Boobka Badda (Indian Ocean) iyo
Soomaali oo noqotay Agoon loo Itaal sheegtey
- Qore: Yasin abdi Jama (Yasin Garad)
Email: gara0022@gmail.com
Mahad
Illaah baa leh, nabad galyo iyo naxariisu Nebi Muxamed(CSW) korkiisa ha ahaato
Noloshu
xaraaraa
Ayaamuhu xasarad badanaa
Taariikhduna xanuun badanaa.
Waxaa layiri nin Soomaali ah ayaa isku subax wuxuu aasey oo
ciidda ku wada rogey aabihiis iyo wiilkiisii curadka ahaa. Subaxaasu wuxuu
noqdey kii ninkaas ugu naxdin iyo murugo badnaa intii uu noolaa. Ninkii oo
murugeysan ayaa wuxuu yiri oraahdan:
“Aboow malaga yaabaa inaan subax saaka ka dambaysa
naxo”. Wuxuu u qaatey in wixii naxdin iyo murogo la oran jiray ka
dhamaadeen
Meesha ninku joogaa waa miyi, wuxuu dhar iyo hanti
haystaana waa iska yaryihiin. Waxaa layiri markuu qabrigii aabihiis iyo
curadkiisii kasoo dul dhaqaaqey ayaa maradii ama macawistii uu xirnaa waxaa ka
qabsadey geed oo gees ilaa gees jeexay(dilaacshey). Hadda ninkanu waa kii lahaa
“Aboow Malaga yaabaa inaan subax dambe oo saaka ka dambaysa naxo”
Ninkii wuxuu ka naxay sida macawistiisii u dilaacdey,
markaasuu anta madaxa gacmaha saartey wuxuu yiri “Haheey tanina ma ii
laabnayd”
Waxaan sheekadan u soo qaatay
waxaan noolaa oo goob joog ahaa ummadda Soomaaliyeed oo Qaran ah oo laga
haybaysto oo ayadu u dooda xuquuqda ummaddaha la dulminayo. Idaacadahana laga
qaado “Boortaqiis ma mariyeen Angoola, South Africa ma moogi”. Waxaan
xasuustaa oo goob joog ahaa bur-burkii iyo dhibkii ku dhacay ummaddan iyo sidey
cadawgeed ugu jabtey. Bur-burkaas markaan ka fakaro waxaan is weydiiyaa su’aasha
ah malaga yaabaa in ummaddanu kasoo kabato dhibkii gaaray oo mardambe cagaheeda
ku istaagto?
Su’aashaas jawaabteeda markaan ka
fakaro waxaa ii soo baxda in ay adagtahay in ummaddaanu soo ceshato
qaranimadeedii iyo sharafteedii ka luntay laakiin ay sahlantahay inay dabar
go’do ama dulinimo ku noolaato.
Ummadi markay kufto ama jabto
kama soo kabato dhibkaas gaaray hadii aan lahelin arimaan hoos ku xusan:
(1) in ummadda dareenkeedu is
badalo oo ay garato meesha dhibku uga yimid iyo dhibka ku dhacay wuxuu yahay.
Garashadaas waxay sababaysaa in ummadu ka leexato dariiqii u horseedey
burburka. Dawadani waa mid aan Soomaali wali ku guuleysan inay hesho waxayna
wali ku taagantahay dariiqii ay markii horaba keenay bur-burkeeda.
(2) in ummaddu leedahay walaal
diineed oo la qaybsada dhibka ku dhacay kadibna gacan qabta oo wax u badbaadiya.
Waxaa taariikhdu na baraysaa ummaddo badan oo anta bur-bur lugaha lagaley ay
bad baadiyeen ummado diin ahaan ugu damqaday. Tana iska illoow oo waa arin aan
Soomaali horay u soo marin mustaqbalkana la filayn.
(3) In ummaddu leedahay saaxiib
siyaasadeed(political friend) oo looga haybaysto ama looga baqo. Ummadaha ama
dawladaha aduunka in badan oo kamida malaha tabar iyo xoog looga haybaysto,
laakiin waxay leeyihiin ama ku tiirsanyihiin saaxiibo iyo dawlado kale oo lagu
tixgaliyo ama dartood looga baqo. Arintanina waa mid aysan ummadda Soomaaliyeed
waligeed ku guuleysan marka laga reebo xiligii yaraa ee ay dawladii kacaanku
gacan saarka layeelatay Midowgii Soofiyeed(Soviet Union).
(4) In ummaddu leedahay daris
wanaagsan oo aan jabkeeda ku farxayn ama bur-burkeeda ka qayb qaadan. Waxaa
jira ummado sida Soomaaliya oo kale u bur-buray laakiin ku bad baaday dariskooda
dartiis. Tusaale ahaan wadanka Afgaanistaan waxaa ku dhacay burbur la mid ah kan
Soomaaliya ku dhacay, laakiin waxaa gacan qabtay walaalahooda reer Pakistan.
Soomaaliya walaalka kaliya ee ay Bariga Africa ku leedahay waa Jabuuti
ayana waxay dawladeedu siyaasad ahaan taageertaa wixii Itoobiya Soomaaliya ka
rabto. Dariska Soomaaliya intiisa kalana waa kuwii dhigey meesha ay maanta
Soomaali taalo mana ogolaan doonaan inay dib dambe madaxa ula soo kacdo.
Markaan arimahan aan kor ku soo
sheegey fiiriyo ama ka fakaro waxaa ii cadaata in Soomaaligu uu halis uyahay
inuu dabar go’o oo ay adagtahay inuu ka badbaado godka uu ku dhacay.
Waxaan is weydiiyaa mar hadii
dalkii iyo dawladnimadiiba sidaas nagu dhaafeen oo faraheena ka baxeen maxay
micno samaynaysaa in wax kale laga hadlo oo Baddu ku jirto. Soo dalka iyo
dawladnimadu kama qiima badna wixii kale ee kasoo haray oo ay Baddu ku
jirto. Hadana waa meeshii ninkii wiilkiisa iyo aabihiis aasey ka yiri markii
macawistu ka dilaacday tana ma ii laabneyd oo maalin kasta waxaad
maqlaysaa waxyaabo murugo iyo qalbi dilaac kuu keena.
Waxaan xasuustaa ayadoo
Soomaaliya schoolka naloo ku dhigo xiligii iyo qaabkii loo qaatey Soomaali
Galbeed iyo NFD iyo sidii Ingiriisku u siiyey dhulalkaas Kenya iyo Itoobiya.
xiligaas markii taariikhdaas naloo sheego waxaan eedeyn jirney urururadii
gobonimodoonka Soomaaliyeed oo xiligaas joogay iyo guud ahaan dadkii
Soomaaliyeed ee markaas noolaa oo waxaan dhihi jirney Doqomo ayagoo nool oo
taagan baa dhulkoodii cadawgu qaatay.
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa
“ Hadal gefa (laqwi) Illaahay waa kaa yeersiiyaa laakiin kaagama haro” Anagii
Soomaalidii hore eedayn jirnay baa maanta dhulkeenii horteena lagu boobayaa oo
hadana aanaan lahayn cod iyo tabar midna aan uga ceshano cadawga boobaya.
Waxaa xiligan kawaanka saaran
Badweynta Soomaaliya oo layiri waxaa lagu samaynayaa xadeyn cusub, waxaana
cabirkeeda ama xadka Badda Soomaaliya laga soo reebayaa 12 NM. 188 NM oo
kalana waxaa laga dhigayaa economic zone iyo wax dunidu u simantahay oo ayna
Soomali cidna ka xigin.
Badweynta Hindiya waxaan ku
leeyahay geesiyaashii Soomaaliyeed ee ku difaaci jiray oo soo iibin jiray
Maraakiibta Gujiskaa iyo doonyaha dheereeya oo lagugu waar diyeeyo hortaa ayay
dhinteen oo ciida galeen. Wiilashii inay ku difaacaan loo tababaray oo tuutaha
dartaa ugu labisnaan jiray magoocoodana la oran jiray Raxan majoogaan oo
qaarna waa dhinteen qaarna waa kaa fogaadeen. Hadaad moodey in Aden C/lle
Cismaan, C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Siyaad Bare noolyihiin oo aan
agtaada cidi qori ka jabsan karina waad riyoonaysaa oo kuwaasi mar hore ayey
ciida ka hoos mareen waxaana kuu soo haray kuwa hada ku xaraashaya ee taa
ogsoonoow.
Hadaba yaa ku difaacin oo aad u
ooyin, ma waxaa ku difaacaya Cali Mahdi oo asagoo sheeganaya Madaxweyne
iyo Nuur Cilmi Cismaan oo ahaa wasiirkiisii caafimaadka oo maalintii
Dawladii Soomaaliya dhacdey anta labadii Company ee laga kala lahaa Italia iyo
Swizz oo midkood magaciisa la oran jiray Expresso anta ka qaatay lacag
lagu sheegey 80 Million oo Dollar u saxiixay in lagugu shubo haraadiga suntan
Nukleerka (Nuclear Toxic). Sida ay cadaysay United Nation Environmental
Protection (UNEP).
Mise waxaa ku difaacin
Shariif Xassan oo asagoo sheeganaya Af-hayeenka Baarlamaanka Soomaaliyeed,
Kenya ku tiri waxaan Canshuur idin kaga qaadeynaa Soomaalida kunool Kenya ee in
Badda Soomaaliya xadeyn cusub lagu sameeyo ogolaada yeelay oo raali ku soo
noqdey arintaas. Mise mawaxaa ku difaacin Omar C/Rashiid Cali Sharmaarke
oo asagoo sheeganaya Raysal wasaare Soomaaliyeed anta bilaabay bixintaada iyo
Murankaaga kadib markii shacabka Soomaaliyeed ku kaceen London kayiri
arinta Badda waa nala ku qayaamay. Mawaxaa ku difaacin C/raxmaan
C/shakuur oo anta qalinka kugu duugay oo anta dalka Kenya kugu saxiixay
Warbaahinta ka yiri anigaa sharci yaqaan ah oo inaan Badda saxiixo waa sax
dadka qayl qaylinayaana(Buuqayana) waxba makala oga.
Mise waxaa ku difaacaya Pro
Ibbi oo asagoo sheeganaya wasiirka Baddaha Soomaaliya anta warbaahinta soo
istaagey yiri Kenya waxay cabiratay qayb Badda Soomaaliya kamid ah oo
waxay UN ta u gudbisatay cabir qaloocan oo uu ku jiro qayb Badda Soomaaliya
kamid ah, hadana arintaas difaacay oo yiri inaan aqbalno cabirkaas waa sax waayo
waxaan ahay nin karti iyo aqoon leh waxaana bad baadinayaa badda Soomaaliya.
Mise waxaa ku difaacin Shiikh
Shariif Sh. Axmed oo asagoo sheeganaya Madaxweyne Soomaaliyeed markii
lagu yiri Baddii Soomaaliya waa laqaatey ku jawaabay “Aa been iyo
borobagaando dawladeyda lagu ridayo”. Kadibna anta Kampala tagey soo
saxiixay wax lagu magacaabo Kampla Accord oo ay ku qorantahay
Baarlamaanku mooshin ama dacwo kama keeni karo xukuumada mudo hal sano ah.
Malaha u jeedada Kampala Accord waxay ahayd in halka sono gudihiisa lagu
saxiixdo Badda Soomaaliya.
Mise
waxaa ku difaacin Cabdi Wali Gaas oo asagoo sheeganaya Raysal wasaare
Soomaaliyeed isla mar ahaataana sheeganaya aqoonyahan haysta Phd anta
Xamar ku qabtay wax lagu magacaabay Shir dib u heshiineed ka soo saaray
qoraal loo bixiyey Road Map oo Af-Ingiriis ku qoran oo ay qodobadiisa ka
midtahay (I) (EEZ declared by 19 December 2011). Micnuhu waa Soomaaliya waxay
ku dhawaaqidoontaa Bisha December 19, 2011 xuduuda Badda Soomaaliya. Sidii in
aysan xad lahayn hadda ka hor oo uu asagu ugu horeeyo qof xad u sameeya. Kadibna
asagoo qudbad kajeedinaya UN ta ku cel celiyey “waan fulinayaa, waan meel
marinayaa Road Map kii kasoo baxay Shirkii dib u heshiisiinta Muqdisho”
Bal
waxaad is weydiisaa hadii aad tahay qofka Soomaaligaa ee qoraalkan aqrinaya
sababta ay shir dib u heshiineed oo Soomaali looqabtay uga soo baxday qodob ku
saabsan xuduuda Badda. Shirku ma wuxuu ka dhexeeyey 2 wadan oo isku haysata Bad,
mise Qabiilo Soomaaliyeed oo Badda wada leh, bal xagee iska soo galeen shirka
Xamar lagu qabtay iyo xadaynta Baddu?.
Cabdi
Wali Gaas
markuu UN ta ka qodbeeyey kadib asagoo jooga wadanka
Maraykanka
gobolka Virginia ayaa muwaadin Soomaaliya weydiiyye sababta keeney in
dawladiisu Badda Soomaaliya xaduudeeda muran galiso? Wuxuu ku jawaabay
“Hadaan sheegano 200 mile waxaan galeynaa Jidda”
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ruuxii aragiisu ku deeqo ayaa oontiisu ku
deeqdaa. Wallee nimankan hadalkooda iyo aragoodu waa isku egyahay. Hadaba
Indian Ocean yaad u qayla dhaansan tola’ay waa ku qabataaye
Gabyaagii Soomaaliyeed Gaariye
gabay uu diriyey mudo hore ayaa mirhiisa waxaa kamid ahaa “dharaar baa
iman doonta Mujrim ooga madoow Islaam sheeganayaa agablaay hambadaada isa sii
kaba raacsho”
Sayid Maxamed C/Xassan oo u jawaabayey
kuwo ku farxay jabkii daraawiish jabtay markii Ingiriisku Diyaaradahii Royal
Guard ku duqeeyey ayaa wuxuu yiri
Waa niman Illahay dirayoo doorshayoo rogaye,
waa niman dolool loo qalbiga daabac kaga yaale,
Dib wixii u dhicin waa waxaan doc ka rahaynee
Indian Ocean
kuwa ku xaraashaa waxay lamidyihiin kuwaas uu Sayid Maxamed C/xassan
tilmaamayo taariikh iyo dib wixii u dhicina waxba kama garanayaa. Waa kuwo
Illaahay dhuuxooda dhareer u badaley, dhiigoodana dhoobo iyo xinjiro u badaley.
Waa kuwo aan Illahay uga baryeyno inuu Dhulka korkiisa ku fadeexeeyo hoostiisana
ku ciqaabo
Gabyaagii Soomaaliyeed Axmed
Dirir gabay uu tiriyey baa mirihiisa waxaa kamid ahaa
“Ilaan waxaa ooyda gabar aabe leh oo ehel u muuqdaaye agab li’idu waa waxa
cidlada loogu awdaley”
Indian Ocean kuwii ku difaaci lahaa waa kuwa
ku bixinaya, bixintaadana qiilka iyo xujada u raadinaya. Gabyaa Soomaaliyeed oo
magaciisa la oran jiray Jaamac Orshe ayaa waxaa la diley nin uu aad u
jeclaa, asagoo cabiraya ciilkii iyo murugadii haleeshey ayuu gabay wuxuu ku yiri
“Ilmeeyayey sidii agoon nin u itaal sheegtey”
Indian Ocean
waxaad noqotay agoon aabaheed dhintay waxaana kuu itaal sheegtay kuwii
canshuurtaada iyo kaluunkaaga ku koray, abaal gud kaaguna wuxuu noqday in ay
maalina Sunta Nukleerka kugu shubaan maalina ku xaraashaan. Indean Ocean
rag malihid laakiin Rabi baad leedahay ee u dulqaado xaraashka iyo Sunta Nuclear
waayo hadaad leedahay rag dartood lagaaga baqo sidaas laguuma galeen. Laga yaabe
inuu Illaahay kuu soo saaro geesiyaal kaa difaaca doqomada ku xaraashaya.
Baaq ku socda Baarlamaanka
In kastoo magaca Baarlamaan uu
yahay magac qurux badan markii kor laga eego laakiin ay balaayo hoostiisa iyo
dhexdiisa fadhido oo ay ku jiraan kuwii gabdhaha Soomaaliyeed kufsan jiray,
kuwii shacabka Soomaaliyeed Isbaarada u dhigan jiray, kuwii anta Itoobiya soo
hor orda ku xasuuqi jiray dadka Soomaaliyeed iyo dalkoodaba. Hadana Soomaalidu
waxay ku maah maahdaa “Madax muuqda iyo Midi Saawir ah midna lagama samro”
Waxaan la hadlayaa wixii damiir iyo dadnimo ku hartey ee ku jira meeshaas.
Waxaan leeyahay waxaad tihiin
kuwa ayagoo taagan maalin kasta ummadda Soomaaliyeed loola bareerayo wax
taariikhda iyo dadnimada ku fool xun. Waxaad tihiin kuwo aan taariikh fiican ku
lahayn ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda. maanta waxaan idinka codsanayaa inaad ka
hortagtaan dhaca loogeysanayo hantida ummadda Soomaaliyeed. Hadii aydaan waxba
ka qaban karin waxaan idinka codsanayaa inaad meesha isaga tagtaan oo aydaan
ogolaan in hortiina lagu qaato Badda Soomaaliya. War hooy gabyaa Soomaaliyeed
ayaa wuxuu yiri “Quruumaha dambaa kugu nacalada ficilka qaarkiis”
war hooy hadooranina in taariikhdu idin nacalado. Warhooy yey idinla
weynaan shilimada laydin siiyo ee fiiriya waxa dalkiina iyo dadkiina lagu
samaynayo.
Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed .
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu
baaqayaa inay ogaadaan nimanka dhulkooda xaraashayaa in aysan ahayn muwaadiniin
Soomaaliyeed oo damiir iyo Diin midna leh ee ay yihiin duli caooshood u
shaqaystayaal uu cadawga ummadda Soomaaliyeed ku adeegto. Shacabka Soomaaliyeed
waxaad ogaataan in kastoo aan maanta dabar daranahay waxaad iska qabateen oo
dhulka dhigteen kuwa dhulkiina xaraashaya kuwo ka xoog badnaa, kana hub iyo
ciidamo badnaa. Waxaad tihiin shacabkii dhulka dhigey qab qablayaashii iyo
dagaal oogayaashii dadka iyo dalka Soomaaliyeed duleeyey.Waa in loo midoobaa
layskana qabtaa damiir iyo diin laawayaasha ku hoos dhuumanaya magaca
Soomaaliyeed ee aan astaahilin inay huwanaadaan magacaas.
Baaq ku wajahan culumadda Soomaaliyeed .
Culimada Soomaaliyeed waxaan
leeyahay taariikhda Soomaaliya waxaad ku dhex leedahiin taariikh qurux badan iyo
mid fool xun intaba. Waxaa idin kamid ahaan jiray kuwo u halgamay oo nafdoodii
iyo maalkoodii u bixin jiray ummaddan wanaageeda. Waxaa idin kamida kuwo runta
iyo xaqa aan cidkale darteed uga gaban. Waxaa idin kamida kuwo taageera cadawga
iyo gumaystuhu wuxuu wato. Hadaad maanta ka aamustaan oo aydaan ummadda
Soomaaliyeed u cadayn waxa ay falayaan nimankan qaarkiin leeyahay waa dawlad
Islaam ah oo shareeco qaadatay. ogaada waxaad taariikhda ku yeelan doontaan
magac xun oo aan hari doonin. Culumada Soomaaliyeed waxaad hormuud ka ahaydeen
dadkii bur-buriyey ama dadka ku kiciyey dawladii Soomaaliya. Waxaan xasuustaa
culumo faagaarayaasha ka oran jiray dawlada Soomaaliya waa gaalo diinta ka
baxdey in la adeecaana ma banaana. Daliilka iyo xujada ay culumadaas ku doodi
jireen waxay ahayd dawladu waxay laysay wadaado, Kitaabka Quraankaana waa ku
jees jeestay. Haddii arintaas daacad idinka ahayd kuwa maanta dawlada
sheeganayaa Diinta islaamka waa ku jees jeesaan oo maalina waxay dhahaan
shareecada Islaamka ayaan qaadanay, maalina waxay dhahaan shareecada aan
qaadanay maaha mida lugaha iyo gacmaha jarta. Mar waxay dhahaan shareecada ayaan
qaadanay marna waxay dhahaan 4.5 ayaa kitaab noo ah oo aan aaminsanahay. Haddii
dawladii Soomaaliyeed lagu haystay 10 wadaad ayey dishey kuwaanu waxay dadka
Soomaaliyeed u laayaan boqol boqol iyo kun kun ayagoo waliba u adeegsanaya
shisheeye. Hadana waxay xaraashayaan hantidii ummadda Soomaaliyeed. Hadii waxaad
dawladii Soomaaliyeed ku haysateed run idinka ahayd waa inaad maantay Fadwo
kasoo saartaan in aan nimankan la adeeci karin, Muslimiina ayna ahayn. Hadii
kale culumo nimadiina waxaa saaran calaamad su’aal? taariikhdiinana waxaa ku
taal bar madoow oo aan ka go’i doonin.
Marka
laga hadlayo xadaynta badda, xukuumadda hadda joogta waxay raacaysaa
dariiqii xukuumaddii Cumar Sharmaarke, dariiqaas oo aan ahayn dariiq
toosan. Marka waa in laga hawl galo badbaadinta badweynta Qaranka
Soomaaliyeed. Akhri/Dhegeyso
|
Wasiirkii
hore ee Badda: "Xadaynta Cusub ee EEZ waxaa gacan ku leh Hay'ado
Shisheeye, sida Heshiiskii Is-afgarad (MoU)"
Akhri/Dhegeyso |
Baaq ku socda Aqoonyahanka Soomaaliyeed
Aqoonyahanka Soomaaliyeed
ee wadanimada iyo damiirka leh waxaan leeyahay, waa in aan arintan laga aamusin
lana fiirsan ee laga kacaa loona istaagaa sidii dhulkan looga celin lahaa
dugaagaan bililiqada ku wada. Waa in ummadda Soomaaliyeed loo cadeeyaa waxa
dadkaanu samaynayaan.
Waxaa amaan iyo xusid mudan
shiqsiyaadka Soomaaliyeed ee waqtigoodii iyo cilmigoodii u huray difaaca Badda
Soomaaliyeed. Gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa Generaal Faarax Qare oo
aan ka abaal dhicin shacabka Soomaaliyeed ee uu canshuurtoodii wax ku bartey oo
uu qaatey go’aan geesinimo leh. Asagoo ka gil gishey boobka lagu hayo Badda
Soomaaliyeed isna hortaagey intii tabartiis ah boobka lagula kacayo Badda
Soomaaliyeed.
Gebagabadii
Illaahoow
waxaad tahay Illaaha
dunida maamula oo aan cid kale la maamulin. Illaahoow waxaad tahay Illaaha og
waxa mustaqbalka dhici doona. Illaahoow haday dhimantahay in maalin maalmaha
kamida Soomaali cagaheeda ku istaagi doonto oo ay gaari doonto inay cadawgeeda
la xisaabtanto, calooshood u shaqaystayaasha dhulkeeda xaraashayana cadaalada
hor keeni doonto. Ilaahow maalintaas soo dadaji oo nagaarsii anagoo nool.
Allaahu ma aamin, Allaahu ma aamiin, Allaahu ma aamiin.
Yasin abdi Jama (Yasin Garad)
gara0022@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2011 |