SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"

Sidaa waxaa warbixin cinwaaan uga dhigtay InnerCityPress oo ah warbaahin ka hawl gasha New York, gaar ahaan xarunta Qarammada Midoobay...

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Inner City Press

"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya..." InnerCityPress

Kenya iyo Norway iyo dawladda Soomaaliya ee meesha la dhigtay waxay si aamusnaan ah ugu hawlan yihiin sidii ay badda hoosteeda (qaaradda inta hoos u ashan) ee xeebta Soomaaliya ay u bixin lahaayeen, arrintaas oo ay ka faa'iidayaan labada Kenya iyo Norway. Taas oo jirta ayaa warbaahinta caalamiga ah waxay jaaha saarayaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo burcad ah oo la laayey kuwaas oo (isku dayay in ay qafaashaan) markabka Maraykanka ee Maersk Alabama, ilsamarkaasna afduubay kabtankii markabkaas Richard Phillips.

Warbaahintu waxay sheegaan in Soomaaliya aysan lahayd Dawlad, halka Kenya si hoos ahaan ah u garabsanaysa Norway iyo Qarammada Midoobay ay UN-ka u gudbiyeen "Qoraalka Is-afgaradka" ee dhexmaray iyada (Kenya) iyo "Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya," si ay u xaqiiqsadaan in mustaqbalka aysan Soomaaliya awood ugu yeelan in ay diidi karto sheegashada Kenya ee ku saabsan xuquuqda Batrool ka qodista badda hoosteeda.

Qoraalka (saxiixaas) ku lifaaqan ee ka kooban 15-ka bog, oo sidoo kale loo gudbiyey UN-ta, ayaa si qeexan u muujinaya lugta ay ku leeyihiin UN-ta iyo Norway. Waxana qoraalkaasi ku xusan in ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabisal Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla

"uu bilaabay diyaarinta akhbaarta hordhaca ah ee muujinaysa cabbirka qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya ee ka durugsan 200 mayl badeed.... Markii la diyaarinayay akhbaartaas ergayga gaarka ah ee Qarammada midoobay waxa uu aqbalay caawinaad ka timid dawladda Norway... Waxaana ka qayb qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway iyo Qaybta Batroolka (Shidaalka) u qaabislan Norway... Dhammaan kharashka la xiriira diyaarinta Akhbaartan la gudbiyey waxaa bixisay dawladda Norway."


Axmed Walad Cabdalla

Norway dabcan waa soo saare batrool. Ayadoo ay meesha ka maqan tahay wax hubinaya, waxaa loo arkay in uu jiro dano gaar ah (Conflict of Interest) oo ay leedahay Norway maadaama ay bixisay kharashka, islamarkaasna diyaariso arrin ku saabsan xuquuqda batrool qodista ee dalka Afrikaanka ah ee lagu sheegay in uusan dawlad lahayn (waa Soomaaliya). Taas oo jirta arrintaas wax badan lagama sheegin, Qarammada Midoobayna waxa ay aqbashay akhbaartaas loo gudbiyay. Ugu yeer iyagu in ay yihiin Burcaddii Qalinka.

Qof war gal ah ayaa Inner City Press waxa uu u sheegay "Axmed Walad Cabdalla ayaa arrinta bilaabay... Qarammada Midoobay waxay Soomaaliya weydiisay in ay waraaqaha keento, islamarkaasna ergeyga gaarka ee UN, Walad, ayaa diyaariyay waraaqaha ay Soomaaliya keeneyso... maxaa waqti loo dhuminayaa, waa in UN-ta iyo Walad Cabdalla ay arrinta oo dhan maareeyaan halkii si khaldan loo adeegsan lahaa caaqiladii waagii gumeysiga sida Dawladda Federaalka Kumeelgaarka."

Dawladda Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wasiirka Qorshaynta iyo wadashaynta caalamiga ah, kaas oo markii ugu dambaysay Inner City Press ay June 2008 ku aragtay wadahadalkii Soomaalida ee ay qabanqaabisay UN-tu (oo kharashiisana bixisay) ee lagu qabtay Hoteelka raaxada ee Kempinski ee Jabuuti.

Qarammada Midoobay si dadka oo dhami arkayaan umasheegin ama daah ayaa saaran arrimaha la xiriira dhaqaalaha ku baxa Soomaaliya. Dhawaan ayaa Inner City Press waxay Walad Cabdalla weydiisay arrin ku saabsan UN-ta maalgalinteedii wadahadalkii Jabuuti iyo Xildhibaanada Soomaalida. (Inner City Press waxa kale oo ay waydiisay xaaladda qof hay'adaha Gargaarka ee xiriirka la leh UN-ta oo ay afduubayaal haystaan muddo bilo ah; Walad Cabdalla weli akhbaar dheeraad ah arrintaas kama bixin. Video.)

Arrinta ku saabsan kharashka ku baxa Soomaaliya, Walad Cabdalla waxa uu Inner City Press u sheegay in ay weydiiyaan afhayeenkiisa, kaas oo isaguna Inner City Press usii xawilay Hay'adda UNDP. Waxaa markaas UNDP ay soo qortay qoraal aysan la socod ciddii lacagta la siiyey. Waxanaana qoraalka UNDP u dirtay Inner City Press ku xusan sidan:

Mashruucii Nabadda ee Jabuuti waxaa hoggaaminayey xafiiska siyaasadda ee Qarammada Midoobay (UNPOS), waxaana maalgaliyay deeq bixiyayaal kala duwan, waxaana xagga amaamulka iyo agaasinka ka qayb qaatay UNDP. Kharashkii bilowga ahaa waxaa deeq bixiyaashu soo mareriyeen UNDP sannadkii 2008 taas oo taageero lagu siinayey hay'adaha DFKMG. Waxaana taas ka mi dahayd computero, miisaska iyo kuraasta xafiisyada, kharashka safarka lagaga imanayo ama lagu tegayo Soomaaliya, iyo dayactir dhismayaal xafiisyo. Isku darka mashruucaas waxaa ku baxday 6.5 million oo doolarka maraykanka. Waxaana kharashkaas ku deeqay EC, DFID, Norway, Sweden, USAID, Italy.

Hadda, Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya hoosteeda.

Warbixintaas ay April 19, 2009 qortay Inner City Press waxaa ka horeeyey warsaxaafadeed April 17, 2009 ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway oo shaaca ka qaaday in Norway ay caawintay akhbaarta ay Soomaaliya u gudbisay Qarammada Midooay, akhbaartaas oo ku saabsan cabbirka dhulka badda hoos u sii gashan ee xeebta ka durugsan 200 mayl badeed.


Shabakada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway - warka Badda Somalia

Warsaxaafadeedka Norway waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Jonas Gahr Støre uu yiri "Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay qaaday tallaabo ay ku ilaalinayso danta jiilasha mustaqbalka ee Soomaaliyeed."

Islamarkaas warsaxafadeedku waxa uu sheegay in Dawladda Norway iyo shirkadaha Norway aysan wax dan ah ka lahayn aaggaas, laakiin, ayuu yiri warsaxaafadeedku, waa in loo arkaa in arrinta Norway ku dhaqaaqday ay ahayd caawinaad ay siisay Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Soomaaliya iyo DFKMG, waa sida hadalka loo dhigay'e.

Waxa kale oo warsaxaafadeedka ku xusan in diyaarinta akhbaarta Soomaaliya u gudbisay Qarammada Midoobay ay ka qayb qaateen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway, khubaro ka socotay Qaybta batroolka u qaabilsan Norway iyo UNDP barnaamijkeeda GRID-Arendal.

Waxa kale oo Norway sheegtay in akhbaarata la gudbiyay ay ansixisay DFKMG iyo Madaxweynaha 6dii April 2009 kaddib markii Mogadishu kulan ka dhacay oo uu ka qayb galay Ambassador Hans Wilhelm Longva oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway. Laakiin qoraalkaasi ma soo bandhigin saxiixa madaxweynaha.

Qarammada Midoobay waxay April 14, 2009 daabacday qoraaladii ay gudbisay DFKMG. Waxaana xusid mudan: 10kii March 2009 Norway iyo QM ay DFKMG u soo bandhigeen Akhbaar la xiriirta badda. 12kii March 2009 Golaha Wasiiradda DFKMG ayaa la sheegay in ay ansixiyeen akhbaarta hordhaca ah ee Loo gudbinayo QM. 5tii iyo 6dii April 2009 Waxaa Muqdisho Tegey xubin ka socda Norway oo la kulmay Golaha Wasiirada DFKMG. 7dii April 2009 waxaa Nairobi heshiis is afgarad ku kala saxiixday DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo dhul-badeed Soomaaliyeed ka dhigan in lagu muran san yahay. 8dii April 2009 Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ayaa Warqad u diray QM uu ku lifaaqay Akhbaarta hordhaca ee cabir la xiriira Badda iyo Heshiiskii MoU. Qarammada Midoobay waxay akhbaartaas ku daabacday shabakadda UN-ta.

Wasiirka jaaliyahada dibadda ee DFKMG oo safar ku marayey Minneapolis oo April 19, 2009 ay SomaliTalk.com su'aalo ka waydiisay arrimaha la xiriira heshiiska (is afgaradka) Kenya iyo Soomaaliya waxa uu ku jawaabay "...Golaha wasiiradu xataa haddii ay ansixiyaan, waxaa dhiman golayaashii kale oo ah golahii Baarlamaanka iyo saxiixii madaxweynaha..." Waxana uu wasiirku heshiiskaas ku tilmamay wax layaab leh.

Qarammada Midoobay looma gudbin qoraal ay saxiixeen golaha baarlamaanka DFKMG iyo madaxweynaha. Lamana sheegin meel ay baarlamaanka DFKMG ku ansixiyeen heshiiska (ama is afgaradka).


Saxiixii Cumar C/rashiid warqadii uu u diray UN-ta

Warqadda uu ra'iisul wasaaraha DFKMG u diray UN-ta waxa uu ku lifaaqay qoraal muujinaya heshiis is afgarad ay wada galeen DFKMG iyo Kenya, kuna saabsan in badda u dhaxaysa labada dal ay tahay mid muran ku jiro. Taas marka la eego ma muuqato arrin dan ugu jirto jiilasha soo socda ee Soomaaliyeed iyo jiilasha hadda jooga toona.


Saxiixii heshiiska is afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya

QORAALLADA BATROOLKA SOOMAALIYA

FG: Waxaa jirta in (April 11, 2009) mar Axmed Walad Cabdalla uu la hadlayey Soomaalida London ayaa nin Soomaali ah oo dadweynihii ka mid ah inta istaagay waxa uu ku qayliyey: Ma ogoli in dhul kayga la iibiyo, ma ogoli inyar oo dhulgaya in la iibiyo. Hadalkaas oo uu ku celceliyey. Waxaana goob joogayaal sheegeen in dadweynihii madasha fadhiyey ay u riyaaqeen in hadalkaas lagu hor yiraahdo ergeyga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2009



saxiixRa'iisul Wasaaraha DFKMG oo Qarammada Midoobay u Gudbiyay Akhbaar Muujinaysa in Badda Soomaaliyeed Lagu Muransan yahay.. Akhri..

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: