Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii
Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii
"Waa in Soomaaliya ku dhaqantaa sharcigii Badda ee soo baxay 1988-dii..."
- Goaanka baarlamaanka DFKMG Oct 8, 2011
Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku
aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama
diidan 6-da qodob - waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha
fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto
- SomaliTalk.com | Sabti, October 8, 2011
Go'aanka baarlamaanka FKMG ku difaacay Xadka Badda Soomaaliya:
October 8, 2011
Waxaa u codeeyey: 335 xildhibaan oo ah intii fadhiga ka soo qayb gashay.
Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto . |
Baarlamaanka DFKMG oo Qodobadii Badda ee ay hore usoo saareeen ku soo daray
Qodob Dhul-badeedka (Biyaha Dalka) Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl-badeed oo
keliya oo Territorial Waters AKHRI....
Waxaa ku saxiixan C/weli Muudey in Madaxweynaha ay uu gudbiyeen qoraal
muujinaya in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl badeed
AKHRI |
Go'aankii DHAXAL-DHOWR ee
Baarlamaanka Soomaaliya ku difaacay Xuduudda Badda Soomaaliya
Waxaa maalmahan Xarunta Golaha
Shacabka ka socdey Dood ku saabsan Badda Soomaaliya ka dib marki ay soo baxeen
in Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo u ololeynaya in Badda Soomaaliya la
xadeeyo, waxana Doodaan ka Hadley Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,
sidoo kale waxaa iyana la horkeeney Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda
Cabdiraxmaan Shiikh oo isagu sheegey in Wasaaradiisa aysan marnaba ku howlaneyn
in Badda Soomaaliya la xadeeyo isagoo sheegey in uu soo dhaweynayao Go’aanka
Baarlamaanka ee ku wajahan badda Soomaaliya oo ah in aan Xad loo sameyn karin
Badda Soomaaliya, sidoo kale waxaa iyana kulamada Baarlamaanka ka Hadley
taliyaha Ciidamada Badda Admiral Faarax Qare oo sheegey in Badda Soomaaliya
Duulaan lagu yahay islamarkaana Baarlamaanka uu ka qaato talaabo adag.
Dooddii maanta (Oct 8, 2011) oo aad u
dheereeyd islamarkaana uu shir Gudoominayey Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey
oo ah ku simaha Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxaa Soo Xaadirey ilaa 335
Xildhibaan, waxayna Xubnaha baarlamaanka ay ku mideysanaayeen in
Badda Soomaaliya aan laga hadlin marka la eego Xadeynta Badda Soomaaliya oo la
sheegey in hore loogula heshiiyey Dowlado iyo Shirkado
Shisheeye waxaana qododbadii laga soo saarey Baarlamaanka ka hor akhriyey
Xildhibaan Cumar Islow taasoo lagu soo koobey ilaa lix Qodob oo Muhiiim
u ah Badda Soomaaliya , waxayna kala yihiin:
1. In lagu Dhaqmo Sharciga Badda
Soomaaliya ee soo baxay Sanadkii 1988-dii
2. In Hay’adaha Dastuuriga ee
Kumeel gaarka ah ee dalka; sida Madaxtooyada, Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u
lahayn in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ama ka wada xaajood ku sameeyaan
Xaduud badeedka Soomaaliya, iyo xuduudka hawada iyo dhulka Soomaaliya.
3. Waxaa la laalay ama la
burburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii Caalamiga ahaa ee lala galay
Hay’ado, Dowladaha Deriska ah iyo ururro Caalami ah iyo shakhsiyaad,
islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay
1da bishii Janaayo Sanadkii 1991kii.
4. Xadgudub kasta ama gabood fal
kasta oo wax loogu dhimayo xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya berriga, Badda iyo
hawada sare ee Soomaaliya, waxaa loo aqoonsanayaa duullaan bareer ah oo lagu soo
qaaday Maaxbannaanida iyo Siyaasadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliya.
5. Xukuumad walba oo loo igmado
howsha Dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman Dowladaha
Deriska ah iyo Hay’adaha caalamiga ah.
6. Cid walba oo ku xadgudubta waxa
ay galeysaa dambi ah Khiyaanno Qaran.
Waxaana guddoonka baarlamaanku
sheegay in Soomaaliya ay tahay qaran madax bannaan oo xor ah iyo Soomaaliya
midnimadeedu ay tahay lama taabtaan, oo aan dhulkeeda la kala qaybin karin.
Intaasi kadib ayaa waxa uu
Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob ee la soo
jeediyay, waxaana ogolaatay 335 oo ah xubnihii xildhibaanada ee maanta
soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma
jirto.
Guddoonka Baarlamaanku wuxuu shaaca
ka qaaday, maadaama sharcigaas si buuxda ay xildhibaanadu ugu codeeyeen in uu
sidaas ku yahay xeer sidaas ugu dhaqan galay Soomaaliya oo lagu dhaqmayo
(October 8, 2011).
Sidoo kale Cabdiweli Muudey
ayaa ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay si degdeg ah Baarlamanka u
horkeento heshiisyadii ay la soo gashay Hay’adaha Caalmamiga ah iyo Dowladaha
Caalamka qaarkood, wuxuuna kulankii Baarlamaanka ku soo Gabagaboobey sidii loogu
talagaley iyadoo Dooda Badda ay socotey ilaa afar Maamlmood taasoo Xildhibaanada
baarlamaanka ay ka dhiibteen Fikrado fara badan oo ay ku difaacayeen Badda
Soomaaliya taasoo ay si aad u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed .
Waxaa gadaal ka soo shaac baxay:
Baarlamaanka DFKMG oo Qodobadii Badda ee ay hore usoo saareeen ku soo daray
Qodob Dhul-badeedka (Biyaha Dalka) Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl-badeed oo
keliya oo Territorial Waters
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | October 8, 2011
DFKMG oo Arrimaha Badda sida EEZ ka Saartay Qorshaha Roadmap-ka
Shir
ay Talaada October 11, 2001 Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir
guddoominayey ra’iisul wasaaraha DFKMG Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa
lagu go’aamiyey in “arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada
sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.”
Warsaxaafadeedka ayaa tibaaxay in:
Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo
Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta
arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha
badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee
Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.
Go'aanka Golaha Wasiirada DFKMG waxaa lagu soo
saaray Warsaxaafadeed ku astaysnaa Ref: XRW/OM/PR 0076/10/11 soona baxay
11 October 2011.
Faafin: SomaliTalk.com | October 11, 2011
|