SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Hubsiimo hal baa la siistaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliya

Anoo ka duulaya qoraalkeygii  hore ee cinwaankiisu ahaa "Xaajo nimaan ogeyn indhahuu ka ridaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliya" ayaan  bal isku dayey inaan wax ka sii ogaado heshiiskaas iyo nuxurkiisa. qoraalkaas hore oo aan ku bartay aqoonyahanno iyo wax garad Soomaaliyeedba oo ila soo xiriirey wuxuu ii iftiimiyey in ay weli ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo dhibsanaya in la dayaco xuduudaha waddankeenna bad iyo berriba. Danta aan ka lahaa qoraalkaas waxay ahayd bal in si hufan arrinkan xasaasiga ah loo darso anoo ka eegayey in qolada wax saxiixdayna ay khalad geli karaan iyagoo is leh wax hagaajiya oo aan eed iyo dhaleeceyn lagula dul dhicin islamarkaasna qoladii heshiiska dhaliisaneydna uu xaalkoodu iila muuqday kuwo wax hagaajiya ay ka tahay sida dhallinyarada Somalitalk.com oo kale iyo qolo kale oo mashruuc siyaasadeed oo ay dawladda ku dhaliilaan uu u noqday. Waxaa meesha ka maqnaa oo haddana qoraalkeygani ku saleysan yahay waa in aynan ka weecan hawsha no hor taal oo ah "war waa lagu khasbanaa in heshiiska ballaarinta qalfoofka dambe ee badda ee ka baxsan 200 nmi (Extended Continental Shelf, ECS) la cusbooneysiiyo inta ka horeysa 13ka My 2009 ee maxaa noo diyaarsan oo hawsha inteeda dhiman looga tala galaa".

Waxaan isku dayey inaan xiriir la sameeyo dad badan oo ajnabi iyo Soomaaliba isugu jira oo aan is iri aqoon iyo shaki bixin arrinkan ku saabsanba bey kugu dhaamaan oo aad ka heli kartaa. Waxaan nasiib u yeeshay inaan in aan xiriir la sameeyo mid ka mid ah guddiga 21 ka ah ee u xilsaaran xallinta heshiisyada ku saabsan kordhinta qalfoofka badda (ECS). Waxaan maanta oo taariikdu aheyd 15 goor barqadii ah aan wacay xafiiskiisa ka dibna waxaa la ii sheegey inuusan joogin oo la filayo inuu usbuuca soo socda soo shaqo tago. Waxaan codsaday in la i siiyo telefoon aan kala xiriiro  balse beddelkeedii waxaan helay e-mailkiisa. Magaca xubintaas waxaan ugu yeerayaa Hooskii Badda oo aan u soo gaabinayo HB maadaam aanan ogolaansho ka heysan inaan magac dhabo oo wixii aan ku wada hadalnay qoraal ahaan uusan ii idmin inaan faafiyo. Is barid aan is baray ka dib, waxaan HB weydiiyey laba su’aalood oo si gooni ah aan u daneynayey jawaabtooda anoo waliba uga afeef dhitay inuu jawaab toos ah iga siiyo haddii aysan wax u dhimeyn dhex-dhexaadnimadiisa la xiriirta shaqadiisa. Labda su’aalood waxey ahaayeen sidan:

  1. Heshiiskan Keenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan badda ma heshiis sharci ahbaa oo dhaqan gelaya mise waa is af-garad keliya oo u caadi ah markii heshiis kordhinta qalfoofka badda  la sameynayo.
  2. Anoo u soo xigtay hesiiskii isla markaasna ugu daray ningixii (link) dawladda Keenya ee magaacabayey xubnaha dawladda Norway ee heshiiska ka qeyb qaatay ayaan weydiiyey HB maqaamka wafdiga dawladda iyo safaaradda Norway ay heshiiskan ku laheyd iyo sida uu arko. Runtii sababta aan su’aashaas u xiiseynayeyna waxey aheyd maqaallo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo carabaabay in Norway ay heshiis batrool baaris ah oo qarash badan ku kacaya ay Keenya la gashay sidaas darteedna ay lug ku leedahay boobka baddeenna.

Waxaan aad ugu farxay inaan jawaab deg-deg ah oo ka jawaabeysa su’aalaheygii isla markaasna xambaarsan macluumaad dheeri ah aan ka helay HB.

Jawaabtii su’aasha kowaad waxay noqotay: "heshiiskaasi wuxuu sheegayaa is faham keliya oo ah in ay soo gudbiyaan xogta kordhinta qalfoofka badda iyadoo heshiiskaasina uusan  hor dhac ah khaldan (prejudice) ku noqon karin ka hadalka wixii la xiriira xadeynta badda labada waddan u dhaxeysa. Waa is af-garad inta badan dhex mara labada dawladood oo xaaladan soo wajahdo ayuu HB sii raaciyey jawaabtiisii"

Jawaabtii su’aasheyda labaad waxey aheyd sidan: Dawladda Norway waxay fidisey iney gacansiin ka geysto sidii loogu diyaarin lahaa dukumentigii kordhinta qalfoofka badda (ECS)  looguna gudbin lahaa Qaramada midoobey guddigeeda u xilsaaran qalfoofka badda (United Nations Commision on the Continental Shelf) inta aan la gaarin 13ka May, 2009. Gacan siintaasina waxey ku saleysneyd xeerka  qaramada midoobey ee SPLOS/183 kaasoo xaqiijiniya xaqa  ay Soomaaliya u leedahay in soo gudbiso xog dhammaystiran oo la xiriirta xadka baddeeda waqti dambe. 

Wuxuu kaloo HB ii sheegey sida uu ugu faraxsan yahay in hordhicii heshiiskaas iyo xogtii loo gudbiyey qaramada midoobeyba maanta la soo qoray oo aan ka heli karo halkan:

http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm

Anigoo intaas ku soo koobaya xiriirkii na dhex maray aniga iyo Hooska Badda (HB) oo xogtii oo dhan aan ka heli karnno website ka kor ku xusan ayaan  waxaan jeclaan lahaa bal inaan isku daynno inaan dhinaca quman arrinka ka eegno oo fikirkeenna iyo taladeenna aan ku xoojinno sidii wixii toosan oo heshiiskaas is af-garadka ah ku jira aan u sii xoojin laheyn.  Wixii goldoloolo ahna in loo is taago sidii loo hagaajin lahaa looguna diyaar garoobi lahaa hawsha culus ee nagu soo food leh. Anoo aaminsan xikmadda ah "kheyr wax kaama dhimee shar u toog hey" oo dareensan in inta wax garadka ah ay daneynayaan in laga hor tago bililiqo baddeenna loo geysto ayeysan ila qumanayn in loo isticmaalo siyaasad iyo mucaarad dawladeed.  

Waxaan rajeynayaa haddii alla idmo in aan sii joogteeynno feejignaata ilaalinta hantideenna iyadoo aan isu dayi doono inaan sii raadinno xog iyo fasiraad dheeraad ah oo la xiriirta qoraalda website ka sare uu xambaarsan yahay.  

Cudurraar: Wixii khald ah oo aad kala kulantaan qoraalkeyga ama haddii aan si khaldan u tarjumay wixii aan ku wada xiriirney aniga iyo HB waa aqoon gaabnideyda iyo ku tala gal la’aan aan raalli gelin ka bixinayo. 

Abukar Y. Warsame 
Abukar60@netsacape.net 

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: