SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Waa Yaabee SomaliTalk Miyaa leh Badda Soomaaliya

  • W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Amiin Yuusuf KhasaaroAnigoo saaran Gaari Bas ayaa nin Odey ah oo ila saarnaa gaari wuxuu ii soo taagay salaan waana ka qaaday, wuxuuna igu yiri "Sow kama mid tihid Qoraayaasha website-ka SomaliTalk", waxaan u sheegay in aan ka mid ahay, wuxuu hadalkiisa ku daray " Ninyahow waan yaabahanaye", markuu hadalkaasi ka soo baxay ayaan weydiiyey waxaa ka yaabiyey, wuxuuna iigu jawaabay "Waa sheeko dheer oo u baahan Fadhi", isla markiiba Baskii ayaan ka degnay, waxaana fariisanay Baar nagu dhawaa, waxaan dalbanay Shaah, waxaana weydiiyey in uu ii sharaxo waxa ka yaabiyey, wuxuu ii sheegay in uu ka mid yahay dadka sida aadka ah u akhrista webka SomaliTalk, gaar ahaan qoraalada la xiriira Badda Soomaaliya, waxaana weydiiyey xiliga uu bilaabay akhrinta webkaan, wuxuu ii sheegay in uu mudo la socday Qoraaladda ku saabsan arrimaha Badda Soomaaliya, markaas kadib waxaa ka codsatay in si hoose u faahfaahiyo waxa ka yaabiyey oo uu ku arkay webka SomaliTalk, wuxuu yiri "Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihin Boqolaal Website, idaacado fara badan, Wargeysyo iyo kuwa Muuqaal ah sidaasi darteed waxaa iga yaabiyey sababta SomaliTalk keliya u difaaceyso Badda Soomaaliya".

Intii aan wada fadhinay ayuu dhowr Maahmaahood igu tuuray oo ka mid ahaayeen "Gacmo Wadajir ah ayay wax ku Gooyaan", "Quraanjo uruurtay Bulac waa jiidaa", "Far Keliya Fool ma Dhaqdo", wuxuu sheegay in waxaas oo maahmaah in tay tilmaamayaan sida ay u wanaagsan tahay in marka hawl la qabanyo si wadajir ah loo qabto sidaa Darteed, marka dhowr arrimood la fiiriyo gaar ahaan Diintaada Dhulkaada, Baddaada, Dadkaada haddii lagu soo xadgudbo waa in si wadajir ah looga hor tagaa ee ma ahan in la yiraahdo qolo heblaayaa loo xilsaaray.

Odeygii ayaa isaga oo qiireysan wuxuu yiri "Arrimahaas oo dhan waxaa iga keenay in marka aan booqdo webka SomaliTalk waxaana ka akhristaa Boqolaal warbixin oo dhamaantood ku saabsan Badda Soomaaliya isla markaana lagu difaacayo, marka waxaan isweydiiyey Warbaahintii kale ee Soomaaliyeed halkee mareen miyeysan Badda, Dhulka, Diinta wax ku laheyn, waa maxay sababta ay uga gaabsanayaan in ay ka hadlayaan Duulaanka lagu soo qaaday kheyraadkii Badda Soomaaliyeed iyo waliba iyadoo haatan la doonayo in la goosto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya oo ay soo hunguriyeeyeen Dowlado horey Soomaaliya uga haystay Dhul, waxayna ujeedadoodu tahay in ay na hilmaansiiyaan Dhulkii Soomaaliyeed ee ay horey u haysteen, marka waxaana leeyahay Warbaahinta Soomaaliyeed fadhiga ka kaca"

"Waxaan soo jeedin lahaa in Qorayaasha Web-ka SomaliTalk waa in la Gudoonsiiyaan Abaal marin Caalami ah waayo waxaan maqlanaa iyadoo Abaal marin Caalami ah la Gudoonsiinayo Dadka Difaaca Deegaanka , Dhulka iyo Khayraadka marka SomaliTalk Xaq bay u leedahay in Abaal marin Noocaas ah la Gudoonsiiyo waayo waxay Hore u Difaacdey isku daygii Hore ee la doonayey in Badda Soomaaliya lagu dhaco waxaa sidoo kale Bahda SomaliTalk aan leeyahay waa Waajib Diini ah in aad Difaacdaan Baddeena halkaa ka sii wada Howshaas aad isku Xilsaarteen" ayuu yiri Odeygaas .

3-dii April 2009 ayaa Dowladdii xiligaasi jirtay wuxuu webka SomaliTalk soo gaarsiiyey qoraalo loogu digayo heshiis la sheegay in Dowladda Federaalka ay la galeyso Dowladda Kenya kaas oo loogu yeeray heshiiskii afgarad ee Badda Soomaaliya, waxaana heshiiskaas oo saxiixiisa ka dhiman yahay mudo afar maalmood ay SomaliTalk baahisay Dukumenti si cad u qeexaya haddii ay Dowladda Federaalka ku Meel Gaar ah ee Soomaaliya gasho heshiiskaasi waxyaabaha Soomaaliya ku weyn karto, hase yeeshee qoraalkaas dheg jalaq looma siin, waxaana 7-dii April dhacay heshiis ku sheegii Soomaaliya iyo Kenya ee Badda.

SomaliTalk kama aysan seexan oo halkeedii ayay ka sii waday qaylo dhaantii iyo dagaalkii ay ku haysay Qawleystayaasha Badda Soomaaliya, waxaana mar kale qoraalo loo qaybiyey Baarlamaanka Soomaaliya taasina waxay soo dedejisay in Baarlamaanka Soomaaliya ka soo horjeesto heshiiskaasi, kuna tilmaamay mid lagu iibsanayo qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya. Warankaas xoogga leh ee lala maaganaa Soomaaliya gaar ahaan Badda waa laga badbaaday balse hadda ayaa mar kale la soo cusbooneysiiyey in qayb ka mid ah Badda Soomaaliya loo saxiixo Kenya, waxaana lagu wadaa in heshiiskaasi dhaco 19-ka December ee sanadkaan, waxaana la doonayaa in wax laga bedelo sharcigii Badda Soomaaliya ee la dejiyey 1972-dii. Haddaba haddii aan nahay Bahda Warbaahinta Dalka waxaa naga saaran waajibaad isla markaana Difaaca dalka ma ahan in hub la qaato oo keliya, laakiin waxaa loo baahan yahay si walba loo dagaalamo gaar ahaan haddaan nahay warbaahinta qaybaheeda kala duwan waxaa waajib nagu ah in aan Afka, Qoraalka iyo Muuqaalba ku dagaalano maadaama waxa la soo hungureeyey ay yihiin wax ummadda Soomaaliyeed ka wada dhexeeyo oo aan marnaba gorgortan keli Karin isla markaana aysan difaaci Karin qolo keliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2011

Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM.

Xeerka Badaha Adduunka

Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982, waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60 dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.

Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia, Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland, United Arab Emirates, United States.

Dalalka aan xitaa saxiixin,  oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste, Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: