w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Waa Su抋al Da抴eynee Dalka yaa iska leh?

  • A. Yabarow
    ayabarow@yahoo.com

Su抋ashaashu waxay halku dhig u tahay murti wadani ah oo ka mid ah murtiyihii ka bixijiray Idaacaddii Radio Mogadishu soona baxday kadib markii lagu jabay dagaalkii xoreynta Soomaali Galbeed, ayna bilaabatay inay sameysmaan jabhado qaranka Soomaaliyeed la dagaalama oo saldhig ka dhigtay cadawga jiritaanka Soomaaliya ee Itobiya; hub iyo taakuleynna ka heli jirey. Jabhadahaasi iyo cadawgii garabka siinayeyba waxay ku guuleysteen inay afgambiyan dawladdii dalka ka talineysay kana difaaceysay inuusan cadaw gacanta u gelin. Hadaba maxaa ka dambeeyey burburkii ay hormoodka ka ahayd Itoobiya iyo xulafadeedu ay garwadeenkana u ahaayeen jabhadahii?

Soomaaliya oo noqotay xabaasha qashinka warshadaha iyo sunta nuyuukilaarka ah

1991dii waxaa jabhaddii USC dooratey Cali Mahdi Maxamed inuu noqdo madaxweyne. Halkii madaxweynaha cusubi uu ujeesan lahaa sidii uu ummaddiisa isula baadi goobi lahaa wuxuu ku dhaqaaqay inuu dirsado dulaaley mafiyada caalami kula heshiisa in Soomaaliya lagu aaso ilaa 8 milyan oo tan oo sunta khatarta ah. Waxaa weliba yaab leh inay heshiika ku jirtey in laga dhiso xeebaha gobolka shabeelaha dhexe qiyaastii degmada cadale keyd sunta lagu soo aruuriyo intaan la aasin oo qaadi kara ilaa 500 kun oo tan. Waxaa kale oo xusid mudan in Cali Mahdi iyo saaxiibadiis ay ku gateen tirtirida jiritaanka dalkoodka lacag ah 10 milyan oo doollarka mareykanka ah. Waxaa iigu yaab badnaa waxyaabihii an ka aqriyey ama ka maqlay arintaas wareysi lala yeeshay ninkii sunta aasi jirey oo talyaani dhalashadiisu tahay oo ku tilmaamay nimanka Soomalida oo heshiiska la galay inaysan kala jecleyn wax ku dhaca dadkooda iyo dalkood, waxa keliyah oo daneynayeenna inay ahayd lacag. Bilo yar mar laga joogo hadda, markii barnaamij dheer oo arintaas ku saabsan ay Al Jazeera soo deysay ayadoo Cali Mahad magaalada Dubai ku sugan yahay ayaa waxaa wax laga weydiiyey arinta, jawaabtii duqu waxay noqotay  创hada yaa aniga gacanta isoo qabaaya创.

Macdantii iyo Shidaalkii Dalka oo Gacanta loo geliyo Shirkado an jirin

Arinta shidaalka waxaan si faahfaahsan uga hadlay article magaciisa la yiraahdo The dangerous smell of crude oil that may ignite a new civil war in Somalia oo qeybtii 1aadna soo baxday bishii 8aad ee 2007da, tii 2aadna soo baxday bishii 9aad 2007 lagu dabacay shabakado ay ka mid yihiin Alldalka.com, SomaliTalk.com, IWM. Waxaan kelya oo ku darayaa in dadaalkii aan sameynay oo bulshada soomaaliyeed aan ku baraarujinay hagardaamada ay masuuliyiintii DKMG ay maleegayeen waqtigaas ay wax weyn ka tartay inaysan fulin heshiisyadii ay shirkadaha dalaanhabaabista ah la galeen. Si kastaba ha ahaatee weli wey socota hagardaamadii arimaha macdanta iyo shidaalka, gaar ahaan waxay si xoogeysan uga socotaa Puntland waxaanna aad hambalyo iyo boqaadin ugu soo jeedinayaa SomaliTalk.com sida ay bulshada ugu soo bandhigaan hadba meesha ay xaaladdu mareyso. Ayaduna weli waa socotaa arintii Kuwait/Medeco oo waxaanna ku hawlan raggii aan ku xusnay maqaaladda kor ku xusan magacyadooda oo aan weli quusan, qaarkoodna ay Dubai ku sugan yihiin.

U gacan gelintii Soomaaliya oo dhan Itoobiya loo gacan geliyey

Nasiib darada Soomaai ku dhacday waxay noqotay in raggii qaran dumiska waday 1978 ilaa 1991 ay abaalmarin u helaan hoggaankii sare ee dalka. Raggaasi waxay dhammaantood u qabeen in Itoobiya ay u qabaneyso dalka ayaga. Runtuse waxay ahayd in Itoobiya ay weligeedba ku hammiyeysay inay Soomaaliya laqdo si ay badweynta Hindya iyo Badda Cas inta u dhaxeysa ay u yeelato. Dawladda Itoobiya waxay ku guuleysatay inay raggeedii xukunka u dhiibato, kadibna waxay u fududeeyeen inay wadanka oo dhan wada qabsato. Waxaa iigu yaab badnaa inay madaxweyne dal iyo ra抜isul wasaarihii goobjoog ka ahaadaan safaarad dal kale furitaankeeda. Waxaa ka sii daran in ra抜isul wasaarihii calanka Itoobiya gacantiisa ku saaro, kuna tiraabo 创colaadda anaga iyo Itoobiya naga dhaxeysaa waxay ahayd gacan ku rimis创. Tiraabtaas wuxuu Cali Geedi ku ogolaaday inuu xaqdaro ahaa halgankii ummadda Soomaaliyeed ay gumeysiga Itoobiya kula jirtey ilaa iyo in ka badan 500 oo sano. Dhiiggii shuhadadii Soomaaliyeedna uu hudur yahay. Waxaase nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed ka dhiidhiday iskana rogtay reeryadii gumeysiga ayna ku guuleysatay inay jabiyaan ciidamada Itoobiya ayna ku khasbaan inay dalka ka baxdo ayadoo duleysan.

Dhul Badeed dhan 38,000 sq km oo Kiinya Maamulka Shiikh Shariif u Hibeeyey

Markii la dhammeystay dhulka sun ku aaski, u fududeyn boob kheyraadka hoostiisa ku jira, ayaa hada waxaa la marayaa in dhulka naftiisii la gato. Waxaan la yaabaneyn heshiiska canshuur aruurinta oo maamulkaani la galay dawladda Kiinya, waxaase soo baxay in ra抜isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo dhawaan la sixiixay dawladda Kiinya heshiis u hibeynaya Dhulbadeed  Badeed gaaraya ilaa 38 kun oo sq km. Waxaa xusidda mudani waxaa weeye in Sh. Shariif Ahmed uu dabayaaqadii sannadkii hore markuu DKMG heshiiska kula saxiixday magaalada Jabuti uu xafladdii ka yiri 创colaada anaga iyo dalalka deriska ka dhexeysa waxaa weeye mid gacan lagu abuuray创. Waxaan u maleynayaa in heshiiskaan uu fasirayo hadalkaas u jeediyey Sh. Shariif asagoon madaxweyne noqon, mar haddii asagoon madaxweynenimadiisu aysan gaarin 3 bilood uu hibeeyey dhulka baaxaddaas leh. Waxaa ka sii daran in xadka cusubi hadda uu mari doono jasiisard ka mid ah jasiiradaha shanta ah ee Gobolka Jubbada Hoose hoos yimaada sida ku cad khariidadda aysoo bandhigtay SomaliTalk.com.

Maxaa dawladda Kiinya u rabtaa inay dhul baddeedkeeda ballaariso? Ujeedooyin badan ayaa Kiinya ka leedahay arinta oo ay ka mid yihiin:

  • Baaritaaan shidaal
  • Mustaqbalka inay ku doodo inay Jubbaland ama gobolada jubooyinka lagu daro dalkeeda

Sida la wada ogsoonyahay Kiinya waxay ilaa 2005tii baaritaan shidaal ka waday xuduud  badeedka ayada iyo Soomaaliya u dhexeeya. Waxaanna tuhun laga qabaa inay dhul badeedka hadda loo hibeynayaa u ka mid yahay meelaha horay baaritaanka loogu bilaabay. Soomaalidu waxay tiraahdaa timir lafbaa ku jirta, oo aan uga golleeyahay maxay Kiinya hadda u rabtaa inay marinkii xuuduud baddeedkii laba dal weligi udhexeeyey u baddesho haddaan ujeedo guracani ku jirin? Maxaa xuduudka khadka u maro aduunkuna wada ogaa kor loogu soo durjinayaa? Maxaa Kiinya u boobeysaa dhulkayaga?

:::Dr. MUHAMAD SHAMSADDIN:::
shamsaDonald Kipkorir磗 Friends: the Ugly Face and the Empty Brain of the Militaristic Kenyan Terrorists.. Read More
:::QAYBINTA SOOMAALIYA:::
kenyaDAILY NATION, Kenya, oo soo bandhigay in Soomaaliya loo qaybin doona Itoobiya iyo Kenya... Akhri...

 

Tan kale, waxaa la wada ogyahay in 1954 Jubbaland Gumeystihii Ingriiskuu uu ku wareejiyey Gumeystihii Talyaaniga. Dabadeena in dawladdii marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake uuna Ra抜isul Wasaaraha ka ahaa marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal ay goosatay inay ka harto sheegashada NFD. Hadaba markii ay meesha ka baxday dawladdii Soomaaliyeed oo difaacaysay xuduudii qaranka ee aduunku citiraafsanaa ayaa sida uu qoray weriye caan ah oo Kiinyaati ah waxay ku heshiiyeen Itiibiya iyo Kiinya inay dalka Soomaaliya kala goostaan. Arinta xuduud badeed ballarsiga ahina waxaa laga yaabaa ina hordhac u tahay mu抋amaraddaas weyn oo Kiinya ku dooneyso inay goosato Juubaland mustaqbalka haddii aan la helin ummad ka dhiidhida iyo dawlad dad wadaniyiin ihi hoggaamiyaan.

Haddaba Soomaaliyey toos oo fadhiga ka kac inta goori goor tahay. Waxaa la gudboon qofkasta  oo Soomali ah inuu difaaco dhulka, badda iyo cirka Soomaaliyeed. Waxaa gaar ahaan masuuliyaddu saarantahay aqoon yahanada iyo war baahiyeyaasha iyo masuuliyiinta Soomaliyeed inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa boobka cad ee dawladda Kiinya ay ku boobeyso dhulbadeedka Soomaaliyeed. Waxaan ku talinayaa in la qaado talaabooyinka soo socda:

  • In khubaradii soomaaliyeed ee amuurtaan ku xeelka dheerayd xogtana ka heysay heshiisyaddii badaha la raadiyo wixii ka nool, lana hawlgeliyo.
  • In hay抋da UN-ka oo arintaan ku shuqulka leh xiriiro iyo qeyldhaamo dibad iyo gudaha ka imanaya loo diro oo looga soo horjeedo heshiiska guracan ee DKMG ay Kiinya lagashay, dacwad arintaas ku saabanna Security Council-ka la gaarsiiyo.
  • In qalabka warbaahinta Soomaaliyeed; maqal, muuqaal iyo mid qoranba diiradda saaraan sidii loo difaaci lahaa dhulbadeedka Soomaaliyeed.
  • In dawladda Kiinya looga digo cawaaqib xumada ka dhalan karta falka burcadnimada ah ee ay sameynayso.

A Yabarow
ayabarow@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright SomaliTalk.com | 1999 - 2009