SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in 5 kamid ah Madaxda Sare ee DFKMG ay saxiixeen Badda Soomaaliya...

Roadmap-ka waxaa Nairobi ku soo qoray Xafiiska UNPOS, kuna iman rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.

Xubno katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in shan (5) ka mid ah oo madaxda Dawladda Kumeel gaarka ee Soomaaliya ay saxiixeen badda Soomaaliyeed, oo ay hayaan magacyadooda, waqtiga ku haboona la faafin doono.

Waxayna xildhibaanadu intaas raaciyeen in ujeedada loo doonayo in dastuurka Soomaaliya degdeg loogu sameeyo ay tahay in saxiixaasi la dhaqan geliyo ee aan loo dan lahayn in Soomaaliya nabad ka dhacdo, balse la doonayo in la xaqiiqsado saxiixii badda Soomaaliyeed lagula wareegi lahaa la meel mariyo ayadoo loogu soo gabanayo in xukuumadda laga saarayo Kumeelgaarka iyo qorshaha Roadmap-ka.

Waraysiga Dhegeyso: Qaybta 1aad iyo Qaybta 2aad

Xildhibaanada oo waraysi dheer siiyeyey Ururka Wadaniga Soomaaliyeed ayaa waxay ka hadleen in madaxda sare ee DFKMG ay garab mareen axdiga u deggan Soomaaliya, ayagoo axdiga ka hor mariyey waxa loo yaqaan Kampala Accord iyo Roadmap-ka.

Waxaana xildhibaanadu sheegeen in Roadmap-ka lagu soo qoray Nairobi, gaar ahaana in lagu soo sameeyey oo lagu soo diyaariyey xafiiska UNPOS ee Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya ee Nairobi. Waxayna hadalka ku adkeeyeen in Roadmap-ku uusan ku iman rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ka qayb qaatay waraysiga waa:

1) Xildhibaan Dr. Moxamed Sheegow -Garyaqaan-
2) Xildhibaan Dr. Cali Ismaaciil Cabdi -Garyaqaan-
3) Xildhibaan Dr. Aadan Saciid -Garyaqaan-

Waxa kale oo ka qayb qaatay Bashir Shekh Maxamed oo ah dublomaasi Soomaaliyeed oo si aad uga hadla arrimaha shidaalka iyo badda Soomaaliya.

Waxaana waraysiga qaaday Cabdullahi Jamac iyo Zahra Cabdi oo ka tirsan ururka Wadaniga Soomaaliyeed.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinay Wareeysiugii URURKA WADANIYIINTA SOOMAALIYEED (SYL) la yeeshay saddex Garyaqaan oo ka tirsa Xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliyeed oo kala ah Xildhibaan Dr. Moxamed Sheegow,  Xildhibaan Dr. Cali Ismaaciil Cabdi , iyo Xildhibaan Dr. Aadan Saciid.

Waxaan kaloo rabaa in aan Ummadda soomaaliyeed u raaciyo dhambaalkan hoos ku qoran:-

Waxaannu la wada soconnaa in Aagga Block L5 aay Kenya gudaha u soo gashay Dhul-Badeedka Jamhuriyadda Soomaaliya.
http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac60.html

Waxaan kaloo la wada soconnaa in aay Kenya heshiis kula gashay (Oil and gas firm Cove Energy and its partners Anadarko Kenya and Dynamic Global Advisers Kenya,) ayadoo BLOCK L5 loo xilsaaray Shirkadda Anadarko in aay shiidaalka ka qoddo sanadkan hadda billowday 2012 sida ku cad halkan hoose.
http://www.gulfoilandgas.com/webpro1/MAIN/Mainnews.asp?id=17208 

http://explorationanddevelopment.energy-business-review.com/news/cove-energy-anadarko-dga-complete-farm-out-deal-with-total-in-kenya-071011 

Waxaan kaloo arkeynaa in aay Keenya caddeysatay boobka oo heshiisyo aan qarsooneen kula gashay Shirkadiha batroolka usoo saaraya.

Yaa u maqan Ummadda Soomaaliyeed? Yaa runta u sheegaya Kenya iyo Shirkadahaan xowliga ku socda oo sida ugu dhaqso badan raba in aay howsha soo saaritaanka u gudagalaan?

Ma waxaa la dhowrayaa goorta aay surtaan riigagga?

Haddaba waxaad ogaataan in markii aay riigagga surtaan aay difaac adag sameeysandoonaan, oo goobtaas riigagga suran aay noqondoonaan meelo aay xattaa shimbirtu soo kormarikarin iskaba daa doon iyo markab iyo dayaarad. Ma markaas baa Ummadda Soomaaliyeed waxaay sameen doonaan banaanbax iyo qeylo dhaan iyo calaacal?

http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac1.html
http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html

Walaalayaal, aan usoo wada jeesanno in aan baddayadii ka difaacanno Shirkadahaan aay Keenya heshiiska la wada gashay oo runta aan hadda u sheegno inta goori goor tahay in :- Aagga Block L5 aay Kenya gudaha u soo gashay Dhul-Badeedka Jamhuriyadda Soomaaliya. Hadda inta aaysan riigagga rakibannin aan runta u sheegno.

Si gaar ah waxaan qaylodhaan ugu dirayaa dadka aqoonta iyo waxqabadka leh oo hubaal ah haddii aay E-mailyo u diraan shirkadahaas iyo hay-adaha caalamiga in aay arrinta badbaadada badda soomaaliya aay bilow noqoneyso.

Gabo gabo:- Walaalayaal, cid iyo ciidan aan sugno lama hayo, aan gacmaha is qabsanno oo hal meelna aan uga soo wada jeesanno cadowgaan boobka ku haya dhul badeedkeenna.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2012

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: