SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Prof. Ibbi oo u Ololaynaya Xadayn Cusub oo Dhulbadeedka Soomaaliya Lagu soo koobayo 12 mayl-badeed.

  • Faalladii: SomaliTalk.com | Oct 4, 2011

Prof. Ibbi oo Markale arrintii badda ee Barlamaanku ku diiday soo rogaal celiyey. --- Territorial Waters waa dhul-badeed soo hoos gelaya xornimoda (Sovereignty) Qaranka Soomaaliya oo dhaqaale iyo lahaansho isugu jira, Ibbi taas waa ka soo horjeedaa, waxana uu u ololaynayaa in laga dhigo EEZ oo aagga Dhaqaalaha oo keliya ah....

Idaacadda VOA waraysi (Oct 3, 2011) ay Prof. Ibbi layeelatay ayaa lagu soo qaaday arrimaha badda ee hadda taagan iyo heshiiskii Prof. Ibbi odayga ka ahaa. Arrinta kusaabsan MOU ama Is-afgarad loogu yeero, heshiiskaas oo dowladii Cumar C/rashiid lagashay Dowlada Kenya markii la magacaabay bil kadib, heshiiskaas oo howshiisa horay u dhamaatay Barlamaanka ayaa meel saaray oo ka dhigay waxba kama jiraan, faah faahintiisa halkan ka akhri.

Sidoo kale Prof. Ibbi wuxuu ka hadlay arinta hadda taagan ee ah xadaynta badda, isagoo hadalkiisu ahaa marin habaabin ummadda iyo isku day labaad. Waxaan halkan ku iftiimin doonaa dhowr hadal oo kamid ah hadalkiisii, sida saxda ahna aan u sharxi doonaa.

Prof. Ibbi waxa uu yiri “200nm waxay ku qorantahay Territorial waters kuma qora EEZ, khayraadka badda 200 ee mayl baddeed ee khayraadka badda Soomaaliyeed uguma diiwaan gashana UN-ka, sidaa darteed ayey waxay ku andocoodaan dowladaha badda boobaaya, war baddaada adiga maba lihidba, maba, kuuma diiwaan gashana, kuma diiwaan gashana Exclusive Economic Zone  ee maxaad aniga igula diriraysaa? Mar, marwalboo shirarka aan tago waxay ku leeyihiin, war adiga badda 200nm Territorial waters ayey kuugu diiwaan gashantahay, Territorial waters kaagana waa 12nm, aduunkana badda qofka isagu leeyahay 12nm weeye, laakiin khayraadka uu leeyahay 200nm ah, khayraadka badda”.

Prof. Ibbi laba midkood weeye, inuusan fahamsanayn waxa uu ka hadlayo gabi ahaanba, iyo inuu doonayo inuu abuuro jaah wareer. Hadalkan kore waxaan uga jawaabaynaa si sharci ah ee aan ahayn si fikir ah, waxaana haboon qofkasta oo arintan ka hadlayo inuu soo bandhigo aqoon iyo tixraax, ma’ahan arin fikir laga dhiiban karo ee waa arin qaranimo iyo xornimo ku xiran. Waxaana tixraac loogu noqon karaa Cilmi baaristii arimmaha badda aan kasamaynay.

Hadalka Prof. Ibbi waxaan ka jawaabaynaa dhowr qodob oo muhiim ah oo xusay: Wuxuuna yiri:

  • 1)      200 oo mayl baddeed waxay ku qorantahay Territorial waters ee kuma qora Exclusive Economic Zone

  • 2)      200 ee mayl baddeed ee khayraadka badda Soomaaliyeed uguma diiwaan gashana UN-ka.

  • 3)      Mar marwalboo shirarka aan tago waxay ku leeyihiin, war adiga badda 200nm TS ayey kuugu diiwaan gashantahay,

  • 4)       TS kaagana waa 12nm, aduunkana badda qofka isagu leeyahay 12nm weeye, laakiin khayraadka badda uu leeyahay 200nm weeye,”

  • 5)      before (ka hor) 19-ka December (2011) in la ansixiyo EEZ

Inta aanan ka jawaabin hadalka kore aan isla fiirino xeerka badda ee Soomaaliya, si aan u fahano waxa inoo qoran iyo hadalada Wasiirkii hore ee MOU soo diyaariyey Prof Ibbi.

Waxaan akhristayaasha usoo bandhigaynaa in sharciga badda ee Soomaaliya ay ku cadahay sida Soomaaliya ula jeedo (Territorial Waters) fadlan si taxadar leh u akhri sharciga badda ee Soomaaliya.

Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972

Qodobka 1aad

Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)

1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.

2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada ku saabsan xagga caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee ay galaan maraakiib maraysa gudaha xuduudka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga Soomaaliya.

Qodobka 2aad

Cabbirka Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)

1. Asaaska caadiga ah ee laga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xaduud badeedka Wadanka Soomaaliya, waa xarriiq toosan oo xeebta ku dherersan, taas oo dhacda meel joogga biyaha baddu hooseeyo.

2. Goobaha xeebta ee sii gashan gudaha berriga ama meesha leh jasiirado yaryar oo ku teedsan cirifka xeebta, markaas nidaamka (xadaynta ee) la raacayaa waa xarriiq toosan oo isku xireysa laba barood oo ku haboon, taas oo looga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xadka dhul badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea).

3. Biyaha dhanka xeebta ka xiga xarriiqda asaaska u ah cabbirka dhul badeedka wadanka (Somali Territorial Sea) waxay la mid noqonayaan biyaha xiga  gudaha dhulka qaranka, waxaana taas sii qeexaya qodobka 4aad ee hoose.

Qodobka 3aad

Dhul-badeedka  Jasiiradaha iyo Jasiiradaha yaryar ee teedsan

1. Meelaha ay jasiiradi ku dhextaal gudaha xadka 200-mayl-badeed biyaha halkaas ku dhex wareegsani waxay soo hoos gelayaan dhul-badeedka wadanka Soomaaliya (Territorial Sea). Biyaha halkaas ku xeeran ballacoodu wuxuu noqonayaa 200 mayl badeed, waxaana laga cabirayaa meesha ugu hoosaysa ee biyuhu u gaarayaan jasiiradda.

2. Jasiiradaha yaryar oo isku xiriirsan waa in loo tixgeliyo in ay isku dhegan yihiin, isla markaasna dhul badeedka (Territorial sea) waxaa laga cabbir qaadanayaa jasiiradda dhexda u ah jasiiradahaas aadka u yaryar ee isku xiriirsan.

Qodobka 4aad

Biyaha Gudaha (ka xiga xarriiqda cabbir qaadashada)  iyo Dekedaha Badda

1. Biyaha badda ee dhanka gudaha (ee xeebta ka xiga xarriiqda looga cabbir qaato xadaynta), oo ay ka mid yihiin biyaha lagu dhex safri karo ee  webiyaasha Soomaaliya ee u furan maraakiibta badda iyo dekedaha badda ee ku  yaal aaggaas, waxaa cabbirkooda sugaya shaxda ku lifaaqan sharcigan.

2. Biyaha gudaha Soomaaliya waxay la xeer yihiin xornimada/madaxbannaanida Jamhuuriyadda sida ay dhigayaan Qaanuunadda Soomaaliya iyo qodobada kamid ah sharcigan. (Tixraac: Law No. 37 oo soo baxay 1972)

Haddaan u soo noqono jawaabta hadalladii Prof. Ibbi:

200 oo mayl baddeed waxay ku qorantahay Territorial waters ee kuma qora Exclusive Economic.zone

Hadalkaan sax ma’ahan, Sharciga Soomaaliya u qoran ee aan soo aragnay, aduunka uga diiwaan gashan wuxuu qorayaa in 200 mayl baddeed ay tahay dhulbaddeedka wadanka Soomaaliya. Hadaad haysato dhulbaddeed,(Territorial Sea (TS)  waxaad haysataa EEZ maxaa yeelay, TS waxaa lagu dhaqayaa sharciga wadanka oo ugu horayso in dhulbaddeedkaas wadanka uu leeyahay siduu sharciga gudaha ee wadankaas dhigayo lagu maamulo, haday ahaan lahayn khayraadka ama arimaha kale ee badda la xiriira, sida amaanka, iwm.

“200 oo mayl baddeed ee khayraadka badda Soomaaliyeed uguma diiwaan gashana UN-ka”

Arintan waa arinta Prof. Ibbi dowladuu ku jiray usoo gogol xaartay, hadda dowlada jirtana ay indha la’aan isugu tuurayso, 200nm oo EEZ ah Soomaaliya uma baahno inay UN ka diiwaan galiyo hada iyo mar horeba, maxaa wacay waxaa baaba’aya dhulbaddeedka wadanka Soomaaliya (TS) oo noqonaya 12nm, sidaa daraadeed waxaan leenahay, horayna aan u lahayn 200nm oo TS ah, UN-ka ka diiwan gashan. Su’aasha is waydiinta leh ayaa waxay tahay yaa yiri 200nm oo TS ah khayraad lagalama bixi karo, ama ma aqoonsani.

 “Mar, marwalboo shirarka aan tago waxay ku leeyihiin, war adiga badda 200 oo mayl baddeed oo  Territorial waters ah ayey kuugu diiwaan gashantahay, Territorial water kaagana waa 12nm, aduunkana badda qofka isagu leeyahay 12nm weeye, laakiin khayraadka badda uu leeyahay 200 oo mayl baddeed weeye” 

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Laxiba lageed bay u xaarataa/farataa” Adduunka iyo Safaaradaha Nairobi waa kuwa Badda iyo Barrigaba horror ka ku ah, oo la rabay inaan kawada  difaacdo, hadaan su’aal ku waydiino maxaa baddaada ka dhigay arrin Safaaradaha ka dhaxaysa oo shaaha lagu cabo? Sida baddaada kuugu diiwan gashantahay ma shisheeyaa kuu sheegaya, oo walibana inay 12nm baddeed tahay kuu dhigaya, Su’aasha kale miyaad haysaa sharci kasoo baxay Qarammada Midoobay oo Soomaaliya ka dhan ah, maxaa naga galay Diplomatic/siyaasiyiin wax badsi doonaya? Waxaa kaloo haboon waxaad tiri dhowr jeer badda Soomaaliya waa 200nm oo Dhul baddeed ah TS, hadana waxaad tiri waa 12 mayl baddeed  aduunkuna sidaas ayuu ku dhaqmaan, miyaanay is burrinayn!

Arinta kale oo saxida u baahan waxay tahay, Adduunku wax isuma yeeriyo, wadana wadan ma xukumo ee nin walba aqoontiis iyo daacadnimadiis ayuu socdaa, waxna ku helaa. Aduunka dhinaca badda wuu kala xeer duwanyahay isku midna ma’ahan, Soomaaliya waxay ka midtahay wadammada leh 200 oo mayl baddeed aduunkuna wuu u citiraafsanyahay, laakiin waxaan citiraafsanayn dad gooni ah oo shisheeye iyo shisheeye kalkaal ah, ummadu la xisaabtami doonto sharcigana la hor keeni doono, badda Soomaaliya waa 200 mayl baddeed sida ku cad xeerka kore oo TS dhulbaddeed.

Arinta Prof. Ibbi leeyahay “laakiin khayraadka badda uu leeyahay 200 oo mayl baddeed weeye” waa EEZ-ga Aaga Dhaqaalaha ee gaarka ah, waa nasiib daro wasiirkii dhamaa ee badda inuu leeyahay khayraad baa 200 oo mayl baddeed ah, Mudane adoo raali ah waxa la cabirayo waa “Dhul Baddeedka” ee ma’ahan khayraadka badda ku jira, dhulkaas ayaa waxaa loo kala qaybiyaa dhowr qaybood oo ay ka mid yihiin, a) Territorial water, TS b) Exclusive Economic Zone, EEZ iyo qaar kale, sida badweynta dad u dhexeeyaha- Ogowna Dhul-badeedka waxaa ku jiri kara khayraad. Territorial Waters waxaa ku jiri kara khayraad. Waxaa dheer Territorial Waters waxaa iska leh dalka xeebta leh, taas ayaa inoo ah 200 mayl-badeed, dabcan khayraadna ka buuxi karo. (Territorial Waters waa dhul-badeed  dhaqaale iyo lahaansho isugu jira).

"Xubin ayaan ka ahay baarlamaanka, waxaa nala gudboon in aanaan marna ka seexanin oo (1) in go'aankii ay golaha wasiiradu kagaareen la ansixiyo in Exclusive Economic Zone-ka 200 mayl-badeed in laga register-gareeyo Qaraammada Midoobey before (ka hor) 19-ka December (2011) oo la yiraahdo khayraadba Badda Soomaaliya waa 200 nautical miles (mayl-badeed) annagaa iska leh horta."

Prof. Ibbi waxa uu halkaas ku sheegay in uu jiro waqti go'an oo shardi ku ah Soomaaliya, lagana doonayo in la diiwaan geliso 200 mayl-badeed oo ah Exclusive Economic Zone-ka ay leedahay Somaaliya. Hadaalkaasi sax ma aha, shan (5) arrimood ayuusan sax ku ahayn:

  1. Ugu horayn, haba yaraatee ma jirto cid Soomaaliya ku khasabtay in ay 19-ka December 2011, taariikhdaas meesha keliya oo ay ku qoran tahay waa bogga 5aad ee Roadmap-ka ee go'aamadii laga soo saaray shirkii Muqdisho si xukuumadda looga saaro kumeel gaarka, waana aqodobka uu barlamaanku ka doodayo in laga saaro gebi ahaan Roadmap-ka maadaama uu meel kadhac ku yahay xornimada qaranka Soomaaliya;
     
  2. Tan kale, Soomaaliya waxay leedahay sharci badeed oo soo jirey 40 sano, xeerka Law no. 37, waxaana Soomaaliya ay sharciga badaha saxiixday 1982 ayadoo aan ka tanaasulin xeerkaas, isla markaasna 1989 ayey ansixisay ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law # 37.
     
  3. Waxa intaas dheer, sida uu dhigayo sharicga badda Soomaaliyeed ee uga diiwaan gashay Qarammada Midoobey, Soomaaliya dhul-badeedkeedu waa 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.
     
  4. Prof. Ibbi waxa uusan kala fahmin faraqa u dhexeeya Territorial Waters (TS) iyo Exclusive Economic Zone (EEZ) - Aan u bidhaamino: Territorial Waters haddii ay kuu tahay 200 mayl-badeed, maxaad ugu soo koobeysaa 12 mayl-badeed. Tan kale EEZ waa aag dhaqaale keliya, halka Territorial Waters uu yahay dhul-badeed soo hoos gelaya xornimoda (Sovereignty) Qaranka Soomaaliya oo dhaqaale iyo lahaansho isugu jira.
     
  5. Prof. Ibbi waxaa hadalkiisa ka mid ahaa "badda ilaa hadda waa la boobaa, waxaa booba dawladaha xoogga badan sida Norway....", waxaana Norway kamid tahay dalalkii sida weyn ugu lug lahaa heshiiskii Is-faham ee Prof. Ibbi garwadeenka ka ahaa ee Baarlamaanku laalay, sidoo kale Norway waxay u xusul duubtay in ay tiraahdo badda Soomaaliya waxaa loo samaynayaa xad cusub - sidee marka loogu aamini karaa talada dal doonayo in uu ku duudsiyo.

Dhanka kale, Prof. Ibbi waxa uu qiray safaaradaha shisheeye ee Nairobi ku sugan sida ay uga welwelsan yihiin dhibaatooyinkii wadamadoodu badda Soomaaliya u geysteen, ayagoo doonaya in xad cusub badda Soomaaliya loo sameeyo oo lagu soo koobo 12 mayl badeed, si aan sharciyan loogu raacan ama loogula xisaabtamin wixii hore.

Waakan Prof. Ibbi oo arrimahaas qiraya: "safaaradaha Nairobi fadhiya ayaaba kugu dhega hadlaaya, oo ku dhehaayo horta diiwaan gasho (register-garayso baddaada) maxaad igala hadlaysaa aniga, markaad register-garaysid aniga markaas sharci ayaa i qabanayaa.".... "Territorial Waters-kana waa 12 mayl-badeed,"... in la ansixiyo in Exclusive Economic Zone-ka 200 mayl-badeed in laga register-gareeyo Qaraammada Midoobey, before (ka hor) 19-ka December (2011)..."

Hadalkaasi waxa uu caddaynayaa sida dalalka uu ku sheegay kuwa "badda boobaya", ay u doonayaan in waagii ay Soomaaliya lugaheeda isku taagto in aan lala xisaabtamin dalalkasta wixii uu ka geystey dhul-badeedka Soomaaliya 20-kii sano ee dawlad la'aanta, sida kalluumaysiga sharci darrada iyo sunta lagu duugey iyo shacabka Soomaaliyeed oo sida xaqdarada ah loogu dhibaateeyey.

Hadalka Prof. Ibbi waxaa ka mid ahayd inuu aad u soo xigtay waraaq uu’u qoray Qarammada midoobay kadib markii Baarlamaaku diiday MOU heshiikii is Afgarad, waraaqdaas oo aad khatar u ahayd ayaa xiligaas September 2009 Somalitalk.com tarjumaad iyo turxaan tusid isugu dartay, fadlan markale akhriso isna barbardhig hadaladii Prof. Ibbi.

Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad in ay ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, isla markaasna loo saxiixay (for) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Inkasta oo magaciisa lagu qoray haddana saxiixa isagu ma leh. (gadaal waxaa laga ogaaday in Prof. Ibbi uu saxiixay, sida uu ka sheegtay meelo kala duwan)

Waa warqad si qeexan u muujinaysa in DFKMG ay si bareer ah u doonayso in ay dhul-badeedka Soomaaliyeed si toos ah muran u geliso, si markaas loogu sharciyeeyo Kenya akhbaartii ay u gudbisatey Qarammada Midoobay ee sida aan gabashada lahayn u cabiratay 116,000km2 oo ah dhul-badeedka Soomaaliyeed.

"Waxaa ah arrin aad looga yaxyaxo, looga xishoodo, isla markaana laga argagaxo, in qof sheeganaya mas'uul Soomaaliyeed uu qoro warqad noocan oo kale ah. Waana arrin aad looga xumaado." Sidaas waxaa yiri aqoon yahan Soomaaliyeed oo akhriyey warqadda loo saxiixay Cumar C/rashiid. Warqadda ka tixraac halkan.

Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in laga digtoonaado qorshayaasha aan caddayn ee dawladaha shisheeye ay wataan, doonayaana in ay ka saxiixdaan rag aysan u muuqan hagardaamada ka dhalan karta.

Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinaynaa baarlamaanka iyo DFKMG in ay:

  1. ogsoonaadaan in Badda Soomaaliya xadaysan tahay, leedahayna shuruuc caalami iyo khaasba ah; kuna cabiran tahay 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters,
  2. In aan la-aqbalin qorshaha xukuumaddu waddo oo loogu yeero xadayn cusub ee EEZ,
  3. Sida baarlamaankaba laga xusay, in roadmap-ka laga saaro xadaynta cusub ee EEZ,
  4. Baarlamaana si khaas ah waxaan uga codsanaynaa in sharciga badda Law No. 37 ee soo baxay 1972 lagu daro dastuurka waddan si aan mar dambe su'aal uga iman.
  5. In Baarlammaanku Digniin iyo Cabasho u diro waddamadda dammaca waalan kaga jiro Soomaaliya gaar ahaan arinta badda, sidda Norway,Kenya, Ingiriiska, iwm.

Waxaa diyaariyey:
Eng. Maxamed Cali & Xasan Dhooye

Faafin: SomaliTalk.com | October 4, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: