Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti
lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
- Faalladii SomaliTalk.com | April 21, 2013
Dukumiintiga Norway usoo bandhigtay Waftigii Guddomiyaha Baarlamaanka DFS ee
Booqday Norway 6-13 April 2013
Dukumiinti iyo xog ay heshay SomaliTalk.com ayaa tibaaxay in waftigii
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tegey Norway intii u
dhaxaysey 6-13 April 2013, in si qayaxan loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood
ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo
sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya
ee Law No. 37.
Dukumiintigaas Norway soo bandhigtay oo cinwaankiisu ahaa "Law
No.... on the Territorial Sea, the Contiguous Zone and the Exclusive Economic
Zone of the Federal Republic of Somalia", waxaana si qayaxan ugu qoran "In
Badda Dhulbadeedka Soomaaliya noqon doono 12 mayl-badeed."
Qodobka 8aad ee dukumiintigaas Norway
Law No
(............) waxa ku qoran in "Laga laabto ama la baabi'iyo qodobka
1aad ee xeerka Law No. 37 ee Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo baxay 10-kii
September 1972". Ufiirso halkaas: Norway markii ay loodin weydey Law No. 37 ayey
tiri halaga laabto.

Qodobka la doonayo in laba tirtiro
Law No. 37 waxa uu
dhigayaa sidan:
Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, ee booqday Oslo,
waxaa Norwegianku ku yiraah deen: Baarlamaankii Soomaaliya sannadihii 80-naadkii
ma ansixin xeerka Law No. 37, hadalkaas waxaa si kulul uga jawaabey xildhibaan
waagaas ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya oo waftiga la socdey, waxana uu
Norwegiankii si caro leh ugu sheegay "Aniga ayaa ka tirsanaa baarlamaankii
Soomaaliya ee xilligaas, waana meel marinay sharcigaas Law No. 37."
Markale u fiirso dukumiintiga Norway ku dooneyso in lagu burburiyo Law No.
37. Waxaa loo qoray sidan (Law No..... MEEL BANNAAN.... on the Territorial
Sea). Taas oo Soomaalida loo banneeyey in ay meesha bannaan ku buuxiyaan lambar
ay u sameeyaan "sharci cusub" oo badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl -
(waxaan u bixneynaa Xeerka No. ZERO ... EBER.)

Qorshaha Norway ay soo jeedisey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxba kama
dhehin. Laakiin waxaa Norway arrinta ku kululeeyay xildhibaano kale oo waftiga
ka tirsanaa.
Xubnaha
Norwegianka ee khariidadaha, arrimaha badda iyo heshiiskii MoU kala hadlay
waftiga Barlamaanka waxaa ka mid ahaa Amb. Mr. Hans W. Longva. Waxaa
xusid mudan in Mr. Longva uu ka mid ahaa xubnihii goob joogga ka ahaa markii
DFKMG ahayd iyo Kenya kala saxiixanayeen heshiiskii Is-fahamka ee MoU oo April
7, 2009 lagu kala saxiixday Nairobi - markii dambese baarlamaanku ka dhigay Null
& Void..
Waxaa kale oo xubnaha reer Norway ee waftiga la hadlay kamid ahaa Mr.
Harald Brekke. Waxaa xusid mudan in Mr. Brekke uu ka mid yahay
juqraafiyahanada Kenya ka caawiyey xogtii ay Qarammada Midoobey u gudbisatey May
6, 2009. (Eeg
bogga 10aad ee xogtaas), islamarkaasna Mr. Brekke laga soo bilaabo 1997 waxa
uu xubin ka ahaa guddiga go'aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka.

Khariidadaha
ay Norway usoo bandhigtay Waftiga Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa
Map ama
Khariidad muujinaysa qaab aad ugu dhow sida uu dhigayo xeerka Law No. 37 oo
ah 200 mayl-badeed iyo in xadka badda ee Soomaaliya & Kenya in uu ku suntan
yahay xarriiq 90 derejo la samaynaysa xeebta taas oo u socota Koonfur bari, iyo
weliba kordhintii badda ee Qaramada Midoobey ay dalalka xeebaha leh u ogol
yihiin in ay gaarsiiyaan 350 mayl-badeed, waxaana khariidadu muujineysaa
sidaas". Laakiin waxaa lagu xejiyey khariidad kale oo muujinaysa inta Kenya
gudaha u soo gashay badda Soomaaliya. Taas oo loo qaadan karo jees jees.
Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxaa kale oo Norway usoo
bandhigtay sida ay u dooneyso in Soomaaliya hirgeliso heshiiskii is-fahamka ee
MoU-dii Kenya
iyo Dawladdii KMG ahayd (xusuus: Baarlamaankii hore waxba kama jiraan ayey
ka dhigeen MoU, Qaramada Midoobayna heshiiskaasi la tixraaci karin.) Taas
oo jirta ayaa hadalkii Norway ka mid ahaa "Waxaa dani idiinku jirtaa in aad
Kenya la heshiisaan". Waxaana kulamadaas ka qayb galay shirkado Shidaal oo
Norway leedahay.
Arrimahaas waxay si gaar ah ugu qeexan yihiin dukumiinti cinwaankiisu yahay "Somalia
Agreements With Neighbouring Countries Will Allow the Commission To Consider..."
Waxaa kale oo kamid ah dukumiintigii Walad Cabdalla hore ugu diyaariyey
Dawladdii Shariifka, oo Norwayna xilligaas sheegtay inay wax ka caawintay, oo
ahaa "Preliminary
Information Indicative of the Outer Limits of the Continental Shelf."
Waxaa arrin lagu qoslo ahayd in Dukukiintiyada loo soo bandhigay waftiga
Guddoomiyaha baarlamaanka ay kamid ahayd warqad la yiri ra'iisul Wasaarahii
DFKMG Cumar C/rashiid ayaa u qoray Ban Ki-Moon "PM
Omar Abdirashid Ali Sharmake Letter to Secretary General Ban Ki Moon 19 August
2009". Laakiin warqadaasi waxay ahayd mid lagu been abuurtay magaciisa.
Halkaas aan akhritayaasha xusuusino:
- August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaankii
KMG ahaa waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334
xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama
jiraan (NULL & VOID).
-
October 10, 2009 ayaa Cumar C/rashiid waxa uu warqad u qoray ban-ki
Moon, taas oo uu ku wargelinayey in Baarlamaanka Soomaaliya ay waxba kama
jiraan ka dhigeen MoU.
- Is-fahamkaas markii baarlamaanku ganafka ku dhufteen waxaa xanaaqay
Prof. Ibbi oo hormuud ka ahaa kuwa u ololaynayey heshiiskaas muranka
gelinayey badda Soomaaliya.
Waxana Prof. Ibbi uu August 19, 2009 waraaq u qoray Ban-ki-Moon ee
Qarammada Midoobey. Warqaddaas oo uu ku qoray magaca Cumar C/rashiid,
laakiin uu isagu (Prof. Ibbi) saxiixay. Waxana uu ku doonayey in uu MoU-ga
taageero.
-
March 2, 2010 ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya UN waxa uu warqad u
qoray Ban-ki Moon,waxana uu lifaaq ahaan ugu daray warqaddii Cumar C/rashiid
ee October 10, 2009 uu ku wargelinayey in Soomaaliya waxba kama jiraan ka
dhigtay MoU. (Cumar C/rashiid waxa uu ka mid ahaa kuwii markii hore u
ololayn jirey MoU, laakiin waxa uu ku khasbanaaday in uu baarlamaanka
warkiisa u gudbiyo caalamka maadaam uu ahaa hay'addii fulinta.)
- Markaas ayaa qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda
rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii
Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya "in Baarlamaanka Federaalka
kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo
tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin."
Isku soo duuboo marka loo dhaba galo dukumiintiyadii Norway usoo bandhigtey
Waftigii Jawaari, waxaa ka soo ifbaxaya in "Dawladda Federaalka Soomaaliya
laga dhaadhiciyey qorshaha in ay baab'iso xeerka
Law No. 37 ee Dhul-Badeedka Somalia (Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo
baxay 10-kii September 1972 kaas oo dhigaya in badda Soomaaliya ku cabiran
tahay 200 mayl-badeed. Waxaana lagu baab'nayaa qorshe ka soo baxay shirkii
Addis Ababa ee Maarso 2013 iyo qorshaha ay
Norway usoo bandhigtay Waftigii Guddoomiyaha baarlamaanka ee Norway tegey
horraantii April 2013."
Maxaa la gudboon Baarlamaanka:
Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay in ay difaacaan danaha
dalka & shacabka Soomaaliyeed, lana xisaabtamaan madaxda Soomaaliya marka ay ku
tagri falaan awooda, la xisaabtamaan xukuumadda. Haddii xukuumadda iyo guddoonka
baarlamaanku u ka janjeersadaan danta dalka, cidda la xisaabtamaysa waa
baarlamaanka.
Adduunka badankiisu waxa uu xushmeeyaa go'aanada ay golaha baarlamaanadu
gaaraan, sidaas daraadeed barlamaanka Soomaaliya waxaa hadda horyaal in ay
sharci dastuuri ah kusoo saaraan in aan laga laabanayn Law No. 37, uuna yahay
sharci ay lahayd badda Soomaaliya laga soo bilaabo 1972.
Shacabka Soomaaliyeed:
Marar badan waxaa dhacda in madaxda dal ay ku tagrifalaan xukunka ayagoo
danahooda gaarka ah iyo xilkooda fiirsanaya ayna ilaawaan danta caamka ah. Taas
marka ay dhacdo shacabka dalkaas ayaa madaxdooda markale ku baraarujiya cidda ay
matalaan in ay tahay danta guud ee dalka iyo shacabka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaan u dhaafaynaa arrintan.
Lifaaqan ama
halkan ka eeg documents ay Norway u soo bandhigtay waftigii barlamaanka
Soomaaliya ee booqashada ku tagay Oslo 6-13 April 2013.
- FG: Qoraalka intii aanaan daabacin ka hor, markii SomaliTalk heshay
dukumiintiyadaas waxaan la xiriirnay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra'iisul
Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan arrimahaas wax ka weydiiney.
Jawaab kama bixin.
Waxaana lagala xiriiri karaa:
Akhri Law No 37 oo
AfSoomaali loo rogey
Baabintii MoU ee UN-ka markii baarlamaanku ka dhigay waxba kama jiraan:
- (‡) By a note verbale dated 2 March 2010, the Permanent Mission of the
Somali Republic to the United Nations informed the Secretariat that the MOU
had been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government
of Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.
-
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm#(2)_
Dhanka kale Norway waxay Waftiga Barlamaanka usoo bandhigtay qorshe ay Norway
ku dooneyso in ay ku bedesho barnaamijkii Dhaqaale ee Ingriisku usoo jeediyey
Dawladda Soomaaliya ee ahaa "Joint Financial Management Board UK", waxaana taas
bedelkeed Noway waftiga usoo bandhigtay dukumiinti cinwankiisu ahaa "Public
Financial Management Reform in Somalia - The Special Financing Facility (the
SFF) 10 April 2013".
Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2013 |