SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SoomaaliYA

Boobka badda Soomaaliya sideen uga badbaadnaa?!!

Sheekh Cali WajiisWaxaan shaki leheyn in dhibaatada Soomaaliya ey ka danbeyso quwado shisheeye oo wadankan dabin u dhigaayay lagasoo bilaabo madaxbanaanidiisii 1960 ilaa xiligaan, balsa markastaba loo gelinaayay shaar siyaasadeed oo munaasab u ah xiligaas siyaasadda jirta.

Waxaan tusaalayaal usoo qaadan karnaa arimahaan soo socda oo kulligood tusaala u ah neceybka reer galbeed iyo Adnaabtoodu u haayaan wadankaan.

-- Diidmadii ey diideen wadamada reer galbeedku dhismihii ciidaanka xoogga dalka Soomaaliyeed xiligii xuriyadda oo ku amray dowladdii aadan cabdulle cusmaan Allaha u naxariistee iney ruushka aaddo oo lasoo saxiixato hesshiiskii meleteri ee uu fuliyay janaraal maxamad siyaad barre raxma allaha siyee.

-- Burburintii ciidankii qaran ee Soomaaliyeed 1978 markii gaashaanbuurtii NETO iyo WAARSO isku raaceen in Soomaaliya meel loogasoo wada jeesto si loo burburiyo ciidanka xoogga badan ee Soomaaliya loona ilaaliyo dowladda masiixigaa ee xabashida.

-- Rididdii xukuumaddii qaran iyo taageeradii jabhadihii SNM,SSDF,USC,iyo kuwa kale oo ku guuleestay iyagoo adeegsanaaya qabiil iney ku yaacaan dowladdii qaran ee liidatay kana eriyaan wadanka bilowgii 1991.

-- Diidmadii laga hor istaagay jabhadihii iney is afgartaan iyagoo ku daba feylay adeegsadayna xukumaadda ethiopia oo janais weyn u aragtay burburka Soomaaliya iyadoo mareykanka iyo yurub ey si cad ugu wareejiyeen arinta soomalaiya wadanka ethoipia ee cadawga Soomaaliyeed ee taariikhigaa ah.

--- Hagardaameynta Soomaaliya oo loo sameestay ururo badan oo haddana aan waxba iney u qabtaan Soomaaliya aan rabin balsa ku qaraabta qadiyadda wadankaan nasiibdaradu uga dhacaday cadawgiisa iyo dadkiisaba si isku mid ah sidii IGAD,ICG,EU, CA iyo kuwa badan ee kale oo ku qaraabta magaca Soomaaliyeed kuna lacageestay.

Haddaba maxaa weerarka loogu yahay biyaha Soomaaliya iyo badda Soomaaliyeed loona rabaa in la boobo inkabadan 180% biyihii umadda soomaliyeed xaqa u leheed iyadoo la doonaayo in 200 Nowtikal mile lagasoo reebo 12 nowtikal mile kaliya 188na leeska boobo oo la caddeeyay iney tahay mandiqadaasu tan ugu kaluunka badan aduunka iyo iney tahay meesha ugu shidaalka badan badweynta hindiya.

Haddaba waxaa la doonaayaa in klagala wareego Soomaaliya oo ey noqoto soona aan ciduna sheegan si markaas magaca UN ka loogula wareego kadibna loo boobo kheyraadkeeda badda amaba loogu wareejiyo kenya si markaas loo wada aboobo kheyraadkaas.

Haddaba sidee looga hortegikaraa boobkaan iska cad ee ladamacsanyahay in Soomaaliya lagu qaato kan ugu weyn kheyraadkeeda dabiiciga ee alla ku maneestay iyadoo laga faa,iideysanaayo kala daadka iyo bur burka wadanka Soomaaliya ku jirto?

Waxaa loo baahanyahay si loo fashiliyo mashruucaas khiyaano arimahaan:-

1- In la daba galo DOC. la haayo lana hubiyo in khiyaanadaan qaran cid Soomaaliya ah ey lug ku leedahay oo ka tirsaneed dowladda sh shariif oo taariikhdaas mugdigaa iyo nasiibdaradaas umaddeeda kula kacday haddey sax noqoto in cid xukuumadda kamida ey ka danbeysay.

2- In markii la hubiyo loo aqoonsado ciddii saxiixday iyo ciddii la ogeedba iney yihiin khaa,inul wadanno maxkamadna loo diyaariyo iyagoo ku muteysan doona arinkaas ciqaab aad u adag iyo magac darro taariikhda u gasha intaba loogana baahanyahay madaxda qaranku iney warcad kasoo saaraan arinkaan murugada leh.

Somalia map3- In baarlamaanka Soomaaliya shir deg dega ka yeesho arinkaan kanasoo saaro go,aanno diidmo cad ah oo uu ku caddeynaayo in eysan jirin cid ka tanaasulikarta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed heshiiskii xadidaayay biyaha Soomaaliyana ee 10/9/1972 diina uu yahay kan sharcigaa wax is bedel ahna aan lagu sameyn karin marnaba.

4- In shacabka soomaalyeed hurdada ka kaco ogaadana in wadankaan baddiisa iyo barigiisaba la doonaayo in maxmiyad la geliyo ugu danbeynna waxa lagu sheego beesha caalamka oo burcadda ah la doonaayo in gacanta laga geliyo sidii laybeeriya loo galay oo kale dowlad yar oo aan qiimo leheyn oo hantida Soomaaliyeed ee dabiicigaa marba mid laga saxiixdana loo sameesto oo ka amar qaadata tuugadaas.

5- In madaxweynuhu hadduu wadankaan dan ka leeyahay uu ka dalbado dowlada TURKIGA ciidamo gaaraaya ugu yaraan 10.000 oo la wareega biyaha Soomaaliya kana ilaaliya burcadda caalamigaa iyo tan yar yarba marnabana uusan naf ka raadin africaankaan iyagu doonaaya ineyba wadankaan iska googoostaan marka danbana maxmiyad geliyaan iyo reergalbeedkaan cadawnimada Soomaaliya dilatay oo weligeenba tan iyo xuriyadeynii aan wax la taaban karo aan nala qaban iney na baab,yaan maahine.

6- In umaddu siiba aqoonyahanka Soomaaliyeed ineysan wax badan ka sugin waxacaalamka lagu sheego iyo kuwa kuraastu indha tirtay oo aan wax dana ka leheyn umaddaan ee ey is abaabulaan sameestaanna xisbiyo siyaasadeed iyo warbaahin xur ah oo ey ka difaacaan qadiyaddooda iyo iney arintaan il gaara ku haayaan baaritaanna loogula dhaqaaqo.

7- In wasiirkii hore ee kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr maxamuud macalin xasan uu caddeeyo waxa uu ka ogyahay arintaan iskana beri yeelo waxa lagu tuhmay ee saxaafadda ku qoran amaba qirto inuu saxiixay oo uu ku dhacay khiyaano qaran balsa ey taas kasii xuntahay inuu umadda ka qariyo xaqiiqada asagoo magaca umadda ku haayay xilkaas qaran.

8- Ugu danbeyntii waa in umaddu ogaato in arintaan oo aad u muruga leh rag aqoonyahan sar asre ah oo weliba qaarkood ku takhasuseen kheyraadka badda Soomaaliyeed ey ka hadleen sidii Prof. faarax axmad cumar QAREoo ah admiraalka ciidanka badda ahna ninka ugu aqoonta badan Soomaaliya baddeeda maadaama uu ku qaatay takhasus  PHD ah kheyraadka badda Soomaaliyeed janaraalka oo aad u caddeeyay dhagarta lala damacsanyahay badda Soomaaliya iyo Prof. yaxya sh caamir sh ibraahim sh maxamuud oo ah dhaqaala yahan sare ahna ninkii aqoonyahanka ahaay ee ugu horeeyey ee kashifay in shirkii muqdisho ee ugu danbeeyay ujeedada loo qabtayba ey ka mid eheed in laga saxiixo madaxda qaranka arinkaan boobka badda ah,haddaba waa in dadaalkaas lasii lama jibaaraa aadna looga dhiidhiyaa boobka qaawan ee xaaraantaa ee lagu bilaabay qarankii Soomaaliyeed baddiisii barigina leesu diyaarinaayo in lala wareego.

Ilaahey waxaan ka baryeynaa inuu qaran caafimaad qaba iyo dad qadiyadda umadda ilaaliya uu noo sahlo kuwa boobka ku wada wadankeenana naga qabto aamiin.


Walaalkiin Sheekh Cali Wajiis

Walaal wixii tusaaleyn ah amaba ku derid ah fadlan kusoo dir caliwajiis@hotmail.com
Amaba telka ah 00966564710343 KSA.

MAHADSANAIDIIN

___________________________________

Maxamuud Axmed Xasan
Mob: +2526-15573321-+252-699-995088
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | September 30, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: