SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Somaalida Caqliga Dhuuban

"Caano Qubtay Dabadoodaa la qabtaa, ee waxaa Haboon in 13-ka May ka hor laga hor tago arrintaasi".

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda cusub ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis (is-afgarad) dhanka badda ah la saxiixatay Dowladda Kenya, heshiiskaas oo dhigayay in qayb ka mid ah badda Soomaaliya Dolwadda Kenya muran galisay, ayaa waxa uu dhaliyey qaylo dhaan ka kala imaanayay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, waxayna ku tilmaameen in heshiiskaasi uu yahay mid lagu boobayo badda iyo berriga Soomaaliya. Haddaba dadka muhiimka ah ee waxka yiri arrintaasi waxaa ka mid ah Abwaan Maxamuud Warsame Faarax (Bad-Maceeye) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Dowladdii uu C/qaasim Salaad Madaxweynaha ka ahaa.

"Arrintani mid loo dul qaadan karo ma ahan, sababtoo ah haddaan nahay ummadda Soomaaliyeed waxayna ku waayi karnaa Dhul ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo waliba badda iyo khayraad fara badan oo ku jira dhulkaasi oo manaafacaad badan ugu fadhiya Soomaaliya, Dowladduna ma ahan mid haatan saxiixi karta ama sharciyad u haysata in ay heshiisyada noocaas ah gasho, waayo Dowladdu ma ahan mid shacabku ay soo doorteen balse waa mid loogu talagalay in ay dalka u diyaariso qabashada doorashooyin xor ah, arrinta noocaas ah ee Dowladdu ku talaabsatayna waxaa sababi kartaa in la galo dambi khayaano Qaran" ayuu yiri Abwaan bad-maceeye oo intaa ku daray "caano qubtay dabadoodaa la qabtaa, ee waxaa haboon in 13-ka May ka hor laga hor tago arrintaasi".

Abwaanka ayaa tix gaaban oo gabay ah ku cabiray ra'yigiisa iyo sida ay maanta wax ula muuqdaan, waxa uuna yiri:

  1. Taariikhda dhigan ee dhigneyd dhaxalka ay reebtay.
  2. Dhoosaalligii falani waa dhabar wareemaaye.
  3. Hashayada dhaqaaq-joogasadaay dhalanka loo uumay.
  4. Dhukaaniyo haddaan cudur ku dhicin Kudiyo Geel dhaame.
  5. Dhisaneey dhadhaabiyo ka adag dhagax dixeedkiiye.
  6. Dhaqdhaq dhooba ceeliyo hadday dhanaq biyood weydo.
  7. Hawd abaartu dhaaciratay bay dhacarataa Goode.
  8. Dhimbilaha xagaagiyo hanfiga dhacaya jiilaalka.
  9. Dameeraho dhashii diiday bay godolka dhiiqdaaye.
  10. Mageydada dhawaan curatayoo farowgu dheeg saaray.
  11. Dhengediyo ushuu uga turaa kureyga dheelmaaye.
  12. Markii dhacanta laga soo rogoo Dhebi la haaneedo.
  13. Dhakal buuxiyaay caanihii laga dhamaa dheefe.
  14. Markuu dhool gu' da'o bay haddana dhogor samaataaye.
  15. Dhudhun caws bixiyo dhira caleen ubax dhalaal weyn leh.
  16. Dhabta ciida hooyiyo hurdada dhereg macaankeeda.
  17. Dhadhabkiyo hawaawiga markaan qarow ku dheeraaney.
  18. Dhulkayagi la boobiyo dadkii cadowga loo dhiibay.
  19. Kuwii kala dhanbalay baa haddeer dhuraya beentiiye.
  20. Somaalida caqliga dhuuban iyo dhimirka naafoobay.
  21. Sidii loogu dheygagay markay jabisey dhiilkeeda.
  22. Dhakafaariyaay uunku waa dhabana haystaaye.
  23. Dabadhilifka hiinraagayoo dhagar walaahoobay.
  24. Dhafar adag haddii lagu xirxiro ama la dhaad-gooyo.
  25. Dhutinmaayo oo orodka waa dhababeceeyaaye.
  26. IBBI wuxu dhimiyo wuxu dhunshiyo wuxu ku dheeldheelay.
  27. Sidii looga dhaadhicin lahaa Shacabka dhiileysan.
  28. Cabiriyo dhudhumin bay rabtaa dhamacda hoos taale.
  29. Bahdii dhagarta loo daadayayeey Dhebi hanaankeeda.
  30. Markaad keli u dhaaransateen dhigay warkiiniiyie.
  31. Badda dheemantii iyo Batrool wixii dhex ceegaagey.
  32. Kuwii dhiibayoow dalan dhiciyo gurasha dhaameelka.
  33. Markuu dhayla-dubadkii gacmaha idin dhamaajeeyey.
  34. Haddaad dhowr malyuun kala xaddeen dhimira gaabnooyin.
  35. Taariikhda dhigan ee dhigneyd dhaxalka ay reebtay.
  36. Idinkoon dhadhamin iga wallay dib u dhanaanaane.
  37. Hashiyoo sidkeedii dhanyahay dhaysna kiciweyday.
  38. Sidii dhuugga goortaad jaqdeen carunka dhiigeeda.
  39. Intad dhabaqdanteen sida tukaha dhacaya guudkeeda.
  40. Dhuunyeeriskii baad hilbaha wada dhaguugteene.
  41. Dhuunyeeriskii baad hilbaha wada dhaguugteen.

Abwaan Maxamuud Warsame Faarax (Bad-Maceeye)

____________________________
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: