Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska
Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo
Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro
- SomaliTalk.com | November 6, 2009
Xog laga soo xigtey saraakiisha Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee
xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay (QM), Axmed Walad Cabdalla,
ayaa sheegaysa in heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda uusan
khasab ku ahayn in Soomaaliya ay saxiixdo "Arrintaan (heshiiska
is-afgarad) waxaa Soomaalidu dhehi kareen hadda ma samayn karro, oo
malaayiin hawlood oo kale ayaa nooyaal, ee soo laabta shan sano
kaddib," sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan xafiiska Walad
Cabdalla.
Xafiiska Walad Cabdalla, oo sida ku cad qoraalkii ay DFKMG u
gudbisay QM, ka qayb qaatay gudbinta akhbaartii ay Soomaaliya u
gudbisay QM, ayaa qirsan in aysan Soomaalida khasab ku ahayn in ay
Kenya la galaan heshiis Is-fagarad ku saabsan xuduudaha Badda.
Markii la weydiiyey sababta ay Norway ugu dhex jirto arrimaha la
xiriira heshiiska Is-afgarad ee badda Soomaaliya iyo Kenya, waxa
sarkaalka Xafiiska Axmed Walad Cabdalla ku jawaabay:
"Waxaan u malaynayaa in (Norway) ay doonayaan.... waxaan u
malaynayaa in ay rabaan qalfoofka qaaradda... Waxaan u malaynayaa in
ay doonayaan isku day in dalalka Afrika oo dhan ay cabbir sugan u
sameeyaan xeebahooda ee qalfoofka qaaradda, kaddib markaa ay
(Norway) awood u yeelato in ay Shidaal ka qoddo, sababtoo ah haddii
aan cabbirka xadka la aqoon ma qodi karaan, marka xuduudaha la
cabiro ayey shidaal ka baari karaan."
Markii la weydiiyey su'aal ahayd: Maadaama Soomaaliya aysan hadda
haysan khubaro, isla markaasna ay Qarammada Midoobay arrimahaas
fahmi karaan, miyaan la oran kari arrintan waxaa masuuliyad ka
saaran tahay Qarammada Midoobay. Waxa markaas sarkaalka xafiiska
Walad Cabdalla ku jawaabay: "Laakiin arrintani waxay khusaysaa
Soomaalida iyaga ayaana leh go'aanka iyo waxa arrinta laga dhehayo."
Markaas ayaa la weydiiyay: Waad ogtihiin waa sababta xafiiskiinu u
jiro (in QM ay Soomaaliya wax u qabato). Waxa sarkaalka xafiiska
Walad Cabdalla ku jawaabay: "Laakiin waxa xafiisku u jiraa - oo aan
samayn karnaa - in aan ahaano broker (lataliye, dallaal, ukala
dabqaade)... idiinma sheegeyno waxaad samayn lahaydeen. Soomaalida
shardi kuma ahayn, mana jirto cid ku khasabtay (in ay saxiixdo
heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo
Kenya). Arrintaan (heshiiska is-afgarad) waxaa Soomaalidu dhehi
kareen hadda ma samayn karro, oo malaayiin hawlood oo kale ayaa
nooyaal, ee soo laabta shan sano kaddib."
Markii la xasuusiyey in C/laahi Yuusuf uu dhahay sidaas (in hadda
Soomaaliya aysan gelayn heshiiskaas), waxaa
sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: "Haa... mana ogi
hadda sababta (ay DFKMG ee hadda) u sameeyeen arrintan. Waxaan u
malaynayaa in aysanba markaas fahamsanayn arrinta. Ma ogi waxa
meesha ku qarsoon.
Markii loo sheegay fikradda ay rumaysan yihiin jaaliyadda
Soomaaliyeed in ay tahay in idinku (Xafiiska Walad Cabdalla) uu
masuul ka yahay waxa dhacay? Waxaa sarkaalka ka tirsan xafiiska
Walad Cabdalla ku jawaabay: "Waa ognahay in qof kasta uu annaga na
eedaynayo..." Markaas ayaa la weydiiyay in arrintan laga hadlayo ay
tahay go'aan weyn oo ku saabsan muran dhul iyo muran badeed, isla
markaasna la xasuusiyey in arrintaas ay Qarammada Midoobay indhaha
ka dadbatay. Waxaa xafiiska Axmed Walad Cabdalla ku jawaabay "ma ogi
in QM ay xallin karto muranka dhulka...."
Marar badan ayaa DFKMG waxay ku andacootey in ay khasab ku ahayd in
ay Kenya la saxiixato heshiis Is-faham ee la xiriira xuduudda badda,
si markaas ay xogta ugu gudbisato QM, arrintaas in aan waxba ka
jirin ayadoo hore ay shacabka Soomaaliyeed u ogaayeen ayaa haddana
waxaa si qeexan u caddeeyay sarkaalka ka tirsan Xafiiska Walad
Cabdalla.
Waxaana xusid mudan in Walad Cabdalla uu ahaa kii bilaabay
ururinta xogta ay Soomaalidu u gudbisay QM, sida ku cad qormada
hordhaca ah ee DFKMG u gudbisay UN April 14, 2009.
Bogga 3aad ee qoraalkaas waxaa ku qoran: "October 2008
ayaa ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya,
Axmed Walad Cabdalla, ayaa lahaa bilawga akhbaarta hordhaca ah ee
muujinaysa qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya wixii ka durugsan 200
mayl badeed."
Sidoo kale, sida
uu sheegay Raysul wasaare Cumar C/rashiid ka sheegay London, Walad
Cabdalla iyo Khabiir kale ayaa markii ladoortay Dowlada FKMG ee lagu
shiday Jabuuti tagay Muqdisho oo ku qanciyey talaabooyinka ay qaaday.
"Arrintaas horta waxay ku timid aasaaskeeda anagoo joogna ayaa waxaa
noo yimid UN-ka ninka haysta Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah
arrimaha badda...." ayuu yiri Cumar C/rashiid oo October 28, 2009.
Xafiiskii (QM) ee lahaa asaaska heshiiskaas Is-afgarad ayaa hadda qirsan in
aysanba markii hore DFKMG khasab ku ahayn in ay Is-afgaradkaas la
gasho Kenya.
Maxaad kala socotaa taariikhda xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya:
Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha
Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa
madax xilligan ka ah Axmed Walad Cabdalla. Haddaba waxaan si kooban u
guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo
qabatay iyo shaqada xafiiskaas.
Xoghayahii
Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1,
1992)
Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru,
ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti
xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah
ee ka jirtay Soomaaliya.
Waftigaas waxaa hoggaaminayey
James
O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone.
Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la
tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay
Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.
Xoghayahii
Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January
1997)
Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar,
ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee
Soomaaliya u
magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka
Algeria. Waa xilligii
UNOSOM I (April 1992 - March 1993). Laakiin October
26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib,
sida la sheegay, markii
khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.
Markaas
ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992
Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T.
Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu
ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay
UNOSOM II (March 1993 - March 1995) iyo xilligii hawlgalkii
UNITAF
ee "raja soo celinta Soomaaliya" (December 5, 1992 ilaa
May 4, 1993).
March
9, 1993 ayaa Admiral Jonathan T. Howe, oo u
dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee
Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas
hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.
Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee
Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii
qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo
dhashay dalka Guinea.
July
1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay,
Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u
magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).
March 1995 markii ay ciidamadii
UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada
Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan
xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin
Muqdisho.
Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan
arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay
United Nations Political
Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi
loogu talo galay "Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo
hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya."
Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid
siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay
Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department
of Political Affairs).
Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada
Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la
xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa
warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha
Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid
siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo
hay'adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini'aadamino iyo ururada UN-ta ee
dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.
Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero
soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo
dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org)
xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada
Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.
Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo
maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay
Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.
November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga
Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u
dhashay Tanzania.
October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa
haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.
Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007)
Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana,
ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee
Soomaaliya u magacaabay
Winston A. Tubman oo u dhashay Liberia.
Waxana uu xilkaas hayey ilaa April 2005.
Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee
Soomaaliya
uu
May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall,
oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey
ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii
ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006
ilaa Janauary 15, 2009).
Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007)
Ban
Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean,
ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu
September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla
(Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka
Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa
xafiiska UNPOS.
Sida ku cad warbixinta hordhaca ah ee ka kooban
15-ka bog ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah ay
u gudbisatey April 14, 2009, taas oo qayb ka ah xogta
lagu lifaaqay heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda
ee April 7, 2009 magaalada Nairobi ku dhexmaray
xukuumadda FKMG iyo Kenya, waaxaa diyaarinta
(warbixintaas) ka qayb qaaday Ergeyga Gaarka ah ee
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan
Soomaaliya. (Eeg
Bogga UN). Sidoo kale, sida kor ku xusan, ra'iisul
wasaaraha DFKMG ayaa caddeeyey in asaaska heshiiska
is-faham uu lahaa Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan
Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed waxay si xoog leh uga soo
horjeesteen Heshiiska Is-faham ee dhexmaray DFKMG iyo
Kenya. Hadda xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee QM
waxa uu qirsan yahay in
Heshiiskaas uusan markii horeba khasab ku ahayn DFKMG in
ay gasho.
Baarlamaanka DFKMG ayaa heshiiskaas is-fahamka waxa uu ka
dhigay waxba kama jiraan. Taas oo jirta ayaa xubno sare
oo ka tirsan xukuumadda FKMG ay ku adkaysanayaan
heshiiskaas. Waxaana muuqata in xukuumaddu aysan
diidmadii heshiiska ee Baarlamaanka u gudbin Qarammada
Midoobay qaybta u qaabilsan xadaynta badaha.
Maxaa hadda la gudboon DFKMG.. Akhri warbixintii hore,
gaar ahaan:
Maxaytahay Talaabooyinka hadda loo baahanyahay in si dag
dag ah loo qaado.
Isha qaar ka mid ah xogta iyo sawirada: UN.org, Wikipedia, Google images
MOU:
Tixraac bogga UN-ka
Faafin: SomaliTalk.com | November 6, 2009 |