SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Shirka Istanbul oo Looga Hadli doono in Soomaaliya aysan lahayn dhul-badeed cabiran (EEZ).. Taas oo la mid ah arrintii ay hore uga dhiidhiyeen shacabka Soomaaliya

iyo Walad Cabdalla oo si Quursi ah uga Jawaabay eedayntii ay u soo jeediyeen 300 Xildhibaanada Soomaaliya..

  • Faalladii SomaliTalk.com | May 14, 2010

Qorshihii xukuumadda FKMG ku doonaysay in shaki la geliyo badda Soomaaliya oo u muuqda in aan weli laga tanaasulin....

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay (QM) u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla oo su'aalo lagu weydiiyey xarunta QM ayaa si quursi ah uga jawaabay eedayntii ay u soo jeediyeen in ka badan 300 xildhibaan. Dhanka kale waxa uu hareer maray in uu ka jawaabo heshiiskii badda ee xad gudubka ku ahaa qaranimada Soomaaliyeed.

Inta aynaan u gudbin warbixintaas oo ay qortay InnerCiryPress, waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan in shirka 21-23 May 2010 lagu qabanayo Istanbuul Turkiga ee looga hadli doona arrimaha Soomaalida in qodobada looga hadli doono ay ka mid tahay "In badda Soomaaliya aysan lahayn aag ganacsi oo calaamadsan." Sida ku cad qoraal hordhac ah (DRAFT) oo ka mid ah barnaamijyada looga hadli doono shirkaas oo ay soo qabaan qaabisay Qarammada Midoobay.

Qoraalkaas waxaa ku xusan sidan: "Marka la eego xeebta dheer, Soomaaliya ma lahan Aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee sharciga badaahaa (UNCLOS). Aagga noqon kara dhul badeedka ganaacsiga ee Soomaaliya EEZ, haddii la sameeyo, waxa uu noqon kara dhulka ugu qanisan Afrika." Waxa aad muhiim ah u ah in la fahmo xeesha hadalkaas ka dambeeya in ay tahay in marka hore la sharciyeeyo in aan Soomaaliya lahayn AAG GANACSI ee loo yaqaan EEZ oo waafaqsan nidaamka QM.

Arrintaas in loo danleeyahay waxaa cadayn u ah isla qoraalkaas loogu talo galay shirka Istambul waxaa ku qoran erayadan "Ma jiro sharci ama xeer ku saabsan aagga badda gaar ahaan EEZ oo maxalli ah oo u qoran (Soomaaliya), kaas oo waafaqsan sharciga badaha ee QM ee UNCLOS."

Qoraalkaas oo looga doodi doono shirka waxa kale oo ku qoran "Waa maxay taageerada aan siin karno xukuumadda Soomaaliya si ay u samaysato xeer ku saabsan aagga badda kaas oo waafaqsan qaanuunka QM ee UNCLS, kaas oo kuseeya aagga ganacsiga ee EEZ." Waxaana qoraalku intaas ku daray "Maamuladda Soomaaliya (TFG, Somaliland, Puntland), oo helaya taageerada besha caalamiga ah, waa in ay qaadaan tallaabooyin ay ku samaynayaan sharci maxalli ah oo badeed oo waafaqsan xeerka badaha ee UNCLOS, taas oo hordhac u ah in ay adkaysato xornimada dhulkeeda iyo in la sameeyo sharci ku saabsan khayraadka dabiiciga ah iyo in la difaaco deegaanka badda." (Mana xusin qoraalku sida loo xallin lahaa sunta lagu duugay xeebaha Soomaaliya).

Waxaa halkaas ka muuqata in qoraalkaasi uu ka hadlayo in Soomaaliya aysanba lahayn aagga EEZ. Hadalkaas oo hordhac u ah in la ankiro xitaa 200-nautical mile ee hore, ayadoo aanba la isla gaarin cabbirka aagga ganacsiga badaha ee la kordhinayey (oo ahaa tii ay Kenya doonaysay in ay cabirato). Hadaladaasi waa kuwo la mid ah heshiishii Is Afgarad ee ka dhiidhiyeen shacabka Soomaaliyeed. Baarlamaanka DFKMG ayaana hore si qayaxan u diidey qorshe shaki lagu gelinayey badda Soomaaliyeed.

Waxaa muhiim ah in Walad Cabdalla iyo kooxdiisa la xasuusiyo in Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida. Qodobka 1aad ee xeerkaas: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Sidaas daraadeed burburkii ka hor, aagga ganaacsiga (EEZ) ee badda Soomaaliyeed waxa uu ahaa 200 mayl badeed... (EEG HALKAN) - waa marka aan a isla gaarin kordhintii UN u ogolaatay in aagga EEZ ay kordhistaan dalalka leh xeebaha.


Warqad DRAFT ah ee shirka Istanbul EEG HALKAN (pdf) - Eeg Agendaha shirka Istanbul

Waxaa xusid mudan qoraalka lagu xusay in Soomaaliya aysan lahayn aagga EEZ in sidoo kale looga hadlay Kalluumaysiga iyo in Soomaaliya ay Sannadkiiba kaga khasaarto US$95 million oo ah kalluunka sida sharci darrada ah looga guranayo baddeeda. Laakiin qoraalku farta toos uguma fiiqin cidda arrintaas loo raacanayo. (Warqaddaas DRAFT ah ee looga hadli doono Shirka istambul KA EEG HALKAN).

Arrinta la xiriirta Aagga Ganacsiga ee Badda Soomaaliya (EEZ) in muran la geliyey waxaa kuu cadaynaya Jawaabta Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif uu dhawaan siiyey Sarkaalka hoggaamiya hawlgalka ciidamada Atalanta (EUNAVFOR), Rear Admiral Peter Hudson.


Video Halkan ka Daawo

Mr. Hudson oo Jimcadii 14 May 2010 isagoo shir jaraa'id ku qabaaney Xarunta QM la weydiiyey "waa maxay waxa iska bedelay xagga sharciga ah ee aagga EEZ ee Soomaaliya ee 200 mayl badeed", taas oo loo raaciyey su'aal ku saabsan maraakiibta ka kalluumaysta badda Soomaaliya iyo cidda hubisa laysanka ay ku kalluumaystaan, waxana uu ku jawaabay "Waxaa jira fikrado kala duwan oo ku saabsan xaaladda aagga ganacsiga EEZ ee badda Soomaaliya, waxaan taas ka ogaaday wada hadalkii anigu aan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya oo lix ama  toddoba maalmood ka hor, taas oo ah arrin ay Dawladdiisu doonayso in ay cadayso si loo xaqiijiyo in uu jiro is faham."

Maraakiibta ka kalluumaysata badda Soomaaliya isagoo ka hadlayey Mr. Hudson waxa uu yiri "Arrinta ku saabsan laysanka bixinta badda ma aha mid i khusaysa (it's not my businness), maraakiibtayaduna ma aha kuwo difaacaya kalluumaysiga oo hubinaya dukumiintiga Maraakiibta (kalluumaysanaysa), waxaan DFKMG ku heshiinay in akhbaarta ku saabsan maraakiibta kalluumaysa aan u gudbino Brusilles kaddibna DFKMG si loogu wargeliyo, laakiin anagu eegeyno maraakiibtaas waxa saaran mana hubinayno dukumiintigooda iyo inta kalluun u saaran maraakiibta. Tan kale meesha waxaa ka jira burcad badeed badan taas oo sababtay in aysan jirin maraakiib badan oo ka kalluumaysa burcad badeeda awgeed."

Qoraal kale oo ku soo baxay InnerCityPress 14 May 2010 ayaa tibaaxday sidan: "Warbixinadii ay (QM) ka soo jeediyeen xubnahahii ka socdey Dawladda Federaalka kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika waxay burcad badeeda ku xiriiriyeen in ay ka dhalatay kalluumaysiga sharcidarada looga guranayo badda Soomaaliya. Waxay InnerCityPress weydiisay Hudson arrintaas, iyo Sunta Halista ah ee lagu duugo badda Soomaaliya, arrintaas Hudsan waxba kama soo qaadin, isagoo dhehaya ma jiro kalluumaysi aad u badan oo ka socda ilaa 200 mayl badeed oo badda Soomaaliya." (Video Daawo).

Warbixinta shirkii jaraa'id ee New York ee ku soo baxday shabakadda InnerCityPress oo wararka ka tebisa xarunta QM. Tarjumadii warbixintaas oo ay soo tarjumtay SomaliTalk waatan:

Walad Cabdalla oo si jees jees ah u sheegay in eedyantaasi ku salaysnayd 'warqad aan la saxiixin, oo ay websiteyo iska qorteen'

QARAMMADA MIDOOBAY, May 12, 2010 – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, oo dhawaan la cabmaareeyey, islamarkaasna in uu iscasilo ay weydiisteen xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 300 xildhibaan, ayaa waxa uu Arbacadii 12 May 2010 ganafka kudhuftay eedaymahaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo ay iska qorteen websiteyo. “Lama tashado websiteyada, marka laga reebo mar-mar website-kaaga,” ayuu u sheegay Matthew Russell Lee oo ka socday InnerCityPress.

Waxa (Walad Cabdalla) uu intaas ku daray warbixinta hay’adda wararka ee AP ee 300 xildhibaan waxay ahayd “mid ku salaysan warqad aan la saxiixin.” Kama uusan jawaabin diidmadii heshiiskii ay maalgelisay Norway ee uu isagu sida gaarka ah ula galay Kenya ee ku saabsanaa xuquuqda ay Soomaalidu u leedahay Qalfoofka Qaaradda ee baddooda. Arrinta kale ee lagu eedeeyey ee ah in uu dhinacyada Soomaaliya isku haya uu mid la jirsadey waxa uu ka yiri “haa dhinac ayaan la jirsaday, xagga nabadda, deganaanta, sharcinimada, xuquuqul insaanka.” Video ka daawo halkan (ka bilaabanaya daqiiqadda 21:33).

Laakiin xaqiiqadii waxa uu difaacay xadgudubka ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacaya Muqdisho oo ay geysanayaan ciidamada Uganda iyo Burundi, kuwaas oo rasaas la beegsada aagagga dadka shicibka ah, iyagoo isku deyaya “in ay badda faaruqiyaan” si ay u helaan mucaaradka Islaamiyiinta ah. Mar sii horeysey ayaa Walad Cabdaalla waxa uu ku baaqay in xayiraad lagu soo rogo saxaafadda si aysan uga warbixin dilka ay ciidamada nabad-ilaalintu u geysanayaan dadka shicibka ah. Hadda waxa uu yiri warbixinta kooxda Xuquuqul Insaanku waa mid laga badbadiyey.


Walad Cabdalla, May 12: Eedayntu waa wax websiteyo iska qorteen (http://www.innercitypress.com)

Kuxigeenka Ergeyga UK u fadhiya  Qarammada Midoobay, Philip Parham, oo ka hadlayey warbixinta ayaa waxa uu Arbacadii Golaha Ammaanka ee QM u sheegay  “in uu doonayo in uu gudbiyo sida ay uga xunyihiin in Warbixinta Xoghayaha Guud la soo bandhigay in ka yar 24 saacadood ka hor intii aan kulankani qabsoomin.” (Warbixintaas ka eeg halkan).

Walad Cabdalla waxa uu ku andacooday in waxa keliya oo uu akhriyey ay ahayd qoraalka hordhac ah ee warbixintaas (Qarammada Midoobay), isagoo isku dayey in uu sharaxaad ka bixiyo sida uu shakhsi ahaan isagu ganafka ugu riixayey warbixinta sheegeysa in mucaawinada la leexsaday, taas oo ka duwan sida ku xusan warbixinta.

(Jariidadda InnerCityPress waxay is weydiisay) waa maxay xaqiiqo ahaan waxa uu samayanayo Walad Cabdalla? Waa nin ficil fuliye ah. Ma akhriyo warbixinnada Qarammada Midobay, ma akhriyo websiteyada, (marka laga reebo kan InnerCityPress oo mar-mar ah). Xarunta xafiiskiisu ma aha Muqdisho, balse waa Nairobi, Kenya. Dhawaan ayuu tegi doonaa dalka Turkiga isagoo halkaas ka tumi doona durbaanka deeqbixinta. Laakiin wax taageero ah maka haystaa Soomaaliya? Sida muuqata maya. Qarammada Midoobay maxay arrintaas ka yeeli doontaa ama ka qaban doontaa? ayey warkeeda ku xirtay InnerCityPress.

Halkaas haddii aan kaga gudubno warbixintii InnerCityPress, su'aalaha uu jawaabtooda hareer maray ee Walad Cabdalla ay shabaku weydiisey waxaa ka mid ahaa

  • Suaalo InnerCityPress: Sida aan hubo waad la socotaa in koox xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 300 xildhibaan in ay kulan yeesheen, waxaan rabaa in aan ka jawaabtid arrintan ah in aad garab raacday dagaalada, heshiiskii Kenya ayey sheegeen in uu ahaa xad-gudub loo geystey Dastuurka Soomaaliya, waxayna sheegeen in adigu aad dhibaatada tahay, maxaad kaga jawaabaaysaa labada arrimood ee in Qarammada Midoobay in la weydiistey UN in ay yimaadaan oo baaraan xad gudubka loo geystey Dastuurka Soomaaliyeed, keliya waan is weydiinayaa kolley jawaab waad haysaaye maxaad ka leedahay eedaytaas laguu soo jeediyey, sidoo kale xoghayta Guud ee Qaraammada Midoobay maxay ka dhahayaan eedayntaas, taas oo ka duwan waxaad sheegteen?.

Axmed Walad Cabdalla sida ka muuqata Video waxa uu garab maray in uu ka jawaabo xadgudubka lagula kacay qaranimada Soomaaliyeed ee ku saabsanaa heshiiskii Badda Soomaaliya ee lala galay Kenya. Dhanka kale Mr. Cabdalla waxa uu si liidid ah uga jawaabaay qoraalkii ka soo baxay 300 xildhibaan oo uu ku tilmaamay in warkaasi 300 ee xildhibaan "uu ku salaysnaa warqad aan la saxiixin".

walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri...

Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo "La Dagaalanka Burcad-Badeedda"....

Jawaabta hadalka Walad Cabdalla waxaan u dhaafaynaa in ay ka jawaabaan xildhibaanada DFKMG...

Balse waxaa xusid mudan in QM ayaa qayb ka ahayd dhismihii DFKMG iyo Baarlamaankeeda. Waxaana la ogaa in xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya uu xildhibaanaddaas u tixgelinayey in ay matalaan dhammaan Soomaalida. Laakiin xildhibaanadaas (sidii ay doonaan haku yimaadeene) waxay Agoosto 1, 2009 si geesinimo ah isu hortaageen Qorshahii Walad Cabdalla qaybta ka ahaa ee xukuumadda FKMG ay heshiiska halka dhinac u danaynayey kula gashay Kenya, heshiiskaas oo baylah gelinayey badda Soomaaliyeed. Wixii ka damabeeyey kulankii Baarlamaanku ku diidey hesshiiskaas ma uusan yeelan wax shir ah, waxaana hadda muuqata in ergeyga gaarka ee QM uusan tixgelinayn hadalkooda ay ku dalbadeen in uu is casilo oo dalkooda faraaha uga qaado, maadaama warqadoodu "aysan saxiixnayn" - la arki doonee marka warqad saxiixan ay xildhibaanado hadalkooda ku cadeeyaan waxa uu ku jawaabo Mr. Walad Cabdalla oo Soomaalida Qurmaha bil-kasta u soo dira Warqad uusan SAXIIXIN.

Arrinta shirka Istambul, Turkey ee looga hadli doono in Soomaaliya aysanba lahayn aagga Ganacsiga Badda ee loo yaqaan EEZ waxaa jawaabteeda laga sugayaa shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka, waayo waxaa markii hore laga hadlayey kordhinta aagga EEZ intii hore Soomaaliya ugu cabirnayd, laakiin qormada HORDHCA ah ee lagaga doodi doono Istambul waxaa ka muuqda arrin jawaab mudan (Warqaddaas KA EEG HALKAN).

  • Qoraalkii Xoghayaha Guud ee QM ee ku saabsanaa Soomaaliya oo uu soo saaray 11 May 2010 ee Axmed Walad Cabdalla sheegay in uusan akhri, ka eeg halkan (S/2010/234). Sidoo kulankii QM ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya 12 May 2010 Halkan ka daawo.
  • Kulan QM oo 14 May 2010 looga hadlay Burcad-Badeeda Soomaaliya iyo sidii ay ku bilaabatay Ka Daawo Halkan

Tixraac: www.innercitypress.com iyo www.un.org, sidoo kale Tixraac: Security Council (SC/9927) - 12 Ma y2010

Fikradaha dadweynaha: Fikradaada toos ugu dhiibo HALKAN (FG. Firkada ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad riixid LINKIGAN).

150 Maalmood oo Cumar C/rashiid laga hoos qaadi waayey warqad uu u Qoray Qarammada Midoobay

Warqadiisii taas ka horaysay ee dhul-badeedka Soomaaliyeed baylahda gelinaysay waxaa laga aqbalay 7 cisho gudahood...

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: