SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Prof. Dalxa oo Radio DANAN ku eedeeyay Ka hadalka heshiiska badda Somalia iyo Kenya

  • Isha: Danan Radio, Muqdisho, May 4, 2009

    dalxa

    Hadalladii Kala duwanaa ee Prof. Dalxa ka yiri Heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray DFKMG & Kenya: Soo rogo(mp3) ama Dhagayso ama Halkan(mp3)
    Isha: BBC-Som, CodkaBeesha & DananRadio

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamanka Soomaliya Prof: Maxamed Cumar Dalax, oo shalay ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay maalinta saxaafadda adduunka ee 3-da May, xafladaasoo ka soconeysay hotelka Sahafi ee magaalda Muqdisho.

Dhalxa ayaa eedeyn aan meelna ku saleysneeyn iyo been abuur u soo jeediyay Radio DANAN, wuxuuna ka been sheegay, su’aalo lagu weydiiyay barnaamijka Garqaad, oo uu xiligaas marti ku ahaa su’aalana laga wediinayay heshiis la sheegay iney dhawaantan kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Kenya.

Hadaba su’aalaha la weydiiyay oo gaarayay ilaa iyo 12-su’aalood ayaa u badnaa dhanka heshiiskaa ay wada gaareen labada dowladood ee aanu kor ku soo xusnay, su’aal uu weydiiyay wariyihii habeenkaa barnaamijka tabinayay oo ahaa Ismail Taxte una dhigneyd sida tan:- marka laga soot ago mucaaradkiina dadka qaar ayaa shaki ka muujiyay heshiiska badda ee Somalia iyo Kenya in dhul badeed Soomalidu leedahay laga iibiyay Kenya, maxaa taa ka aaminsantahay?

Isagoona markaa uga jawaabay sidii ay ula muuqatay sheegayna inuu ka aaminsan yahay waxa dhamaanba xildhibaanada tiuradooda la kordhiyay ee baarlamanka Soomalia ka aamin san yihiin uu dhankiisa isna ka amain san yahay.

Balse nasiib darro Prof Dhalxa ayaa shalay goob la isugu yimid ka yiri “waxaa soo baxay idaacad DANAN la yiraa oo badda un ka hadleysa, waxey igu soo cel celiyeen su’aasha badda la iibsadaa la leeyahay?

Waxaana sida su’aalaha la weydiiyay dhalxa cid kasta ay ka dhageysan karto aan ku jirin in idaacadda DANAN aysan su’aalin marnaba badaa la iibsaday, balse la weydiiyay sida dadka qaar aamin san yihiin in baddii la iibsaday?

Taasoo masuulkaasi uu isaga oo qosol jees jeesaya dad badan ka hor yiri si,u muuqata ka fiirsasho la’aan ku eedeeyay DANAN radio, iney iyagu markasta yiraahdaan baddiiyaa Kenya laga iibsaday, taasoo runtii sharaf dhac aad u weyn ku ah in nin mas’uul dowladeed ah uu u warramo idaacad, marka uu dhamaado wareysigiisana, baananada la isugu yimaado hadal kale ka yiraahdo.

Maxamed Cumar Dhalxa waqtiga uu u waramayay barnaamijka Garqaad ee ka baxa Radio DANAN, wuxuu u muuqday mid ku qanacsan hanaan socodka asluubtu ku dheehantahay ee uu barnaamijku u socday, balse su’aalaha qaar la weydiiay Prof, ka ayaa loo maleynayaa inuu ku qanacsaneyn, isla markaana, maalintii xigtay wareysigiisan uu siiyay DANAN.

Si kastaba ha ahaayee arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili maalinti shalay aheyd loo dabaaldagay maalintii saxaafadda adduunka.

Hadalka ka fiirsasho la’aanta ah ee ka soo yeeray guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaan ayaa qeyb ka ah tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda madax banaan ee ka howl gasha gudaha dalka Soomaliya, iyagoo ku shaqeeya marxalado adag oo xitaa mararka qaar ay dhacdo iney naftooda ku waayaan, Dhegeyso (mp3) - ama (Halkaan ka dhageyso iyadoo maqal ah - Danan Radio)

ISHA: DANAN RADIO

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: