sameysey dhinacyo badan sida amniga, dhaqaalaha, gargaarka bani’aadanimo,
adeega bulshada, iyo maamul wanaaga." iyo " inuu Qaramada Midoobey uu ka
dhaadhiciyo go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in doorashooyinka Madaxda Qaranka
dib loo dhigo muddo 12 bilood ah."
Sidee looga Hortegi Karaa Shirqoolka Cusub ee ku wajahan Badda Soomaaliya
Si shirqoolka cusub ee badda Soomaaliya ku wajahan looga hortago, waxaa shardi ah in la saxo madaxda sare
ee xukuumadda FKMG, maadaama ay hareer marayaan xeerka Soomaaliyeed Law No.
37 ee 1972, arrintaas oo ah khalad weyn oo ay galayaan madaxda ugu saraysa
xukuumadda iyo dublomaasiyiinta hoos taga. Sharciga badda Soomaaliya waa mid jira, oo aan la
bedelin, oo laga heli karo kaydka Qarammada Midoobey iyo daabacaado farabadan.
Waxa sharcigaasi si qayaxan u sheegayaa xuduudda badda Soomaaliyeed ama
TERRITORIAL waters uu 1972 ilaa 2009 ahaa 200 mayl-badeed meel ka durugsan xeebta
Soomaaliya - waa 200nm oo ah TERRITORIAL ee ma aha EEZ (Exclusive
Economic Zone), laakiin laga soo bilaabo 2009 dhul badeedka Soomaaliya waxa uu yahay 350
maly-badeed oo u dhiganta 648 km.
Waxaa xusid mudan in xilligii uu socdey in QM ay xeer u samayaan badaha
adduunka ay dalalka badan cabbirteen 12 mayl-badeed oo ah Territorial waters
, islamarkaasna sheegteen 200 mayl-badeed oo ah aagga Ganacsiga ee EEZ. Waxaana
xilligaas jirey 7 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay (1972) ay cabbritay in
xuduudda badda (Territorial waters) uu ahaa 200 mayl-badeed, sidaasna loo aqoonsaday.
Soomaaliya waxay arrintaas ka soo saartay xeer
(Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972) - mana
jirto cid dawladdii Soomaaliyeed arrintaas ku qabsatay ilaa ay dhacday kaddib oo
ay soo baxeen madax Soomaaliyeed oo iyagu u ololaynaya in dhul badeedka
Soomaaliyeed la dhaxal wareejiyo.
- Somalia, Peru, Liberia, Benin, Congo-Republic, Ecuador, El-Salvador, waa
dalalka intii ka horeysey 2009 lahaa xuduud badeed gaaraysa 200 nautical miles (370 km ama u dhiganta
230 mayl-ka dhulka): Waxaana xusid mudan in dalka Peru uu sannadkii 1993
Dastuurkiisa, qodobka 54aad, ku qoray in 200 mayl-badeed uu ka mid yahay
dhulka Peru ee xorta ah. (EEG
Dastuurka Peru).
Qodobka la doonayo in laga suuliyo qaamuuska madaxda Soomaaliyeed ayaa ah
Territorial Waters (Xuduudka Dhul-badeedka Soomaaliya), waxaana la
doonayaa in laga sharciyeeyo oraahda "Xuduudda Dhaqaale ee u Gaarka
ah Soomaaliya (Exculisive Economic Zone) oo la dheho waa 200 nautical miles.
Taas haddii shacabka Soomaaliyeed ka aqbalaan waxaa xigta in markaas la yiraahdo
Xuduudda Badda Soomaaliya waa 12 mayl badeed.
Laakiin, Dawladdii hore ee Soomaaliya (ka hor 1991) si aan arrintaas muran uga iman waxay ka soo saartay xeer
faahfaahsan, xeerkaas oo hadda u dhigma sharciga dalka Peru ka dejiyey
dhul-badeedkiisa ee ku qoray dastuurka qaran ee dalkaas. Sidaas daraadeed xeerka
Law No. 37 ee 1972 ma aha mid la loodin karo, waa xeer ay ku baraarugsan yihiin
shacabka Soomaaliyeed.
Arrinta kale oo meesha taal waxay tahay: Maba ahayn in hadda laga hadlo
200nm, waxay tahay sidii loo xaqiijin lahaa cabbirka cusub ee QM ay dalalka
xeebaha leh u qoondaysay sannadkii 2009, cabbirkaas oo ah 350 mayl-badeed (648
km). Xuduudkan dambe ee gaaraya 350nm weeye in Soomaalidu ku qortaan dastuurkooda ugu horeeya ee
ay si xor ah u qortaan. Markaas waa in la dhaqan geliyo oo la yiraahdo laga soo
bilaabo 2009 Soomaaliya waxay leedahay DHUL-BADEED XUDUUDIISU TAHAY 350 mayl
badeed oo u dhiganta 648 km (Somalia has Territorial Waters of 350 nautical
miles).
Warsaxaafadeedkii May 5, 2011 ka soo baxay Xukuumadda farmaajo Hoos ka akhri:
***
Shir Jaraa'id ee Wasiirka Kalluumeysiga iyo Afhayeenka Xukuumada (Sawiro)
Shir-jaraa’id
(Muqdisho –
Khamiis, 05 May 2011) Shirkii caadiga ahaa oo ay
Golaha Wasiirada Xukuumadda FKMG ah yeesheen maanta oo uu shir guddoominayey
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) ayaa
looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin laga dhageystey
Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada, Mudane Mohamed Moalin
Hasssan oo ku saabsaneyd Xadeynta Badda Soomaaliya. Sidoo kale shirkan waxaa
lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo Agaasimeyaasha Guud
ee Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
Wasiirka
Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada oo dhowaan ka soo laabtey
safar shaqo ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadii iyo
guushii ka soo hoyatay safarkiisa. Haddaba waxaan ka codsaneyaa Mudane Mohamed
Moalin Hassan inuu warbixintaas noo faahfaahiyo:
Wasiirka ayaa yiri
sidan:
Waxaa sharaf weyn
ii ah inaan maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo
guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad
badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha
ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea).
Dokumentigan ayaa
loo gudbin doonaa Qaramada Midoobey taasoo lagu diiwaangelin doono xaqa ay
Somaliya u leedahay in waxa loo yaqaano Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah Somalia
(Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km.
Dokumentigan iyo
khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM iyo
hay’adaha kale ee caalamiga ah, sida FAO.
Ka dib makrii aan
sharaxaad ka bixiyey sababaha keenay arrinkan ayaan u sheegay Golaha si waddanka
uu si sharci ah ula xisaabtamo gaadiidka badda ee ku soo xadgudba xaduudan in
loo baahanyahay in sharcigii badda ee u degsenaa Somaliya 1972dii la waafajiyo
heshiiska caalamiga ah ee badaha, maadaama ay Somaliya saxiixday, ansixisayna
heshiiskaas 1989kii. Arrinkan waxuu u suuragelinayaa Dowladda Somaliya in si
sharciga adduunka waafaqsan uga hortagto dhammaan wax allaale iyo waxii
xadgudubyo ah ee laga dhexsameynayo badweynta soomaaliyeed, sida kalluumeysiga
sharci darada ah, daadinta sunta iyo burcad badeedaba.
Si hadaba ay taas
u hirgasho waxaa khasab ku ah Somaliya inay dokumentigan u gudbiso Qaramada
Midoobay. Ka dib warbixintaas iyo khariidadihii la socday oo muujinaya arrinkan
ayaan ka codsaday Golaha Wasiirada inay ansixiyaan si warbixintaas loogu gudbiyo
Qaramada Midoobey. Golaha Wasiiradda ayaa si aqlabiyad ah u asixiyey in
warbixintan loo gudbiyo Qaramada Midoobey.
Tallaabadan ayaa
ah guul weyn oo u soo hoyatey shacabka soomaaliyeed, horseedi doontana in lala
xisaabtamo gaaddiidka badda oo caadeystey inay si sharci darro ah uga
kalluumeystaan ama ugu daadiyaan sun xaduuda dalka ee dhanka badda.
Mahadsanid Wasiir.
Golaha Wasiirada
ayaa si aad ah u ammaanay wasiirka howsha muhiimka ah ee uu soo qabtay kana
codsaday inuu sii dhameystiro inta ka dhiman.
Golaha Wasiirada
ayaa magacaabay mas’uuliyiintan:
1. Mudane
Mohamed Abdi Haabiil Duale inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
2. Mudane
Bashir Mohamed Jama (Bashir Gobe) oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
3. Mudane
Duale Adam Mohamed oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.
-DHAMAAD-
La Taliyaha
Ra’iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda FKMG ah iyo Wasiirka
Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada ayaa wada qabtay shirkan jaraa’id.
Xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha Somalia
--
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime
Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
***
Xukuumadda Farmaayo ee KMG haloo sheego
"Technocrats": Wikipedia waxa uu ku qeexay "Technocracy is a
form of government in which engineers, scientists, health professionals and
other technical experts are in control of decision making in their respective
fields." - oo macne ahaan u dhigma "Waa nidaam dawladeed kaas oo
Injineerro, Saynis yahanno, xirfadlayaan caafimaad, iyo khubaro kale oo farsamo
yaqaanno ah ay xukumaan islamarkaasna ay leeyihiin go'aan qaadashada qayb kasta
meesha ay xirfadda u leedahay" - Marka haddii ay sidaas isku qeexeen, loogama
fadhiyin maanta in ay qayb ka noqdaan kooxda dhaxal wareejinaysa dhul-badeedka
Soomaaliyeed.
Waxaa la gudboon in ay arrintaas ka laabtaan oraahd ah "Xuduudda
Dhaqaale ee u Gaarka ah" Soomaaliya (Exculisive Economic Zone) ay tahay 200
nautical miles", waxaana la gudboon in ay ku doodaan in
dhul-badeedka Soomaaliya uu yahay 350 mayl-badeed..
Ugu dambayntii, waxaa la is weydiinayaa Xukuumadda Farmaajo ma waxay ku dhacday
Shirqool lagu Dhaxal Wareejinayo Badda Soomaaliyeed, mase arrintu waa ula kac?
Dhambaal ku socda Xubnaha Golaha Baarlamaanka DFKMG
Gabagabadii, Hadal dheer uma baahna in loo sheego masuuliyiin og
xilka ay u dhaarteen, oo Kitaabka Quraanka ugu dhaarteen Allah hortiis in ay
ilaaliyaan danta dalka. Arrinta laga hadlayaana ay tahay mid si toos ah u
khusaysa dalka iyo jiritaankiisa iyo xuduudda dalka.
Waxaanse xusuusinaynaa xubnaha baarlamaanka in masuuliyad weyn
ka saaran tahay difaaca badda Soomaaliyeed, ayaga oo garanaya wadada ay u marayaan
difaaca maadaama ay yihiin kuwii hore ugu guulaystay in heshiiskii Is-fahamka ee
baylahda gelinayey badda Soomaaliya ay ka dhigeen waxba kama jiraan, adduunkuna
ictiraafay diidmadaas. Tan hadda ayaa ka khatarsan tii hore, waayo arrinta hadda
laga hadlayaa waxay saamaynaysaa laga soo bilaabo jasiiradaha Lama Shaaqa ee ka
hooseeya Raas Kambooni ilaa xuduudda u dhaw Jabuuti. Waxa laga hadlayaa waa
dhammaan aagga badda ee ku xeeran gebi ahaan dhulka Soomaalidu degto.
Sidaas daraadeed waa in baarlamaanku uu arrintan kula xisaabtamo
xukuumadda jajuubka wada. Waayo waxay xukuumaddu qormadeeda ku muujinaysaa in ay
guul soo hoysey, ayadoo emailo ay direena cinwaan uga dhigay "Dowladda
Federaalka KMG ah oo soo dhicisay xaqii Badda", taas oo xaqiiqada ka fog oo ay
tahay in lagula xisaabtamo.
Waxaa muhiim ah in baarlamaanku soo saaro xeer uu ku cadaynayo
in Badda Soomaaliya, laga bilaabo 2009 ay tahay 350 mayl-badeed, si sheekada 200
mayl loo soo afjaro.
Akhri Qormadii: Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan
gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2011
|