SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Heshiiska DFKMG iyo Shirkadda HallidayFinch waxa uu shacabka Soomaaliyeed soo xasuusinayaa Heshiiskii TopCat

Heshiis ku sabsan in Shirkad Shisheeye ay masuul ka noqoneyso bixinta Shatiyada (laysanka) lagaga kalluumaysan karo Badda Soomaaliya, heshiiskaas oo aan weli la horgeyn Baarlamaanka DFKMG...

  • SomaliTalk.com | March 30, 2012

Shirkad DFKMG heshiis kula gashay in ay qaadanayso boqolkiiba 30% dakhliga ka soo baxa Kalluumaysiga Soomaaliya iyo weliba boqolkiiba 2% dul socod ah.....

25-kii Febraayo 2012 ayaa warsaxaafadeed aan lahayd tixraac xukuumadda KMG waxaa lagu faafiyey shabakadda shirkadda lagu magacaabo HallidayFinch, waxaana markaas la sheegay in warsaxaafadeedkaas uu soo saaray Wasiirka Difaaca ee xukuumadda FKMG, Xuseen Carab Ciise.

Warsaxaafadeedkaas waxaa ku qeexnaa in Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise oo ku dhawaaqay sidan "anagoo caawinaad ka heleyna dhawr dal oo ka tirsan beesha caalamka iyo jaal aan la noqonay shirkadda caalamiga ah ee HallidayFinch, waxaan si dhaqso ah u dhaqan gelineynaa Ciidan DFKMG oo la dagaalama Burcad badeedka. Waxaana tabaraka iyo sahayda bixinaya shirkadda HallidayFinch".

Waxaa kale oo warsaxaafadeedkaas ka soo baxay Wasiirka Difaaca DFKMG, ku qornaa in wixii akhbaar dheeraad ah ee ku saabsan arrintaas lagala xiriiri karo emailka Shirkadda HallidayFinch.

Arrimahaas markii ay soo baxeen waxaa shacabka Soomaaliyeed u arkeen arrin aan caqli gal ahayn oo u muuqatey macmal, maadaama aan qoraalkaasi u qornayn si cilmiyaysan, lahayn tixraac xukuumadeed iyo taariikh ku suntan toona, isla markaasna lagu xusay in Warsaxaafadeedka wasiirka difaaca lagala xiriiri karo emailka Shirkad shisheeye.

Laakiin waxaa Jimcadii (March 30, 2012) heshiiskaasi in uu jiro xaqiijiyey Wasiirka Difaaca DFKMG oo waraysi uu la yeeshay idaacadda codka Maraykanka ku xaqiijiyey in uu heshiis isagu la saxiixday shirkadda HallidayFinch. Waxa kale oo Idaacaddu waraysatay madax ka tirsan Shirkaddaas oo faahfaafiyey heshiiskaasi in uu jiro.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay heshiiska uu Wasiirka Difaaca DFKMG la saxiixday Shirkadda waxay sheegayaan in heshiisku dhigayo in Shirkaddaasi ay masuul ka noqoneyso bixinta Shatiyada (laysanka) lagaga kalluumaysan karo Badda Soomaaliya. Arrintaas oo xad gudub weyn ku ah xornimadda Qaranka Soomaaliyeed. Waxa kale oo jira lacag joogto ah oo u soconeysa shirkadda iyo yadoo saami badan ku yeelanaysa macaashka mashruuca.

Dhanka kale Shirkadda HallidayFinch sida ay websitekooda ku qoreen waxay sheegeen in ay shaqaalaysiinayaan 60 rag ah oo ay u shaqaalaysiinayaan kuwaas oo qaabilsan la dagaalanka burcad-badeedka. Waxayna shirkaddu sheegtay Qofka shaqadaas soo dalbanaya waa in uu lahaado khibrad milateri oo khaaska ah, ama ciidan badda ama qaybaha kale ee militariga. Laakiin waana in raggaasi ay ka yimaadaan ama u dhasheen dalalka UK, US, EU, ama South Africa, waa sida shirkaddu ku qeexday websitekeeda.

Waxana shirkaddu sheegtay in 10 sano ay mashruucaas ku bixi doonto 900 million oo doolar. In kasta oo uu hadalkaas yiri haddana heshiiska waxaa ku qoran in uu dhacayo 2016, ayadoo aysan jirin in baarlamaanka Soomaaliya ansiyey, ama lama horgeynba.

Heshiiska Shirkadda Halliday Finch iyo DFKMG oo markii hore loo gudbiyey xukuumaddii Farmaajo, markii dambena xukuumadda C/weli Gaas (oo Nuqul kamid ah aad ka akhrin karitid halkan) waxyaabaha cajiibka ah oo ku qoran waxaa ka mid ah in xeerka sharcigan lagula dhaqmayo xukuumadda FKMG uu yahay xeerka dalka Ingiriiska u dhigan, halkaas oo ay muujineysa in gebi ahaanba aan xukuumadda FKMGu muuqan dawlad xor ah u ah sharcigeeda.

Waxa kale oo heshiiskaas ku cad in DFKMG ay shirkadda siineyso boqolkiiba 30% dakhliga ka soo baxa Kalluumaysiga Soomaaliya iyo wilba boqolkiiba 2% dul socod ah iyo kharash kale.


Nuqulka Heshiiska Shirkadda Halliday Finch iyo DFKMG

Waxaa kale oo xad gudub ku ah shacabka Soomaaliyeed in heshiiska ay ku xusan taahy in badda Soomaaliya ay tahay EEZ taas oo ah middii shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen, waayo cabbirka badda Soomaaliya waa Territorial Waters. Hadalkaas EEZ wasiirka Difaaca DFKMG ahna waxa uu ku xusay wareegtadiisa ayadoo la ogyahay baarlamaanka DFKMG uu hore u sheegay in aan xukuumaddan KMG ahi fara gashan karin cabbirka badda Soomaaliya.

Waxa kale oo heshiiska ku cad intiiba aan heshiiska la saxiixin in shirkaddu sheeganeyso lacag qaan ah oo ka badan $97,000 taas oo ay tiri waa ka baxday shirkadda.

Arrimahaas oo si dardar ah ku socda ayaan haddana heshiiskaas la hor geyn baarlamaanka DFKMG, mana ansixin baarlamaanka Soomaaliya. Afhayeen u hadlayey shirkadda waxa uu waraysiga VOA ku sheegay in heshiiskan dhanka xukuumadda FKMG ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo wasiiro kale oo uusan magacaabin.

Shirkaddan HallidayFinch ayaa xafiis ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dalka Kenya waa dalka cabirtay Block L5 oo ah gudaha dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ku beegan Raaskambooni halkaas oo ay shidaal ka baaranayso, ayadoo hadda ay ciidamaduudu si xad gudub ah ku joogaan aagga Raaskambooni ee ciidda Soomaaliyeed.

Shirkadda HallidayFinch qaabka ay heshiiska ula gashay DFKMG waxay shacabka Soomaaliyeed soo xasuusineysaa heshiiskii DFKMG iyo Shirkaddii la baxday TopCat heshiiskaas oo ku saabsanaa in shirkaddaas TopCat ay ku andacooeneysey in ay ilaalin doonto xeebaha Soomaaliya, waa heshiis la mid ah sida shirkaddan cusub ee HallidayFinch. Heshiiskii TopCat iyo DFKMG ayaa socon waayey kaddib markii Shacabka Soomaaliyeed ku baraarugeen cawaaqibka heshiiskaasi.

Waxaa sidaas oo kale socon waayey heshiiskii Xaafuun ee shirkaddii HAFZA ee dooneysey inay kiraysato Xaafuun muddo hal qarni ah (99 sano).

Haddii aan u soo laabano heshiiskan cusub, waxa waraysiga Idaacadda Codka Maraykanka ay shirkaddu ku xaqiijisay in heshiiskaasi yahay kii ay hore ugu direen xukuumaddii Farmaajo, waxa keliya oo is bedeley uu yahay Ra'iisul wasaaraha (Gaas oo bedeley Farmaajo). Laakiin mar arrinta heshiiskaas waxa uu kala socdo wax laga weydiiyey Maxamed Faraajo waa uu ka warwareegey.


Warsaxaafadeedkii wasiirka Difaaca ee aan tixraaca iyo taariikhda lahayn

Waxaa jira warar sheegaya in Shirkadda Halliday Finch ay 52 million oo doolar ka heshay xukuumadda Kuwait in kasta oo arrintaas ay shirkaddu tiri ma jirto. Laakiin sida shacabka Soomaaliyeed xasuustaan waxay ahayd 2008 markii heshiis dhex maray DFKMG iyo shirkadda reer Kuwait ah oo ku saabsanaa in ay Soomaaliya loo sameeyo hay'adda Bartoolka oo markaas ay shirkadu leedahay boqolkiiba 49%. Heshiiskaas oo socon waayey.

Shacabka Soomaaliyeed waxay baarlamaanka DFKMG ka sugayaan in ay xukuumadda si degdeg ah uga dalbadaan in heshiiska dhex maray wasiirka Difaaca iyo shirkadda HallidayFinch la hor keeno baarlamaanka.

Tixtaac:

- Heshiiska Shirkadda Halliday Finch iyo DFKMG

- Waraysigii Idaacadda Codka Maraykanka VOA Jimce March 30, 2012

- Halkan ka akhri Warsaxaafadeedkii wasiirka Difaaca DFKMG

- Akhri qoraalladii laga qoray heshiiskii TopCat 2005

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2012

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: