SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kenya oo Baasaboorkeedii kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden

Shariif Xasan Sheikh AadenLaanta socdaalka dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay Baasaboorkii Kenyaatiga ahaa kala laabatay Raysalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan Sheikh Aaden.

"Baasaboorka Kenya oo la siiyey Mr Hassan Sheikh Aden Issak ayaa lagala laabtay," sidaas waxaa yiri Otieno Kajwang oo ah wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha socdaalka, sida ay werisay jariidadda Daily Nation caddadkii May 20, 2009. Waxaana warku intaas ku daray in markii Baasaboorka la siiyey uu noqday muwaadin Kenyaan ah.

Laakiin, Sheikh Aaden waxa laga dhigay dublomaasi markii la sameeyey Dawladda Soomaaliya, "Waxaa ogaanay in haysto baasaboor Kenyaati ah markii uu kusoo laabtay Kenya oo magaciisa computer-ka la geliyay, markaas ayaa lagala noqday baasaboorka. Xitaa kama uusan laaban dhalashadii Kenyaatiga," ayuu yiri Kajwang.

Waxana uu intaas ku daray maadaama Kenya aysan ogolayn labada dhalasho, sidaas daraadeed ayaa looga qaaday Baasaboorka Kenya.

March 18, 2009 ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ay kala saxiixdeen heshiis Is-Afgarad ee Memorandum of Understanding (MoU) oo ku saabsan in Kenya ay cashuurta u qaado DFKMG, gaar ahaan waxyaabaha Kenya laga dhoofiyo ee u socda Soomaaliya.


KALABAYR: waxay Itoobiyaanku G/Hiiraan  soo galeen (May 19, 2009).


  • IGAD oo Qarammada Midoobay ugu Baaqday in Soomaaliya laga Go'doomiyo Cirka iyo Badda
  • Cumar C/rashiid oo Waraysi siiyey Reuters: "Waxa keliya oo iyaga lagula xaaltami karo oo ay fahmayaan waa dagaalka, waxaana u diyaarsanahay in aan cirib tiro iyaga,"
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo sheegay in aan ciidankoodu gelin Soomaaliya!
  • Odayaasha Beelaha oo DFKMG ku eedeeyey in ay lug ku leedahay  Soo gelitaanka Itoobiya
  • Website sheegata in ay ku hadasho codka DFKMG oo shaaca ka qaaday in Itoobiyaan soo galeen Soomaaliya: "Dowladda Soomaaliya ayaa u fasaxday inay soo galaan ciidamada Dowladda Itoobiya kuwaasoo baabi'in doona burcada qalqalka ku haysa Dowladda Soomaaliya iyo amniga Dowladdaha deriska la ah Soomaaliya...."
  • Baarlamaanka DFKMG oo aan weli go'aan ka soo saarin xilliga ay ka shiri doonaan Go'aan ka gaarista badda ay cabiratay Kenya

Kulan aan caadi ahayn oo Arbacadii May 20, 2009 ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen dalalka ku jira IGAD ayay ka soo saareen baaq ku wajahan UN-ta oo ay ugu yeereen in Soomaaliya laga cunaqabateeyo dhanka cirka iyo badda, iyaga oo taas sababa uga dhiga waxa ay ugu yeereen in "islaamiyiintu ay halis ku yihiin gobolka", waa sida AFP warka u dhigtay'e.

KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya.. Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...  ABC Australia...
 

Waxaa warku qeexay in IGAD ay Qarammada Midoobay waydiisatay in Soomaaliya laga dhigo meel aan diyaaraduhu geli karin marka laga reebo kuwa sida gargaarka bini'aadamiinimo oo ay "dawaladdu" ogolaato, iyo in laga xanibo dekedaha gaar ahaan magaalooyinka Kismaayo iyo Merka, si "looga hor tago in hub dheeraad ah iyo dagaalyahano ajaanib ah ay soo galaan", waa sida warku u dhigay'e.

  • Lama oga in diyaaradaha Qaadku ay ka mid yihiin kuwa la saarayo xannibaada. Waxaana shirka Addis Ababa ee baaqa laga soo saaray joogey Wasiirka Lacagta ee DFKMG, ahna ra'iisul wasaare xigeen, Shariif Xasan Sh. Aaden. Shariif Xasan waxa uu March 18, 2009 heshiis Is-Afgarad (MoU) la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Moses Wetang'ula, heshiiskaas oo ku saabsan in Dawladda Kenya ay waxyaabaha laga dhoofiyo Kenya oo u socda Soomaaliya ay ka qaado CASHUUR ay u qaadayso DFKMG. Waxyaabaha ugu badan ee Kenya laga dhoofiyona waxaa ka mid ah QAADKA oo ah mid dhaqan-dhaqaale iyo anshaxba u halakeeyey Soomaalida. Iyada oo weliba dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay sheegeen in Qaadku uu qayb ka yahay faafidda cudurka dilaaga ah ee AIDS oo ku batay Soomaalida intii ka dambaysay burburkii dalka. Qaadku waxa uu Soomaaliya uga yimaadaa Kenya iyo Itoobiya.

Waxa kale oo IGAD waxay ku baaqeen in cunaqabatayn lagu soo rogo Eritrea si degdeg ah, taas oo sabab looga dhigay in ay taageerto waxa loogu yeeray "Islaamiyiinta magalka adag."

Eritrea waxay ururka IGAD iskaga baxday April 2007 markaas oo ay urur-goboleedka IGAD ku eedaysay in ay ku guul daraysteen in ay nabad ku soo celiyaan gobolka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ethiopia, Seyoum Mesfin, oo shirka baaqa laga soo saaray guddoominayey ayaa yiri "Kuma aanaan laaban Soomaaliya. Qorshahayagu ma aha in aan go'aan aan la gooni nahay ugu laabano Soomaaliya (We don't intend to go to Somalia unilaterally)! Waxana uu yiri "Xagjirayaashu wax dan ah kama laha nabadgalyada. Qorshahoodu wax shaqo ah kuma laha xasilinta Soomaaliya. Qorshahoodu waa in ay gaaraan meelo ka durugsan Soomaaliya, hogaamiyahoodu waxa uu cadeeyey in ujeedadooda aysan ku xadidnayn Soomaaliya."

Ciidamada Itoobiya ayaa Talaadadii (May 19, 2009) waxa soo galeen aagga Kalabayr oo katirsan degaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan, waxaana lagu soo waramay in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay baaritaan ku sameeynayaan gawaarida maraysa daqiiqa laamiga ah ee isku xira Koonfurta iyo woqooyiga Soomaaliya. DHEGEYSO ama Soo rogo (Danan).

  • Weriye Scott Baldauf oo waraysi siiyey CSMonitor ayaa si qeexan uga waramay taariikhda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha hadda taagan xiriirka ka dhexeeya.. DHEGEYSO (mp3)

Garaad Fiidow Gaabow ayaa DFKMG ku eedeeyey in ay ka dambayso in Itoobiyaanku kusoo laabtaan ciidda Soomaaliya, ciidamadaas oo faragalin qaawan ku haysa Soomaaliya, waxana uu sheegay in DFKMG ay arrinta ka dambayso maadaama ay sheegaan in ajaanin ka dagaalamaan Soomaaliya..  DHEGEYSO ama Soo rogo (Danan).

Cumar C/rashiid oo ku Hanjabay in ay Cirib tirayaan kooxaha ka soo horjeeda

SomaliaRa'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Arbacadii May 20, 2009 waraysi siiyay hay'adda wararka ee Reuters ayaa sheegay in uusan rajo badan ka qabin wadahadal ay la yeeshaan muqaawada. Waxana uu sheegay in ay ku jiraan 300 oo ajaanib ah dagaal yahannoo ah.

Cumar C/rashiid oo ka hadlaayey kooxaha ka dagaalada Soomaaliya ee ka soo horjeeda xukuumadiisa waxa uu yiri:

"u malayn maayo in ay leeyihiin qorsha siyaasadeed. Waxaan aaminsanahay dagaalyahaniintaas ajaanibta ah in ay doonayaan in ay dalka ka dhigaan mid ku sii jira qalalaase si ay u helaan meel ay ku dhuuman karaan," ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

"U malayn maayo in ay jirto fursad dadkaas lagula fariisto oo lagala xaajoodo arrimaha. Waxa keliya oo iyaga lagula xaaltami karo oo ay fahmayaan waa dagaalka, waxaana u diyaarsanahay in aan cirib tiro iyaga," ayuu ra'iisul wasaaraha DFKMG ku yiri waraysiga Reuters.

"Alshabaab iyo dagaalyahaniintooda ajaanibta ah weligood ma awoodi doonaan in ay wax xakumaan. Waa awoodaan in ay magaalo tagaan, ku dhufo oo ka dhaqaaq, oo burburiyaan, argagaxna galiyaan dadka, laakiin kuwaasi malaha hanaan, awood, karti, iyo anshax adag oo ay wax ku xakumaan," ayuu yiri.

"Waxaan weli la yaabanahay sida ay dad dagaalka u sii wadaan iyagoo aan wax ujeedo ah lahayn. Waxaa taas dheer waxay ku guul daraysteen in ay diinta u adeegsan sidii aalad. Nimankaasi waxay ku xad gudbeen qayb kasta oo ah asaaska islaamka, waxayna weli ku andacoonayaan in ay yihiin Islaamiyiin." ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in uu cadaymo ku filan hayo in Eriteria ay hub siisay kooxaha ka soo horjeeda.

Warkii Reuters oo AfSoomaali ay ku akhrinayso Sahro Sh. Maxamuud Cali oo ka tirsan Shabelle Dhegeyso.

 Laakiin ra'iisul wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya kama hadlin ciidamada militariga Itoobiya ee la sheegay in  ay soo galeen carrada Soomaaliya, in kasta oo website-ka sheegata in uu ku hadlo afka xukuumaddiisa ay qortay sidan:

  • Ciidamadii Itoobiya ee Maanta Soogaaray G/hiiraan Oo Dhaqdhaqaaqyo Bilaabay
    Talaado 19 May, 2009 (Wararka Dowladda ee Maanata)

    Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa shacabka ka codsadeen inay ka qabtaan tuugada isku sheegaysa urur Diimmeedka kuwaasoo u shaqaynaya dano shisheeye iyo ragga ay Dowladda Maraykanka si aad iyo aad ah u raadinaysa. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay Dowladda Itoobiya inay gurmad deg deg ah ay u soo dirto Dowladda Soomaaliya sidaas awgeed Dowladda Soomaaliya ayaa u fasaxday inay soo galaan ciidamada Dowladda Itoobiya kuwaasoo baabi'in doona burcada qalqalka ku haysa Dowladda Soomaaliya iyo amniga Dowladdaha deriska la ah Soomaaliya. Culimaa'udiinka Soomaaliyeed waxay bayaan ka soo saareen in la shaqeeyo Madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo ah shaqsi horey guddoomiye u soo ahaa maxkamadaha Islaamiga ee Moqdisho iyo meelo badan Aslixiyey. Shalay wixii dhaafa la yiri ayey waddan maanta marka waxaan u sheegaynaa Shacabka Soomaaliyeed in laga qaban doono Al-qadea iyo wuixii u shaqeeya sida kuwa raba inay afgambiyaan Dowladda Soomaaliya ee ay taageersan yihiin bulshada caalamka.
    Dowladda Soomaaliya waxay hirgelisay sghareecada Islaamka marka haddii ay culimo yihiin maxay ku dagaalamayaan? Waxay dad iyo amniga u baabi'inayaa waa xukun balse hadda iyo wixii ka dembeeya waa laga diiday wax dembe oo la burburiyo.

DFKMG ilaa hadda iskama fogayn warka shabakaddaas sheegata in ay afkooda ku hadasho oo qortay in "Ciidamadii Itoobiya ee Maanta (May 19, 2009) Soogaaray G/hiiraan Oo Dhaqdhaqaaqyo Bilaabay", waxaana hadda ka soo wareegtey saddex maalmood inta ay Itoobiyaanku ku jiraan ciidda Soomaaliya.

Waxaa jirta in Wasiirka Saxaafadda DFKMG, Farxaan Cali Maxamuud oo u waramayey Idaacadda Codka Maraykanka uu sheegay in dawladdu maqashay warar saxaafadu ku sheegtay in Itoobiyaan soo galeen Soomaaliya laakiin warkaasi uusan "sax ahayn" ayuu yiri  Dhegeyso ama Soo rogo (May 20, 2009). Laakiin kama uusan hadlin saxaafadda sheegata in ay ku hadasho Afka xukuumada ee warkaas faafisay.

Waxaa kale oo xusid mudan hadalka wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya uu Addis Ababa ka sheegay May 20, 2009 oo ahaa "Qorshahayagu ma aha in aan go'aan aan la gooni nahay ugu laabano Soomaaliya (We don't intend to go to Somalia unilaterally)!. Hadalkaas kelmedda in la dhuuxo ay tahayna waa "unilaterally"....

Garoomada diyaaradaha ee xanibaada gaarka ah in la saaro laga codsaday UN-ta waxaa ka mid ah No.50, Ballidoogle, Xudur, Waajid, Baydhabo, Kismaayo, Cisaley, sida uu Idaacadda Codka Maraykanka Laanta Afka Soomaaliga u sheegay Danjiraha DFKMG u joogay Addis Ababa, Siciid Yusuf Nur Dhegayso ama Soo rogo  (mp3).

Warsaaxafadeedka IGAD waxaa ku cad in ay codsadeen in xanibaad xagga diyaaradaha la saaro garoomada diyaaradaha ee kala ah Kismayo, Baydhabo, KM 50, Balidoogle, Waajid, Xudur, dhammaan garoomada Gobolka Gedo, Cisaley iyo Johwar.

DFKMG ayaa soo dhaweysey baaqa go'doomin ay IGAD ka dalbatay UN-ta, sida uu May 21, 2009 Idacada Codka Maraykanka u sheegay afhayeen u hadlay DFKMG, Abdi Kadir Walayo: Dhegeyso  ama Soo rogo (mp3).

Jawaabtii Eriteria ku beenisay in ay hubayso Alshabaab ka akhri Halkan (pdf).

May 21, 2009 afhayeenkii AlShabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi uu u hayayAl shabaab, waxana uu ku wareejiyay Sheikh Cali Maxamuud Raarge (Sheikh Cali Dheere).

Baarlamaanka FKMG iyo Baylahda Badda Soomaaliya

Dhanka kale, ilaa hadda baarlamaanka DFKMG war sugan kama soo saarin xilliga ay ka shiri doonaan go'aan ka gaarista heshiiskii Is-Afgarad ee badda Soomaaliy amuranka geliyey iyo sheegashada Kenya ay cabiratay baaxad weyn oo ah dhul-badeedka Soomaaliya. Horraanta bisha Agoosto 2009 ayaa la qiyaasayaa in Kenya ay xogtii ay Qarammada Midoobay (QM) u gudbisay ay ka hor akhrido Guddiga Xadaynta badaha, taas oo haddii aan diidmo laga horgeyn inta ka horaysa ay suurtagal noqon doonto in loo sharciyeeyo dhul badeed aad u baaxad weyn oo ah badda Soomaaliya.

Kenya akhbaarta ay ku sheeganayso badda Soomaalida qayb ka mid ah waxay gudbisatey May 6, 2009, ilaa haddana waxaa shacabka Soomaaliyeed isweydiinayaan sababta ay DFKMG ay arrintaas dhegaha uga furaysanayso, oo aysan uga hadlayn, su'aalona looga weydiin karayn.

1964 ayaa heshiis is gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo ku saabsnaa iska difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba gumaystayaashii siiyeen dhul Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga waxay Kenya iyo Itoobiya cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii cusboonaysiiyeen August 28, 1987. Kenya waxay May 6, 2009 QM u gudbisay cabbir badda Soomaaliya qayb ka mid ah. May 19, 2009 waxaa Soomaaliya goobo ka mid ah soo galay Ciidamo Itoobiyaan ah. (Akhri warbixintii NFD)

Omar abdirashid ali sharmarke somalia prime minister TFG
Cumar C/rashiid oo waraysi siinayey Reuters, Muqdisho May 20, 2009
Somali PM says little hope of talks with insurgents


Qoysas dhowaan ka barakacay Muqdisho oo May 15, 2009 gaaray xerada barakacayaasha ee 17km u jirta Muqdisho, iyagoo sugayey in la diiwaan galiyo.


Axmed Walad Cabdalla oo ka qaybgalay Kulan ka dhacay Addis Ababa oo Afrikaanku uga hadleen Soomaaliya, May 20, 2009


Dhexda: Shariif Xasan oo ka qayb galay kulanka Addis Ababa ee May 20, 2009. Bidix: Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya


Hooyo wiilkeeda oo dhaawac ah u wada Cisbitaal Madiina, Muqdisho, May 13, 2009 oo ku dhaawacmay dagaalka Muqdosho.


Sept 8, 2005: Prof. Axmed Warfaa ayaa sheegay in la ogyahay meelaha Qaadka laga keeno oo ah dhulka la tilmaamay in Cudurka HIV/AIDS uu halakeeyey, waxana uu xusay in ay dhici karto in dadka Qaadka guraya oo adeegsada qalab ay kamid yihiin mishaaro (ama godimo iyo faasas) ay dhici karto in ay birahaasi saraan oo dhiig ka yimid uu gaaro ama ku daato caleentii Qaadka, mar haddii dhiiga qofka HIV/AIDS qabaana uu caleenta gaaro intii Qaadkaas cuntana uu cudurkaasi ku dhici karo. Arintan oo ah halista ugu weyn ee Qaadku hadda u leeyahay Mujtaamaca Soomaaliyeed, marka laga soo tago xaggii dhaqaalaha, qoyska oo uu burburinayo, waxaa ka daran in uu qayb weyn ka yahay faafida cudurka HIV/AIDS.

Isha sawirada: Google Images

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2009

QISADII SHIMBRAALE... Akhri

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: