SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Baarlamaanka DFKMG oo ka Doodaya Arrimaha la xiriira "Xadaynta" Badda Soomaaliyeed

Axadii (Oct 2, 2011) waxaa Baarlamaanka Federaalka KMG magaalada Muqdisho uga bilowday dood ay xildhibaanaddu ka yeelanayaan arrimaha la xiriira Badda Soomaaliya iyo xuduudaheeda. Waxaana Xildhibaanadu doodda ku falanqaynayaan wixii laga yeeli lahaa arrinta ay xukuumaddu wadato ee ku qoran Roadmap-ka ee ah 19-ka December 2011 lagu dhawaaqo xuduud badeed, ayadoo ay hore Soomaaliya u lahayd xad sugan oo xagga badda ah.

Falanqaynta doodda xildhibaanada marka la dhegeyso waxaa laga filayaa inay go'aan cad ka qaadan doonaan arrinta badda Soomaaliya, taas oo ah wareegii labaad ee Xildhibaanada baarlamaanku ku difaacayaan Badda Soomaaliya.

Go'aannada laga filayo Xildhibaanada Baarlamaanka

Mar haddii xildhibaanadda baarlamaanka DFKMG looga bartay difaaca badda, waxaa laga fili karaa in kulankan ay ka soo baxaan qodobo lagu difaacayo badda Soomaaliya, laguna qeexayo in Soomaaliya ay hore u lahayd xad badeed oo aysan xilligan u baahnayn bad loo xadeeyo, dhulbadeedka Soomaaliya leedahayna uu soo hoos gelayo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Xorta ah, taas oo ah:

1. In Qeexid cad uu Baarlamaanku ka bixiyo in Dhul-badeedka Qaranka Soomaaliya (Territorial Waters) uu yahay 200 mayl-badeed, sida ku cad xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee 1972, xeerkaas Soomaaliya ayadoo aan ka tanaasulin ayay saxiixnay xeerka badaha Adduunka 1982, isla markaasna ayadoo aan ka tanaasulin xeerkaas ayey ansixinay xeerka badaha adduunka 1989, sidaasna uu xeerka badaha adduunku ku dhaqan galay 1994.

2. In Gebi ahaanba Roadmap-ka laga saaro qodobka ku saabsan badda ee dhigaya in EEZ lagu dhawaaqayo 19-ka December 2011. Waayo looma baahna hadda in bad naloo xadeeyo, sida kor ku xusan xadka Soomaaliya ee dhinaca baddu waa qeexnaa.

3. In Haba yaraatee aan Baarlamaanka loo hoos gelin in ay aqbalaan EEZ halkii ay ka ahayd Territorial Waters. Waayo haddii ay aqbalaan EEZ waxay ka tanaasulayaan xeerka Law No. 37, si aysan islamarkaasna si toos ah ugu aqbalin in Soomaaliya dhul-badeedkeedu yahay 12 nm.

4. In Gebi ahaanba DFKMG ay joojiso saxiixyada arrimaha ku saabsan xadaynta badda oo lagu waayayo dhul-badeed.

5. iyo In xildhibaanadu arrimahaas ka soo saaraan xeer sugaya sharcigii Badda Soomaaliyeed ee Law No. 37. Taas si ay u xaqiijiyaana ay xeerkaas ku daraan Dastuurka Dalka si aanba xukuumadi u farageli, ayagoo ku qeexaya in Dhul-badeedka Qaranka Soomaaliya "Territorial Waters" uu yahay 200 mayl badeed oo u dhiganta 370km. Lana kordhin karo Qalfoofka Qaaradda oo la gaarsiin karo 350 mayl badeed oo u dhigma 648km. Waa muhiim in la xuso in la kordhin karo oo la gaarsiin karo 350 maylbadeed.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhur sugayaan go'aamada ka soo baxa kulanka baarlamaanka ee ka socda Muqdisho
 


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la Horkeeney Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda si wax looga Weydiiyo Arrimaha Badda ku saabsan

  • SomaliTalk.com | Oct 2, 2011

Baarlamaanaka KMG oo dooday Arrimaha badda (Oct 2) Dhegeyso - VOA

Dood Baarlamaanka Qayb kale oo kamid ah (oct 2) Dhegeyso - BBC

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta kulan ka yeeshey Arrimo la xiriira Badda Soomaaliya ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 19 Desember la doonayo in la xadeeyo Badda Soomaaliya waxaa Kulankii maanta fadhiyey Xildhibaano kor u dhaafayey Saddex Boqol  waxaana shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Cabdiweli Ibraahim Muuudey isagoo sheegey inta aan laga doodin Badda Soomaaliya uu sheegey  in Badda Soomaaliya Hore loo xadeeyey islamarkaana aysan waqtigaan u baahneyn in la xadeeyo

Marka laga hadlayo xadaynta badda, xukuumadda hadda joogta waxay raacaysaa dariiqii xukuumaddii Cumar Sharmaarke, dariiqaas oo aan ahayn dariiq toosan. Marka waa in laga hawl galo badbaadinta badweynta Qaranka Soomaaliyeed. Akhri/Dhegeyso
 
Wasiirkii hore ee Badda: "Xadaynta Cusub ee EEZ waxaa gacan ku leh Hay'ado Shisheeye, sida Heshiiskii Is-afgarad (MoU)" Akhri/Dhegeyso

Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu uga digey dalaalinta ku howlan Barnaamijka Badda Soomaaliya isagoo yiri “Sharcigii Badda lagu xadeyey waxaa uu yaalaa Qaramada Midoobey marka Ciida haatan ku howlan waxaan leeyahay Badda Soomaaliya waxay la mid tahay Qaranimada Soomaaliya Ciidii isku dayda in arimaha Badda Faragashato waxay Baarlamaanka Soomaaliya ka qaadi doonaa talaabo sharci ah”

Wasiirka kaluumeuysiga iyo Khayraadka Badda Somaaliya Mudne Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim oo ayaa wax laga weydiiyey In Badda Soomaaliya a doonayo in la xadeeyo isla markaana laga dhigo 12 Nautical mile iyo shir la sheegey in uu ka qaybgaley oo ka ddhacay Dalka Seyshells oo lagu waramey in looga hadlayey Ariimaha Badda Soomaaliya isagoo Su’aalahaas ka jawaabaya waxaa uu yiri” Ciida tiri badda Soomaaliya ayaa la xadeynayaa arrinkaa waa ay ka been sheegeen marka waxaan Baarlamaanka Soomaaliya aan ku amaanayaa sida ay mar weliba ay u difaacayaan wax kasta oo Qaranimada Soomaaliya wax u dhimeysa  halkaas ka sii wada howshaas aad ummadda Soomaaliyeed u haysaan”

Mar uu ka hadlayey Shirkii Sheshalis waxaa uu yiri” Shirkaas marnaba laguma Soo qaadin wax ku saabsan badda Soomaaliya waxaa shirkaas looga Hadley arrimo la xiriira Burcad badeedka marka Ciida sheegey in shirkaas looga Hadley ha cadeyso , waxaana idiin ka codsanayaa haddii aad tihiin Xildhibaanada baarlamanka in waqti kale aan kulano si aan uga jawaabo Suaalaha  maadaama maanta aan ay qof Safar ah “

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka hadley Doodaas ku saabsan Badda Soomaaliya ayaa qaarkood waxay sheegey in Badda Soomaaliya keligeed aysan ahayn wax la xadeynayo  balse ay Xildhibaanada ay sheegeen in ay ku jraan Dhulka Soomaaliya waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka loogu baaqan in fadhiga ka kacaan oo ay ka hortagaan waxa lala doonayo badda iyo Berriga Soomaaliyaa iyagoo sheegey in arrimahaan ay ku howlan yihii shirkado Shisheeye oo  u soo hanqal taagaya in shidaalka ku jira badda Soomaaliya lala baxo iyadoo la adegsanyo Dad damiir laawayaal ah oo aan marnaba ka naxayn dalkoda.

Dooda oo halkeeda ka sii socon doonta  ayaa la filaya in maalinta beri ah la iskula soo laabto halkaasna laga sii wado arrimaha la xiriira xadeynta badda Soomaaliya waxayna Xildhibaanada Baarlamanka ay codsadeen in Baarlamaanka la horkeeno Sharciga badda iyo kan kaluumeysiga sidoo kale waxay Codsadeen in  iyana la horkeeno baarlamaaka Soomaaliya Qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan  lagu soo gababageeyey magaalada Muqdisho ee loogu yeerey shirkii wada tashiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Toronto ee dalkasi Canada, October 1, 2011, ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo uu ku dhaliilayo sida ay xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Dr-C/weli Maxamed Cali Gaas ay uga hadashay arrinta Bada Soomaaliya ee lagu soo xad gudbay, islamarkaana ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaanka KMG ah inay intaan la gaarin 19-ka December 2011 kacaan (ka dibadbaxan), islamarkaana guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii loo badbaadsan lahaa xaduuda badda Soomaaliya.. Akhri

Sidoo kale Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG ee xukuumaddii Farmaajo, Maxamed Macallin Xasan, oo ay Sabtidii October 1, 2011 waraysi ku saabsan badda Soomaaliya la yeeelatay Codka Maraykanku,, isagoo ku sugan magaalada London, UK, ayaa caddeeyey in heshiiskii Is-faham (MoU) ee DFKMG la gashay Kenya haddii uu hirgeli lahaa in ay "noqon lahayd furdad ay yeelaneyso Kenya," isla markaasna ay "Soomaaliya ku waayi lahayd dhul-badeed aad u baaxad weyn." Akhri

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2011


SomaliChennelTV oo arrimaha xadaynta badda Soomaaliya ka waraystay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG (Oct 1, 2011)

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: